SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa loo xasuuqayaa dadkayaga ? 

Abdinasir Mohamed Muse | naasirsom@gmail.com

Sanadkii tagay horaantiisa; magaalada Muqdisho waxaa soo ifbaxay kacdoon shacab oo lagu magacaabo Midowga Maxaakiimta Islaamiga. Kacdoonkaan waxay xasiliyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo markaas gacanta ku haayeen ayaga oo wax badan ka qabtay dilka micna darada ah, Dhaca, Boobka, iyo isticmaalka maandooriyaha.

Arrintaan waxay u cuntumi weysay kuffaarta aan u ogoleyn dadka iyo dalka Soomaaliya in ay nabad ku naaloodaan ayaa waxay sheegeen in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ay yihiin khatar ku soo fool leh dunida. Dalka ugu weyn kuffaarta ee Mareykanka ayaa waxay bilaabeen qorsha ah sidii loo burburin lahaa Midowga Maxaakiimta Islaamiga; waxay isugu yeereen dhamaan hogaamiye kooxeedyada joogay magaalada Muqdisho waxayna qandaraas ku siiyeen in ay baabi’iyaan Midowga Maxaakiimta Islaamiga.

Waxaa la aasaasay 28 Febraayo 2006 Ururka La Dagaalanka Argagixisada iyo Soo Celinta Nabada oo ay ku bahoobeen dhamaan hogaamiye kooxeedyada ka jiray magaalada Muqdisho waxayna iclaamiyeen in ay dagaal la galayaan Midowga Maxkamadaha Islaamiga. Isla maalintaas waxaa bilowday dagaalkii ay iclaamiyeen Ururka La Dagaalanka Argagixisida iyo Soo Celinta Nabada wuxuuna ka bilowday aaga Dayniile. 

Ilaah mahadiisa 6 bil ka dib koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa laga sifeeyey Ururkii la magac baxay La Dagaalanka Argagixisada iyo Soo Celinta Nabada goobahaas oo dhan waxaa gacanta ku dhigay Midowga Maxaakiimta Islaamiga waxayna kala mid dhigeen amniga goobaha kale ee gacanta ku haayeen.

Muqdisho ayaa noqotay caasimada ugu nabdoon ee qaarada Afrika ayada oo dadka Soomaaliya oo ku maqnaa dibada ay ku soo tartamaan imaanshaha dalkooda halka kuwa joogana ay ku tartameen baabuurta yar yar iyo mobile-da ugu qaalisan dunida.

Dowlada Mareykanka ayaa dhabarjab ku noqotay arrintaan iyo dharbaaxadii ku dhacday Ururka la magac baxay La Dagaalanka Argagixisada iyo Soo Celinta Nabada; Mareykanka ayaa bilaabay in uu raadiyo koox kale oo qandaraas siiyo oo baabi’iya Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo nabad ka dhiga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliyeed; kooxdaas waxay noqotay Dowlada Itoobiya oo cadaawad 600 sano ah  kala dhexeysa dalka Soomaaliyeed.

Dowlada Itoobiya ayaa u diyaar garowday in ay xasuuqaan qof kasto oo wax garad ah ayagoo oo ka faa’ideysanayo fursada wanaagsan uu siiyey Mareykanka. Madaxweynaha Itoobiya Meles Zenawi ayaa warbaahinta u sheegay in Midowga Maxkamadaha Islaamiga ay khatar ku yihiin Dalkiisa ayna is difaaci doonaan. Dowlada Itoobiya ayaa bilowday in ay u soo daad gureyso ciidankeeda ciida Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay howshii loo soo diray oo aheyd baabi’inta Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo xasuuqa shacabka Soomaaliyeed oo nabad ku jiray 6 bilood. Waxaa dagaal qaraar dhex maray Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo Ciidamada Itoobiya dabayaaqada sanadkii tagay dagaalkaas oo maxaakiimtu looga itaal roonaaday laakiin hogaanka maxaakiimta ayaa sheegay in uu dagaalka daba dheeraan doono, Muqdishana aysan ku dagaalameynin. Ayaga oo u damqaday shacabka ku nool Muqdisho.

Nasiib daro, ciidamada Itoobiya si ay howshooda ugu gutaan waxay marmarsiyo u raadsadeen xasuuqa dadweynaha Soomaaliyeed ayaga oo keenay barnaamij looga magac daray Sifeynta Muqdisho. Barnaamikan si loo dhaqan galiyo Itoobiyaanka waxay bilaabeen in ay madaafiic aan loo meel dayin u qeybinayaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Abdinasir Mohamed Muse | naasirsom@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com