SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdishu Maxaa Gacan Gumeysi Geliyey?

Bashir Abdulkader Mualem 
E-mail: bascir61@yahoo.com  
Sana'a - Yemen

Taariikhda geeska africa , waa markii ugu horeysay Ethiopia oo Tigreega hogaaminaya caasimada Mugdhishu soo galaan. 

Iyado cid walba ay ogsoonyihiin cadaawada taariikhiga ee ka dhexeesa Soomaaliya iyo Ethiopia iyo loolanka awoodeed , ayaa waxaa la yaab ah in dad soomaaliyeed tigreega sameesto una soo horseedaan qabsashada dalka. 

Waxaa is weydiin mudan waxa ay tahay sababaha gaarsiiyey bulshada soomaaliyeed heer kaan . 

Inta badan sababaha bur buriya bulshadaha waxaa loo qeybiyaa laba , kuwo gudaha ah iyo kuwo dibada , sababaha dibda saameyntoooda  waxay ku xiriran yihiin kuwa gudaha ,

Haddi ay bulshada leedahay asbaabaha gudaha , kuwa dibad sameen ayey yelanayaan. 

Laakin haddii bulshada ay iska daaweyso asbaabahaas , ama ay karto in ay xakameyso, kuwa dibad wax saameyn ah ma yeelanayaan. 

Marka waxaan ka hadleyna ,keliya, asbaabaha guddaha ee soomaalida bur bur ka baday , maadama saameynta kuwa dibad ay ku xirintahay jiritaan kuwa gudaha. 

Waxaan  asbaabaha gudaha ee soomaalida gaarsiiyey bur burkaan  ku soo koobi karnaa seddex waxyaabood: 

  1. asabaab la xiriirta qaabka dhaqan dhaqaale ee bulshada soomaaliyeed
  2. asbaab la xiriirta aragtida bulshada soomaalida ee dowlad
  3. asabaab la xiriirta aragtida bulshada soomaalida ee la xiriiirta siyaasada.

Qaabka dhaqan dhaqaale ee bulshada soomaaliyeed: 

Bulshada soomaaliyeed waa bulsho inteeda badan ka soo jeedo qaab dhaqan dhaqaale ku

Saleysan xoolodhaqasho , siba geela. 

Qaabkaan dhaqan dhaqaale ee ku saleysan geel jirnimada wuxuu abuuray nidaamka qabilka , nidaamkaas oo ah mid bulshada ay iskugu xiran tahay qaab wada dhalasho ( biological relationship), oo qoys qoys ah, nidaamkaan gudahiisa ruuxa bulshada ka tirsan wuxuu qiimo ku leeyahay beeshiisa , haddii beeshiisa ay bulshada dhexdeeda awood ku leedahay wuxuu bulshada ku dhex helayaa qiimeyn, ruuxa nidaamkaan kuma qiimeeyo kartidiisa , aqoontisa , iyo wax qabadkiisa. 

Nidaamkaan ruuxa aan qabiilka ka tirsaneyn waa shisheeye , la siman ruuxa ajnabiga ah ee bulshadaha kale ka yimid, in kastoo soomaalida qabaa'ilkooda is guursadaan , haddana marka inanta uu guursado nin aan qabiilka ka dhalan waxaa la yiraah nin shisheeye ah ayey u dhaxdaa. 

Taas waxay muujineysaa in soomaalida bulsho ahaan iskugu xirneen, oo qabiil walba ka masaalix duwan yahay qabaa'ilka kale, tan kale nolosha adag ee dhulka  soomaalida geeleyda ah ka jirta waxay gelisay qabaa'ilka soomaaliyeed loolaan adag oo ay ku loolamayaan daaqsiinka iyo biyaha gabaabsiga ku ah dhulkaas, loolankaas ama ciriiri nololeedkaas wuxuu sii wiiqay isku xirnaanta bulshada , in kasto marka laga eego dusha bulshada soomaaliyeed ay tahay bulsho leh asbaabaha midnimada , sida luqad mideysan, diin mideysan iwm, haddana qaabkaan dhaqan dhaqaale ee ku saleysan geel jirnimadda iyo biyaha iyo daaqsiinka ciriiriga ah  waxay  bulshada u qeybiyeen kana dhigeen  qabaa'il ku loolama gacan ku heynta ilaha nolosha . 

Markaa waxaan oran karnaa caqliyada qofka soomaalyeed oo ay qaabeysay qaabkaan dhaqan dhaqaale waxay ku saleysan tahay qabiileysi iyo masaalix gaar ah, ma laha mabaadii' kale oo la dhowraa , ama wadan bulshada ka wadda dhexeeya oo la dhowrayo ,ilaalintisa ka horeeyso wax walba. Markaa siyaasiga soomaaliyeed wuxuu noqday mid ka tarjuma caqliyaddaan qabiileysiga iyo masaalixda gaar ah ku saleysan, caqliyaddaan waxay u fududeysay cadawga soomaaliyeed in ay sameystaan ama bulshadda ku dhex abuurtaan dad u shaqeeya daanahooda.

Qaabkaan dhaqan dhaqaale iyo caqliyadda uu abuuray  waxay  sahleen burburka dowlada soomaaliyeed. 

Aragtida soomaalida ee dowlad:

Qaabka dowladeed ee dunida ka jira ,waa mid ku salaysan qaran nimo , waxaa udub dhexaad u  ah  ama uu ku  taagan yahay seddex tiir oo kala ah shacab , dhul, iyo xukumad.

Dowladani waxay ka dhalataa , sida culimada bulshada qaarkood qabaan  , wax loo yaqaan heshiis bulshadeed, ( Social Contract(  carabigana lagu  yiraah عقد اجتماعى  , dowladaan waxaa loo yaqaan ( Nation State) dowlad qaran ma aha dowlad qabiil gaar ah ama koox gaar ay leeyihiin . 

Dowladaan noocaan ah waa mid ka dhexeesa dhamaan shacabkaas , heshiiskooda bulshadana waxaa ka tarjuma Dastuurkooda , xukumadana waa mid ku timaada rabitaanka shacabkaas, howsheedana ay tahay ilaalinta xuduudka dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee dalka , fulisana howlaha lagu xaqiijinaya himilada guud ee shacabkeeda. 

Markaa haddaan dib u eegno ama u milicsano dowladi ugu horeysay ee soomaaliyeed ma aheen mid ku dhalatay qaabkaan , laakin waxay ka dhalatay  halkankii lala galay gumeysiga ,oo waxay aheed mirihii halkankaas ka dhashay, bulshada soomaaliyeed iyadon is weydiin sida ay ku wada noolaan karaan iyo waxa uu yahay qaabkaan dowladeed oo ay ka dhaxleen isticmaarkii reer galbeedka  , aye waxay dowladnimadii ku macneeyeen in ay tahay hashoodii maandeeq oo ka maqneed oo u soo noqotay, taas waxay dhashay in soomaalida qaab nololeedkoodii  ku saleesnaa qabiilka ku dhisaan dowlada , nidaamka dowlad qarana waa mid aan la fal gali karin nidaamka qabiilka , ilaa iyo manta dadka soomaaliyeed waxay keeni la'yihiin in ay meel isla dhigaan qaabka dowlad qaran, weli waxaa maskaxdooda ku jira nidaamka qabiilka, dowlad waxay u arkaan  in ay tahay maandeeq ,sidaa darted qabiil walba, qabiil ahaantis ayuu u doonaya in dowlada hogaankeeda sare noqdo, waayo waxay u arkaan qofka hogaanka sare qabta in uu yahay mid ka soo jeeda qabiil fulinayana dan qabiil - runtina waa sidaas- , sida darteed reerka uu ka dhashay hogaamiyahaas waxay doonayaan maandeeq in ay keligood maalaan, inta uu fahamkaan jirana way adagtahay in soomaalida dhistaan dowlad qaran, aragtidaan dowlada laga qabana waxay ummadda soomaaliyeed u horseeday in ay  ku loolamaan maalida maandeeq oo  ay gaarto ( cadyahow  haddaan ku cuniwaayo ku ciidee), dalkana  cadow faraha u geliyaan madaama  cadowga reer hebal hogaanka  sare  u dhibaayo. 

Aragtida Bulshada ka Qabto Siyaasada: 

Siyaasadda waa fanka  ku hogaaminta bulshada himaladooda  , markaa siyaasiga waa ruuxa ku hogaamin kara  bulshada sidii ay u gaari laheed himilooyinkeeda, laakin argtida soomaalida siyaasada ka qabto waa;  in ay siyaasadda tahay  fanka khiyaameenta iyo lug goynta , qofkaan waa  siyaasi  waxay la micna tahay qof kaan waa mid ku xeel dheer qiyaameenta , taasna waxaa ku cadeynaya , sida ay u dhaqmaan raga lagu sheego siyaasiyiin , sidaa darteed madaama lagu loolamayo gacan ku heynta maandeeq, reer walba waxay siyaasi ahaan u soo xusheen ruux uga liitay uguna qiyaamada badan oo ay is leeyihiin siyaasiyiinta kale wax wuu la qeebsan karaa, madaama ay siyaasada tahay qiyaameen ,bulshadaana ay la heen wax hadaf wadani ah oo ay wada raadineyso, taa waxay dhashay in maanta hogaanka siyaasadeed ee umadda gacanta u gasho dad aan la heen wax damiir ah hamigoodna uu aad u hooseyo,  aqoona u la heyn  hingaada siyaasada ,  maamulka iyo maareynta ummadda.

Dad siisanaya qiima yar oo lacag ah oo aan qaadkoooda ka badneyn qaran nimada iyo madaxbanaanida dalka aye noqdeen siyaasiyiinta soomaaliyeed , taas waxay u fududeesay tigreega in ay siyaasiyiin ku sheega ummad hor boodaya ay kaga  iibsato qiimayar oo qaadkooda dhaafsiisneyn qarannimadii ummadda iyo madaxbanaanidooda. 

Ummuraha aan soo sheegnay aye nala tahay in ay asaas u tahay in dalka gacan gumeysi kulaabto, iyado caalamka dowladaha ka jiraana hiigsanayaan horumar , ayey siyaasiyiinteena iyo inta na horboodeeso ay sababeen in aan gobanimadoon dib ugu  noqono .

Manta soomaaliya waxay u baahanta hay hogaamiye ka saari kara dib u dhaca iyo bur bur bulshadeedeeka ay ku  jirto , soomaaliya manta waxay u baahantahay hogaamiye aan qabileysi aqoon sida kuwa manta hor boodaayo dalka , oo mangaabta ku sabsabta in ay reer kooda tigreega ka dhigayaan madax . 

Wax gardka iyo aqoonyahanada damiirka iyo wadaniyadda leh waxaa hor yaal manta imtixaan adag oo ah sida ay dib uga xoreyn la haayeen dalka cadawga qabsaday , oo ay bulsho soomaali oo cusub oo ka fayoow qabiilka iyo masaalixda shaqsiga u dhisi lahaayeen. 

Waxaan u qeybin karnaa howsha inta fayoow ee soomaalida hortaal laba :

Mid xiliga dhow ah iyo mid xiliga fog ah .

Xiliga dhow daruufta waxay nagu qasbeysaa in la galo halkan looga xoreeynayo cadowga iyo huwantiisa soomaalida ah dalka , halkankaas oo isugu jira mid dibolomaasiyadeed , Dicaayadeed iyo mid militiriba, oo gudaha iyo dibada laga qaado , leyskuna xiro , loona dejiyo istritiijiyad cad , halgan kaasna waa in lagu fuliyaa qaab nidaamsan oo leh hoogaan  , hogaankaasna waa in ay ahaadaan (Transformal leaders) , hogaan ummada ka saari kara gumeysiga , guusha ay gaaraana  ka dhigi kara mid laga faa'ideysto oo ayan ka lumin ummadda mar kale.

Xiliga fog: howsha xiliga fog waxay dusha kaga dheceysaa aqoon yahanadda guud ahaan  , gaar ahaan  kuwooda bulshadda ,  Barbaarinta siyaasadda iyo maamulkaba , aqoon -yahanada waxaa looga baahan yahay in ay bulshadda ujeexaan khariidad cad oo ay ku wadda noolaan karto iyagoo mideysan, taasna waxaa lagu gaarikaraa marka bulshadda laga tir tiro caqliyadda qabyaalada ku saleysan iyo masaalixda shaqsiga , aqoon yahanada  waa in ay u dejiyaan bulshadda siyaasad wax barasho oo soo saarta aqoon yahan   siyaasi  , gaanacsade  akhlaaq , iimaan , wadaniyad iyo hami sare leh kana fog masaalixda shaqsiga iyo qabiileysiga, lehna aragti fog , xambaari karana himiladda ummadda masuuliyadeeda

Haddi aan bulshadda la gaarsiin heer ay ku xushaan hogaankooda siyaasadeed aqoontooda , iimaankooda , iyo waddani nimadooda , hamigood sare, iyo ka dhoorsanaantooda akhlaaq xummadda , qabyaalada iyo masaalixda gaar ah, kama baxeyno gumeysiga. 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com