SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gabayga: Geeddiga wadaay: Wadaadow… 


W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) 
 
11/26/2006

Email: abdalle9@hotmail.com  


Dhammaantiin waa salaaman tihiin. Gabaygan kor aanu ku xusnay wuxu soo if baxay ka dib markii Males Zinawi dhaar ku maray inuu weerari doono dalka Soomaaliya. Gabaygani wuxu dhiirri gelin u yahay soomaalida wadaad iyo waranle labadaba. Wixii fikradihiina ah waan soo dhoweynaynaa. Mahadsanidin.
 

  1. Wadaadada mid baan oran lahaa, haatan weyraxaye
  2. Ha loo weriyo gabaygaygu waa, weedh karaama lehe
  3. Culimada wasiirada sariyo, waracda gaadhsiiya 
     
  4. Wax dhaaxaan u taagnayn dadkoo,weeye loo dilo dheh
  5. Wax dhaaxaan u taagnay warjeef, weerar joogta ah dheh
  6. Wax dhaaxaan u taagnayn kolkay, qarankii wiiqeen dheh
  7. Wax dhaaxaan u taagnayn kolkay, god u walwaaleen dheh
  8. Wax dhaaxaan taagnayn Amxaar, loo wacaashado dheh
  9. Wax dhaaxaan u taagnayn inkaar, waagii soo gala dheh
  10. Wax dhaaxaan u taagnayn markii, laysku wiirsaday dheh 
     
  11. Mid qabiil ku waashiyo colaad, waran haliilaaya
  12. Nin walaalkii aabida ku ganay, oo wadnaha gooyey
  13. Soomaali waa waxa kharibay, waax kastay tahaye
  14. Wacdiga iyo waano aad fartaan, weedha san u sheegga
  15. Idinkaa waxyiga eebahay, gabin wallaylkii dheh
  16. Maantana wacdarahaad dhigteen, weyne idin kaab dheh
  17. In wadaadka loo aayi karo, waheey ma moogayn dheh
  18. Geeddiga wadaay maalinbaa, laydin waafiqin dheh 
     
  19. Haddii aad xaqa u weecisaan, oo cadligu waaro
  20. Waddadii rasuulkiyo (SCW) martaan, diinta wehelkeeda
  21. Walaacana ka saartaan halkay, taladu weydowdo
  22. Sidii Beder islaamku u wanqalay, guushu way iman dheh
  23. Geeddiga wadaay maalinbaa, laydin waafiqin dheh 
     
  24. Waab haw goglina shuuradaa, reerku wadhatayn dheh
  25. La wadaaga aadmiga xilkana, waafi baa maqan dheh
  26. Waxba yaan go’ lagu qarin runtee, Yuusuf naga waabsha
  27. Weli waa dulmane reer Markaad, wahabka dhaafsiiya
  28. Wadeecada qabiilkiyo ka jira, gaan wisiisiyi dheh
  29. Shariifkiyo Aweys waa jufee, waasac kale doorta
  30. Itixaadku waa adagyahee, madasha weyneeya
  31. War tashiga ku dara odayadiyo, wiil aqoon yahana
  32. Hooyaa wanaag lehe haween, yaan wid lagu dhaafin
  33. Weer bay sidaye yaan dhib kale, waana lagu eegin
  34. Geeddiga wadaay maalinbaa, laydin waafiqin dheh 
     
  35. Argagixiso waa magac jinoo, lays huwinayaa dheh
  36. Xabashidu shirqool bay waddaa, been la waariday dheh
  37. Inaydan wegerad miiniyo xidhnayn, wiifad ololaysa
  38. Ee aydin maatada wanjalin, maxasta wiidaysan
  39. Oo aad jihad waajahdaan, duul walba u sheeg dheh 
     
  40. Wajeer iyo ilaa Harar dhulkaa, weyne nagu beeray
  41. Waa wada waalo eh, hadaan cadow wareejeen dheh
  42. Inay maalin uun wadar ahaan, duul walba u sheeg dheh
  43. Warasooyin kale iyo dadkaa, toodii wadi waayey
  44. Oromadaa la wariyiyo, inaan Eritar soo weeran
  45. Inaan Waamo Pakistaan ka talin, duul walba u sheeg dheh
  46. Geeddiga wadaay maalinbaa, laydin waafiqin dheh 
     
  47. Inkastoo dhibkii Xamar qabsaday, meel kale u waadin
  48. Hala kala wacnaadee dalkii, waa mid baylahay dheh
  49. Walkadaadka Somaliland, kama war haysaan dheh
  50. Puntland waleecaadka degay, kama war haysaan dheh
  51. Baydhabo wagaashiga habsaday, kama war haysaan dheh
  52. Weel madhan inay wada yihiin, waxaw daliilkeed dheh
  53. Waa qoon metela dawladoo, wiish la caariday dheh
  54. Waa duul dalkii iibsadiyo, waax dillaalo ah dheh
  55. Waa deero iyo cawl kolkay, dani timaadaa dheh
  56. Cirkii iyo baddii way qudhmeen, waana la hubaa dheh
  57. Wakaalado tartami baa jiriyo, doc u walaalow dheh
  58. Haddaan waagan laga gaadhin waa, dhaxal wareegeen dheh
  59. Idinkaa watiinkiyo cuskada, waqafka diimeed dheh
  60. Geeddiga wadaay malinbaa, laydin waafiqin dheh 

W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Email: abdalle9@hotmail.com

Faafin: Nov 28, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD