Gun Baa Tiri: Gaal Baan
Ahaye Car Gaal Idheh!
Gob Baa Tiri: Gaal Baad Tahaye Car Wax Kadheh
By Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
وَلَوْ كَانُوا يُؤْمِنُونَ بِالله والنَّبِيِّ وَمَا أُنزِلَ
إِلَيْهِ مَا اتَّخَذُوهُمْ أَوْلِيَاءَ / سورة المائدة/81
Haddii ay ahaan lahaayeen kuwo rumeeyay Alle SW iyo Nebiga
SCWW iyo wixii lagu soo dejiyay oo waxyi ah gaalo gacal kama
yeesheen.
بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ
والصّلاة والسّلام علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين.
Soomaali waxay gun u taqaan dad ehlulaahi ah cidna aan
dulmin waliba iyagaaba ladulmaayoo lagama guursado loomana
guuriyo arin aan is leeyahay inay ku salaysan tahay masayr
dartiis. Sababtoo ah waxay kaga dheereeyeen xaga farsamada
sidaa darteed bay birtii ay dhalaaliyeen una bedeleen
waxyaabo nacfi leh sida mindiyaha, seefaha & warmaha iyadoo
ay u dheertahay kabaha ay ku socdaan kuwa wax dacaayadaynaya
halkii ay ugaga mahad celin lahaayeen ayay birtii ay
tumayeen bay dacaayad kaga dhigeen kolkaa bay yiraahdeen
Tumaal.
Habaarka Soomaali halka uu ka gaaray ummad intaasoo wanaag
ah leh in laduro oo lagu yiraahdo waa gun midka amxaarka soo
kaxaystayna layiraahdo waa gob.
Waxaa dad badan ka dhaadhacsan kol hadduu magacaagu yahay
magac islaam, dalkaaguna yahay dal islaam, umadda dalkaa u
dhalatayna ay yihiin dad muslimiin ah gaalnimo walboo aad
latimaado inaysan waxba u dhimaynin islaanimadaada.
Mid yiraahda anigoo nool wadankan kitaab lagu xukumi maayo,
isagoo ku xumaynaaya wadaado dagaal kula jiray xumkiisa, mid
yiraahda anagu dastuur baynu wadanaa maxaakiimtuna kitaab
bay wataan sidaa darteed ma heshiin karno, mid yiraahda
argagexiso baan la dagaalamaynaa sababtoo ah waxay
yiraahdeen kitaabkaan wax ku xukumaynaa sida iiraan iyo
Afganistan. Mid yiraahda anigu Itoobiya ayaan taageersanahay
wadaadana waraabaha ha cuno.
Mala awaalkaa beenta ah ee uu qofku iska dhaadhiciyo wax
walbaa oo gaalnimo ah ee uu ku hadlo amaba uu ficil ahaan u
sameeyoaba inuusan iimaankiisa waxba u dhimaynin. Arintaa
waxaa waxba kama jiraan ka dhigay saxaabigii waynaa ee
magciisu ahaa Abuu Dardaa RC ayaa wuxuu yiri:
وَالّذِيْ نَفْسِيْ بِيَدِهِ مَاالإيْمَاْنُ إلاْ كَالْقَمِيْصِ
يَتَقمَّصُهُ مَرَّةً وَيَضَعُهُ مَرَّةً أُخْرَىْ
Allihii Naftayda Gacantiisa Kujirtaan Ku Dhaartaye iimaanku
Ma’aha oo aan ka ahayn sida Qamiiska oo Kale, uu marna xirto
marna uu iska siibo.
Sidaa darteed marna ha u qaadanin islaannimada inay tahay
sida koolo ama xabag kugu dhegan oo aanan kaa fuqaynin.
Gobteenii ugu waawaynayd isla markaana ahaa culimadeenii oo
kala ah Sh Shariif Cabdi-nuur iyo Sh. Cumar Faaruuq Allaha
xifdiyee ayaa fatwo cad kasoo saaray kuwa wadanka soo
geliyay gaalada inay yihiin murtaddiin diinta kabaxday
maadaama ay kitaabkii Alle SW ay ku bedesheen dastuur
gaaleed islamarkaana ay gaalo wadanka soo geliyeen iyagoo ku
dul akhriyay aayadii Alle SW. ee ahayd:
ذَلِكَ بِأنَّهُمْ كَرِهُواْ مَاْ أنْزَلَ اللهُ فَأحْبَطَ
أعْمَاْلَهُمْ / سورة محمّد / 9
kuwaasi waxay naceen wixii Alle SW soo dejiyay kolkaa buu
Alle SW camalkoodii buriyay.
Sidaa dartee gobtii waxay idinku tiri: gaalo baad tihiin
daliil bayna layimaadeene ee gunyahay idinku daliil la
imaada aad muslimiin ku tihiin. Haddaad ashahaadada aad
daliil ka dhigataana madaxa munaafiqiinta C/llaahi Ibnu ubay
ibnu salool wuu ashahaadan jiray weliba wuxuu idiin dheeraa
salaadaha jamaacada buu ku tukan jiray waxna wuu sadaqaysan
jiray intaasoo idil waxba uma tarin inuu islaam ku noqdo.
Sidaa darteed jawaab baa laydinka sugayaaye islaanimadiina
soo cadeeya gobta culimadana gaarsiiya haddii kale
baybalkiina lasoo baxa umadda oo umadda haidiin barato.
وبالله التّوفيق
وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.
Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: April 1, 2007
|