SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MALAYSIA
Daabaco Boggan | Print

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

XAALAD ADAG OO SOO WAJAHDAY ARDADA SOOMAALIYEED EE KUNOOL WADANKA MALAYSIA.

Safar gaaban oo aan kutagay wadanka Malaysia aniga oo katagay wadanka Australia ayaa intii aan kuguda jiray booqashadeeydii ayaa waxaa iisuurta gashay inaan helo Arday soomaali ah oo waxkabarato Jaamacadaha iyo iskuulada kuyaala wadanka Malaysia, Ardadaas  oo iiga warbixiyay xaaladooda noolaleed iyo midooda waxbarashaba ayaga oo iimuujiyay walaac iyo xaalad adag oo kala soo gudbanaatay waxbarashadoodii iyo meelihii ay wax kabaranayeen. Habada akhristayaasha sharafta leh meel walba aad joogtiin waxaan jecleeysatay inaan idiin soo tabiyo waxyaabihii ay tabanayeen Ardadaas iyo sida ay arimuhu isu badaleen.

 
Markaad imaatid wadanka Malaysia waxaad dareemaysaa inaad soo dexgashay bulsho islaam ah inkasta oo kudhaqanka Islaamka ayna kamauuqan meelo badan oo kamid ah noolasha dadka. Laakiin markii aan barbardhigay meeshii aan kaimid waxay ii ahayd mid iiga duwan oo dareen islaanimo iyo qaboow xaga gudaha ayaan dareemayay aniga oo mudo dheer ay iga maqneeyd marka ay imaato gudashada calaamada Islaamka Gaar ahaan Salaada ayaa waxa aan arkayay meel walba oo aan marayo marwalba in uu aadaan kayeedho afarta jiho aniga oo xaqiiqsanayo hadaba waxaa lajoogaa salaadii maxaa yeelay aadaanku wuxuu kuu sheegayaa waqtigii salaada ayaa lajoogaa ee qofka Muslimka ahoow diyaar garoow.
 
Qaybo badan oo howlaheeygii kamid ah waxaa gacan iga siiyay arday Soomaali ah intaas kabacdi waxaan kamid noqday Ardadii oo aan kusoo biiray. Marka aad imaatid malaysia waa khasab inaad imaatid xaafada ay Soomaalidu kubadan tahay oo lagu magacaabo (Taman Melat) waa xaafada ay dagan tahay Soomaalida kunool Malaysia. Waxaad arkaysaa Soomaali badan oo hareerahaada socdo adiga oo markii ay ku arkaan inaad cusub tahay kuwaydiinayo mahadaad imaatay? badanaana waxay malyanayaan inaad ka imaatay wadankii hooyo Soomaaliya oo aad u timid waxbarasho.
 
Magaca Taman Melati mudadii danbe waxa uu isu badalay Taman Somali oo xataa dadka kale gaar ahaan dadka Malayshiyaanka ah ay kuu sheegayaan in ay kubadan yihiin halkan Somaali oo ay aad udagan yihiin.   Xaafadaas ayay ahayd meesha aan kabilaabay wehel iyo inaan helo saaxiibo iyo dad bal aan kawareeysto inay iga siiyaan warbixin xaaladada wadanka iyo midoodaba . habadaba waatan ee lasoco.
 
(( Subuxii inta udhaxayso 8Am ilaa 3PM. waxaad dareemaysaa cidlo xaafada oo waxaad isleedahay xagay aadeen dadkii ayada oo qaar ay aadeen Jaamcadihii iyo iskuuladii ay dhiganayeen . markii lagaaro casarkii ayaa aad arkeeysaa inay kuligood soo dhaadheceen ilaa laga gaadho habeen kala badhkii xaafada cirkaas ayay maraysaa .  Dhinaca kale maqribkii ilaa 12Am waxay aad u fadhiistaan maqaaxiyadaha kuyaala xaafada Taman Melati oo ay shaah kacabayaan kabacdina qaar kood waxa ay isku mashquuliyaan isticmaalka qalabka Internadka oo ay qaar kood habeenkii oo dhan kumadadaashaan ayada oo ay meelaha laga isticmaalo internadka ay furan yihiin 24saac habeen iyo maalinba.
 
Shaqaalo kamid shaqaalayaasha kashaqeeyo maqaaxiyahaas marka aad soo fariisatid oo ay kuu yimaadaan inay kuwaydiiyaan maxaad rabtaa? ama aad dalbanaysaa inaad cuntid waxa ay qaarkood kugula hadlayaan af Soomaali ayaga oo ay barteen erayo ay kamid yihiin maxaad cunaysaa? Cabitaan, Shaah, Bariis, baasto iyo waxyaabo lamid ah. Mar aan ubaahday inaan isticmaalo qalabka internadka iyo inaan soo fiiriyo bal madadaalka ay kuhaystaan goobtaas ayaa markii aan galay goobtaas waxaan arkayay in ay ubadannaayeen goobtaas dadkii isticmaalayay Soomaali gaar ahaan dhalin yaro Soomaali ah oo kunool xaafada.
 
Waxay ishayada milicsatay inaan eego bal isticmaalkooda qalabkaas iyo bal meelaha ay baahidu ugaysay inay galaan laakiin malaheeygii wuxuu noqday mid kale waxaan arkayay badankood inay isticmaalayeen qalabak lagu magacaabo Computer game oo ay isticmaalayeen qaybo laxariiro Sportiga sida qaybta kubada cagta oo ay isxifaaltaminayeen ayaga oo is leh habeloow anaa kaabadiyay iyo hebeloow anaa kaabadiyay. Kuwa kalana waxay isticmaalayeen qabta lagu magacaabo Msnka oo ay lasheekaysanayeen dad kale . hadaba intii aan kujiray goobtaas waxaan iswaydiiyay soo bari ma aadayaan jaamacadii ? maxay waqtigan ama saacadan ujoogaan halkan?
 
Su'aashaas  ayaan waydiiyay wiil aan kula kulamy goobtaas wuxuu iigu jawaabay sidatan ((Caawoo dhan halkaanay fadhinayaan ilaa laga gaaro 3am ama waa-beri-soo-dhowaadkii kabacdina way seexanayaan maalintii oo dhana way hurdayaan meeshaan waxbarasho majirto madadaalo ayaa lagu hayaa iyo in iqaamo lagu joogo wadanka nin walba waxa uu kufikirayaa sidii uu uga bixi lahaa halkan) waa jawaabtii uu isiiyay ardagaas.
 
 
Qore. Mohamed wali (xiish)
Malaysia.
xiish3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Feb 25, 2006