SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Xasan Abshir oo Qirtay inuu Maraakib Xaalufinaya Badaha Soomaaliya uu Ruqsad siiyay

Xaggee kala xiriiri kartaa safaarada Boqortooyada Thailand ee dalka aad joogtid...
Linkigan: www.thaiembassy.org


Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Boqortooyada Thailand
www.thaiembassy.org


Xafiiska guud ee arrimaha dibada ee dawladda Thailand u qaabilsan xiriirka dadweynaha waxaalagala xiriiri karaa:
Foreign Office, The Government Public Relations Department, Bangkok, Thailand,
Tel: (66-2)618-2323 ext. 1700,
Fax: (66-2)618-2358,
E-mail: prforeign@prd.go.th

Website: http://thailand.prd.go.th/index.php


Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Thailand
THAKSIN SHINAWATRA
EMail:
webmaster@thaigov.go.th

tower.jpgXafiiska Wasaarada Caddaalada Thailand:
Email:
ojawebmaster@moj.go.th


Xabsiga ugu weyn Thailand waxaa la yiraahdaa Bangkwang http://www.bangkwang.net/

Xasan Abshir ayaa si qayaxan u qirtay inuu ruqsad siiyay Maraakiib Shisheeye oo ka kalluunsada xeebaha Soomaaliya, isagoo sheeganaya inuu yahay wasiirka kalluunka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Wasiirkaas oo aan xitaa guriga uu ka deggan yahay Baydhabo hortiisa aan qofna amrin karin iska daa xeeb dhererkeedu yahay 3300 Km awaamirteedee. Markabkan ay qabteen dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaa saarnaa oo laga soo dejiyay dhammaan noocyada kalluunka oo ay ku jiraan xitaa ugxaan ay xaaraan tahay in la ugaarsado. Waxaa lagu qiyaasay khayraadka badda ee saaran inuu ka badan yahay 2-milyan oo doolar. Waxaana lagu soo qabtay xeebaha ay sharciga u leedahay Soomaaliya inay tahay xuduuddeeda (Sharciga lagu muran san yahay xitaa haddii la raaco kasoo ah: 12 mayl waa ka caaggan yihiin maraakiibta dhammaantood; 200 mayl maraakiibtu waa mari karaan laakiin waxaa leh dalka udhaw,ruqsadna waa in ay ka haystaan dawladdaas dalkeeda u dhawdahay--- Markabkaas waxaa lagu qabtay 40KM gudahood xeebahas Soomaaliya).
 
Haddaba waxaa la yaab leh wasiir Xasan Abshir xuquuqda siinaysa inuu Maraakiib xaalufinaysa baddeenna uu siiyo ruqsad ay ku xaalufiyaan badda, isagoo door biday waxoogaa anfaaciya oo dhan 4500 doolar. Marka ruqsad la bixinayo waa in dawladda ciidamadeeda badda ka shaqeeyaan dhammmaan xeebaha soomaaliya. Waa in kor joogto lagu hayaa maraakiibta ka kalluunsanaya badaheenna si ayna u xaalufin kaydka badda amase ay u dabar gooyn lama taabtayaasha badda ubucdeeka ku jirta. Waa in xeer baalamaan oo qeexaya ka kallumaysiga badda la dejiyaa, ayadoo baarlamanku cayimayo khidmadda laga qaadayo markabka la siinayo ka kalluumaysiga.Waa in dhammaan 18ka goibal si isku mid ah lagu maamulaa khayraadka badda. Xasan Abshir baynu waydiin inuu ruqsad ku siiyay xeebha Saylac iyo Bebera?
 
Balse dawladii oo wali ku jirta shirar aan dhammaad lahayn, kana badin la' wali xaggee ku shaqaynaa iyo xaggee degnaa ayaa ruqsad siinaysa maraakiib usoo shaqo tagay badda soomaaliya, waxay noqonaysaa horseedid in baddeenna laga dhamaystiro wixii ku sii baaqiya oo 16 sano ee u dambeeyay lagu hayay xaalufin aan xad lahayn. Wiilasha ka kalulunsada baddooda ee markay u adkaysan waayeen maraakibta baabi'inaysa shabaagtooda haddii aynu ku tilmaanay Burcad badeed kuwa Ajaaniibta ah ee xaalufinaya badeenna maxaan ku tilmaanaa? Maqiil baynu u raadinaa sida Xasan Abshir oo leh way ka shaqaysan karaan badaheenna oo sharciga uu ku siiyay uu yahay mid lagula xisaabtami doonno marka waddanka dawlad shaqayso la helo.
 
Waxaa si xaqdarro ah ugu xiran dalka Thailand seddex dhalinyaro ah oo markii ay ogaadeen in baddooda la xaalufinayo kana dhiidhiyay dabar goynta lagu hayo uur jiifta badda Soomaaliya, uu heshiiyay kuwii sida sharci darada ah ku siiyay ruqsadda iyo kuwa soo xaalufin tagay waa Somcon iyo Maraakiiblayda Thailand e. Soomaalidu waxay ku maahmaahda "miskiin ayaa misko la cuskado leh" hadda Ajaaniibtii khayraadka badda xaalufinaysana waa la difaacayaa wiilasha shabaagtooda loogu yimmidna waa la ciqaabayaa oo waxaa loogu magacdaray 'Burcad Badeed'.
 
Marna qiil looma samayn karo burcadda afduubaysa maraakiibta ganacsiga, waxaase ka hadlaynaa waa maraakiibta muddada 16ka sano xaalufinta ka waday badda Soomaaliya, oo wax ka hadla aan la arag in loo qiil dayo mooyaane sida qabqablayaasha waraaqaha sharci darada ah siinaya maraakiibta tuugada ah ee dhammeeyay khayraadka badda soomaaliya.Gooray noqotana Xasan Abshir iyo kuwa la halmaala ee u naxayn khayraadka dalka waanu la xisaabtamin.
 
 
Cabdi Xasan /Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Afeef: Argtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2006


»Waraysi ku Saabsan 3-da Soomaalida ah ee Ku Xiran Bangkok, Thailand (Idaacada Australia)

Warqaddii ay DGPL u dirtay Dowladda Thailand:

Markii la waayey saddex Soomaali ah oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Daraawiishta Puntland oo saarnaa markab kalluumaysato oo sita calanka Thailand, ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxay warqad u direen Dowladda Thailand ay ku weydiisanayeen in la sii daayo saddexdaas muwaadiniinta Soomaaliyeed. Warqadii oo tarjuman ka akhri halkan....