SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 11, 2006

  • Dowladda Federaalka oo qorsheyneysa in ay afar goobood ka weeraraan..
  • Mario Reffeli oo soo jeediyay in Soomaaliya.iyo Itoobiya la kala dhex dhigo .
  • Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo oo lagu.wareejiey ciidam ka socda.
  • Xuseen Caydiid oo sheegay in ciidamada Dowlada ay u tageen Buur Hakaba…
  • Dowladda Itoobiya oo beenisay inay Ciidamadeeda ay gaaraan..
  • Yuwere Museveni oo sheegay in Uganda ay dhawaan soomaaliya..
  • Dab wayn oo baa bi'iyay Shaybaarkii guud ee Cisbitaalka Garowe:
  • Maydadka 60 qof oo laga helay caasimada Iraq ee Baghdad.
  • Dad rayad ah oo ay ciidamada cadawgu xidh-xidheen.

Dowladda Federaalka oo qorsheyneysa in ay afar goobood ka weeraraan..

Dawladda  Federaalka ayaa waxa ay waddaa qorshayaal ay ku dooneyso inay isku ballaariso qaar ka mid ah Gobolada dalka kaddib markii inta badan Maxaakiimtu ay qabsadeen Koofurta Soomaaliya Ciidankii isugu jirey Dawladda Federaalka iyo kuwa itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo tijaabinaya awoodda Ciidamada Maxaakiimta iyadoo Dawladda Federaalka ay ku tilmaantay tegistii Buur Hakaba mid ay ku doonaysey inay isaga caabiso Maxaakiimta Islaamiga, warar ayaa waxaa ay sheegayaan in dalwdda federaalka ay damacsan tahay in Maxaakiimta ay ka weerarto 4 jiho oo kala ah Hiiraan, Mudug, Muqdisho iyo Bu’aale, Ciidamo isugu jira Soomaali iyoItoobiyahan ayaa waxaa la sheegay inay u soo dhaqaaqi doonaan dhinaca kala Beeyrka. Si ay gacanta ugu dhigaan Magaala Madaxda Gobolka Hiiraan ee Beled-weyne, waxaana hoggaaminaya Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba Geed, Ciidamo kale oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyahan oo uu hor kacayo Col.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid  ayaa iyaguna ka soo dhaqaaqi doona dhinaca degaanka Gelinsoor oo ay ku sugan yihiin Golaha Maxaakiimta Islaamiga, Ciidamo kale oo iyaguna isugu jira Somaali iyo Itoobiyaan oo uu hor kacayo Wasiirka Gaashaandhigga Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa iyaguna ku wajahan Magaalada Bu’aale iyadoo ciidamo ka socda xukuumadda federelka iyo Itoobiyan ay u soo dhaqaai doonaan illaa Buur Hakaba illaa ay ka soo gaaraan Garoonka Balli-Doogle. Dhinaca kale mas’uuliyiinta Maxaakiimta ayaa wada diyaargarow adag oo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay uga hor tegi lahaayeen qorshayaashaas la damacsan yahay, waxaana maalintii shalay ahayd ka ambabaxay magaalada Muqdisho ilaa iyo 40 tiknika ah oo u dhaqaaqay dhinacaa iyo Degmada Jilib, sidoo kale ciidamo wata illaa 30 teknika ah ayaa loo jiheeyay dhinacaa iyo Buur Hakaba iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxaakiimta Shiikh Shariif uu iclaaniyay Dagaal jihaad ah oo looga hor tagayo Ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha Waddanka Soomaaliya

Mario Reffeli oo soo jeediyay in Soomaaliya.iyo Itoobiya la kala dhex dhigo .

Mr. Mario Reffeli oo u qaabilsan Dowladda Talyaaniga Arrimaha Soomaaliya oo dhaawaan soo gaaray dalka Soomaaliya isagoo kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka ayaa sheegay in Xaaladda ka dhex taagan Maxaakiimta iyo  Itoobiya ay tahay mid kacsan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Ciidamo si deg deg ah loo ka la dhex dhigo Soomaaliya iyo Itoobiya.

            Wakiilku oo u waramayey Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay arrinka cakiran ee u dhexeeya   Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Itoobiya oo ay maxaakiimtu ku eedeeyeen inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya lagu xalin karo oo keliya in ciidamo caalami ah oo nabad ilaalineed la dhex dhigo. “Haddii Ciidamo la dhigo xuduuda u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa yaraan karta Qatar laga qabi karo in Dagaal qaraari uu dhex maro Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Dowladda oo ay Itoobiya garab siineyso”, ayuu yiri Marrio Reffeli oo intaa ku daray “Waxaa laga maar-maar an in marka hore labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyaan arrinta ciidamo keenista haddii ay suurogal noqon karto”.

            Reffeli ma uusan sheegin xiliga ay suurogal noqon karto in ciidamo la kala dhex dhigo Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna kalloo sheegay in ciidamadaasi la noqon doonaan kuwo hub wata, laalkiin aan wax dagaal ah ku shuqul laheyn.

Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo oo lagu.wareejiey ciidam ka socda.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shlaay ahayd Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ay gacanta ugu jirtay maleeshiyo taageersan C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamo Booliis ah oo ka socda deegaanka.

Waxaa maalmahan socday wada hadalo lagu xalinayo dagaalkii ka dhacay garoonkaasi oo ay ku dhinteen 7 qof oo u badnaa maleeshiyada deegaanka, waxaana wada hadalkaasi ka qayb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo waxgarad ka tirsan Deegaanka, taas oo aaqiritaankii lagu heshiiyey in lagu wareejiyo ciidamo ka socda deegaanka.;

Arrintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka deegaanka oo ku tilmaamay mid isku soo dhaweyneysa Dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka.

Xuseen Caydiid oo sheegay in ciidamada Dowlada ay u tageen Buur Hakaba…

Xuseen Max’ed Caydiid oo ah Ra’isul Wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ah ahna Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay ciidamadii dhawaan tagay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidmadaasi ay ahaayeen kuwo soo kormeerayay deegaankaasi gaar ahan dhinaca nabadgelyada iyo noloshada.

Xuseen caydiid waxa uu beeniyay in ciidamada dowladd ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah isagoo sheegay in wararkaasi ay faafiyeen kuwo doonaya in ay qaldaan ra’yul caalamka.

Xuseen Caydiid waxaa kalloo uu sheegay in ciidamada Dowladda ay sidoo kale tagi doonaan goobo ka baxsan Magaalada Baydhabo, wuxuuna u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka si ay u soo celiso nabadgelyada iyo xasiloonada.

Waxaa la xaqiijiyey in ciidamo Itoobiyaan ay la socdeen ciidamadii yimid Magaalada Buur-Hakaba, hase yeeshee Dowladda Itoobya iyana waa ay beenisay waxay ku tilmaantay warar aan sal iyo raad toona laheyn

Dowladda Itoobiya oo beenisay inay Ciidamadeeda ay gaaraan..

Dawladda Itoobiya ayaa si kulul u beenisey in Ciidamo Itoobiyan ah ay qabsadeen Magaalada Buur Hakaba, waxayna Itoobiya hadaladaas ku tilmaantay inay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn “Ciidamo Itoobiyahan ah kuma jireen gudaha Dalka Soomaaliya, Ciidamadeenuna waxay ku sugan yihiin Xuduudda Itoobiya ayay tiri Af-hayeenka arrimaha dibadda ee Dalka Itoobiya, Salamon Abeebe”.

Dawladda Ibootiya waxay sheegtay in loo baahan yahay in gacan la siiyo Dawladda Federaalka  maadaama aysan lahayn awood ay isaga celiso Maxaakiimta.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Dawladda Itoobiya ayaa kulan gaar ah la yeeshey Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxayna  isla soo qaadeen arrimihii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka soomaaliya, gaar ahaana is bedelkii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna isku aragti ay ka noqdeen in gacan la siiyo Dawladda Frderaalka.

Ciidamo ka gadooday Barre Hiiraale oo dib ugu …

Ciidamo uu hor kacayo Col.Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ah Wasiirka Gaashaan dhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo gaaray tuulo ku dhow degmada Saakow oo ka mid ah Gobolka Jubada Dhexe.Ciidankan oo ku hubaysan illaa iyo dhowr iyo labaatan Teknika ah ayaa waxaa la sheegay inay ku soo wajahan yihiin Degmada Bu’aale oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Maxkamadaha.

Wararka aanu ka heleyno Degaanadaas ayaa waxaa ay sheegayaan in khilaaf uu soo kala dhex galay Ciidamadii Barre Hiiraale iyadoo qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in aan waqtigan loo baahnayn wax dagaal ah., halka qaar kalena ay Barre ku eedeeyeen in mudadii uu Gobolka Jubada Hoose  uu ku sugnaa uusan waxba ku soo kordhinin danaha Beesha ha noqoto dhinca teknida iyo dhinaca hormarka iyagoo intaa raaciyay wixii dhaqaale ahaa ee ka soo xaroon jirey Gobolka Jubada Hoose ay ahaayeen kuwo uu ku jtakri falay Barre nafsad ahaantiisa.

Qaar ka mid ah Ciidamadan oo dib ugu laabtay degmada Baar dheere ayaa bulshada halkaa ku dhaqan waxay u sheegeen in waqtigan aysan haboonayn Dagaal, maadaama uu barre horey isaga soo baxay,Kismaanyo warku waxaa uu intaa ku daray in Barre Hiiraale uu gurmad ka sugayo dhinaca Dawladda Federaalka.

Yuwere Museveni oo sheegay in Uganda ay dhawaan soomaaliya..

Madaxweynaha dalka Uganda Yuwere Museveni ayaaa shaaca ka qaaday in
dalkiisu uusan dan gaar ah ka laheyn balse uu rabo in uu taagro buuxda siiyo DFGM si dhibta looga baxo ayna ciidamo diri doonaan Museveni ayaa sheegay in Ciidamada dalka Ugandha ay rabaan in ay caawiyaan dawlada federaalka si ay dawladu u yeelato ciidan nidaamsan oo wax ka qabta Fawdada ka jirta Soomaaliya. Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni ayaa waxa uu yimid markii uu kulan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Jabuuti.Maxamuud Cali Yuusuf isaga oo u waday fariin ka socotay Madaxweynaha Jabuuti Ismail Cumar Geelle.

Museveni ayaa waxa uu sheegay qolooyinka ka soo horjeeda DFGM in ay yihiin kuwo aan rabin in ay dhibta ka baxdo Soomaaliya oo mudo ka badan 16sano ku jirtay Dawlad la,aan. Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni ayaa eedayn dusha uga tuuray Golaha Maxakiimta islaamka isaga oo ku eedeeyey in ay rabaan in ay xoog kula wareegaan Soomaaliya oo dhan taas oo ka hor imaanaysa buu yiri heshiiskii Nairobi lagu saxiixay iyo kii u danbeeyey ee Kharthuum.Yuweri Museveni ayaa sheegay in arinta Soomaaliya lagu xalin karo in la garab istaago DFGM Dawlada Soomaaliyana ay wado waan waanta ay kula jirto Xooggaga ka soo horjeeda ee ah Maxaakiimta Islaamiga ah kuwaas oo gacanta ku haya dhul balaaran

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Garowe: Dab wayn oo baa bi'iyay Shaybaarkii guud ee Cisbitaalka Garowe:

Dab xoog badan ayaa ka kacay xarunta Shaybaarka isbitaalka guud ee magaalada Garowe kaaso gabi ahaanba baa bi'iyay shaybaarka.

Dabkan ayaa  xalay ka kacay shaybaarka xili habeenimo ah saacadana lagu sheegay in ay ahayd markii uu dabku ka  kacayay Talaadadii 11:40 habeenimo  xiligaasoo la sheegay in ay ahayd xili shaqaalaha isbitaalka badiba ay ka maqnaayeen oo ay u hurda tageen gurahooda balse ay joogee bukaanka iyo tiro yar oo ka mid ah shaqaalaha ku qornaa xiliga habeenkii ah oo aad u yar kuwaasoo aan si dag dag ah u damin dabkii waxana uu dabkaasi sababay in uu gabi ahaanba baa bi'iyo shaybaarkii iyo dhamaan wixii agab yaalay oo lagu shaqaynay kaasoo shaybaarka ka dhigay hada mid aan shaqaynayn oo ah bilaa shaybaar.

Dabkan ka kacay shaybaarka ayaa waxaa sababay kicitaankiisa Talaagad lagu qaboojin jiray dawooyinka la dhigayo shaybaarka ee ay isticmaalayaan bukaanaka talaagadaasoo aan la damin xalay sidaasna looga tagay taasina ay sababtay in uu dabkaasi ka kaco shaybaarka guud ee isbitaalka Garowe  ee xarunta maamulka Puntland.

Xili sii horaysay ayaa shaybaarka Garowe maamulka puntland u aqoonsaday in uu yahay shaybaarka qaranka balse maamulku waxba kuma siyaadin shaybaarka hadana waxaa soo food saartay arin u baahan in si dag dag ah wax looga qabto sidii uu shyabaarku markale u hawlgalilahaa shaqadiisiina uu u sii wadan lahaa.

Si kastaba Maamulaha Isbataalka Guud ee Garoowe Mr. C/risaaq Jaamac Taraag ayaa  sheegay in uu dabku kacay tallaagad gaas ah oo lagu qaboojin jiray dawooyinka loo isticmaalo shaybaarka , dabadeedna intii la isku dayayay in la damiyo dabka uu gabi ahaanba uu dambas noqday Shaybaarka islamarkaasna uu waxyeelo u gaystay sadexdii qol ee uu Shaybaarku ka koobnaa. 

Mr. C/risaaq wuxuu sheegay in ay baaq u dirayaan masuuliyiinta maamulka Puntland iyo Hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyada dibada kaa soo ay kaga codsanayaan in si deg-deg ah (emergency) loogu keeno dhammaan qalabkii Shaybaarka oo la isticmaalayay muddo 16 sano ah maamuluhu waxa uu sheegay in aan hada isbitaalku  sidaas u sii shaqaynkarin bilaa shaybaar la'aan hadan si dag dag ah  loogu gurman isbitaalka oo buu yiri ay dadbadan ku xirnyihiin  meelo kala duwan  looga yimaado shaybaarkan oo ah mid aad iyo aad casri u ah ayaa hada ah mid bur buray.

 

Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo saaka booqday isbitaalka qaybtiisa shaybaarka ee gubatay ayaa halkaasi ka soo jediyay hadalo loo macnaysatay in shaybraaka arintiisa loo bandhigo  haayadaha.

 

Si kastaba waxaa maalinta bari ah loo balamay shir looga arinsanayo xaalada soo foodsaaratay shaybaarka qaranka  kasi oo ay isugu imaanayaa  dhamaan xukuumada Puntland shirkaasi oo ka dhici doona xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe.

Baghdad: Maydadka 60 qof oo laga helay caasimada Iraq ee Baghdad.

60 qof maydkood ayaa laga helay magaalada caasimada u ah Iraq ee Baghdad sida ay shaaca ka qaadeen ciidanka Boliska dalkaasi Iraq.

Sidoo kalena qaraxyo is xig xiga ayaa ka qarxay dalkaasi saacadihii ugu danbeeyay.

Qarax gaari lagu soo rakibay aya ku qarxay meel u dhay masjid ay  dadka Suni yiintahai ku cibaadaystaan waxaana ku dhimata sida la rumaysan yahay 11 qof.

Qaraxan ayaa yimid maalin kadib markii  maalin ka dib markii qarax baabuur oo kale uu meel suuq ah oo isla caasimadda Baqdaad ka tirsan ku diley 10 qof oo kale.

Waxaa la rumaysan yahay in dad kabadan 300,000 ay isaga bexeen guryahoodii iyaga oo baqaya in wax yeelo ay ka soo gaarto is miidaaminta ku badanaysa dalkaasi Iraq.

Waxa aad u batey rabshadihii u dhaxeeyey Shiicada u badan waddanka Ciraaq iyo Sunniyiinta mudada dheer soo xukumaysay dalkaasi Iraq.

60 ka qof oo dhamaan tood ah Rag ayaa Saraakiil ka tirsan wasaaradaha Gaashaandhigga iyo tan Gudaha ayaa sheegey in lixdanka qof ee hadda boolisku heley laga soo urushey meelo kala duwan oo ka mid ah caasimadda Baqdaad 24 kii saac ee la soo dhaafay.

Inta badan ragan la helay maydadkooda ayaa la sheegayaa in laga toogtay Madaxa.

waxaa kaloo la xaqiijinayaa in dhamaan ragan maydadkooda la helay oo ay  boolisku intaas ku dareyaan in dadkaas la toogtey dhammaantood gacmaha iyo lugaha inta laga xirey oo intii aan la dilin la jir-diley oo weli ay calaamadihii jir-dilku jirkooda ka muuqdaan intoodabadana laga toogtay madaxa.

A/rizak koronto
Garowe puntland


Barnaamijkii Radio Xoriyo
10 October 2006
 
Dagaallo lagu naafeeyay gumaysiga Itoobiya.
 
Dad rayad ah oo ay ciidamada cadawgu xidh-xidheen.
 
Ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaallo ka billaabay Soomaaliya.
 
Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay arrimaha Soomaaliya.
 
 
======================   
 
Dagaallo lagu naafeeyay gumaysiga Itoobiya.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo lagu jabiyay ciidammada saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya.
 
Dagaaladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
25/09/06 Dagaal ka dhacay Far-hareeri, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaa cadowga lagag dilay 5 askari, 8 kalena waa lagag dhaawacay.
 
27/09/06 dagaal ak dhacay Uubataale, oo isna ka tirsan gobolka Doollo, waxaa cadawga lagaga dilay 3 askari, 5 kalena waa lagag dhaawcay.
 
05/10/06 dagaal mir ah oo CXO ku qaadeen kuwa gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Bambaas, oo Jigjga ka tirsan waxaa ciidammada caga-jiidka ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay in ka badan 15 askari, tiro kaloo badana waa lagaga dhaawacay.
 
04/10/06 tuulada Daaru-salaam oo gobolka Nogob ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari.
 
05/10/06 Dhadhame oo ka tirsan degmada Baabili, dagaal mir ooy  CXO ku qaadeen waxay ciidamada gumaysiga u gaysteen khasaare lixaad leh. Ka dib markii ay u adkaysan waayeen dagaalada is-badaba jooga ah ee ay CXO ku hayaan waxaa ciidammada gumaysiga ee deegaankaas ka baxsatay 30 askari.
 
05/10/06 Laasoole, oo  degmada Shilaabo ka tirsan, waxay CXO ku qab-qabteen koox dabaqoodhi ah waxayna halkaas kaga qaadeen 9 qori, ka dibna way iska sii daayeen.
 
30/09/06 waxay maxaabiis aad u tiro badan ka baxsatay jeelasha ku yaalla magaalooyinka Fiiq iyo Xamaro, walina ma hayno magacyadooda.
 
28/09/06 Ciidamada Wayaanaha ee fadhigoodu yahay degmada Sagag waxaa ka waashay 3 Askari. Waxay sidoo kale halkaas ku toogteen laba Askari, arrintaasoo keentay isku dhac dhexdooda ah, iyagoo u kala jabay saddex qabiil oo kala ah Tigree, Oromo iyo Axmaaro, ilaa iyo hadda waxay u kala fadhiyaan seddexaas qaybood. 
 
Dad rayad ah oo ay ciidamada cadawgu xidh-xidheen.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo ay caado u tahay inay dadwaynaha rayadka ah ka aar-goosteen marka lagu waxyeelleeyo goobaha dagaalka, ayaa dadwayne rayad oo aad u badan ku xidhxidhay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah;
 
28/09/06 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya magaalada Bullaale ee gobolka Jarar ku xidhxidheen dadka kala ah:-
1- Gurey Sheekh Ibraahin
2- Gurey Xasan Cali
3- Cabdi Mahdi
4- Xasan Dhibe
5- Axmed Maxamed Ibraahin.
 
Laga soo billaabo 03/09/06 waxay ciidammada gumaysiga Wayaanuhu magaalada Jigjiga ku xidhxidheen dadweyne ay tiradoodu kor u dhaafayso 500  oo ruux.
 
03/10/06 magaalada Dhuxun oo ka tirsan gobolka Nogbeed, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba'an ugu gaysteen labada gabdhood ee kala ah:- Bishaaro Wali iyo Fatxa Cali.
 
20/09/06 waxay ciidammada gumaysigu Sabati-xeedho oo Dhagaxbuur ka tirsan ku kufsadeen gabdh lagu magacaabo; Hinda Daahir Maxamed.
 
Dhinaca kale wuxuu wariyaha RX noo soo sheegay in shir in muddo ah u socday saraakiisha ciimadammada gumaysiga Itoobiya la soo gabagabeeyay, isla markaana ay ka soo baxeen qorshayaal ay ka mid yihiin in;
 
Dadka reer guuraaga ah la isgu geeyo degaano cayiman, si ay xakamayntoodu u sahlanaato iyo in raashiinkii ay qaybin jirtay hay�adda samafalka ee SCF ay kala wareegto hay�adda qoxootiga Qaranka ee Itoobiya oo ah hay�ad uu gumaysigu iska leeyahay, taasoo ciidammada ka taageeri doonta sidii ay raashinka ugu adeegsan lahaayeen cabudhinta iyo cadaadiska dadwaynaha tabaalaysan.            
 
Ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaallo ka billaabay Soomaaliya.
 
Boqollaal ka mid ah ciidammada Itoobiya oo ku hubaysan gawaadhida dagaalka ayaa isniintii weeraray oo qabsaday magaalada Buurhakaba, ka dib markii malleeshiyo soomaaliyeed oo Maxkamadaha gacan saar la lahayd ay halkaas iskaga baxeen.
 
 
Hase yeeshee ciidammadii Itoobiyaanka ah ee qabsaday Buurxakaba ayaa la sheegay inay haddana si degdeg ah magaalada uga baxeen, iyadoo ayna cidina kula dagaalamin, ka dibna ay magaalada dib ugu soo noqdeen ciidammadii soomaaliyeed ee markii hore haystay.
 
Wariyayaal ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay magaalada dhexdeeda ku arkeen ilaa laba boqol oo aksari oo Itoobiyaan ah iyo baabuur waawayn oo jiidaya qoryo culus.
 
Madaxda midowga Maxakamadaha ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaalada Muqdisho wax yar ka dib markii ay cidammada Itoobiya duullaanka ku qabsadeen magaalada Buurxakaba, waxayna ku dhawaaqeen in Jihaad lala galao ciidammada Itoobiya.
 
Midowga Maxkamaduhu wuxuu xukuumadda Itoobiya ku eedeeyay inay dalka Soomaaliya soo galisay cidammo aad u tira badan oo ilaa iyo 35 kun oo askari gaadhaya, isla markaana ay ciidamadaasi qabsadeen meelo Soomaaliya ka mid ah, wuxuuna dadwaynaha soomaaliyeed ugu baaqay inay isu diyaariyaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen gumaysatada Itoobiya.
 
Midowga Maxkamaduhu wuxuu beesha caalamka ka codsaday inay xukuumadda Itoobiya ku qanciyaan inay iskaga baxdo dalka Soomaaliya, isla markaana ay joojiso faragelinta ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.
 
Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay arrimaha Soomaaliya.
  
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Soomaaliya, wuxuuna dawlada ku eelgaadhka ah iyo golaha maxakamadaha ugu baaqay inay adkeeyaan qabsoomida kulanka Khartuum.
Kofi Annan ayaa xaaladda Soomaaliya ku tilmaamay mid sii cakirmaysa, wuxuuna tilmaamay inay habboon tahay in laga shaqeeyo qabsoomida kulanka Khartauum, si fashil looga badbaado.
 
Annan ayaa ku boorriyay labada dhinac inay soo nooleeyaan balanqaadyadii ay horay u sameeyeen markii ay isla gaadheen heshiisyadii ay hadda ka hor ku yeesheen magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
 
Dhinaca kale wuxuu dalalka Soomaliya dariska la ah ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyaabah sii xumayn kara xaaladda Soomaliya ka jirta. Wuxuuna ku taliyay in la ilaaliyo xayiraadda xagga hubka ah ee Soomaaliya saran, isla markaana tallaabo laga qaado cid kasatoo oo ku xadgudubta.
 
Hase yeeshee Kofi Annan ayaa sheegay inaanuu waxba kala soconin in ciidammo Itoobiyaan ahi ay ka dagaallamayaan dalka Somaaliya, iyadoo warbaahinta caalamka oo dhami ay sheegeen duullaanka ay cidammada Itoobiya isniintii ku qaadeen magaalada Buurhakaba iyo joogitaanka ay joogaan ciidda Soomaaliya.
 
10 October 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Munaasabad loo sameeyay furitaanka sanadkii Waxbarashada ee Jaamacada Niileyn

Waxaa habeenkii xalay ahaa xaflad isugu jirtay furitaanka sanad-dugsiyeedka 2006-2007 ee Jaamacadda Niiley faraceeda Muqdisho, Sagootinta Ustaad C/rixiin Cabdala oo ahaa madixii kormeerayay imtixaanaadkii laga qaadayey ardaydii ku jirtay jaamacadaasi iyo afur loo sameynayey marti ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Niileyn C/qaadir Macalin Max’ed Geeddi oo sheegay in Jaamacadda Niiley ay tahay Jaamacad muqo 50 sano iyo wax ka badan soo jirtay, iyadoo sanad kasta ay ka qallin jabiyaan kumaanan kun oo ku kala nool Daafaha Dunida, isagoo sheegay in Jaamacadda Niileyn ee Magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay Maamulka Ganacsiga, Xisaabaadka Ganacsiga, Dhaqaalaha, Caymiska, Culuunta Siyaasadda iyo Cilmiga Bulshada, Sidoo kale waxaa Jaamacadda lagu bartaa Daraasaadka Islaamka, Cilmu Nafsiga iyo Luuqadaha Carabiga iyo INGIRIISKA. Waxaa kalloo ka hadlay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya Cumar Aseyn Al-Axmed oo isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu caawa ka qaybgalo xaflad loo sameynayo Jaamacadda Niiley Faraceeda Muqdisho, sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. C/Rixiin Cabdala oo ah madixii kormeerayey imtixaanaadkii sanad-dugsiyeedka 20056-2007, isagoo ka yimid Suudaan, waxa uuna sheegay in nabadgelyada ka jirta Soomaaliya ay u saamaxeyso in qaybo kale oo ka tirsan Jaamacaddaasi ay ka furaan Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Qoraal dheer iyo sawiro oo ka so baxay xafiiska gudoomiyha golaha safalaka & horumarinta somaliyeed  oo uu ku saxiixnaa sh : axmed maxamed suleemaan oo na soogaarey ayaa waxaa ay ahaayeen sidaan , 

Somali Relief & Development Council 

المجلس الصومالي للأعمال الخيرية والتنمية 

Tel:  854155,  235646,  930773:  Mobile:  577471, 552755, 506308 
Email: kaalmeeye@hotmail.com                                  Web:  www.samafale.com 

Ref: G.S.H.S/26/06               Date:  09 / 10 /2006      16/ 09 /1427.H.   Muq.Somalia. 

Wejigii labaad ee xiridda biyaha ee webiga Shabeelle oo la soo gebagebeeyay 

Ilaahay fadligiisa waxaa lagu guuleystay in la soo gebogebeeyo wejigii labaad ee xiridda biyaha webiga Shabeelle , waxaana lagu guuleystay maalintii jimcaha 6/10/2006 in la xiro halkii ugu darneyd ee webigu ka goostay  oo aheyd buqda Moyko, taasoo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Jowhar , waxaana xiritaanka biyahaas qeyb weyn ka qaatay Golaha Samfalka & Horumarinta Soomaaliyeed oo gacan ka helay maamulka, ganacsatada,,dadweynaha & Hay’adaha gobolka qaarkood 

Haddaba mar haddii lagu guuleystay xiritaanka Buqda Moyko , waxaa loo baahan yahay  arrimaha soo socda :-

  1. In kaalmo lala gaaro dadkii waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadda , dadkan oo ka barakacay guryahoodii , dalaggii beeruhuna  ka go’ay.
  2. In la hagaajiyo jidadkii ay gooyeen biyuhu , kuwaas oo burbur lixaad leh soo gaaray, waxaana ugu horreeya jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Magaalada Jowhar.
  3. In la carro tuuro meelaha laga yaabo in ay biyuhu mar kale ka goostaan, si looga hortago fatahaado cusub iyadoo xilligii roobkuna soo dhaw yahay.

Dhanka kale mashruucii tabarrucaad ururinta ahaa ee ay qabanqaabisay Shirkadda warbaahint Horn Afrik taariikhdu markii ahayd 22/09/2006, taasoo lagu yaboohay lacag dhan $27,075 waxaa ilaa hadda  lacagtaas ka soo xerooday lacag dhan $18999.25  oo u dhiganta 70 % lacagihii la ballan qaaday,waxaa kaloo la soo gaarsiiyey Golaha  alaabooyinkii la yaboohay oo ay ka mid ahaayeen Cirbadaha kaneecada , Maro kaneecooyin , Faleebooyin iyo Timir , taasoo dhammaan la gaarsiiyey goobihii dhibku ka dhacay. 

Haddaba waxaa ka mid ahaa shirkadihii ama Hay’adihii dowrka weyn ka qaatay bixinta tabarrucaadkaas wixii ay yabooheenna bixiyey:-

-Dahabshiil , Global Money Transfer, Jubba Airways, Africa Muslim agency , Nadwa Al –shabaab Alcaalamal Islaami(WAMY) , Shirkadda S company, shirkado iyo shakhsiyaad kale oo bixiyay lacagihii ay ballan qaadeen. 

Waxaa kaloo jira lacago kale oo soo gaaray Golaha oo aan horay loo yaboohin taasoo gaaraysa :$8500 ,Waxaana ka mid ah shirkadaha lacagahan ku deeqay :-

-Shirkadda Hormuud : $ 5000       - Xawaaladda Amaana : $1000

  • Ganacsatada daawada : $ 1500 –  qaar ka mid ah Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jarmalka : $850

Isu geyn lacagaha u soo ururay wax ka qabadka dhibaatada Fatahaadda webiga Shabeelle ilaa hadda waa : $ 27,299.25 

Baaq 

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan , maadaama lagu jiro Bisha Ramadaan ee Barakaysan,oo ajarka camalka wanaagsan la labalaabaayo.

Haddaba ciddii afurinaysa dad sooman ama dhiibeysa Zako( fidri ama Zakada Maalka)   Goluhu wuu soo dhoweynayaa , wuxuuna u balan qaadayaa in uu gaarsiiyo ciddii loogu talagalay, ogaadana qofkii qof sooman afuriya wuxuu leeyahay ajarkiisoo kale, sida uu caddeeyay Nebigeenna suubban (NNK) . 

Mahad celin 

Golaha samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinaya Shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku tabarrucay kaalmadii loogu talagalay wax ka qabashada dhibaatada fatahaadda webiga Shabeelle.,iyo warbaahinta qeybta lixaadka leh ka qaadatay hawshan,sidoo kale Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa maamulka , iyo dadweynaha gobolka Sh/Dhexe oo intii tabartooda aheyd ku dadaalay wax ka qabadka arrintaas.

Goluhu wuxuu ka codsanayaa dadka aan weli bixinnin tabarrucaadkii ay yabooheen  iyo kuwa doonaya in ay ka qeybqaataan tabarrucaadka in ay soo dedejiyaan waxa ay bixinayaan , kuna soo hagaajiyaan acounada Goluhu ku leeyahay shirkadaha xawaaladaha . 

Cid kastoo walaalahood kaalmeysana waxaan ugu duceynaynaa inuu Alle u kaalmeeyo ,uuna ugu bedello wax ka kheyr badan wixii ay baxsadeen, Aamiin . 

Guddoomiyaha Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed
Sh Axmed Maxamed Suleymaan 
 
 

Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006

Maxkamadaha oo ku Baaqay iska difaacida Maamulka Tigreega
»Mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay kismaanyo
»Maxkamadaha oo ka hadlay raashinka dhacay...
»Duqa degmada dongorayo iyo kuxigeenkiisa oo la doortay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 8

Saxaafada Denmark oo sii wada Sanad ka dib Aflagaadada Rasuulka (SCW)  

Nin Soomaali Bantu ah oo Maraykanka ku Diley Afar Carruur ah oo uu Dhalay
Waxana uu dhaawacay hooyadood, arrintaas oo ka dhacday Magaalada Louisville, Kentucky..
Akhri Warbixinta...

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD