SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Puntland iyo Burintii Ballanta.

 Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Faarax-Deeq Siciid Maxamed ( Abu-Muscab)
faaraxdeeq@hotmail.com
London Uk

Mahadnaq:

Mahad Dhamaanteen Allaah ayey usugnaatay Xumaan oo dhana ka hufan,  Naxariisna iyo Nabad Galyana ha ahaato Ambiyada Allaah doortay korkooda intaas Ka dib. 

Gogoldhig:

Waxaan shaki ku jirin in bulshada soomaaliyeed ay soo martay dhibaatooyin badan oo kala gadisan, Waxaan kaloo shaki ku jirin somalidu in ay tahay  Ummad muslim ah 100%, oo Hadana  ah Ahlu Sunnah wal  Jamaacah.

 Hadaba Maanta oo la joogo waxaa Soomaliya u curatay Daruur Raxmadeed, Waxaana wadankii Somaliyeed Qayb ka mid ah ay heshay wixii ay mudnayd, taas oo ah ku dhaqanka Kitabka Allaah swt. Waxaase muuqata in Cadowga Somaliyeed Dal iyo Dibadba uu doonayo in ay hor joogsadaan isbadalka wanaagsan ee Somaliya u bidhaamay.

 Puntland iyo Heshiiskii  Culumada.

Gobolada  Puntland oo ka mid ah Gobolada Somaliyeed waxa ay Mas’uuliyiinta ugu Saraysa Maamulku Balan  Qaadeen in ay Ku Dabaqayaan Degaanada ay Ka Taliyaan Kitaabka Allaah iyo Sunnada Rasuulka SCW, Waxa ay Shir La qaateen Culumada u dhalatay Gobalka, Waxaana Shirkaas natiijadiisii ay noqotay in la isku af Gartay in Gobolka Lagu Dhaqo kitaabkii Allaah swt uu soo dajiyey.

Cadde Muuse oo ah Madaxweynahay Maamul Goboleedka puntland waxa uu si cad u sheegay ka dib markii uu soo gaba-gabeeyey shirkii uu la qaatay Culumada  in uu fulinayo ku dhaqanka Shareecada islaamka.

 Maxaa xigay ?

Waxaan la soconaa in Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Col. Careys uu si Bareer ah uga hor  yimid Heshiiskaas Qeexayey Ku dhaqanka Shareecada Islaamka, Cadde Muusena ku eedeeyey in uu khiyaanay Shacabkiisa uuna hareer maray Dastuurka puntland u yaala.

DGPL Ma C/laahi baa  Magacaabay mise Cade?Akhri....

C/llaahi yuusuf oo asagu ah ninka sida Tooska ah uga taliya Puntland ayaa Gen.Cadde la soo xiriiray kuna canaantay heshiiska uu la galay culumada una sheegay in uusan sidaas wakiil uga sii ahaan doonin Puntland haddii uusan si dhaqso ah uga laaban ku dhawaaqida uu ku dhawaaqay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Wasiirka Maaliyada Mudane Gaa-Gaab ayaa Asaguna ka Gows Adeygay Heshiiskaas kuna andacooday Heshiiskaani in uu yahay inqilaab lala Maagan yahay Maamul Goboleedka Puntland. Sidaas Daraadeed ayuu Gen.Cadde Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waxa uu waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Heshiiskii uu la  galay Culumada Puntland, Gen.Cadde oo BBC-da qaybteeda Af-Somaliga ah la xiriiray ayaa Sheegay in aysan Culumada isku waafaqin Go’aano Rasmi ah, Wararka Sheegaya in ay Ku Heshiiyeen Ku dhaqanka Kitaabka uu yahay war la Buun-buuniyey oo aan waxba ka jirin, Sidaas daraadeedna Puntland xaalka ay ku sugan tahay maanta in aan waxba laga badali doonin.

Mar uu waraysi siiyey Gen Cadde Idaacada Horn Afrik ee Muqdisho waxa uu si cad u sheegay in ay si joogta ah u wada xiriiraan Col. C/laahi yusuf Maamulkiisuna uu hoos tago Dowladda uu C/llaahi yuusuf Madaxweynaha ka yahay.

Soo Galitaanka Ciidamada Tigreega Gobolada Puntland

Sidaan wada ogsoonnahay Itoobiya ayaa ciidanakeeda aad ugu soo daabushay Gudaha Somaliya Gaar ahaana degaanka Puntland, Gen Cadde ayaan ilaa hadda laga maqal wax hadal ah tan iyo intii ay Ciidanka Cadowga Ethiopia ay soo galeen gudaha Puntland, Gen Cadde ayaa hadda Ka hor si cad u qirtay in Ciidamo itoobiyaan ah ay joogaan gudaha Puntland asaga oo ku macneeyey taasi in ay tahay xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey Puntland & itoobiyaanka (Waxaase uu Halmaamay Genaraalku Puntland in la aasaasay 1998) ayna Itoobiyaanku u joogaan carada Puntland tababar ay siinayaan ciidamada Puntlland

Sida ay warar lagu kalsoon yahay isoo gaarsiiyeen iIllaa & Hadda waxaa lagu Qiyaasay Ciidamada itoobiyaanka ah ee soo galay Magaalada Gaalkacyo 800 oo askari oo wata 49 baabuur oo shalay yimid iyo 16 Ka mid ah Gawaarida Gaashaaman ee Dagaalka oo Maanta ( 27/11/06) Soo Gaaray Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo iskugu jira Kuwa Xamuulka Qaada iyo Kuwa Tignikada loo yaqaano qaarkoodna ay jiidayan madaafiicda Dagaalka.

Puntland iyo Caburinta Shacabka

Puntland ayaa Maalmahaan dambe waxay caado ka dhigatay in ay Caburiso Shacabkeeda iyo cidii ay istiraahdo waxaa ku jira damiir diinimo iyo mid wadaninimo, waxaan ogsoonnahay in Maamulkaasi uu hanjabaad faro badan iyo xarigba kula dhaqaaqay Shacabka doonaya in ay iska xoreeyaan dulliga ku habsaday Dimiirkooduna uu u  saamixi waayey in ay Noloshaas Liidata ay ku noolaadaan, waxay si bareer ah oo gar daro ah xabsiga ugu taxaabeen xornimadiisiina uga qaadeen Sh Maxamud Qorane oo ah Wadaad Caan ka ah Puntland, Kana mid ah Aqoon yahanada Reer Puntland, waxna ka Dhiga jaamacadda geeska Afrika ee Bosaso, illaa iyo hadda wax Dambi ah oo ay ku soo oogeen wadaadkana  aysan jirin Ka dibna ay iska siidaayeen.


Waraysi Sh. Maxamud Qorane ay SomaliTalk layeelatay
 


Waraysi ay la yeelatay Shabakada SomaliTalk.com Sh. Maxamud Qorane ka dib  markii la soo daayey ayaad ka garanaysaa kaliya in loo xiray in uu yahay nin u damqanaya Diinta Allaah, ayna ku jirto Damiir diinimo iyo mid dadnimaba, 

Sidoo kale Sh Daahir Cali Shire ayaa Xoriyadiisii ku waayey in uu ka hadlay Ciidamada itoobiya ee wadanka ku soo qul-qulaya, Dadka muslimiinta ahna ay waajib ku tahay in ay difaacaan Diintooda,Dadkooda iyo Dalkoodaba, Shiikha ayaa ilaa hadda xiliga aan qorayo Qoraalkaan Ku jira xabsiga Magaalada Bosaso, waxaan Allaah ka baryeynaa in uu Ka soo siidaayo.

Kacdoonka Shacabka ee Puntland

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa ka jiray Puntland  kacdoon Shacab,taasoo lagu diidan yahay gumeysiga cusub ee lala maagan yahay Guud ahaan wadanka Somaliyeed gaar ahaana degaanka Puntland, Sidoo kale waxa ay shacabku Dalbanayaan in lagu dhaqo Kitaabka Allaah swt maadaama ay muslimiin yihiin. Taasoo la mid ah kacdoonkii ka dhacay Koonfurta Somaliya loogana soo horjeeday Dagaal oogayaashii Muqdisho ilaa laga saaray Meelihii ay Xaaraanta ku haysteen.

Talo Soo Jeedin

Gaba-gabadii waxaan Talooyin u soo jeedinayaa Qaybahaan kala Duwan ee soo socda

Maxkamadaha  Islaamka.

Waxaad u Taagan tihiin Difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka, waa Howl Culus oo u baahan Sabar iyo ad-adayg, Askari walbaa oo ku sugan Furinta iyo jiidda hore ee dagaalka waa in uu ogaadaa in uu gudanayo Cibaado Allaah Taas oo ah JIHAAD Fii Sabiilillaah, Sidaas daraadeed waxaan idinku baraarujin Lahaa (aniga oo og in aad ogtihiin Haddana waa iga xasuusin) In aad Niyadiina Hagaajisaan una niyootaan in aad Gudanaysaan Camal Allaah idinku waajib yeelay, Maxaa yeelay Miisaanka Camalku waa niyada, Alllaahna SWT waxa uu Aqbalaa Camalka kiisa wanaagsan, Kaligiisna loo Sameeyo, Afkiina haka Qaadina Xuska Allaah (Digriga Allaah) Maxaa yeelay Allaah ayaa Na amray Hadaan Gaalada Dagaal ku kulano in ayno Badino Xuskiisa, Kalimada Alaahu Akbar Gaalka waxay kaga darantahay Madfac lagu soo rido, Ha Ilaawina in aad Dar-daarantaan inta aydan u bixin jihaadka idinka oo Raacaya Sunadda Rasuulka SCW.

Shacabka Somaliyeed .

Waxaad Tihiin Shacab Muslim ah, Waxaadna Tihiin Shacab Damiir leh, Shacab lagu Yaqaanay in ay Cadowgooda iska Celiyaan, Shacab geesi ah oo aan dullinimo Qaadan, Itoobiya waxaa idinka dhexeyn jiray waligiin cadaawad soo jireen ah, waxa ay doonaysaa in ay idin gumaysato, Dhulkiinana Qabsato, waxaa Hunguri kaga jiraa in ay Badihiina isticmaasho, Dakaddihiinana  qabsato, waxa ay doonayaan in ay Gabdhihiina Kufsadaan , wixii ka dhacay xabsiga Abu-qureyb ee wadanka ciraaq wax la mid ahna ay ku sameeyaan Ragiina, Tigreegu makala Taqaano nin soo dhaweeyey iyo nin ka horyimid, mid walbaa waxay u aqoonsan tahay in uu yahay nin Somali ah, waxayna ka soo horjeedaa Jiritaankiina iyo Soomaalinimadiina, Waxay ka soo horjeedaa diinta Muslimka ee aad haysataan, Hadaba Ka hortaga Cadowgaas doonaya in uu Gumaysi Cusub idin galiyo Difaaca DIINTA ALLAAH, Difaaca Sharaftiina iyo Maatadiina, Taageera Ciidanka Mujaahidiinta ee difaacaya Sharaftiina una dhimanaya Difaaca diintooda, ku Taageera wax kastaa oo aad Awoodaan, la garab istaaga Hiil iyo hooba.

Dowlada Federaalka ee Somaliya

Waxaad Tihiin Dad Balanta ku wanaagsan, Waxaadna Qabateen howshii la idiin soo Aasaasay markii horeba taas oo ah in aad Baabi’isaan Jiritaanka umadda Somaliyeed, waxaad oofiseen Balantii ay idin la Galeen dadkii Maamulka idiin Dhiibtay ee ah Tigreega, Waxaad wadankii Somaliya aad Gacanta u galiseen Cadowgeedii Soo jireenka ahaa Kaas oo ah Itoobiya, waxaad xir-xirteen Culumadii Soomaliyed oo aad illaa hadda Xabsiga Baydhabo ku haysaan, Waxaad Jeebka ku shubateen Dhamaan dhaqaalihii aad Beesha Caalamka ka soo qaadateen idinka oo uga soo qaatay magaca umadda Somaliyeed, Hadaba waxaad ogaataan in aad Taariikhda meel Madow ka gali doontaan, Maalin ay noqotana ay Shacabka Somaliyeed idinla xisaabtami doonaan, waxa aad mudan tihiina la idin marin doono Inshaa allaah.

Culumada Soomaaliyeed

Waxaad Tihiin Culumadii Wadanka Soomaaliya, Wadankuna waxa uu ku jiraa maanta Xaalad Culus, waana xiliyada lakala ogaado ninka Diintiisu dhabta ka tahay iyo ninka ay Sheegashada ka tahay, waa xilliga Allaah swt kala Saaro Umadda ( Tamxiis) Sidaas Daraadeed Umaddu waxa ay u Baahan tahay in ay maqasho Hadalkiina , Booskiinii waxaad moodaa in uu Banaan yahay Sidaas daraadeed Buuxiya booskiina, Istaaga Mawaaqiftii ay istaagi jireen xiliyadaan oo kale Sheikhul Islaam Ibnu Taymiyah , Imaamu  Ahli Sunnah Axmad Ibnu Xambal iyo Suldaanul Culamaa Cizz Ibnu Cabdi Salaam, Hadalkiinu waa Shamaca umada , waana Baraarujinta Shacabka , waana Kalsoonida Mujaahidiinta , Allaah uga Baqa Dadka Aad Culumada u tihiin, waxaana Allaah idiinka Baryayaa in uu idin xifdiyo Meel kastaa aad Joogtaan Cimrigiinana uu inoo Barakeeyo Caafimaad Wanaagsanna uu Allaah idin siiyo, Waxaan ku Nool Nahay Allaah ka sokow Waa Noloshiina Dadaalka aad wadaan in aad sii Laba Jibaartaan ayaan idinka Sugaynaa Culumadeenoow.


Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland & Gebi ahaanba Soomaaliya..

Tigreega

Waxaad Tahay Dowlad Daris La ah Somaliya, Waxaana Allaah Naga dhigay dad daris ah , Waxaad Noqotay Cadowga koowaad ee Somaliya, waxaad waligaa ka shaqayn jirtay sidaad u kala fur-furi lahayd Somali weyn, waxaad Gumaystaaa dad Somali ah , Waxaadna xoog ku haysataa Dhul Soomaaliyeed, Si Arxan Darro ahna Waad ula dhaqantaa Shucuubta Soomaaliyeed ee aad Gumaysatid, 16 sano ayaad Somaliya ka hor taagnayd in ay Cagaheeda ku istaagto, Waxaad gudaha Somaliya Ka samaysatay Calool u shaqaystayaal Somali ah oo kuu adeega Danahaagana Kuu Fuliya, Ninkasta oo aad ka Dareentid in uu yahay nin ay ku jirto wadaninimo waad dishay, Saraakiil, Dhaqaatiir, Culumo iyo Aqoon yahanaba Somaliya waad ka dhamaysay ugu Dambayntii waxaad dhistay Goloha La dagaalanka Argagixisada oo ah Calooshood u shaqaystayaal Soomaliyeed oo Gatay diintoodii iyo wadankoodiiba, Shacabkii ayaa ka hor yimid Allaahna waa Jabiyey waana Ka saaray wadankii Somaliyeed, Arintaasi waxa ay kugu noqotay Khasaare weyn Waxaad ku Qasbanaatay in aad Ciidaankaaga Soo galisid Somaliya, Hadaba waxaan kugula Talin lahaa Sida ugu Dhaqsaha badan in aad ciidankaaga ugala baxdid Ciidda Somaliyeed, Taasi Adiga ayey faa’ido kuu tahay, Si wanaagsan ayaad u taqaanaa Dadka Soomaaliyeed, Waxaa ka dhashay Ragii ku Siiyey Duruustii lama Ilaawaanka ahaa, waxaa ka dhashay Sh Axmed Gureey (1506-1543), waxaa ka dhashay Sh Sayid Maxamed Cabdule Xassan (1864-1920), Raggaas iyo Rag ka sii darana Way u joogaan Maanta , Allaah ayaana u Gar-gaaraya oo waa dad Muslimiin ah oo Difaacaya Diintooda iyo dalkooda, waana dad la dulmiyey oo Naftooda difaacaya, Sidaas daraadeed Nabada Qaado Somaliyana Faraha kala Bax oo Daris wanaag kula nooloow.

Gabagabadii  Waxaan ugu baaqayaa Dhamaan Bulshada Somaliyeed Laga soo bilaabo Raas-kaambooni ilaa Raas-casayr laga gaaro Seylac in u istaagaan siday Diintooda u difaaci lahaayeen Dalkoodana uga Saari lahaayeen Ciidamada Tigreega ee ku soo qul-qulaya wadankooda. 

Faarax-Deeq Siciid Maxamed ( Abu-Muscab)
faaraxdeeq@hotmail.com
London Uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD