SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
April 29, 125

Shirqoolkii Shacabka uma suurtoobayo shayaadiinta

Ex-Bahdii Saxaafada Soomaaliya
Dr.Ax'ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com

"Waxay ahaayeen kuwa faraxsan,waxayna gacma qaadayeen cid walba, waxayna ku hadaaqayeen maanta ayaa dalkii nabad noqday lagana badbaadiyey Argagixisadii,waa in shineemooyinkii la furo,dhalinyaradu siday doonaan u labistaan,ha la iska ilaaliyo rag iyo dumar wax astaan argagixiso ah sida gar dheer,surweel gaaban, ama xijaab iyo indho shareer"

Sidaas qormadayda aan hordhaca ugu doortay waxaa yiri wiil dhalinyaro ah oo la kulmay koox ciidan ah oo isugu jira cadawga tikreega iyo kuwa dabadhilifyada u ah ee DFKMG ah maalintii ugu horaysay ee magaalada Muqdisho ay gacanta cadawga gashay 28 dec. 2006,taas oo ah maalin madaw oo taariikhi ah,yeelana doonta su'aasheeda qaran oo noqonaysa mid jiilba jiil uu uga warbixiyo.

Sadex bilood gudahood ayaa waxaa istaagay oo baaba'ay wax walba oo kaabayey noloshii ka jirtay Muqdisho cadawga ka hor,dhimashada ,dhaawaca,burburka iyo barakaca ku yimid dadwaynihii rayidka ahaa ayaa u ekaysiiyay magaaladii iftiinku ka muuqday meel muufo gubasho ah.

Isbitaalada magaalada ayaa waxaa buux dhaafiyey bukaano isugu jira kuwo xabadaha cadawgu si ba'an ugu dhaawacmay iyo kuwo cuduro la il daran,wax daryeel ah oo ay heli karaana ma jiro,waxaana ay noqdeen isbitaaladii meel qofku geerida ku sii sugo.

Ganacsigii xooliga ahaa ee ka socday magaalada ayaa la dareemayaa in uu joogsaday,dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqyada ayaa yaraaday,dad farbadan ayaana dhaqaalahoodii kala baxay magaalada cabsi darteed.

Sidoo kale dhamaan goobihii waxbarashada ayaa cidlo noqday oo in badan iridaha loo laabay,waxaa qax galay dhalaankii wax baranayey intii ka badbaaday madaafiicda sida arxan darada ah loogu garaacayo.

Dhibaatadaas nololeed ee ka jirta Muqdisho oo ah mid muuqata ayaa wax lala yaabo waxaa ah in Kooxdii Empagathi ee tikreegu xambaarsanaa ay ku baaqaan shir dib u heshiisiineed oo dhaca 16ka April,waxayna lamaanaha cadawga ah ee dalka qabsaday ku fakireen in ay caalamka xaqiiqada jirta badelkeed ka gadaan been maslaxada Sanaawi lagu ilaalinayo.

Dagaalkii sokeeye ee ka qarxay soomaaliya 26 dec.1990 keenayna burburka qaran ayaa waxa uu ahaa mid ay wadeen koox waxma garad ahayd oo isdiidanayd sababtoo ah marna laguma sifayn karo fikirka qabqablaha soomaalida mid siyaasad ku wajahnaa,colaadaas ayaana ahayd mid aan lagu tilmaami Karin in shacabku beelo u dirireen,runtii way dhacday in xooga la isticmaalayo uu ahaa beelo la isku adeegsanayo balse beeluhu wax ay ku dirirayeen ma jirin,oo hadba qaqablaha horboodaya baahidiisa ayuu ku abaabulayey.

Marka laga gudbo tubtii waxyeelo ee la soo maray oo dagaal oogayaashu soo mariyeen shacabka baa dareenku wuxuu na tusayaa in si sahal ah loo ogaaday in Soomaalidu keligeed heshiin karto,waxqabsan karto,mudo yarna ay qarankoodii iyo sharafkoodii ku soo ceshan karaan iyagoon cidna u calaacalin,waxaana ALLE ka sakow mahadaa iska leh oo muujiyey guushaa Culumadii dalka u kacday ee Maxaakiimta Islaamiga.

Waxaa meesha ka baxday curashadii Maxaakiimta islaamka ka dib in Soomaalida dhexdeeda wax isaga maqan yihiin taas oo ay cadaatay in uu jiro cadaw caalami ah iyo mid goboleed fursadna u helay in uu xusho kuwo aan wadaniyad lahayn damiirkoodana uu dhintay kuna qanacsan mansab dabadhilif kuwaasoo gumaysigooda horgalo ugu soo noqday dalka.

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa"Dadku waa xan daaq,Duunyana waa xaab daaq" marka laga gudbo u adeegida cadawga ee kooxda Embagathi waxaa iswaydiin leh intee in le'eg bay sii faa'iidaysan karaan kuwa wiilashay khaldeen ee ay dagaalka u soo adeegsadeen markii laga qabsaday inkiray ? ma shacabkay laynayaan baa dareen iyo arxan ka sugaya oo taladooda ku halaysanaya ? waa maya.

Waxaa muuqata in lagu guulaystay qorshaha wax iska caabin ee shacabku kala hortageen cadawga tikreega iyo dabadhilifyada uu ku soo adeegtay dalkana ku qabsaday,waxaana muuqata marka la fiiriyo hawlgalkii ugu dambeeyey ee sida geesinimada ah uu mujaahid ula bareeray Ceelcirfiid saldhigay ku lahaayeen 26 Mar.2007 taas oo meel walba oo uu cadawga Ummadda Soomaaliyeed joogaba ku noqotay dharbaaxo ayan weligood hilmaamayn,sababna u noqonaysa in aan Muqdisho cadow jooga ma ahee cadow kale uusan soo hawaysan,iyadoo kan joogaana ku tashanayn in uu hurdo ku ladayo waxaana la oran karaa waa cashar calool xumo ku beeray cadowga,waxaana cad in shirqoolkii 16 April 2007 ee shacabka ay la damacsanaayeen shayaadiinta uu dhicisoobay,welwelna uu u bilowday iyo maxaa kuu dambaynaya.

Ex-Bahdii Saxaafada Soomaaliya
Dr.Ax'ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.