SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY

"Xabada waa in laga joojiyo shacabka, ciidamada itoobiyana waa inay deg deg uga baxaan soomaliya, dowlada waa inay diyaar u ahaataa inay la hadasho qof walba oo xalka qeyb ka noqon kara" ...
   

Marso 30 - 2007 Cowslafil , Oslo, Norway

Gudoomiyaha SSNM-ASAL, Axmed Saadaq Maxamed Faarax oo ka hadlayey marxalada adag ee soo wajahday shacabka soomaaliyeed ayaa yiri;

"Xabada waa in laga joojiyo shacabka, ciidamada itoobiyana waa inay deg deg uga baxaan soomaaliya, dowladana waa inay diyaar u ahaataa inay la hadasho qof walba oo xal in la gaara qeyb ka noqon kara".

Gudoomiyaha SSNM-ASAL ayaa isagoo si aad ah uga danqanaya dhibaatada loo geysanay shacabka aanan waxba galabsan kuna soo jiray dagaal 16'sanno jirsaday ayuu ka hadlay in maanta ay muhiim tahay in soomaali ay midowdo kana tashato aayaheeda sida ugu dhaqsaha badana loo helaa naqshad/dariiq dhibaatada looga saaro dadka soomaaliyeed. Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in Itoobiya aysan xalka qeyb ka noqon karin si deg deg ahna uga baxdaa xarumaha ay ka sameysatay caasimada welibana joojisaa kuwa cusub oo ay rabaan itoobiyaanku inay abaabulaan.

Gudoomiye Axmed Saadaq ayaa yiri waxaan soo jeedinayaa in lo joojiya xabada u dhaxeysa shacabka iyo ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada guud ahaan, gaar ahaana itoobiya dagaalka waa inay ka joojiso magaalada dhexdeeda..

DOwlada ku meel gaarka waa inay qeyb ka qaadataa joojinta dagaalka shacabka oo la leynaya waa mid meel ku dhac u ah dowlada oo aysan marnaba ku kasban karin kalsoonida shacabka ay matasho...

Waa in wada hadal degdeg leysugu yimaado si looga wada hadlo dhibaatada jirta shacabkana waa inay ku midoobaan meelna uga soo wada jeestaan dhibaato iyo dulmi kaga yimaada dhan walba.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in arrimaha soomaaliya ay si deg deg ah loo soo faro geliya, ugu horeyntiina laga hadla sidii itoobiya looga saari lahaa wadanka.

Saadaq oo ka hadlayey shirka dib u hishiineed ayaa yiri macquul ma aha iyadoo aanan lala hadlin dhamaan dadka nabada qeyb ka qaadan karo in la yiraahdo shir halka lagu qaban aanan leysku waafaq saneyna ayaanu qaban taasina waa uun waqti lumis aysan u baahneen shacabka soomaaliyeed maanta. Haddii aanan lala hadlin shacabka waxba ma tareyso dad meel laga soo uruuriyey.

Xaalada magaalada muqdisho ayaa aheyd mid aad u cakiran dagaalo faraha looga gubtayna ay ka dhaceen Qamiistii shalay waxaana loo baahan yahay in si deg deg ah loogu gurmada dadka soomaaliyeed ee ku dhiban halkaa ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa Mudane Axmed Saadaq Maxamed

Cowslafil.com
Oslo, Norway
cowslafil@cowslafil.com

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com