SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

FADEEXO QAAWAN!

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com

Lix iyo toban sannadood oo qulabaa geddi ah. Madax iyo minjo la’aan ah. Dawlad la’aan ah. Dhawr iyo soddon sannadood oo ka horreeyey oo caddaalad darro ah. Maamul xumaan ah, musuq iyo qaraabakiil ah. Kelitalisnimo iyo xasuuq ah. Qoys dhis iyo qaran xabaalid ah, waxa ka dhashay futo qaawanaanta iyo fool xumaanta maanta wejiga kaga taalla soomaalida.

Mid kalaa se ka sii xanuun badan. Cagtaa weli lagu sii hayaa jidkii halaagga iyo hoogga. Kabasho diyaar looma aha. Dawaba cidi doonimayso. Xaalku waa dhunkaal walaaqasho. Sun baa la wada qooshanayaa. Runtaa la dayrinayaa. Beentaa la daajinayaa. Wanaaggii baa bukoo “waadhka” yaalla, xumaantaa dooran oo suuqa “ku-dhacda” laga iibsadaa!

Inteenna badani ma dhaaddana ama ma qirsana in dalkii Soomaaliya la odhan jirey ay Itoobiya hantiday oo u taliso. Ama diida ama doona way qabsatay oo way haysataa. Somaliland horaa si dadban qabsashadaas loogu qanciyey si aan xoog ahayn. Waa xaqiiqo jirta in Meles Zenawi maamulka Hargeysa ula macaamilo sidii ilmo yar oo carruur ah. Sabaalin iyo madax salaax liita oo aan wax nuxur ah lahayn. Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa taas caddeeyey markii uu Addis Ababa maalin dhowayd ka sheegay in Somaliland u sacbinayso hawlgallada milateri ee Meles Zenawi askartiisu ka wadaan koonfurta Soomaaliya iyo weliba sida uu ku tiraabay guulaha ay hawlahaas ka gaadheen. Axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland laftooda madax ka mid ah, ayaa arrintaas tibaaxa marar badan oo ay ka hadlaan arrimaha gobolka, waxanay tilmaamaan in Itoobiyaanku ay uga sokeeyaan Soomaalida!

Maamul goboleedka Puntland waxa isaga u aabbe ah Meles Zenawi. Maamulka Cabdullaahi Yuusuf ee meel-ku-gaadhka ahi macne kaleba ma leh oo waxa uu ku jiraa caloosha Meles Zenawi. Labadan kooxoodna waxa ay ugu horreeyaan gubniyada soomaalida ee sida dadban loogu qanciyey qabsashada Itoobiya ee dalweynihii Soomaaliya la odhan jirey ee kala daadashadu ku timid. Qabqablayaashii Muqdisho intooda badan ayaa iyana halkan soo hoos gelaya oo ku xidhiidhsan midiinnimada Tigreega. Hoggaamiyayaasha siyaasadda ee soomaalidu waxa ay Addis Ababa kaga calaamadsan yihiin oo lagu tilmaansadaa sida “aaladaha marka qudha la isticmaalo ee lagu muraadka qunsado, dabadeedna la iska tuuro” (One-time-use)! Waayo badnaanshahooda ka sakow, lama waayo mid cusub oo soo baxa ama la abuuroba.

Somaliland xanuunkeedu waa “aqoonsi raadis” oo taas ayaa la fogaatey. Cabdullaahi Yuusuf iyo qolyaha kalena waa “awood raadis” oo taas baa cadaabta kula carceertay! Nin ambaday halkuu maray, runtii way ula ekoonaatay!

Qolooyin baa haddaba weli bed qaba. Aan idhaahdo kama ay badbaadin foolxumada guud ee jirta, waxse ay ka bed qabaan in si dadban loogu qanciyo qabsashada Itoobiya ee Soomaaliya. Damac is caabbin ah ayaa weli hankooda ka buuxa. Waa xoogagga “ka mici lisanaya” gobollada koonfureed, gaar ahaan magaala madaxda Muqdisho. Xoog baa la doonayaa in lagu muquuniyo, laguna oggolaysiiyo amar ku taagleyntan cusub ee Meles Zenawi horseedka ka yahay.

Xubin kasta fool xumaantu hoos bay uga sii degtey. Muqdisho gudaheeda ayay maamulayaasha Itoobiya isku dayaan in ay ku kala dillaalaan odayaal dhaqameedka qabaa’ilka Soomaalida. Meles Zenawi ayaa qasrigiisa Addis Ababa ku qaabbila odayaal ka socda jilib hooseedyo qabaa’ilka Soomaalida ka mid ah. Ma aha qabaa’ilka ku nool dhulka uu haysto ee Kilalka 5aad ee waa kuwii ku noolaa Soomaaliya, halka haddeer awrtu u sii faruur xidhan tahay. Ninkii midigta laga taabayoow, bidixdu waa maaf!


Waxa la marayaa halkii ugu hoosaysey hoosayn oo dhan. Halkii ugu liidatey liidasho dhammaanteed. Bogcad “shan wallays” u talinayaan, “shan wax iskuma falaan” ka arriminayaan. Bal eega fool xumaanta intaas le’eg. Xaggay taasi maanta adduunka ka dhacdaa?! Waxa ay u eg tahay waayadii gumaystayaashu soo gelayeen qaaradda Afrika ee ay dadka qabiil qabiilka iyo jilib jilibka ula shiri jireen, una kala qoqobi jireen degaannadooda, fikirkooda, isu hiilintooda iyo is daawaysigoodana isu dacarayn jireen ee sunta isu marin jireen.

Waa kow ee laba maaha. Soomaaliya waxa ay ku dhacday gacan shisheeye ee waa in laga fekeraa sidii saymaha iyo halistaas looga samata saari lahaa. Dabcan Soomaalidu iyadaa hadimadaas ka mas’uul ah, iyadaana xalkeeda laga rabaa in ay la timaaddo. Itoobiyaay la bax askartaada inta aanay arrintu sii fogaan, waa xaajo muq weyn leh haddii Alle taas soomaalida inteeda badan solansiiyo.

Hargeysa iyo Djabuutaay fadhiga ka hinqada. Dareenka dadnimo ku beera. Dubaaqa damqasho geliya oo halla qaato doorka dhexdhexaadinta iyo gogol u fidinta kooxaha siyaasadda isku haya ee Soomaalida koonfureed ee xoogga iyo jujuubka in ay isku muquuniyaan isla daydayanaya. Soomaalida koonfurtaay indhaha fura oo carrabka jilciya. La kala adkaan waayey oo la isku xiiqyey. Cududo shisheeye la isu miciinsey oo waa taas dhashay futooyinka qaawan. Nabadina nicis yeelan waydey oo waa taas lagu wada hadaaqayo. Waa in la wada hadlaa. Wada hadal aan gacmo shisheeye ku jirin. Waa in jawi kalsooni dhali kara la abuuraa. Tallaabooyinka ugu horreeyana waxa ka mid noqon kara in qola waliba daadiso waxa ay sidato, kana tanaasusho damacyada iyo awood raadinta indhaha la’aanta ah, si caddaysimo ahna la isu soo hor fadhiistaa madasha wada hadalka.

Maaha amintii awoodda sidashada la cuskan jirey. Maaha xilligii tunka la taagi jirey ee darajooyinka mala awaalka ku dhisan la tolan jirey. Waa wakhtigii xagga hoose iyo dhulka la eegi jirey. Waxa lagu jiraa maalmihii adeegsiga cagligu ka sarrayn lahaa u dabranaanta caadifadda qabyaaladeed. Maxaa yeelay sowtaas lagu fashilmay wax kasta oo la isku dayey in hore loo dhaqaajiyo. Sow ku dhaqanka qabyaaladda iyo ku dhillaysiga qarannimadu fashilaadda ma keenin!

Sida ugu macquulsani waxa ay u muuqataa wada xaajoodkaas bilowga ah oo ka dhex hana qaada kooxaha siyaasadda ee Reer koonfureedka, iyada oo laga dheeraanayo fara gelin kasta oo dibadeed. Djibuuti iyo Somaliland waxa ay qaadan karaan kaalin firfircoon oo cid kasta arrinta way uga xogogaalsan yihiin, dan iyo maslaxadina way ugu jirtaa in Soomaalida koonfurtu deganaansho hesho iyo in ay u dhisanto dawlad inta badani raalli ku tahay. Dawlad aan ahayn koox wax jujuubaysa oo wada sir-la-luud iyo dagaal oogayaal wada qurracan ka kooban. Wax kastana waxa ka horreeya in ciidamada Itoobiyaanku ka baxaan dhulka Soomaaliya ee ay soo galeen.

Haddii kale waxa ay noqon: Ma fadeexaddii baa iyadoon fur saarrayn fooruhu ku dhacayaa, ma fadeexaddii baa cayayaanku fadhayaa, xaajadu farraarriyo futo qaawan badanaa!

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com