Mohamed
Abdulle Hassan ; Shaqsi naadir ah;
waxa qoray joornaalka (La Nation)
ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afka Fransiiska ku soo baxa.
Waxa tarjumay :
C/LLaahi Max’ed
Email :
abdimoh@hotmail.com
AABIHII IYO
AWOOWGIIBA waxay ahaayeen wadaado, Mohamed Abdulle Hassan
wuxuu dhashay abaarihii 1864, kuna dhashay dagmo ceel u dhawaa
ceelkaasoo lagu magacaabo Sama deeqa oo meesha Qoob Fardood la
yiraahdo ka tirsan 100 kmna u jirta Burco.
Inta eeynaan u
guda galin Sayid Mohamed iyo dadkiisaba wadadii dagaalka,
dagaalkaasoo ahaa mid dheer dhimashana badan socdayna in ku dhow
rubac qarni, rag badana aay ku ledeen, xoolo badana ku baaba’een,
baaba’iyayna dalagyo (dhul beereed), wadankana galiyay dab iyo
dhiig. Bal markan waa in aan yara istaagnaa si aan daaha uga
qaadno iskuna dayno in aan fahano shaqsiyadii adkeed ee (sayidka)
oo kuwana aay u arkaan waali (reer Galbeedka), kuwana neecaaw
malaa’igeed (barakaysneed).
CADAALAD
SAMEE. Barashada taariikhda ninkan waa lamo huraan waxayna
ogalaanaaysaa in loo cadaalad sameeyo ninkii dadkii isaga ka soo
horjeeday ee yurubiyaanka ahaa aay ka rajo dhigeen hoos u
dhigida nin karmeedkiisa soo jiidashada leh, inkireena in uu
yahay siyaasi qaran oo kudayasho mudan. Waxay soo bandhigaan in
uu yahay oo kale hadal macaane fara dagaalka barakaysan (jihad),
si uu ugu guuleesto macmacaanka janada Alle, amabe uu yahay
damac badane la yaqaano, ama maskax gaabane kibir badan ku
riyoonaya in uu sharcigiisa ku soo rogo dhulka soomaaliyeed oo
idil isagoo isticmaalaya diinta sida hub oo kale si uu u
gaaro dano siyaasadeed. Sida nin waalan oo kale ayey ku
tilmaamaan. Waalida oo uu ingiriisku u yaqaano diidmo la diido
in maamulkiisa la hoos yimaado.
Hal kani waxa
hubaal ah in aay rideen xukuno iska soo horjeeda oo aan
xisaabta ku daraynin shaqsiyada aan la heli Karin ee ninkan,
amaba xaaladii adkeed ee bulsho, diimeed ama dhaqan kuna saabsan
meesha aay dhacdadani ka dhacaysay. Hadii uu ninkani yahay
sida aay ku tilmaameen, su’aashu waxa weeye siduu ayuu
Mohamed Abdulla Hassan ugu guuleestay in uu hogaamiyo bulsho
xornimo reer guuraa ah heesta qarkana u saarneed (Anarchi)
foowdo. Amaba sidee ayuu u kiciyay una dardar galiyay baraarujin
heer qaran ah isuguna keenay awoodii umamadda iimaan adag
hoostii ?. Sidee ayey ku dhacday in inta badan ummaddu aay
raacdo, oo uu u istaagay hubkana u qaatay cid walba oo qatar ku
ah diintiisa, xornimadiisa qatar galinaya amaba wax u
dhimaya madax banaanidiisa.
ADKEENTA
MIDNIMADA QARAN.Ninku waa digaa,hubaal, nin aragti dheer
aragtidiisuna waxay tahay hal wadan mid ah oo soomaali oo dhan
lagu mideeyo kuna dhaqma diintooda Islaamka, taas oo hoos imaada
hogaamiye la xurmeeyo. Wadan hor ka ah gumeeysi shisheeye. Digaa
wuu yahay sida har aan shaki ku jirin oo kale, maxaa yeelay
wuxuu fahansan yahay diin, diinta Islaamka umana arko in aay
xanibaad ku tahay, ee wuxuu u arkaa in shardi muhiim ah aay u
tahay hirgalinta qorshahiisa.
Wuxuu qabsaday,
dhab ahaantii kacdoonta xaqa ah ee Islaamka kaasoo dabagadiya
habdhismeed bulsho qadiimi ah, wuxuuna kala diray xiriirin soo
dhaweeysasho qabiil dartii ah, kuna badalay mid caalami ah kaa
soo ah iimaanka dadka ka dhaxeeya (Islaanimada). Wuxuu
balaariyay dimoqraadiyeeyayna aasaaska bulshada taas oo qeyb
weyn ka ciyaaraysa adkeenta midnimada qaran ahna shardi lama
huraan halgankii guulaha badnaa oo uu kaga soo horjeeday soo
duulayaashii shisheeye.
HADII UU
DHALAN LAHAA NUS QARNI KADIB, Mohamed Abdulla Hassan, xaqiiqadii
lama inkiri laheen in uu ka mid yahay hogaamiyayaasha Islaamka
ee horumarka jecel. Kuwaas oo qalabka warbaahinta aay noo
tusaan, mar walbo oo wadan ama ummadd dhibaato tii ugu xumeyd
loo geestay marka aay raban in aay ka dul qaadaan aay yihiin (wadaadada),
kuwa raba in aay soo rogaan xukun laga tagay, cadaadis ah oo aay
dabada ka riixayaan awoodo gumeeysi.
Wuxuu hor
kacayay ummadd diidaneed kala googoonta dalkooda, aqoonsigooda
qaranimo, dhaqankooda iyo diintooda. Waa in la ahaadaa qof
waalan si aan loo garan in uu gumeestuhu u yimid Africa in uu ka
manaafacaadsado si sharci daro ah qeeyraadkeeda. Uma uusan
iman Africa in uu nabadeeyo qabaa’iladii la kala googooyay,
kuna badalo musuqmaasuqa iyo gaajada cadaalad iyo horumar.
BAL MAR UN
DAACADNIMO XASILOON LA IMOOW. Damaca ah in la fahmo
dhacdooyinkii murugada lahaa ee Afrikada Bari ee qarnigii 20aad
waxay nagu qasbaysaa in aan daaha ka qaadno, ka sakoow
muuqaalka waji macbuuska ah ee keydka taariikhda gumeystaha
noogu yaboohay, shakhsiyada dhabta ah ee ninkan oo isku wada
helay karti walba oo aay Soomaalidu u bogaan kana dalbadaan in
aay hogaamiyeyaashoodu la yimaadaan : Wuxuu is ku darsaday
daacadnimo aan la loodin karin , nin og waxa uu doonayo oo uu
qofna shaki ka gali karin sidaa ayeey ahayd nolol maalmeedkiisa.
Heybad aqoon
suugaaneed qoto dheer aay wehliso una sahleeysa in uu taabto
qanciyana dhageestayaal fara badan, geesinimo ruuxi ah ,
soomajeeste goobaha dagaalka , deeqsi nafta kuu huri taas oo
isaga ka dhigeeysa bini’aadan dhab ah.
HAYBAD
HOGAAMIYE : Markii uu go’aansaday in uu ficil ahaan u
gudagalo hoowshiisha siyaasadeed iyo tan militariba, Mohamed
Abdulle Hassan waa nin ah raga meesha aay ugu xoog iyo xeelad
badan yihiin. Waxa uu leeyahay haybada dabiiciga ah ee lagu
yaqaano reer miyaga Soomaaliyeed. Waa guureeye aan daalin uuna
yar yahay qof ka faras aqoon iyo eryi og. Wuxuu dagaal yahan
ku noqday baayadii uu ku noolaa oo mararka qaarkood aadanaha
cadow u ahayd, wuxuuse ka korarsaday gobnimo iyo xigmad lagu
yaqaan ummaddaha daga miyiga iyo lama dagaanada.
Midabkiisa
maariinka ah, garkiisa madoow gaaban si wanaagsana loo jaray
marka lagu daro toobkiisa cad, cimaamada soo gaarayso garkiisa
hoose dabooleeysana wajiga xaga hoose marka uu jiro hardanka
dagaaleed oo socda ilaa gacanta la iskula tago boor
guduudxigeen ahna cirka is ku shareero ayaa waxa aad u bogaysaa
haybada ninkan Alle siiyay. Dilaac yar oo reestay ayaa isha
bidix korkeeda kaga yaalay kana soo gaartay dhicid faras, uma
qalanto xitaa in la sheego dhaawacan reestay, taas oo aan
waxba u dhimaynin is haysashada quruxda badan ee tinta indhaha
korkooda kaga taala
30 julaay 1899,
ayuu qunsulka guud Sadler uu ku wargaliyay xafiiska arimaha
dibada, warar lagu kalsoon yahay kadib, in uu wadaadku
waashay, waxa la leeyahay labo xabodood ayuu la beegsaday
wiil uu adeer u yahay oo uu faraskiisii ka dilay. Dad ehel ah oo
soo kala dhex galay ayaa baajiyay in dhibaato kale aay dhacdo.
Naaneestan raqiiska ah kama aanay harin waxayna noqotay olole
sumaysan oo laga faa’ideysto maalmo ilaa sanooyin fara badan
waalidan aan salka lahayn. Douglas Jardine wuxuu ku sheekeeyay
in Mohamed Abdulla Hassan uu dhaqtar qaliin oo aan qibrad
badan lahayn uu qaliin ku sameeyay lafna uu ka saaray
maskaxda xaga sare taas oo sharaxeysa dhaawaca iyo caadinimo
la’aanta maskaxeed ee ninkan.
DAMAC
XORNIMO & MADAXBANAANI. Fikrada waalida iyo sharaxaada lagu
qoslo oo aay bixiyeen, waxa ku qarsoon dhaawac iyo niyadjab qoto
dheer oo soo gaartay maamulkii gumeysiga ingiriiska , kuwaasoo
aaminsanaa in mar un aay yareyn doonaan hamuunka hogaamiyaha
soomaaliyeed iyagoo isaga ugu yaboohaya boqortooyo si taxadar
leh loo cabiray halka loo yaqaano Ogaden, meelo xadidan
iyagoo kor ka ilaalinaya. Halkaas ayuu ku faraxsanaan lahaa
marka iyaga loo eego oo aaminsanaa in uu magac iyo awood raadis
yahay.
Halkan waxey ku
muujiyeen markale in aayba fahansaneen ninka iyo dadka aay
rabaan in aay jilbaha dhulka u dhigaan. Dowlada ingiriisku
waxan wili ka dhaadhacsanayn in isku dayida ah in Mohamed
Abdulle Hassan laga dhigo boqor ama suldaan tiyaatareeyd ay
isaga ula mid tahay sida deero caadeestay xornimo ku daaqid aan
xad iyo walwal lahayn oo xiro xayawaaneeyd silig lagu ooday lagu
xareeyay,
Qorshahan
ujeedadiisu ahayd daminta, xakameenyta iyo in uusan fidin
maamulka Sayidka markii Dowlada Ingiriiska aay daaha ka qaaday
si rasmi ahna ugu soo gudbisay Mohamed Abdulla Hassan , wuxuu
kala hor yimid quursasho iyo diidmo qayaxan taasoo dhalisay kala
go labada dhinac . kala go’aasoo sababay dagaal aay Ingiriishu
go’aansadeen ayagoo markaa u cuntami wayday diidmada sayidka.
Bal eega ninkan ku candhuuf tufaya boqortooyadii aan ugu
yaboohnay, nabad iyo in aan danahiisa ku ilaalino awood
adag, wuxuu quursanayaa raaxada aay leedahay in uu noo jilbo
jabsado, kana door biday in uu difaaco ilaa neefta ugu danbeyso
aay ka baxdo waxa uu ugu yeeray « Xornimadiisa & Sharaftiisa »,
taas oo uu aaminsan yahay in aay tahay qaninimada kaliya oo uu
leeyahay.
Sheeko soomaali
la bagac baxday « goolcas iyo Lax » ayaa si wanagsan u
turjimaysa u hanqaltaagida xornimada iyo badaxbanaanida uu
Mohamed Abdulle Hassan tusaalaha ku dayashada mudan u yahay.
AKhri Qaybta labaad .... GUJI...
Waxa tarjumay :
C/LLaahi Max’ed
Email :
abdimoh@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2006