" Fadhi iima yaal....!!"
WQ/ Muxyaddiin Maxamed Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
Habeen habeennada ka mid ah,
baannu casho u wada fadhinnay aniga iyo qaar caruurtayda ka mid ah, oo dugsiga
sare dhammaynaya dhowaan. Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda British
Broadcasting Corporation, oo aan dhegaha u raaricinayay, baa waxaa soo galay
barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, kaas oo habeenkaas looga hadlayay
; "Maahmaahaha Soomaaliyeed".
Markii uu barnaamijkii
dhammaaday, baan caruurtaydii 20-jirrada ahaa ku iri;" Yaa ii sheegi kara
maahmaah Soomaaliyeed..?. Mid iyagii ka mid ah , baa su'aashaydii intuu weydiin
kale ka hor-keenay igu yiri;" Waa maxay maahmaah ..?!!", isagoo Afka Carabiga
igula hadlaya. Waxaan bilaabay inaan micnaha "maahmaah" ku sheego Afka Carabiga
ah, tusaalooyinna ka bixiyo; Af-Soomaaligeennii ayaan meel iska dhignay oo iska-
la baxnay. !!
Madaxa ayay ruxruxeen
caruurtii, oo aad bay ugu adkaatay in ay ii sheegaan "Maahmaah Soomaaliyeed",
hase yeeshee, waxay ii sheegeen ; inay aad u yaqaannaan kuwa carbeed oo
tira-badan, waana gartoodoo, iyagoo aad u da'-yar bay dhul-carbeed soo galeen, u
soo qaxeen, deegaamaysteen, indhaha ku soo kala qaadeen, waxbarashadii dugsiyada
ka bilaabeen, welina ku guda-jiraan.
Waxay durbadiiba, si
darandoorri ah iigu sheegeen; Maahmaaho, Hal-qabsiyo iyo Murti kaloo carbeed,
iyagoo weliba ii sharraxaya; xaaladaha iyo munaasabadaha loo adeegsado. Waxay ii
raaciyeen murtida qaarkeed; sida ay bilowgii horaba ku dhalatay. Arrimahaas,
dugsiyadaa loogu dhigay, qaarna deegaan-bulshadeedka carbeed ee ku xeeran bay ka
kasbadeen.
Murtida carbeed ee ay igu
dul-aqriyeen caruurtu, qaarkeed, reer-Yaman bay u gaar tahay, iyadoo ay qaarna,
kuba sii dhisnayd ; lahjadda loo yaqaan ;"Sancaani" ee u goonnida ah reer Sanca.
Magaalada Sanca, si gaar ah bay taariikh-yahannadu u tixgeliyaan, oo fiira gaar
ah bay siiyaan culimada baarta raadadkii hore, maxaa yeelay -sidaan buugaagta
taariikhda ku aragnay- waxaa magaalada Sanca asaaskeedii hore lahaa; wiilkii
Nebi-Nuux ee la dhihi jiray;" Saam binu-Nuux", magacyadii hore ee magaaladana
waxaa ka mid ahaa ;"Aazaal iyo Saam". Micnaha waxaa mar Sanca loo yiqiin ;"Magaaladii
Saam", oo loogu nisbaynayo "Saam binu-Nuux", waana magaaladii ugu horraysay ee
aasaasanta ka-dib ;Duufaankii lagu halligay Qowmkii Nuux(Calayhi-salaam).
Sidaas darteed, wixii Sanca
loo nisbeeyo, waxaa loo tirinayaa "asalnimo iyo fac-weyne", waana sababta ay
Dalxiisayaasha iyo Taariikh-yahannadu booqashooyinka joogtada ah ugu yimaadaan
Sanca, una daawadaan oo wax uga qoraan "raadadka Sancadii hore".
Markii uu yaabkii i hareeyay
oo igu baahay, caruurtaydiina ii sheegi kari waayeen "Maahmaah Soomaaliyeed",
kuwa carbeedna ay si xariifnimo ah, isaga daba-geeyeen, baan niyad-ahaan
yaqiinasaday ; inuusan fadhi ii oollin, oo ay hawli i sugayso. Waxaana hoos
isu-iri;" Fadhi iima yaal...!!", mar haddii ubadkaygii xaaladdooda afka iyo
murtidii Soomaaliyeed sidan yahay, waana in aan taas wax ka qabtaa oo aanan iska
fadhiyin.
"Fadhi iima yaal", inta badan
haweenkaa laga maqlaa, oo marka ay arkaan;hawl badan oo u taalla, yiraahda ;"
Fadhi iima yaal, Faaduma-rasuule..!!", marka ay maqlaan mid la furayna, waxay
yiraahdaan;" Naag la furay fadhi uma yaal, kii furayna, falkiis ku-noqoy".
Maanta, wuxuusan fadhi u
oollin, Madaxweynaha, Barlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed. Wuxuusan fadhi u
oollin, Culamaa-u-diinka, Aqoon-yahanka, Soomaalida dibadaha qaxootiga ku ah,
kuwa dalka gudihiis ku dac-darraysan iyo ruux kasta oo Soomaali ah oo wax-garanaya.
Kulligeen fadhi nooma yaal, haddii la eego, la fiiriyo, la dhugto ama la
deymoodo xaaladda guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee maanta, waxayna u
muuqataa;" Cidna uma maqna, ceelna uma qodna".
Waxaa i hor-yimid Ubadka
Soomaaliyeed ee ku dhashay, ku ababay, ku barbaaray, waxna ku bartay dugsiyada
dalalka shisheeyaha ee Yurub, Kanada, Maraykan, Afrika iyo meelo kaleba. Waxaan
is-weydiiyay;" Waa sidee xaaladdoodu kuwaasi ?!!. Afkii, Murtidii, Dhaqankii iyo
Suugaantii Soomaaliyeedse, xaggee bay kala marayaan ?!!.
Ma-xuma, balse, wey wanaagsan
tahay ; in la barto luqadaha iyo murtida shisheeyaha, dhaqankoodana laga qaato
inta wanaagsan, sida; Ingiriiska, faransiiska,Jarmalka, xataa Sawaaxiliga iyo
Xabashiga. Luqadda Carabiga, iyadu way ka sii mudan tahay kuwaasi, waayo ,waxaa
nagu xiraya; diin, dhaqan iyo taariikh-islaami ah iyo weliba arrimo kale;
Cibaadaysiga qaarkiis ayaa luqadda Carabiga ku dhisan, sida; Salaadda, Xajka,
Quraanka..,iwm, hase yeeshee, dhammaan luqadaha kale, waxaa ka sii horreeya, oo
loo baahan yahay inay ubadka Soomaaliyeed bartaan; Afkooda hooyo iyo murtidiisa,
taariikhda iyo joqoraafika Somaaliyeed..iwm.waayo, waxay salka ku hayaan,
dhalashadii,asalkii, deegaankii iyo dadkii Soomaaliyeed. Kalmadda ugu horraysa
oo ay ilmuhu bartaanna; waa afkooda hooyo iyo ogaanshaha xigtadooda. Ruuxa
Soomaaliga ahi, inuu dal shisheeye ku dhinto ma jecla, hadduu ku dhintana, wuxuu
rabi lahaa; in maydkiisa la geeyo oo lagu duugo(aaso) "Soomaaliya".
Haddaba, dadka Soomaaliyeed
ee ay ubadku u joogaan dalalka qalaad, ha ogaadeen; inuusan fadhi u oollin.
Intii aynu ku sii jeednay Arrimaha Siyaasadda, jahawareerka guud ee taagan iyo
reer- hebel iska riixa, ayaa dhinacyo kale la innaga soo galay, mana fududa ka-gudubka
cawaaqib-xumidoodu. Waxaa dhici doonta; dad asal-ahaan ka soo jeeda Soomaaliya,
laakin, kala wata; dhalashada, luqadaha iyo dhaqannada; Maraykan,Kanada,
Ingiriis, Finland, Austaralia, Xabashi, Kenya, Carab iyo xataa dalal kaloo aan
hadda xisaabta noogu jirin. kuwaaas ayaa maalin ay ahaataba, dalka isugu wada
imaan doona. Waxaa suurowda in loo baahdo turjumaan luqado badan wada yaqaanna,
si uu isu af-garadsiiyo dadkaas Soomaaliyeed. Kariwaanimada kala qaybsanaanta
siyaasadeed iyo tan danaysi ee maanta taagan, ayaa la dhihi karaa; iyadaa
umushay oo sababtay kala qaybsanaanta dambe ee Af, Murti iyo Dhaqan ee soo
wajahan, waxaana loo baahan yahay ; in laga sii hor-tago inta ay wax-ka-qabasho
leedahay.
Haddaba, markaan arkay
masiirka afka iSoomaaliyeed iyo murtidiisa, ayay ii caddaatay in uusan fadhi ii
oollin, sida uusan fadhi ugu oollin,kuwa ila midka ah. Waxaan bilaabay ,taag iyo
tabar meel ay i dhigaanba; in aan ubadkayga daba-qabto, oo waxbarashada
dugsiyada ee ay ku jiraan, ugu lifaaqo barashada murtida iyo dhaqanka
Soomaaliyeed. Waxaan u bilaabay ururin maahmaaho iyo murti kale oo Soomaaliyeed,
oo aan qormadan ku soo gabagabaynayo, tusaale yar oo ka mid ah;- (1) Baryo badan
iyo Bugto badan waa laysku nacaa..(2) Bannaankiisa mare maradiisa geed ma
qabsado..(3) Bakhayl xoolihiisa Beenlow baa iska leh..(4) Balaayo madax la qabto
ayay leedahay, ee majo la qabto ma leh..(5) Balaayo inta ay gurigaaga ka maqan
tahay, guriga walaalkaa bay ku maqan tahay.
WQ/ Muxyaddiin Maxamed Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: April 1, 2007
|