SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Bali Doogle Iyo ayaan darro 
 

W Q : Xasan Xaaji Yuusf
Email : hasanhaji@hotmail.com

Al_Madiinah Al_Munawarah

Tr: 26/2/1428H = 16/3/2007 

Hor u dhac :  

      Bali doogle waa xero ka mid ah xerooyinka ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed waxayna ku taal wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka muqdisho iyo baydhabo iyadoo isla markaana u jirta caasimaddenna soomaaliyeed 100 km . 

Tilmaan :  
 

      Bali doogle waa meel aanan siin Karayn xaqeeda haddii aan isku dayo in aan tilmaan ka bixiyo balse waxaan ku dadaalayaa in aan idiin soo dhaweeyo tilmaanteeda . waagii aan caruurta ahayn ee aan ku jirnay wax barashada xilliyada aan fasaxa leennahay waxaan tagi jirnay xeradaas oo u jirtay magaalada aan ku dhashay kuna barbaaray ( wanla wayn ) 9 km waxaanna halkaas ku arki jirnay wax naftu ku raaxaysato xagga quruxda iyo xagga ciidanka intaba . 

A) Dhanka Quruxda : 

      Xerada Bali doogle waxay ku taal dhul ciiddiisu ay guduudan tahay geedo iyo daaq badanna leh udgoon iyo miro badanna leh waxaan ku arki jirnay meelo aan ka fogeen xeradaas xoolo dhaqato degan oo ay ka muuqato in ay ku qanacsan yihiin noloshaas iyo barwaaqada dhulkaas  waxaan xusuustaa maalinkaan aadno bali doogle in aynaan habeenkaas reerka waxba ka cuni jirin taasoo ay ugu wacan tahay miraha hadba nooca leh ee aan maalinkaas ka soo cunno bali doogle iyo caano aan ka cabno xooladayda degan hareeraha xeradaas , ciiddeeda wanaagsab awgeed waa meel aan dhagax lahayn dhoobana lahayn waxay in badan isheennu ku raaxaysan jirtay xilliga uu roobku da'o doog iyo biyo is dhex fiifa waana taas mecnaha dhabta ah ee uu xanbaarsan yahay  magaca bali doogle kaasoo ah BALLI DOOGLEH . 
 

B) Dhanka ciidamada : 
 

      1- Xiriirka askarta :

       waxaan arki jirnay rag is jecel oo uusan qosol iyo kaftan ka dhamaan  xiriirka ka dhexeeyana uu dhaafsiisan yahay mid shaqo wuxuuna gaaray ilaa heer  labada askari ay qoosaskooda ku walaaloowaan xataa nolosha caadiga ah ee magaalada , marka ay askariga soo waajahdo duruuf  wuxuu gurmad hiil iyo hooba leh ka heli jiray  askariga kale ka hor inta uusan ka helin walaalkii , dadwaynaha rayidka ahna waxay dareemi jireen in ay askarta iska xigaan dadka intooda kale . 
 

      2- Xoogga ciidan :

      In kasta oo ay arintu ahayd mid sir ciidan ah oo ay adkeed lana ogoleen sinna in loo arko hadana caruur nimadeenna ayaa waxay noo suuro galinaysay in aan aragno wax aysan dadku arki Karin sidaas darted ayaan bali doogle waxaan ku arki jirnay diyaarado melatari oo xanbaarsan asnaanta soomaaliyeed oo iyaga markaas taagan garoonka ciidamada cirka ee xerada bali doogle , run ahaantii gawaarida gaashaamaan iyo kuwa loo yaqaan tiknikada midna ma aynan arki jirin waayo iyaga waxay ku jiraan garaashyo u gaar ah oo xiran balse, wxaa sidoo kale adkaa in aan aragno hubabka ciidanka ay isticmaalaan noocyaciisa kal duwan waayo iyagana waxay ku jireen makhaasiinno u gaar ah , kaliya waxaan arki jirnay hubka fudud ee ay ilaalada adeegsadaan , balse muuqaalka nololeed ee xerada guud ahaan ayaa wuxuu ahaa mid aad u camiran dhaq dhaqaaq xoogganna leh . 
 

      3- Muuqaalka guud :

      Hadda marka aan xusuustayda dib ugu laabto waxaan xusuusanayaa in xeradaas ay ahayd nolol buuxda qaymo iyo sharaf leh iyo ciidamo is jecel dadkana jecel , waxay ka koobneed 3 qaybood : ciidamada cirka , difaca cirka , iyo kumaandoos  guutada lixaad ee DANAB , wuxuu rabbi ogyahay marka ay askartu nagu arkaan xeradaas dhexdeeda innagoo badankeen ku tagi jirnay si dhuumaalaysi ah waayo waalidiinteen ayaanan noo ogoleen , hadana askari kasta oo meeshaas nagu arkaa wuxuu noola dhaqmi sida caruurtiisa oo kale iyaqoon na aqoon iyo anagoo aanan dhamaanteen wada ahayn dhal askareed , waxaan indhahooda ka dareemi jirnay dareenka wanaag ee ay noo xanbaarsan yihiin , sidoo kale waxaan dhexdooda ka dareemi jirnay jeceelka ay isu qabaan iyo isku xirnaashahooda . 
 

Ayaan Darro : 
 

      Waxaa manta ayaan darro ah xeradii lahayd tilmaantaas iyo xooggaas in uu gumaysiga tikree siduu doono ka yeelo , waxaase ka sii xanuun badan in lagu soo gebo gebeeyay goor dhoweed wax lagu tilmaamay tabobar ciidamo gaaraya 4000 askari kuwaasoo loo diyaarinayo in ay ka hawl galaan magaalada muqdisho , waa ayaan darro kale ee u soo hoyatay soomaaliya guud ahaan gaar ahaanna xeradaas bali doogle oo meeshii ay ka qayba gali jirtay waliba ay kaalin xoog leh ka qaadan jirtay hawl gallada lidka ku ahaa xabashida ee lagu xoraynayay gobolka ogaadeeniya in manta laga dhigo mid loo adeegsado in lagu diyaariyo hawl gallo lid ku ah umadda soomaaliyeed una adeegaya gumaystaha iyo danaystayaasha uu wato . 

Baaq :

      Hadaba waxaan umadda soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kasta oo ay joogaan in ay in ay ka qayb qaataan xoreenta dalkeenna  , inta ay xabashi na dul degan tahay iyo kuwa iyada la jira waxaa waajib nagu ah in aan u dagaalanno gobanimo doon aanna u laabanno kitaabka allaah ( subxaanahu wa tacaalaa )iyo sunnada rasuulka ) Sallallaahu calayhi wa sallama ) iyo culumadeenna soomaaliyeed waxa ay ka yiraahdeen gumaysigan qaabka daran . 

Baraarujin :  

       Waxaan maalmahan danbe maqalnaa in la adeegsanayo magaca ah ciidamada xoogga dalka waxaa isku baraarujin mudin in aan la moodin magcaas kaan naqaannay ee  X D S ee waxaa loola jeedaa ciidamada xoogidda dalka soomaaliyeed waa kuwo la rabo in loo adeegsado xoogidda dalka soomaaliyeed , qof kastoo somaali ah waxaan ku baraarujinayaa in uusan ka qayb qaadan ciidamadaas . 

W Q : Xasan Xaaji Yuusf
Email : hasanhaji@hotmail.com

Al_Madiinah Al_Munawarah

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com