SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BAROORTU ORGIGA KA WAYN!!! 

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Duullaankii sannadkii 1996-kii ay Itoobiya ku soo qaaday dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka gedo, waxay ku laayeen dad fara badan oo shacab ah. Waxayna burburiyeen guryo, dhaqtarro, masaajidyo iyo dugs-iyadii wax-barashada, iyagoo muujiyay cadwnimo tii ugu xu-mayd oo aan af iyo qoraal toona lagu soo koobi karin. Duullaan-kaas dawladda Itoobiya way qiratay oo ma aysan inkirin, waxayna ka sheegtay idaacadaheeda. 

Hadda waxay dawladda Itoobiya soo qaadday duulaan dagaal oo waxay ciidan ka soo buuxisay gobolo ka mida jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxayna sheegatay inay ammaankeeda sugayso oo ay iska difaacayso cidama midoowga maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliyeed. 

Haddaba waxaa is waydiin leh, dawladda Itoobiya maxay duullaankaas sabab uga dhigtay illeen waxaanu ogsoonnahay in duullaan kastaa uu sabab leeya-hayee?!. Haddii aynu jawaabta ka soo qaadano isla dawladda Itoobiya, waxay sheegtay:- Inay daba socottay kooxo muslimiin asal-raac ah oo dalkeeda gudihiisa qas ka waday, kuwaasoo soo galay gobalka Gedo, gargaarna ka helay asal-raaca kale ee gobolka Gedo jooga. Duulaankan aay hadda soo qaaddayna waxay sabab uga dhigatay inay ammaankeeda sugayso oo ay xaq u leedahay inay is-difaacdo.  

Arrintuse sidaas way ka duwantahay. Duullaankeeduna wuxuu mid diineed oo ay ku doonaysay inay ku dhul-balaadhsato oo ku qabsatto xee-baha iyo degaanada ummmadda Soomaaliyeed ee muslimka ah, kuwaasoo maanta aan lahayn dawlad. Laakiin dad fara badan ayaan ogayn in duullaanka Itoobiya uu yahay dhul-ballaadhsi. Waxayna ku doodayaan in Itoo-biyaanku uu raadsanayay Asal-raaca oo qudha ee aysan dad kale raadsanaynin. Xaqna ay u leeyihiin inay is difaacaan maaddama oo ay maxakamadaha Islaamiga ah ay u hanjabeen inya jihad ku qaadayaan. Waan ka xumahay. Taasna garashadooda iyo damiir xumaantooda. Arrintuna way iska caddahay oo caadba ma saarna. 

Waxaase is waydiin mudan, kuwa ku doodaya Itoobiyanku Asalraac ayay raadsanayeen.

–           Maxay ugu ekaan waayeen raadsashada Asal-raaca ee ay u laayeen; Rag, dumar, cirroole, carruur iyo dhammaan dadkoo idil?!.

–           Mise dadkoo dhan ayaa ahaa Asal-raac?!.

–           Maxayse u burburiyeen; Masaajidadii, guryihii dadwaynaha, dhaqtaradii iyo dugsiyadii wax-barashada?. Mise waxaa lahaa Asal-raaca ay sheegayaan?!.

–           Maxayse u kufsadeen dumarkii Soomaaliyeed ee sharafta iyo haybadda lahaa?!. Mise dumarka Soomaaliyeed oo dhan waxay ahaayeen Asal-raaca ay sheegaya-an?!.

–           Maxayse duullaankoodii 12-6-97kan meeshii ay qabsadeenba uga sureen calankoodii?!.

–           Dagaalkii SSDF-na markii ay Goldogob iyo Balanbal qabsadeen maxay calankooda uga sureen oo ay u diideen inay kii SSDF ka surtaan?!

–           Mise dhulkuba ma uusan ahayn dhulkii Soomaaliyeed ee waxaa lahaa Asal-raaca ay sheegayaan iyo Midoowga maxaakiimta Islaamiga ah?!.

Waxay ku jawaabaan ma ay garanayaan. Waayo oo waxaaba ka maqan awooddii wax lagu kala garanayay. Caqligiina wuxuuba ka galay xagga caloosha oo waxaan shilin ahaynba ma ay arkayaan. Sababtoo ah carruutuna way ogtahay waxa annaga iyo Itoobiya naga dhexeeya inay yihiin colaad gaboobday oo jirtay boqolaal sano. Colaaddaasoo ah mid caqiido iyo mid dhulba. Duullaanka ay soo qaadday Itoobiyana maahan mid maanta billoowday ee wuxuu socday qarniyo faro badan oo ay Itoobiya isku deyaysay inay ku gaadho xeebaha hodanka ah ee Soomaaliya. Maantana waxay u aragtay inay tahay fursaddii ugu qaalisanayd ee ay intaasoo sano sugaysay. Mana jiraan cid gaar ah ama koox gaar ah oo ay Itoobiya u danleedahaya ee arrintu waa ”BAROORTU ORGIGA KA WAYN”.  

Ummadda Soomaaliyeedna waxaa maanta la gudboon inay dalkooda iyo diintooda daafacdaan iyagoo isku duuban oo walaalo ah, kana baxaan colaadda qabiil ee aakhiro iyo adduunba seejisay. Waana inay ogaadaan arrintu maanta meeshay marayso iyo inay tahay qisadii saddexda Dibi (Dibi cadde,dibi madoobe iyo dibi guduudane) ee Libaaxu inta marba mid la heshiiyay midkii kale cunay. Kadibna kii ugu danbeeyay oo madi (Kaligiis) ah cunay. Waxaana hadalkayga ku soo xirayaa Tixo yar oo aan ka soo qaattay gabay dheer oo uu tiriyay C/llaahi Macalim ”Dhoodaan” oo mawduucan ku habboon. Wuxuuna yiri;- 

  • Haddii nacab walaalkaa qabtayoo, qaylo kaga yeershay
  • Qool wayn haddii lala dhacoo, qaare lagu boobay
  • Qablankiyo cattoowgiyo haddaad, qawda sii maqasho
  • War quud raadso mooyee haddaad, qabandhacoon waydo
  • Markii ay qudh gooysee dishayee, qawrac ugu jiiddo
  • Qormaddii uu taagnaa hadday, bowd qalaal noqottay
  • Qudhaadiyoo soo hartayoo, madiya oo qaawan
  • Qun yar buu awoodaa inuu, qoorta kaa jaro ee;

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD