ِAdiga
iyo Jihaadka
Cabdalla Salih
salih3_2006@yahoo.com
Waxaad ogaataa qofyahow an
doonayn wixii lagu farad yeelay
oo jihaadka ah, kana leexday
dariiqa towfiiqda ,inaad isku
bandhigtay ka fogaansho raxmada
Rabbi.
Waa maxay sababta kaa reybeysa
dagaalka iyo inaad ku boodid
goobaha geesinimada ama ad kala
bakhayshid jidka Alle nafta iyo
maalka
Wax kale ma aha ee waa
seetadheeraysi ama geeri ka
carar ama ka cabsi ka tagid ehel
maal ama ilmo, walaal ama
qaraabo ku jecel ah ,ama sokeeye
iyo saaxiib macaan ah ama ku
andacood kororsi camal wanaagsan
ah,ama sowjo wanaag iyo qurux u
saaxiib ah,ama waji iyo mansab
weyn ah,ama daaro iyo dabaqyo
issasaaran ah .
Mana jiraan sababahaas kore
waxaan ahayn oo kaa fariisinkara
jihaadka kaana fogayn kara
Rabbigaa. Waxaana dhab ah in
mowqifkaas yahay mid guuldarro
ah. Miyaadan maqlin qowlka Alle
(kor ahaaye):Kuwa xaqa
rumeeyoow maxaad leedihiin oo
marka laydin dhaho ku baxa jidka
Alle aad ugu cuslaataan dhulka,
ma waxaad ku raalli noqotan
nolasha adduun aakhiro ka sokow
, nolasha adduunyo marka aakhiro
loo dayo waa uun raaxo yar. Al
towba :38
Haddaba,dhagta u raarici waxaan
kuu yeerinahayo oo ah xujooyin
wax kala gooya,dhageysana waxaan
an kuu sheegahayo oo daliilo cad
cad ah, si ad u ogaatid dhab
ahaan ineysan jirin wax kaa
fariisin kara jihaadka oo an
ahayn ba' iyo hoog sheydaan kula
maagay, wax sabab ah oo dib kuu
dhigi karana aysan jirin oo an
ahayn naf iyo shaydaan.
BURINTA XUJADA KOWAAD
Hadday tahay xujadaadu
seetadheeraysi iyo ka cabsasho
geeri kugu soo degdegta iyo iska
ilaalin mowd an marnaba la
fursnayn iyo ka qalbi jileecaaga
jidka mariddiisa marna an la
hureyn, taasi wax kama jiraan
weeye ,xujadaaduna waa baadil.
Wallaahi,isqaddimiddu ma
nusqaamineyso cimriga kuwa
isqaddima,dib isudhigidduna ma
kordhneyso cimriga kuwa dib
isudhiga. Allaah (kor ahaaye)
waxuu leeyahay: Ummad kasta
waxaa u sugnaaday
ajal(muddo)markii ay timaado
ajashuna kama dibmaraan saacad
kama hormaraan. Al-acraaf
:34
Waxaana dhab ah in geeridu
leedahay sakaraad ,qabriguna
cadaab iyo su'aal daran ,
Aysan ka badbaadeyn cidna qof
suuban mooyee,aakhirana khatartu
weyn tahay.
Shahiidkuse uu aamin ka yahay
intaas oo dhan.Dilkuna uusan
xanuunjinayn shahiidka,uusan
dareemayna sida laga wariyey
Abuu Hureera Allaha ka raalli
noqdee, in Rasuulku (naxariis
iyo nabad galyo korkiisa ha
ahaatee) uu yiri: Ma dareemo
shahiidku xanuunka
dilka(geerida)suu u dareemo
mooyee midkiin taabashada
qandhuufta.
BURINTA XUJADA LABAAD
Haddii ay tahay waxa kaa
reebahaya jihaadka ehel, maal,
caruur iyo ciyaal jaceyl. Waad
qafsantahay ,xujadaaduna waa
baadil.
Waayo Rabbi waxuu noo sheegay
qowl cad :
Ma aha xoolihiinu iyo
caruurtiinnu kuwii noo kiin
dhaweeya. Saba:37
Ayaadaha taas ku soo arooray
waa badan yihiin,xujooyinkuna
waa cadyihiin. Waxaa Tarmadi ka
wariyey Sahal bin Sacad Alle ha
ka raalli noqdee, in Rasuulka
Alle (nabadgalyo iyo naxariis
Eebbe korkiisa ha ahaatee) uu
yiri: haddii adduunyadu ay u
dhiganto baal kaneeco gaal kama
cabeen sharbo biyaa.
Sidoo kale. Waxaa laga wariyey
Nabigeena Suuban,nabadgalyo iyo
naxariis Ebbe korkiisa ha ahatee
inuu yiri: Masarka(gambada)
inanta ehlujannadaa baa ka kheyr
badan adduunka iyo waxa yaall
Haddaba,sidee kaaga horjoogsadaa
mulkigaas weyn ehel ama caruur
inta lawada joogaaba ay yartahay
ama maal markasta khatar ugu
jira inuu dhumo ama la dhaco.
Sideese kaaga reebikaraa
naciimka daarta aakhiro ilmo
hadduu yaryahay iyo hadduu
weynyahayba ad ka walwal
santahay,hadduu caafimaad qabo
ad ubaqeysid,hadduu jiran
yahayna qalbigaagu u gariirahayo,
ad isku kalifeysid dartiis
waxaadan awoodin,una galaysid
dartiis meelkasta oo ciriiri ah.
Wallaahi,uma awoodid naftaada
iyo asaga midna dhib iyo dheef,
mana awoodid inaan kordhisid in
yar cimrigiisa ama risiqiisa.
BURINTA XUJADA SEDDEXAAD:
Haddii ad leedahay waxaan
jihaadka uga harey mansab iyo
magac jaceyl daraadood,hadde
taasu waa qaf weyn waana xujo
baadil ah.
Waayo, intee ka dhimatay oo ka
tagtay ilaa uu ku soo gaaray
mansabkaas( adiga). Soo ma ogid
in qofka udambeeya ee naarta
laga soo saaro oo muwaxidiinta
ka mid ah, ahna kan udambeeya ee
jannada la soo galiyo,in Rabbi
siinahayo toban laab boqorada
adduunka oo laysku daray waxay
lahayeen oo kale.Bal eeg mugga
waxa la siin qofkii la gala
jannada saabiqiinta oo ah
ambiyada, siddiiqiinta,shuhadada
iyo saalixiinta.
Waxaa dhab ah iney taasi tahay
wax loo tartamo ayna u
shaqaystaan kuwa shaqaysanahaya.
BURINTA XUJADA AFRAAD:
Hadii ad leedahay waxaan igu
culus inaan ka tago guryaha
dabaqyadaa iyo harkooda qabow
iyo waxaan oo khaadim iyo
qowsaar ah oo an soo tabcay ama
an dhaxlay.Hadde taasu waa hadal
gaf ah iyo xujo baadil ah.
Waayo, guryaha ad sheegtay maxay
ka sameysan yihiin? Maxayse ku
dambeyn doonaan?Yaase leh? Soo
dhoobo iyo dhagax ama bir iyo
qori lagama sameyn.Haddii an la
nadiifin soo qashin kama
buuxsamo,haddii an la
iftiimin(leyr loo shidin)
Soo mugdi ma aha , soo kii duma
ama duleelsama ma aha,soo kii la
waayo ama laga dhinto ma aha.
See looga dooran karaa daarta
Aakhiro oo xaalkeeda naloo kaga
warramay sida soo aroortay:Waxaan
ili arag , dhagina maqal ana ku
soo dhicin qalbi bashar (dad).
BURINTA XUJADA SHANAAD:
Haddii ad leedahay waxaan
jihaadka uga haray cimri
dheereysi dartiis si an camalka
wanaagsan u badsado,hadde taasi
waa war nin shaydaan
kadiyay(duufsaday),xujadaaduna
waa baadil.
Allaah (kor ahaaye) waxuu na
leeyahay: Dadow yabooha alle
waa xaq ee yayna idin
dagrin Nolasha aduunyo,yuuna
idinku dhagrin Alle dhagris
badane(shaydaan)
Allaah(kor ahaaye)waxuu
kitaabkiisa ku yiri:Baxa
idinkoo fudud iyo idinkoo culus
kuna jihaada xoolihiinna iyo
naftiinna jidka Alle ,saasaana
idiin khayrroon haddaad Wax
ogtihiin.
Haddii saxaabadu iyo akhyaartii
taabiciinta ay ku shaqayn la
haayeen cimri-dheeraysi iyo
adduunyo jaceyl lama ay
jihaadeen gaalada , mana gaareen
islaamku inta uu gaaray.
BURINTA XUJADA LIXAAD:
Haddii ad leedahay waxaan uga
gaabshay jihaadka marwo jaceyl
iyo xaasas kororsi. Hadde
eraygaas waa gaf, xujadaaduna
waa baadil.
Kaba soo qaad in sowjadaadu
haweenka ugu wanaag
badantahay,dadka samaankana ugu
qurux badantahay. Soo maha tan
haddaysan isqorin markasta
qurixdeedu wiiqmayso,cilladeedu
iyo sheegashadeeduna
badantahay.La noolaanshaheeduna
ku dhisanyahay dhib iyo dulqaad.
Ma
wax lagu maslaa xuurulciinta
jannada. Hadday usoo daahirto
mid ka mid ah cirka iyo dhulka
dhexdooda way buuxin lahayd
carafteedu inta u dhaxaysa.Horey
bayna noo soo martay in masarka
madaxa xuurulciinta saran uu ka
kheyr badan yahay Adduunyada iyo
waxa yaalla oo dhan, mana qalalo
dhiiga shahiidku ilaa ay u
timaado oo ay indhaheeda uga
bogoto (jaceyl ay uqabto darteed).
BURINTA XUJADA TODOBAAD:
Hadii ad leedahay waxaan uga
gaabshay jihaadka ka carar
khilaaf iyo iskahor imaad
qabiilkeyga,jamaacadeyda,sheikhayga
iyo asxaabteyda. Hadde
kalaamkaas waa qalad,
Xujadaaduna waa baadil
Waayo ma bannaana inay kaa
fariisiyaan jihaadka qolana,
laga yaabo wax yar kaddib in
mowd idin kala qariyo, uuna ku
dhaafo ajarka weyn ,hadhowna ad
qoomameysid qiyaamo markii
khalqiga oo dhan la soo taago.
Qofkastana uu yiraahdo nafsii ,nafsii.
Haddii culumadu iskhilaaftana ,
waxaa runta u dhow kuwa jihaadka
oogahaya.
Miyaadan maqlin qowlka Alle (kor
ahaaye): Kuwa mu'miniinta ah
waa kuwa uun rumeeyay Alle iyo
rasuulkiisa oon shakiyin,kuna
jihaada xoolahooda iyo naftooda
jidka Alle dartiis, kuwaasi waa
kuwa runlowga ah. Al-xujuraat
:15
Waa xoogaa laga soo
gurubsaday kitaabka Jihaadka Li
ibni Nuxaas Alshaafici
تمــــــت بحمـــــــــــد
اللـــــــــــــه
Cabdalla Salih
salih3_2006@yahoo.com
AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan