SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Huri mayno waa inaan dagaal ula hawoonaaye

maansadan   waxaa curiyey abwaan Maxamad Bashiir Jaamac isaga oo ka turjumaaya xaaladda dalku  soo maray iyo heerka uu maraayo maanta

waxuu yidhi:
 
Hoobeeyda maansada ma tirin  heesti waayahane
Haybteeda waataan jaroo heeryadeed dhigaye
Hilinkeeda maan rabin inaan abid haweystaaye
Heensaha waxaan ugu sitaa waa huq iyo ciile
Hoheey iyo hoheey iyo hoheey waan hamiyayaaye
Afartaas habeeyee ma qoray hadal nin waayeela
Ma hilgaadshay haadiyo ta,daba hoosna ma u reebay
Heerkii salaan iyo ma dhigay hadaladii raage
Hadraawoo kaleetiyo ma simay haani iyo macarri(haani iyo macarri 2 gabayaa oo carbeed)
Halyeygii cibaar iyo sidii haytham ma u meershay(maxamad cali cibaar iyo ibnul haytham)
Hideheenna weeyee ma diray haatuf kala tuura
Haa kalena wey dhimantehee hooya iga duuba.
Hogoshoo da,aysoo alluu harada noo buuxshay
Higla weyn an wada seexanoo damalna hoos jiifno
Hantideena oo boqol milyaar heerka koru dhaaftay
Hablahoo la kala guursadoo faras la heenseeyo
Hilib iyo bariiskoo nin wali helayo yoomkiisa
Hubka maalintaan haysaniyo hanadadii geeshka
Halyeeygii siyaad maalintuu haayey taldeena
Hugunku waa hayaankii marakaan heesta koru qaadnay
Hanti aan wadaagniyo markaan himiladii raacnay
Herer iyo hawaas iyo markaan harada sii gaarnay
Heeryo xume amxaarkana markaan hooto kala daalnay
Hoogayoo ba,naay maalintuu gaaray hadalkoodu
Havana maantay wacdeen halowyadii taarka
Halse nagama qaadine markaan hiifta kaga keenay
Harka galay markii  ruushku baxay hilaydii qaatay
Haadaanta waa tii la qoday holocii naareedka
Hayb iyo qabiil way nagii heer xun wada gaarnay
Hobyo iyo nugaal wayadii hooshka lagu qaaday
Hargeysa iyo boorama watii howsar lala eegatay
Heerkii labaad weynagii xamar ka heensaynay
Hantideena waataan madfaca howda kala daalnay
Hilbeheenna waa tii wax badan haadku guranaayey
Hayaan iyo qaxootigu markii nalagu haaraamay
Hadba meel shirkeeniyo waxaan horu mar moodeynay
Habeenada waxaan tiriyo oo hogol maleynaayey
Hebel iyo hebaalow miyaa hadalkii uu gaaray
Habaar qabe itoobiya miyaa haysa taldeena
Hoheey iyo hoheey iyo hoheey waan hamiyayaaye
Hablaheenii bay waxay rabaan ula hawoodaane
Hanaqay jaraayaan wadaad hiirta waaberiye
Hanjabaad ayeey  nagu wadaan har iyo leylkiiye
Huri mayno waa inaan dagaal ula hawoonaaye
Hayb haybta waa inaan dhignaa wada heshiinaaye
Hadii kale an heerkaa fadhino horumar dheeraaye.
     
        
Maxamad bashiir jaamac.
gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com