SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah daawo: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir



Caqliga Ilaahay wuxuu noo siiyey inaan wax ku garano..

Said H Warsame
shwarsama@hotmail.com 

Caqliga Ilaahay wuxuu noo siiyey inaan wax ku garano, sidaas darteed ayuu Ilaahay subxaanuhu wa tacaalaa quraankiisa meela badan ugu soo celceliyey in kuwa caqliga u saaxiibka ahi, miyeysan fakareyn, miyeysan ku cibra qaadaneyn , xusuusaneyn iyo wax la mid ah.

Ninka faranjiga ka feer dagaalayoo fakar laba jeer, isna waydii dagaal dabadiis maxaad ku dambeyn !!! dagaalku laba ayuu noqon inaad adiga iyo tigrey guul ku sheeg haabataan deedna lagu bado wax xile iyo wax baas iyo wax nin weyn ka xishoodo sheegsheegistood!!! Dabadeedna haddii aad damiir leedahay hoq ku disho ileyn waddankaagii ayaa lagugu gumeysanayaaye, diintaadii iyo dadnimadaadina dabayluhu qaadaan, tusaalana waxaa kuugu filan waddamada carabta ee u yeertay faranjigga iyo dhibka u dhaxalsiiyey go'aankaasi.

Iyo inaad dagaalka ku dhimatid deedna maalinta qiyaami la soo baxdid Fircoon iyo Haamaan iyo wixii la hal maala ileyn adiga iyo faranji diin baad la dagaalan teene. 

Nin baa laga sheegay saad u joogto wax ma ku joojiyaan. Hadda annigu horey ayaan u dilaaqay qoraladii sanooyin hore waxaa caawa I soo toosiyey waa guul darada haysata kii soomaali ahaa meeluu joogaba iyo sida uusan dantiisa u garaneyn. 

War sir qarsoon ayaa jirta, war meeshaan in calankii baluuga ahaa ku soo noqdo somaliya ma la rabo. War meeshaan khayraad baa ku duugan. War meeshaan diin baa taal aan oolin Africa oo idil. War haddii lagula damacsan yahay khayr iyo inaad dawlad noqotid horey ayaa taageero iyo taakuleyn loo siin lahaa Somalia. War dawladda ku meel gaarka ah Maxkamadaha ka hor ayey jirtay oo xarun ka dhigatay Jowhar ma la kaalmeeyo??. Markii Maraykan iyo Eithoipia arkeen inay ka go'an tahay in soomaali soo ceshato karaamadeeda  ayaa lagu kacshay kutaan iyo ashahaado la dirir. War shalayna dawladdii Carte lagu dhisay sidaas ayaa la yeelay, war tii ka horeysay ee cali mahdi sidoo kale ayaa la yeelay. War haddana markii la arkay maxaakiimta ayaa la yiri war meesha khayr iyo wax dawlad u eg baa ka soo socda. War gaalo go'aan baa meel u dhigan. War soomaali faham taas. War dheeshu ka wayn qabiil-qabiil iyo sidaad moodeysaan. War waa diintaada iyo dadnimadaada wax shalalka saaran. War jaceyl loo qabo somaaliland ma ahan waxa loo aqoonsan waayey  inay go'do ee waxaa la rabaa oo go'aan lagu gaarey in magaca soomali wax ka harin ileyn ogolaanshuhu wuxuu qirayaa jiritaanka dawladnimo deedna waxay xaq u yeelaneysaa xuquuqda dawladnimo, taasna lama rabo ee waxaa la rabaa inay tiihaas iyo waxbayahay isaga jirto somaali meelay joogaanba. (Taas micnaheedu ma ahan inaan aaminsanahay in soomaaliya la kala qoqobo). Maxkamaduhu waa qabiil waxaan u arkaa sheeko rakhiis ah. Dhari maalmeed waa if ma doone, waxay qabteena waxay ka muuqataa meelaha ay ka taliyaan, uurkoodana annagu ma galin laakiin daahirkoodu ilaa iyo hadda waa khayr. Nin har iyo habayn goobta la taagan shareecada ayaan wax ku dhaqayaa meel aad ka martid garan mahayo ee adigu soomaali ii sheeg. Caamada ku firirsan goobaha fadhi ku dirirku waxay ku hadaaqaan maxaakiimtu waa Hawiye  Ok, way jirtaa inay u badan yihiin reerkaas, marka war soomaali Ilaah baan kugu dhaariyey waxaad iiga jawaabtaa: Aniga Aabahay Ilaahay ha u naxariistee wuxuu igu soo barbaariyey in dadku walaalow yahay, siman yahay, look ala hiilin, sidaas oo ay tahay isaga oo gurigiisii ku jira ayaa waxaa dilay ciidamo Hawiye ee u hogaaminayo Qaybdiid oo hadda furin ay ku wada jiraan ciidanka Puntland iyaga oo Galkacyo ka soo duulay meeshuu shalay ku duulayey Gaalkacyo. Ma aragtaa in ruuxu haddii uusan ku dagaalamayn caqiidad inoo kolba meel ka soo jeensanayo sidii baalaleydii. Maxaa kuu baxay hadaad caqli u saaxiib tahay?. Marka hadda Abu fadhi ku dirir maxaad igula talin lahayd ma waxaad oran lahayd Maxkamadaha ha raacin waayo waa Hawiye kitaab wata ee ka feer dagaalan Qaybdiid waayo waa Hawiye ashahaado la dirir ah. Haddii qabiil aan wax ku miisaano

ما كلهم هويي يا حبيبي)) .Maxaa kuu baxay?  Waxaa ii baxay Hawiyuhu haddii uu diin watana waa cadawgeen haddii uu ashaahaado la dirir yahayna isaga iyo tigreyba waa raggeena. Qaar kale ayaa ku dooda war Maxaakiimtu shaar kale ayey noo soo gashadeen oo inay na qalin daaraan bay rabaan. War haddii ay shaarkii badasheen oo ay shalay qaarkood jawr falay maantana Ilaahay soo hannuunshay oo khayr falayaan tahayna wax cad maan la jaanqaadno oo wax la qabsano intaan cahdi iyo misaaq la dhigano. Maxaase iyaga ku khaas ah soo tan nin walba xuubseebanayo oo shaatiga badalannayo isaga oo waliba diin ka fog. Tusaale mar labaad Qaybdiid soo kan shalay dawladdu ka socon weyday ma ahan oo xamar wixii la ogaa ku hayey maantana dawladdii hor boodaya.

Tan kale biyo gurey noqon mayno ee waanu arki doonaa haddii maxkamadaha laga guuleysto intii cadaw la adeegsado, marna ha ka yaabin in dawlad calan leh oo xitaa daba dhilif ah la inoo dhiso(أتحداكم). Akhristow taas hoosta ka xariiq. Kaliya waxaa la rabaa in ifka yare soo if baxay ee haddiiba dad ku diirsaday in la kala tuuro. Maanta shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo uu joogaba dawlad ayuu u baahan yahay xitaa ha ahaato midaan caadil ahayn taasna waxaa keeni kara shacbiga oo isku tashada intuu ka baxo dhuumaaleysiga iyo qabiil-qabiilka marin habaabinaya. Taladuna shacabka ayey ka go'daa waayo dawlad haddaad ma qashid waa shacab iyo waddan. Ugu dambayntii maslaxadda guud waxay ku jirtaa in maxaakiimta iyo dawladdu inay ka shaqeeyaan heshiis sidii loo gaari lahaa huwan nabad iyo qaranimo buuxda.

Waxaan ka xumahay inaan qabiil afka ku dhufto laakiin maqaalkaa ila galay.

Wallaahu calaa ma naquulu wakiil. 

Said H Warsame
shwarsama@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Nov 28, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD