Waxa saan noqotay ma
Soomaaliyaa!!!!!!!!!
Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com
Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa (Lax waliba
shilinka ay is dhigto ayaa lagu qalaa) waxaan maahmaahdaan u soo qaatay,
Soomaalida duliga iyo gumeysiga ay ku jirto waa mid ay iyadu gacanteeda ku
keensatay waana ceeb iyo sharaf daro dusha ka saaran qof walba oo soomaali ah
xasuuqa rayidka, afduubka iyo qafaalashada culimada iyo wax garadka Soomaaliyed
waana ku gabood fal dhiigii malaayiintii Soomaaliyeed ee u shahiiday xoreynta
dadka iyo dalka laga soo bilaabo Ahmed-guray, Sayid Maxamed, halgankii dagaalkii
1964, dagaalkii 1977 ilaa kacdoonka barakeysanaa ee Maxkamaha.
Waxaa jirta nadariyo ama aragti qiimo badan oo Ibnu Khalduun ku qoray
kitaabkiisa la yiraahdo Muqadimatu ibnu Khalduun oo oraneysa:_
(Haddii ay qowmiyad daciifto oo ay dhexdeeda yeelato khilaafaad iyo burbur hoose
tusaala ahaan sida Soomaalida ku dhacday oo kale, waxaa dib u soo nooleyn kara
oo kaliya waa hadduu soo weeraro cadaw dibada ka soo weerara markaa waxay
noqonayaan ul iyo diirkeed).
Aragtida Ibnu Khalduun waxaan isla lahaa amey soomaaliya ka hirgashaa markii ay
Itoobiya Soomaaliya soo gashay oo dadkaan kala qoqoban hal cadaw yeeshaan
kadibna walaaloobaan halkaana uuba ku dhamaadaa khilaafkii iyo dirirtii u
dhexeeyay dadka walaalaha ah, faragalinta Itoobiyanaa halkaaba ku hartaa.
Laakiin markii ay aragtidii hirgali waysay ayaa waxaan is weydiiyay sababta ugu
wacan waxaana ii soo baxday in aragtida Ibnu Khalduun ay ku socoto dad heerka
jirradooda ay ka fududahay mida Soomaalida haysato.
Haddaba si aysan noo nacaladin jiilka soo koraya iyo midka soo socda intaba aana
loogu gabood falin dhiigii halyeeyadii dhiigooda qaaliga ah u huray xoreyntii
dadka iyo dalkaba waa inaan u midownaa la dagaalanka cadawga ummadda
soomaaliyeed aana iska rognaa duliga Tigreega iyo dhamaan kuwa u adeega magaca
ay rabaan hala baxaane.
Si taa loo helo waa in arinta xoreynta wadanka aan lagu eegin aragti gaaban,
maan gaab hadaaqii, daneyste warkii, dagaal ooge taladii, kaaba qabiil dhuuni
qaate ah aragtidii. Arinkaan wuxuu u baahan yahay inaan la beeleyn ee la
qarameeyo taana waa mas,uuliyad soomaali oo dhan u taala gaar ahaan dhammaan wax
garadka.
Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: April 1, 2007


|