SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 DHALINYARADA SOOMALIYEED WAA INAY KA DIFACAAN GUMEYSIGA TIGREEGA DALKOODA

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

 

Waxaan dhalinyarada Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan  ugu baqayaa inay ka qayb galaan difaaca dalkooda & diintooda,sida aynu wada ognahay waxaa dalkeeni ku soo duulay oo qabsaday gumeysigii tariikhiga ahaa ee aan laheyn, ka soo ah wadanka Ethopia khaasatan jabhada wadanka heysata ee la yiraahdo Tigree ee u hogaamiyo Meles zenawi.

 

Sida aynu  wada ognahay dalkeena waxaa burburiyey khaainul wadaniyiin laga soo diray dalka Ethopia ,kuwaas ka baxsaday dowladii dalka ka talin jirtey ,iyagoo ku mar marsiyoday inay rabaan inay badalaan xukamadii hore,balse waxaa xaqiiqo ah inay wadankeeni oo dhan galiyeen dagaalo sokeeye iyo burbur waayo kuligood waxay ku shaqeynayeen awaamiirta Ethopia laga soo siiyay ,ee ahaa sidatan: 

  • In ay Soomaliya  kala jaraan  oo u kala qayb qaybiyan jasiirado yaryar oo qabaailo xukuman oo aan iyaga dhaxdooda laheyn xiriir balse Ethopia kor ka xukunto tusaale sida kuwaan Somaliland, puntland, banadirland, jubaland,bay&bakool land, qurunland ,mooryanland ,isbaaroland & badasumeyoland iwm ah.
  • In dadka Soomaliyeed isku layaan una diidan nabad iyo horumar.
  • In dalkan usan helin dowlad madaxbanaan oo xor ah.
  • In wadanka oo  idil ku shubaan sun & qashin oo xogaa beeso ah siistaan.
  • In aqoonyahanka dalka laga saaro laguna soo reebo dalka mooryaan iyo  qaain damiir laawe  ah tigree u shaqeeya sida dowlada kuwa sheegta ee baydhaba fadhiya ee tigree ka wardinaayo dadkoodii.
  • Waxaas oo dhib iyo qaxar kadib 16 sano waxaa u dalkeeni galay marxaalad Qatar ah oo la rabo in dalkeena oo idil gacanta loo galinaayo gumeysi arxan daran oo rabin wanaag iyo dowlad xor ah Soomaliyeed, dowladaas oo xor u ah dalkeeda iyo dadkeeda,sida  daraaded ayaa waxaa muhiim ah in dhalinyarada Soomaliyeed ee wax baratey  ay lama huran u tahay inay is waydiiyaan arimaha ka taagan dalkeena .

Waxaa wacan in aan is waydiino  horta dalkeena yaa u maqan hadeynaan anaga  wax qabsan oo aan meel uga soo wada jeesanin kuwa dalkeena baday burburka iyo colada iyo qaxootinimada baahday,hada aan is waydiino maxaa ka tagan horta wadakeenii ? kaalinteesa ka istaagi karnaa arimahaas oo idil

 

Waxaa dalkeeni ka tagan in dowlad ku sheeg  baydhabo fadhido oo ubadan qabqablayaashi wadankena burburiyey, dadkenana isku laayey inay  wadankeeni soo galiyeen bilaa la tashi shacabka Soomaliyeed ciidamo cadaw ku ah dalkeena ,diinteena ,  dadkeena ,iyo jiritaanka qaranimadeena

Waxaanu ognahay in kumaan ka tirsan jabhada Tigreega in la soo galiyey magaalooyinkeeni sida Baydhabo,Galkacyo,Waajid,Gedo & Hiiraan, sidaa daraadeedna la doonayo in lagu qabsado dhamaan dhulwaynaha Soomaliyeed inta xorta ah

 

Waxaa socda oo gaalo oo dhan raali ku tahay in dalkeena oo idil gacanta loo galiyo gumeysigaas xun,hadaba waxaa iswaydiyey maxay diidayaan oo ay qoonsaden gaalo iyo dabadhilifkeda,

Waxay qoonsaden sidatan :

 

  • Warlords ay wadanka  ku lahaayeen ayaa laga adkaaday.
  • Caasimadii dalka ayaa la nabdeeyay ,Airportkii iyo dekadii  waa la furey isbaarano ma taalo koonfurta Soomaliya oo idil ,marka laga rebo Bay & Bakool
  • Dalkii ayaa noqon raba dal xor ah oo dadkisi baa raba inay u tashadaan bilaa faragalin shisheeye.
  • Maxkamado caadil ah baa dalkii ku soo kordhay oo shacabkii oo dhan baa u guuxay ,kadib markii ay wanaagi soo celiyeen rabaana in wanagaas u gaaro dalka oo dhan.
  •  
  • Dowladii  mbagati ee ,shisheyaha soo dhoodhoobay baa fashilantay kadib marki shacabkii ay ka horyimaaden ,wayo  waa dowlad dhan oo ku shaqeyneysa fulinta iyo awaamiirta Tigreega & kenyanka ,dowladaas oo aan dan iyo heelo ka laheyn mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaliyeed,madama ay san wax sumcad ah ku laheyn mujtamaceena

Hadaba dhalinyarada Soomaliyeed waxaan rabaa in aan ugu baaqo inay fekeraan oo ay ayahooda ka fekeraan ,waayo maantey mustqbalkii dalkeena iyo dadkeena baa Qatar ku jira ,waxaana loo bahan yahay inay si dhab ah uga dhidhiyaan faragalinta qaawan ee gumeystaha dalkeena ku haayo.

 

Soomaliya arimaheeda ayada xalisan karta balse faragalin shisheeye iyo qaaimiin baa horboodaya ,kuwaas oo an dan iyo heelo ka laheyn dowlad Soomaliyeed oo xor ah,marka waxaa muhiim ah in gacmaha la is qabsadaa lagana hortagaa gumeysiga dalka soo galay iyo kuwa horboodaya ee aan damiirka laheyn.

 

Waxaa hubaal ah hadii dalkeena ay qabsato tigree in wax badan laga shaleyn doono,waayo fursada maantey jirta ee u baahan in aan la lumin,fursadaas oo ah in wada hadal lagu dhameeyo xalka dalkeena ,gumeysigana dib looga celiyo ciida Soomaliya ee ay xooga ku joogaan.

 

Hadii dagaal dhaco oo u dhaxmaro maxkamadaha iyo Tigreega + calooshood u shaqeystayaasha muuqa ka ah Soomali waa in si naxariis daro ah loola diriraa lagana saaro gayigeena guud ahaaneed.

 

Waxaa waajid nagu ah inaa dalkeena difaacnaa , ee aan u istaagno sidii aan uga qayb gali laheyn ka xoreynta dalkeena gumeysiga tigreega & qabqablayaasha  arxanka darnaa ee ku harey goobo yar oo Soomaliya ah.

 

Shacabka Soomaliyeed waxaa muhiim ah inay fahmaan in gumeystaha dalkeena jooga iyo kuwa wada inaysan noo heynin wanaag iyo sharaf balse ay doonayaan in qabqablayaal aan  qiimo ugu fadhiyin dalkeena inay Soomaliya oo dhan maamulaan  korna xabashida iyo gaalo kor maamusho doonayaan si aan loo helin wadan xor ah iyo dad xuquuq leh oo Soomaliyeed oo la mid ah  dadyowga aduunka ku nool.

 

Waxaa nasiib xumo ahaan doonto fursada jirta maantey oo ah inaa si wadajir ah ugadifacan karno dalkeena  cadawga iyo qaaimiinta u wato lumino, hadaan isku duubnaano oo aynan la kala safan dadki wadankaan  dhigay manta meesha ay taalo,marka waxaa muhiim aad u ah in jihaadka loo istaago lagana qayb qaato   oo aan dalkii aadnaa si hadhow uga shaleynin. Tusaale ninki dalkiisa u dhintaa  dhaamo nin gumeyste u sacabo tume aan dan ka laheyn  dadkiisa iyo dalkiisa.

 

Waxa  kaloo aad muhiim u ah in aan muujino inaan kasoo horjeedno faragalinta iyo in laqabsado dalkeena oo xor ah,waa inaa muduharadyo badan ka dhignaa calamka,dhaqaale iyo daawo iyo waliba nafteena u hurnaa sidii Ethopia riyadeeda iyo qashinka ay wadato uga hor istaagi laheyn ama uga sifeyn laheyn wadankeena

Maanta waxaa la marayaa xiligi  gumeysiga ay SYL kaga hortagi jireen dhagaxa ee waa inaan ka xoreynaa gumeystaha heysta gobaladena qasatan  Baydhabo, Mudug, Bakool iyo Gedo una ogalaanin inay ku sii fidaan guud ahaan dalkeena., waxaana muhiim ah in dadka Soomaliyeed ee deganadaas dagan muujiyaan  iska caabinta cadawga  dhulkeena soo galay si cadawga ciida u la dirirto ( ninki dhoof ku yimid baa geeridu dhibeysaa ,waqtii dhamaayoo waa inaa tigree & qaain cirib tirnaa)

 

Waxaa kaloo ugu baqayaa dowlada Tigreega soo dhoodhoobtay inay ka waantoban u adeegida cadawga  iyo ku soo hogaaminta ciideena ciidamo tigree ah,waayo nin dadkiisa laga ilaalinaayo ma u noqon karo madax ,marka dowlad ciidamo ugu yeeraneysa shacabkeeda in laga waardiyeeyo uma noqoneyso dowlad .

 

Waxaa kaloo ugu baqayaa  golaha shacabka inta xalaashaah ee ku jirto  qiiro wadaniyadeed leh inay iska casilaan xilalka beenta ah ay wataan waayo raga baydhabo jooga ma  oran karno madax ee waa jawaasiis qaainul wadaniyin ah oo mudan inaysan la shaqeynin. Marka iska casila  xilalka una bandhiga beesha calamka xaqiiqda jirta ,dadkina kala qayb qaata halganka

 

Ugu dambayntii waxaa la joogaa xiligii dalkeena ka xoroobi lahaa warlords & Ethopia ee  jihaadka iyo israaca dalkeena ha loo istaago.

Soomaliya ha nolaato hadhaco  tigree iyo jaajuusiintooda Soomaliyeed

 

Guuleysta insha allah Soomaliyeey

 

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD