- Dagaalkii Muqdisho
oo Galay Maalintii Afraad
- Askarigii Ugu
horeeyey oo Uganda Looga Diley Muqdisho
- Prof. Maxamed Cumar
Dalxa oo ka hadlay dagaalka Muqdisho
- Dowlada maraykanka
Safiirka u fadhiya Kenya oo ka hadlay dagaalka Muqdisho
Dagaalkii Muqdisho oo Galay Maalintii
Afraad
April 1, 2007: Madaafiic culus ayaa kusoo
dhacay bartamaha magalada Muqdisho, halkaas oo uu Axadii ka sii socdey
dagaal googoos ah.
Dadweynaha ku dhaqan xaafadda garoonka
kubbada cagta ee Stadium Muqdisho waxay sheegeen in barqanimadii Axadii
madaafiic lagaga soo gamay dhanka Koonfureed ee magaalada..
Dadweynaha deggan xaafadda Towfiiq waxay
sheegeen in madaafiic culus lagu soo garacay. Waxayna sheegeen in
madaafiicda laga soo tuurayo dhanka Koonfureed ee magaalada.
Wararku waxay intaas ku darayaan in tiro
shacab ah oo aad u badan ay ku dhinteen dagaalka maalintii Afraad galay ee
kasocda magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada Itoobiya ay madaafiicda ku
garaacayaan magaalada.
Askari Uganda looga Diley Muqdisho....
Afhayeen maanta oo Axad ah (April 1, 2007)
u hadlayey ciidamada Uganda ayaa sheegay in Muqdisho looga diley askari,
kaas oo ah askarigii ugu horeeyey ee ciidamada Uganda looga dilo Muqdisho,
sida uu sheegay afhayeenku.
Major Felix
Kulayigye oo ah Afhayeenka Ciidanka Uganda isagoo u waramayey Reuters waxa
uu yiri: "Ciidankayagu waxay waardiye ka ahayeen xarunta madaxtooyada
maalintii Sabtidii markaas ayaa madfac la soo tuuray waxa uu ku dhacay
halkaas kuna diley mid ka mid ah askartayada."
Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay
in dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay dagaallada ka socda maalintii
afaraad Magalaada caasimadda ah ee Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlaamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in
dagaal wax lagu doonay ay ka wanaagsan tahay in lagu doono nabad iyo is
afgarad, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in dowladda howlgallada ay ka waddo
Muqdisho ay yihiin kuo lagu sugayo ammaanka caasimadda Soomaaliya ee
Muqdisho oo noqotay meel ay ku xoog badan yihiin kooxo aan la garanayn
hadafkooda.
"Dowladdu waxay doonaysaa in shacabka dhexdiisa ay ka sameyso nabadgalyo iyo
ammaan loo wada riyaaqo, waxayna la dagaalamaysaa kooxaha aan ujeeddada
dhabta ah lahayn ee dagaallada ka wada Muqdisho" ayuu yiri Prof. Dalxa oo ku
eedeeyay inay dagaallada Muqdisho ka dambeeyaan kooxo uu ugu yeeray inay
yihiin kuwo aan doonayn dowladnimo iyo nabad ka dhalata Soomaaliya oo dhan,
gaa ahaan Muqdisho.
"Waxaan u soo dhaarannay waa inaan danteenna ka hor-marinno midda shacabka,
waana taas midda aan weli ku taagannahay, waxaana shacabka u sheegaynaa inay
iska dhex qabtaan kuwa dhibaatada ka dhex wada" ayuu yiri Prof. Dalxa.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in Fidnada ay tahay
mid hurudda balse ay kiciyeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo caado ka
dhigtay mucaaradidda dowlad kasta oo dalka loo soo dhiso, balse dowladdu
waxay go'aan ku gaartay inay kuwaas la dagaasho.
Dowlada maraykanka Safiirka u fadhiya
Kenya oo ka hadlay dagaallada ka socda Muqdisho iyo sida uu Mareykanku u
arko
Safiirka Mareykanka ee Kenya Michael Rheinberger ayaa ka hadlay dagaallada
ka socda Muqdisho isagoo ku tilmaamay in dagaalladaas ay yihiin kuwo ka sii
daraya, waxaana uu sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho la soo afjarayo
dhawaan.
Rheinberger wuxuu sheegay in dagaallada ka socda Muqdsiho ay yihiin kuwo ka
sii daaraya, isla markaana dhalinaya xaalado bani'aadamnimo oo aad u xun,
loona baahan yahay in la soo afjaro dagaallada, shacabkana loo ogolaado inay
guryahooda ku soo laabtaan.
"Dagaallada ka socda Muqdsiho waa kuwo u dhexeeya kooxo mitid ah iyo
dowladda Soomaaliya, waxaana u haysanna annaga Mareykanka ahaan in
dagaalkaas uu yahay mid lagu xididdo siibayo kooxo argagaxiso ah oo ku sugan
Muqdisho" ayuu u sheegay Rheinberger wakaalado warar oo uu kula hadlay
Nairobi.
Mar uu ka hadlayay Mowqifka Mareykanka uu ka taagan yahay dagaallada ka
socda Muqdisho ayuu yiri: "Haa... waan taageersannahay in laga saaro
Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho kooxo haraadiga ah ee xiriirka la leh
argagaxisada caalamiga ah", wuuxuna intaas ku daray: "Dowladda Soomaaliya
waxaa waajib ka saaran yahay inay dagaallada soo afjarto oo aysan noqon kuwo
dabo dheeraaday".
Wuxuu dhanka kale sheegay in Beelaha Hawiye ee sheegtay in dagaallada ka
socda Muqdisho ay yihiin kuwo lagu gummaado aysan sidaas u arag dagaallada
balse ay ogaadaan in dagaallada uu yahay mid looga soo horjeedo kooxo xiriir
la leh Argagaxisada.
Waa markii labada ee uu Mareykanku ka hadlayo dagaallada ka socda Muqdisho,
isagoo uga hadlay si isku mid ah, waxaase ka hadlay UN-ka oo sheegay inay ka
xun yihiin dagaallada ka socda Muqdisho deg-degna loo joojiyo.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
WARARKII: March 31, 2007
Warbixintii Sabtidii: Dagaalka
Muqdisho....
Dagaalkii Muqdisho ayaa Sabtidii galay maalintii saddexaad, dagaalkaas oo sii xoogeystey. Waxayna hay'adda
ICRC dagaalkaas ku macnaysay "kii ugu xumaa muddo 15 sano ah."
Meydka ayaa waran waddooyinka, madaafiicda
iyo hubka culus oo dhacaya ayaana suurta gal ka dhigi waayey in dhaawaca iyo
meydka la qaado, ayey tiri Aljazeera. Dadka magaalada Muqdisho deggana waxay
sheegeen in boqolaal qof ay dhinteen, ayaa warku intaas raaciyey.
"Ma garaneyno meel aan aadno. Waxaan
ku xayirahay guryahay, meydkuna waxa uu yaalaa dariiqyada," sidaas waxaa
yiri
Ibraahim Ducaale oo ah weriye ka tirsan AFP oo jooga dhanka
koonfureed ee magaalada xaafada Cali Kamiin. Waxana uu intaas ku daray "Ma
jirto fursad lagu qaadi karo dhaawaca iyo meydka sabatoo ah hubka culul iyo
lidka diyaaradaha oo dhacaya awgeed."

Xaafad gubaneysa, Muqdisho, Maarso 3, 2007. Sawirka: AFP |
Salaado Yebarow, oo deggan Muqdisho, waxay
hay'adda wararka ee Reuters u sheegtay "Waxaan halkan joogey 16 sano,
weligayna ma arkin wax la mid ah sidan." Waxayna intaas ku dartay "Magaalada
oo dhan waa la duqaynayaa si aan loo meel dayin."
Hadal uu soo
saaray Wasiirka Warfaafinta Itoobiya oo laga baahiyey telefishanka Itoobiya
ayaa ku andacoodey in ay dileen boqolaal hubaysan oo ka soo hor jeedey, waa
sida hadalka loo dhigay 'e. Waxana hadalku intaas ku daray "Itoobiya waxay
dishey 200 oo hubaysan oo ka haray Maxkamadaha Islaamiga waxaana la
dhaawacay in badan."
Dhanka kale
hay'adda u dooda xuquuqul Insaanka ee loo yaqaan
Human Rights Watch (HRW) ayaa si kulul u
eedaysay dawlahada Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya iyo USA, waxayna ku
eedaysay in ay si qarsoodi ah u xabisayaan boqolaal qof oo ka cararaya
dagaalka Soomaaliya.
"Mid
kasta oo dawladahaas ka mid ah waxay qayb waji gabax ah ka qaadatay in si
xun loola dhaqmo dad ka cararay aagga dagaalka," sidaas waxaa yiri hogganka
HRW,
Georgette Gagnon.
"Dersino dad
ah ayaa la dhigay xabsiyada Itoobiya" ayuu yiri
Gagnon, oo intaas ku daray "waxaa lagama maarmaan ah in Itoobiya ictiraafto
in ay dadkaas hayso, una ogolaato in ay arkaan beesha caalamka oo ka madax
bannaan."
Qaramada
Midoobey waxay sheegtay in laga soo bilaabo bishii Febraayo ee sannadkan in
Muqdisho ay ka qaxeen dad lagu qiyaasay
58,000
qof.

Faadumo Cadow oo 90-jir ah, oo hoos fadhida
geed ku yaal xaydaanka cisbitaal Madiina, Maarso 31, 2007. Cidbitaalka oo
xamili waayey dhaawaca dadka ak soo gaaray duqayntii Muqdisho. Sawirka:
Reuters.
Maxamed Deeq Abuukar Aruuni oo laba joodari
madaxa ku sitey isagoo ka sii baxaya magaalada Muqdisho ayaa waxa uu
hay'adda wararka ee AP u sheegay in uusan weligiis ka bixin Muqdisho,
laakiin maanta uu ka qaxayo sababtoo ah madafiicda aan loo meel dayin oo
lagu sio ridayo xaafadaha Muqdisho.
Jicamadii
ayey ahayd markii diyaarad ka mid ah kuwa ka qayb qaadanaya duqaynta
Muqdisho gantaal lala helay oo ay kusoo dhacday Muqdisho.
Ruqiya Shaafi Muxyadiin oo deggan Muqdisho
waxay tiri: Diyaaradu waxay hawada ka soo dhacday iyadoo gubaneysa, siday u
sheegtay AP.
Afhayeen u hadlayey madaxweynaha DFKMG ayaa
Sabtidii qiray diyaaradii Jimcadii laga soo ridey Itoobiya.
Muqdisho: Diyaarad Helikopter
ah oo Lagasoo Ridey Ciidamada Itoobiya
Diyaaradaas oo duqayneysey Magaalada
Muqdisho....

Diyaarad laga soo ridey Itoobiya. Aljazeera
Maarso 30, 2007: Wararka ugu dambeeyey ee
ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in maanta (Jimce) duhurkii
diyaarad helikopter laga soo ridey ciidamada Itoobiya. Waxaa wararku intaas
ku dareenin diyaaradu dhacday kaddib markii lala helay gantaal ah nooca
lidka diyaaradaha. Diyaaradaas oo qayb ka ahayd diyaaradihii ilaa shalay
duqaynayey magaalada Muqdisho.
Dad arkayey markii diyaardu soo dheceysey
ayaa sheegay in diyaaradaasi dhacday iyadoo holceysey.
Dagaalkii shalay bilowday ayaa meeshiisii
ka sii socdey maanta oo Jimce ah, kaas oo sii xoogeystey. Aljazeera waxay
werisey in rasaas laga maqlayey meel u dhow Villa Soomaaliya.

Dab ka soo baxaya aagga Garoonka Diyaaraha
Muqdisho, kaddib markii diyaarad helikopter ah gantaal lala helay. Maarso
30, 2007. Sawirka: AP
Shalay ayey ahayd markii Ciidamada Itoobiya
laga gubey gaari nooca Uuraalka, sida ku cad warka hoose.
Ugu Yaraan Toddoba Ciidamada
Itoobiya oo Khamiistii Lagu Diley Dagaalkii Muqdisho
Maarso 29, 2007: Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa
tibaaxay in dagaalkii Khamiistii ka dhacay magaalada ay ku dhinteen ugu
yaraan 30 qof oo badankoodu shacab ah, inkasta oo tirada dhabta ah ee
shacabka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalkaas aan la xaqiijin karin.
Waxaa wararku intaas ku dareen in dagaalkii
Khamiistii ay ku dhinteen ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan ciidamada
Itoobiya, iyadoo ay jiraan warar tirada intaas aad uga badanaya. Waxaana
wararku sheegeen in gaari nooca Uuraalka loo yaqaan laga gubey ciidamada
Itoobiya. Waxaana meyka askartaas la sheegay in lagu jiidey wadooyinka
magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay
diyaaradaha dagaalka ee helikoptarada ee Itoobiya kuwaas oo duqeeyey
Muqdisho.

Guri holcaya, Muqdisho, Sawirka: AFP, Mar 29, 2007
Ciidamada Itoobiyaaan ah oo Galay Kulliyaddii Hore ee Jaalle Siyaad..
.Warar dheeraad ah oo ka soo baxay qarixii Darmooleey..
.Saraakiil ka tirsan Uganda la kulmaya Odayaasha Beelaha
.Maxaa ka soo baxay kulankii Yuusuf iyo Qabqablayaasha..
.Wafdi ka socda Midowga Afrika oo ku soo fool Muqdisho..
.Soomaaliya iyo Itoobiyaan lagu daadiyey Xeebaha Yemen..
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan.... Mar 28


|