Wax qabadkii Masaajidka
waa la arkay ee Mee kii Skuulku?
Shiikh Cabdiraxmaan M.
Jibriil
Jibriil1950@yahoo.com
Ummad walba nolosheedu
waxay ka soo jeedaa dhaqankeeda. Sida ay unnoolyihiin
iyo waxa ay qiimeeyaan waxay ka yimaadaan dhaqanka
ummadaas.
Arrin mawduucaas xiriir
la leh oo Soomaali qusaysa ayaan halkaan ku fiirinaynaa.
Masaajidka & Madrisada Quraanku waa shay xiriir qoto
dheer lalah dhaqanka Soomaaliyeed. Skuulka iyo Cilmiga
lagu barto waxay ahaayeen shay uu gumaysigu keenay isla
markaasna u dhiibay dawladii Soomaaliyeed.
In kasta oo mudadii
dawladu jirtay ay jireen skuulo iyo jaamacado ay
kharashkooda bixiso dawladu haddana ma aysan noqon shay
muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed, sida
Madrisada Quraanka iyo Masaajidku uga mid yihiin
dhaqanka Soomaaliyeed.
Taasi waxay keentay,
markii dawladii la waayay ama ay baaba’day in skuulkii
iyo waxii lagu baran jiray labaduba baaba’aan.
Madrisadii iyo Masaajidkii iyo wixii lagu baran jirayna
ay sii kordhaan. Waa shay ka mid ah ummada. Inta
ummadaas qof ka joogo waa jirayaan.
Kuma xirna xoolo, nabad
iyo wax kale midna. Waa caqiido dhaqan iyo diin u
noqotay ummada. Ma aha shay loo keenay oo ajnabi ah.
U fiirso sirtaas.
Skuulka waa loo baahanyahay. Cilmiga waa loo baahan
yahay. Caalamkaan waxaa lagu wadaa laguna noolyahay
cilmi iyo wax barasho skuul. Cid ka maaranta ama wax u
badala haysata ma jirto. Laakiin Soomaali sidaas ma aha.
Skuulku waa ajnabi. Marna kama midnoqon dhaqanka ummada
ee wuxuu ahaa marti la joogta.
Madrisada iyo
Masaajidku waxay noqdeen qayb wayn oo ummada dhaqankeeda
iyo caqiidadeeda ka mid ah. Sidaas daraadeed ummada ayaa
ka mas’uul ah. Dadka ayaa wadaya, dhisaya, maal galinaya.
Umana baahna dawlad iyo lacag dawladeed ama mucaawano
cidkale laga helo. Qof kasta gaarkiisa ayuu mas’uul uga
yahay. Rag iyo dumar yar iyo wayn qof walba xil ayaa ka
saran sidii uu u hirgalin lahaa Masaajidka iyo Madrisada.
Al-xamdu-lillaah. Waan
ku liibaanay ilaalinta iyo xifdinta Masaajidka iyo
Madrisada. Markii aan dawlad waynay, daryeel waynay,
cilmi skuul iyo caqli nakala celiya waynay, waxaan u
baxsanay Diintanadii iyo dhaqankanagii.
Wax kale oo dhan, kulay
kutahay shir nabadeed, waxaa loo baahan yahay dawlado
maal galiya iyo lacag lagu wado, taas oo laga sugayo
dawlado kale oo dangaar ah wata. Wali Masaajid iyo
Madriso mucaawano looma doonin ee dadka ayaa Alle ajri
uga raadsada.
Qofkasta oo Muslim ah
waa isku mid. Haddii masaajidka qof Soomaali ah dhiso
iyo haddii qof Carab ah dhiso waa isku mid. Waxay ka
simanyihiin Alle ayay ajri uga rabaan oo iyaga ayaa wax
doon ah.
Soomaali ma taqaan mana
ku baraarugin muhimada skuulka. Marna kama mid noqon
dhaqankooda ee wuxuu ahaa wax loo keenay oo ay ku
qaateen shaki iyo taxadar. Xattaa ardayda skuulka
dhiganaysa uma dhiganayn inay intifaacsadaan ama Alle
ajri uga helaan, ama uu yahay wax muhiim ah oo aan laga
maarmin ee waxay u dhiganayeen inay buuxiyaan shuruuda
la iska rabo marka shaqo loo baahdo, ama ay imtixaanka
ka jawaabaan.
Kadib markii dawlad
lawaayay, waxaa soo baxay ardaydii madrisada iyo
Masaajidka oo wax wayn qabtay. Tacliin, shaqo, ganacsi,
wax farid iyo wax reebid, ka shaqayn nabadeed iyo wixii
la mid ah.
Xattaa waxay isku
dayeen inay buuxiyaan kaalinta bannaan ee dawlada oo ay
qabtaan dalka oo dhan. Isku dayo badan oo ay ugu
danbaysay kii maxaakimta ayay sameeyeen.
Quwada ajnabi oo aan
Soomaali u naxayn dana kala hayn ayaa u diiday inay
dalkooda xukumaan ama ka taliyaa. Haddii Soomaali oo
dhan jahliga iyo aqoon yarida ka simantahay, wadaadadu
marwalba waxay dheeraayeen wanaag doon iyo wax islaaxin.
Yaa-kale oo markiiba
soo celin lahaa boolidii lakala boobay 17 sano ka hor.
Yaa kale oo markiiba amniga xaqiijin lahaa. Yaa kale oo
markiiba furi lahaa dakada iyo garoonka Muqdisho. Yaa
kale oo sifayn lahaa dagaal ooga yaashii Soomaaliya. Ka
sokow dag-dag iyo farsama xumo, mar walba wanaag doon
ayay ahaa yeen.
Su’aashu waxaa weeye
ardaydii skuulku meeye. Cilmigii iyo caqligii lacagta
badan iyo wakhtiga lagu bixiyay meeye. Kaalinta raga
skuulku xageebay aaday wakhtigii loo baahnaa oo wax
walba qasmeen?
Cilmiga iyo garshada
dheer ee caqliga ku dheehan ee dadka skuulku leeyihiin
ama ku faanaan maxay qiimo leeyihiin marka lagu fiiriyo
waxay u qabteen dalkooda iyo dadkooda. Kaliya waxay
sugayaan in dawladi timaado oo ay la soo baxaan
warqadihii skuulka markaasna la siiyo shaqo mushaar
badan ama ay ka turjumaan qof ajnabi ah oo ay luqadiisa
yaqaanaan.
Muhimada casharkaan waa
laba shay:
- Ummad waxaa wax u
tara wax ay rumaysantahay oo dhaqankeeda ka mid ah
oo ay iyadu daryeesho oo xil iska saarto, sida
Soomaali xil isaga saartay Masaajidka iyo Madrisada
quraanka.
- Qiimaha iyo wax
qabadka qofku ma aha waxa uu yaqaan iyo inta uu
cilmi leeyahay ee waa iimaanka iyo quwada xammaasada
ee uu u hayo arrin ama mabda.
Cilmiga iyo
dawladnimadu ma noqonayaan wax ka hirgala Soomaaliya
ilaa ay Soomaaliyi fahamto muhimada ay u leeyihiin
arrimahaasi oo ay ka mid noqoto dhaqan kooda isla
markaasna ay iyagu daryeelaan.
Dawladnimada iyo qaabka
dawladeed ee la isku xukumo ummadaha kale waxay u yihiin
wax muhim ah oo ka mid ah dhaqankooda iyo noloshooda
mana heli karaa qaab nololeed oo kale. Sidaas daraadeed
daacad ayay u yihiin dawlada iyo nidaamka dawladnimo.
Waana taas mida kamaqan Soomaali.
Waxaan u baahanahay oo
aynaan marna ka maarmin inay dhaqankeena hakamid noqoto
Dawladnimada iyo wax barashadu, sida Masaajidka iyo
Madrisadu uga mid yihiin.
Shiikh Cabdiraxmaan M.
Jibriil
Jibriil1950@yahoo.com