SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Siyaasad qodob gashay qaran ma noqon kartaa?

HAMZA ADAN MACALIN (CAAQILKA)

Sida aan wada ogsoonahay dawlada Embagathi marka ay rabto in ay wax xaliso waxay ka hadashaa waxa ay ugu yeerto argagixiso oo ay ku raali galinayso wadamakale marka dhibka ugu badan wuxuu ka yimaadaa qofka waxa uu ka hadlaayo ayuu sanba aqoonin micnaha argagixisada iyo waxa ay tahay argagixisadu .

Hada ka hor ayaa waxaa dhacay nin ayaa wuxuu ahaa camoole {micnaha indhoole] kadib indhihii ayaa loo fiiqay wuxuuna arkana waxaa ugu danbeysay bakayle ilaahay amarki ninkii hadana indhihii ayuu beelay markii lagu yiraahdo halkaan waxaa maraya maroodi wuxuu yiraa intee ayuu kala egyahay bakayle, marka dawlada Embagathi hal mar ayay garab ka heshay dawladaha qaar oo danahooda fushanaaya sida ay ayaguba sheegeenba oo ay yiraahdeen waxaan soomaaliya u nimid waa danaheena, marka maalinkasta nin danihiisa fushanaaya majoogayee carabtu waxay ku maahmaahdaa maalin kasta ciid maahn .

marka dawladu waa in ay ogaataa taageerida caalamka in aysan maalinkasta diyaar ahayn hadii aysan danu ugu jirin laakiin shacabku maalin kasta diyaar ayay u yihiin aayaha wadankooda iyo mustaqbalkooda shacab hadii la waayo taas macnaheedu waa Qarankii oo la waayay. oo hadii la wada yiraahdo shacabka dhan waa wada argagaxiso aadna doonayso in aad xukunto yaad xukumeysaa? sidee isku keenaysaa mida kale argagixisada aduunka waxaa la dagaalama laamaha sirdoonka oo ciidanka wadanka kamid ah laakiin marka madax waynaha la warayso iyo raisul wasaaraha amaba wasiirada kale hadii ay kawada hadlaan hal eray oo ay caalamka qaar taageero looga raadinaayo oo dawlada Embagathi ugu yeerto argagixiso goormaa laga hadlayaa arimaha shacabka ama wax loo qabanayaa bulshada dhibaataysan

marka aan leeyahay siyaasad qodob gashay qaran mano qonkartaa waxaan aragnaa markii ay dawlada Embagathi waxlaga waydiiyo dhacdooyinka wadanka ka dhacay amaba dhibka ay u gaystaan shacabka soomaaliyeed waxay marmarsiyo ka dhigtaan waxaan la dagaalamaynaa waxa ay ugu yeereen argagixiso oo aysan qaarkood micnaheeda aqoonin dacaayadna maahane waa sida laga hayo qoowlkooda iyo ficilkooda marka raali galinta wadamada shisheeye iyo kutumasha xuquuqda shacabka soomaaliyed ma is galaan ?

Hadaba shacaboow ka tashta aayihiina iyo mustaqbalkiina oo ha ku halaynina dadka raali galinaaya cadawgiina kuna tumanaaya xuquuqdiina iyo jiritaankiina oo ha is dhihinina yaa la dagaalami kara dawlado badan ? waxaad taariikh ahaan wadanka soomaray gumaysi kan ka horeeyay asagana geesiyadii soomaaliyeed ayaa ka xoreeyay laga soo bilaabo Imaam Ahmed Ibraahim Alqasaali [ahmed gurey] ilaa iyo maanta waranku isku dhiib ayuu ahaa nasiino malahayn Oraah Soomaaliyeed baa waxay ahayd wixii qof dhiba laba qof ma dhibaan, marka aan midayno Caqligeena, Cilmigeena, Hadafkeena, sadexdaan oo midaysan waxaa ka dhasha Midnimo hadii la helana midnimo waxaa imaanaaya jiritaan shacbiyadeed oo ka kooban dal madaxbanaan iyoshacab aayahooda ka tashada, hadii aan u soo laabto dhinaca dib u xoraynta dalka waxaa looga qayb qaadan kara dhinacyo badan

Tusaale ahaan

DADKA GUDAHA KUJIRA WAXAA LOOGA BAAHAN YAHAY

Dhaqaalaha oo la bixiyo

Dareenkoo la mideeyo

Difaaca diinta dalka iyo dadka oo loo istaago

DADKA DIBADA JOOGA WAXAA LOOGA BAAHANYAHAY

Dhaqaalaha oo la bixiyo oo lagu taageero dadka u taagan difaaca diinta dalka iyo dadka

Dhareenkoo la mideeyo iyo dhiira galinta shacabka gudaha ku jira

Saxaafada aduunka oo loo sheego waxa xaqiiqadaa ah oo uu gumaysigu dalkeena kawado

Muduharaadyo joogta ah oo aynu ku muujinayno dareenkeena wadaninimo,


caaqilka707@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com