MALES
RAAC AMA MADFAC
Sharif Yusuf
Sharifsom@gmail.com
Aadamiga aduunka ku nool waa
isku muuqaal dhinacyo badan ,, balse waa kala nooc dhinaca maskaxda iyo caqliga
,, ragbaa dayaxa dhul ka iibsanaya si ay ugga dhoofaan dhulkan ciriiriga iyo
diiqowga badan yeshay ,,, qaarbaa dadkoodii u soo kireystey cid u sanduleysa
oo u qasabta si ay u xukumaan ,,, argagixasada la sheegaa ma in la ashahataa ,,
oo muslim wanaagsan la noqdo mise waa in dadkaaga aad u dhamayso aan idin
xukumo. !!!
Shaqaale gumeysi waa isku
sumad
BAQDAAD!!! Waxaa gacan galiyey
wiilal reer ciraaqa oo aaminsanaa in ay iyagu noqon doonaan kuwa xukumi doona
,, hadii sadam la eryo ,, xagey manta joogtan ,, maxay se taariikhda uga tageen
,, in ay iyagu qoomameeyan “ axmed jalabi” aawey , sharifkii boqortoyada ka
soo jeeday xagee galey ,, kuwii xukunka kala guurka xilalaka qabtey xagaa u
damabsyay “ sidan hadaan u maleynayo ma aanan noqdeen qofka ciraaq eedo
,, waayo dad kala dan ah ayaa ciraaq qabsadey”,,,, jalabi ayaa taas ku
calaacaley wareysi uu siiyey al calamiya Tv iran .
“Meel la aadi karo ama nolal ka
jirto mahan ,, ciraq ,, xalkuna waxa uu gacmahooda ku jiraa reer ciraaq ,,”
Ibrahim jacfari ayaa uggu calaaley wriye ka tirsan the timeska London ka soo
baxa ,, isku soo duub ciraaq ragii xukunka qabsadey sadam kadib ,, ayaa manta
jeclaan lahaa in ay aduunka meel kale ka tagan si ay u nabad helan. Waayo runtii
ayaa la soo tabtey ,, waxayna siyaasiyinta reer ciraaq ku qanceen in mareykan
uusan ciraaq nabad kana rabbin kana dhigi doonin waligeed.Ciraaq waxay
mareykanka u tahey meel ugga dhaarto wadamada gacanka ,, kuna handadi karo ,,
iiran ,, kana ilaalin karo weliba iran .
Xamar muxuu haleeyey !!!
Xamar wuxuu ahaa nabad !!!
( u laabo MMI waxay ka tageen taariih !) in badan oo aan nasiib u
yeelan in ay arkaan iyadoo nabad ah ayay u ahayd hami iyo yididilo fiican oo
ay nolashooda ku dabo qabtaan ,, qof kastana waxa uu bilaabey halgan oo ku
raadinayo in uu nolashiisa la soo baxo.
Dulaankii huwanta ayaa nabadii u
badaley holac iyo wel wle cusub, waxaase wax caqliga iyo maskaxda aadanaha ka
baxsan ah ,, in manta taangi itoobiyan xamar garacayo ,,, iyadoo naloo shegayo
in uu nabad ka sameynayo,, waa wax somalida sugayey reer muqdishana nasiib u
helan ayan daradan ,, Diyarad muqdisho ka kacday oo isla ayadii gubaysa ,, ma
nabad baa lagu sameyn ,,, mise waa lagu bur burin.
Taangiga waxaa leh amxaar waxaase
wata rag foorara oo hamigoodu yahey kursi iyo boob hantida kuwa ay la dhacayan
madfaca, Rag hamigoodu yahey in ay magac uun watan balse taariikh madow ugga
tagey ummada, rabbana in ummadda loo sanduleeyo oo xoogna loogu jujuubo.
mid ka mid ah shaqaalaha
subcontract ( main contract waa dolwda itoobiya ,, shaqadana waxaa loo
hayaa sheydanka weyn bush ) ka haysta males ayaa sidan u Hadley “Dowladdu
waxay la dagaalamsyaa koox yar oo dowlad diidda oo diidan in magalaadu nabad
ahaato” waan ka rumeysan lahayn hadii aanan aqoonin taariikhdiisa hore
iyo meesha caruurtisi joogan ,, ama aanan maqli laheyn hadalka wasiirka koowaad
“ itoobiya cidii caddow u aragta soomaali wax danteeda ah ma waddo”
,, nasiib daro kalaa dhacdey oo madaxweynihii ayaaba sidan leh “ waa la
laynayaa cidii na diida ,, ama wax naga soo horjeeda la timaadda
”,, xanuun badanaa ,, oo murugo iyo fajac weynaa ummad ayaankeedii sidan noqdey
sadexdan isma dhaame.
Dowlad kasta oo aduunta tagan
waxay wax ku tahey dadkeeda, balse dowlad askar itoobiyan ah in ay wax ku noqoto
rabta, waa ayan daro ,, hadaan soomali nahey aan nasiib u helnay. waxa qaxaya
ama dhimanaya waa Soomali ,, waa ehelkood ,, waa kuwii ay rabben in ay xukuman
oo hantidooda booban ,, oo ay ku masruufaan caruurta yurub iyo w/America daadsan.
Hal ku kacsi dhamaa !!!!
11 sept 2001 ka dib waxaa aduunka
yaalla maschruuc cid kasta oo ummadeeda rabta in u bur buriso ay ka faa’idaysan
karto ,, balse masiibadda haysta ,, mashruuc bixiyaha waxay tahey in lagu
fahmey in waxani aysan shaqeyneyn ,, waxaase murugo leh ,, kuwa iyagu ka soo
qatey gumeysiga madow ee doonaya in ay walaalahood, iyo wiilashooda ku kursi
doontaan ,,,, from shimbiraale to mogdisho stadium, ayey sheeko ku dhamaatey.
Ruuxii dan leh waxa uu sheego ma waayo ,, balse waxaa caaqilku ka fekeraa in
dantiisa iyo tan kuwa aadanaha kale la isku ekaysiiyo ,,wadankii waad gacan
galiseen waxna laga xukumaa addis, adinka iyo kuwaad xasuuqeysan Males manta
waad u siman tihiin, marka la fiiriyo sidda uu u hadli (malses isagaa la shiri
qabiilii uu rabo, cidii uu u arko awood Somalia ka jirta, seyu masfin in
xafiiskisa addis balamihihiisa laga qaato say biyaano isaga sheegay).
Dowladii kacanka markii ay
dhacaysey oo magaladdii madfac iyo qax ka bilowdey ayuu madaxweynihii
magacabay gudi soomaalidu u taqaan SULUX IYO MAANA FAYSTO,,Gudigaas oo dhib
badan iyo awood dari qabey waxa laga xasuusto taariikhdooda waxaa ka mid ah in
nin ka mid ah uu madaxweynihii oo la duqeynayo isna wax duqeyna uu ku yiri “
soomaali manta waxaa kala bad baadin kara hadal afkaaga ka soo baxa kaas
oo ah in aad kursiga ka degdo ,, aadna wadanka ka dhoofto” ninkaas lama
dilin ,, loomana caga juqleyn,, arga gixisaad tahey lama dhihin, raadiyo
moqdisho ayey qudbadaas toos uga baxdey ,,, iyadoo video tape ahna waa jirtaa.
Reer itoobiya (Embagati)
waxay manta soomaali ku bad baadin karaan ,, in ay saaxiibadood celiyaan (itoobiya
oo dhulka laga saaro) oo ay soomalibaa dhulka iska lehe ee ay soomaali doonan,
ogalaaadana runta,ogaadana in taagi korkiis dal laga maamuli Karin.
Weli lama arag ,, wadan nabad loo
soo dhoofiyey taarikhda aduunka ,, waase la hayaa wadan rabshad loo dhooyey, oo
isaga oo nabad ah ciidamo kale galeen ,, nabadiina kala daadshey.
Hogaamiyaha caagilka ah xitaa ha
xumaado oo hamigiisu kursi ha ahaadee waa midka shacbkiisa u naxa, ilaaliyana
dhiigooda, balse kii rabba in ummadda dhan isaga ka hor marto ,,, waxa la
weydiin cidda uu xukumi haduu ummaddii xaaqey !!!
Meesha la duqeynayo waa muraayadii
magaca aad watadan ,, dowlad dadkeedii laynasaya , gurihii goobihii wax
barashada, isbitaladii madfac u qeybin tolow taas magaceed !!
Bini aadamka xubnihiisa waxaa uggu
wanaagsan uguna sharaf badan ,, “Qalbiga” haduu isagu wanaag sanaado inta kale
waa hareer socon ,, balse haduu isagu xumaado waa loo yabaa qofkaa ,, marka
reer Emgati qalbiginaa fooraree bal hareerihiina eegga!!!
Ilahoyow ilaah kale ma jiro adiga
mooyeene,, itaal li’dda aadanaha iyo kala awood roonaanta ,, ee ummadaadu I
hiili ,,,, aamin
Sharif Yusuf
Sharifsom@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: April 1, 2007


|