Cayaartii Marqaan iyo Marqaandiid
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Qaybtii
1 aad
Waxaa la dareemey Xowliga ay ku socdaan
Guulaha ay gaarayaan kooxaha Marqaandiidka ,Fadhi ay isugu yimaadeen
Kooxaha ka soo horjeeda Marqaandiidka ayaa waxaa la istusiyey in
kooxdaan laga horgeeyoo Kooxda Marqaanka halkaas baa noogu dhow wax guul
ah nin baa soo booday oo yiri ”War kooxdaan cid u barbardhigi karta
majirtee ee naftiina been ha u sheegina” mid kalaase ka qaatay oo isna
yiri ”U maleeymaayo in aan wax guul ah ka keeni doono”. Garsooraha
ciyaarta waa nin u dhashay wadanka Keenya waxaana la yiraahdaa Miirow,
Calan-wadayaal waxaa ka ah Xusul-Baroor iyo Abuu-Xalaal, Kooxda Marqaan
waxay Garoonka soo gelisey rag cul-culus bal aan mid mid idinku sheegno
Goolahayaha waa Marqaan-weyne lambarka 2 waa Qumbuledle, lamabarka 3 aad
Marduufle Lambarka 4aad Qayble Lambarka 5 aad Rubacle Lambarka 6 aad
Dhudle, lamabarka 7aad Gaangeeti, lambarka 8aad Garaabo Lambarka 9 aad
waxaa u qaatey Daanburi lambarka 10 aad Laameyste, Lambarka 11 aad Ha
iga dhirfin, Kursiga Kaydka waxaa u fadhiya Kooxda Marqaan, Qarax,
Bidheyste , Waa-jaban yahay , Laysma Siiyo, Ii Caseey , Cadey I sii,
Bali Bali, Ima gaarin, Taanbuu Iyo rag kale oo cul- culus, halka Kooxda
Marqaandiid ay Garoonka u safan yihiin Goolhaye Gubaaye Lambarka 2aad
Garbaashle, lambarka 3aad Shaabuug, lambarka 4aad waxaa u sita
Fatashaaye, lambarka 5aad Joojiye, Lambarka 6 aad Ganaaxaaye, Lambarka
7aad Xiraaye, Lambarka 8-aad Dheereeye, Lambarka 9-aad Xiimaaye Lambarka
10 aad waxaa u wata Ma Jixin-Jixe lambarka 11 aad Bandoowle, waxaa
kursiga kaydka u fadhiya Kooxda Marqaandiid La fasiximaa, Waa xaaraan,
Ha uga dabcin, Ha noo soo celin, Looma baahna, Waan ka Reysaney iyo
Biilaan helay, labada tababare ee Kooxaha waxay kala yihiina Kooxda
Marqaan waxaa Tababare u ah Dubaab, Kooxda Marqaandiidna Abuu Jihaad.
Taageerayaasha labada kooxood ayaa soo buuxiyey Garoonka waxaana dhex
maraya kaftan mararka qaarkoodna gacan ka hadal.
Taageerayaasha kooxda Marqaan ayaa waxay ku dhawaaqayaan “Ha dhaco
Marqaandiid”, “Dooni meyno waxay wadaan, waa in aan dhulka ku jiidnaa”,
“Ma anagay maanta na soo faragashadeen, wallee waxa ka raaca ogaada”.
Taageerayaasha Marqaandiid ayaa iyana waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka
mid ahaayeen “Wallee dib dambe nooma soo haweysataan” “Tarabuunka ayaan
idin saareynaa” “Hawdiina ayaan kicineynaa” “Gees walba ayaan idinka
fadhinaa” “Wallee kubbad dambe nama dhaafto, tii aan qabana waan
gubeynaa”. Cayaartii ayaa bilaabatay, waxaa markiiba kubbaddii la soo
cararay Gaangeeti, waxa uu baas gaaban u soo dhiibay Marqaanweyne, isna
markiiba waxa uu u celiyey Dhud, Dhud inta uu soo xirfadeeyay ayuu baas
gaaban waxa uu u dhiibay Qumbuledle, sidii uu ula sii cararayey ayaa
waxaa ka hor yimid Gubaaye, waa uu is taagay, waxa uuna kubbaddii u
celiyey Rubacle, isna ma daahine waxa uu u sii baasay Goolhaye
Marqaanweyne, Marqaanweyne waxa uu ka fekerayaa sidii ay kubbaddu u
dhaafi laheyd kooxda Marqaandiid, waxa uuna ku qaylinayaa “War Kubbadda
si wanaagsan isugu dhiiba oo xirfadiiduna ha noqoto mid sareysa”.
Bidheyste ayaa waxa uu leeyahay “Maanta fursad ayaan haysaa oo aan
goolal badan ku xaqiijin karno”, waxaana markiiba kubbaddii la soo
cararay Garaabo, sidii uu ula sii carayey ayaa waxa uu u dhiibay
Gaangeeti, markiiba waxaa helay Gubaaye oo si fiican ugala haray
kubbaddii, orod ayuuna is taabtay gambisyo qurux badana garoonkii ka
sameeyay, waxa uuna dhaliyey gool aad u qurux badan oo loogu magacdaray
Siinka-Dheer, taageerayaashii Kooxda Marqaandiid farxad iyo reynreyn
ayay ka bixi waayeen waxayna ku dhawaaqayeen “Waa jabeene, Jabiya”,
goolkaasi waxa uu naxdin iyo walwal ku abuuray kooxdii Marqaandiid,
waxayna ku dhawaaqayaan taageerayaashoodu “Iska soo guda goolka, haku
niyad jabina goolkaas, cayaari waa gelin dambe”, Kooxdii Marqaan
kubbaddii ayey baasatay, balse markiiba lugtooda waa laga baxay, waxaana
la cararay Xiimaaye oo ku cayaaraya nambarka 9-aad, waxa uuna isla
markiiba u gudbiyey Majixinjixe, isna sidii uu ula sii carayey ayaa
waxaa dhigihisa ku soo dhacayay ereyo ay ka mid ahaayeen “War nimanku
waa daaleen oo qoraxdii ayaa ku dhalaashay”, waxaa garoonka lagu arkayey
Cayaaryahan Dhud oo Garoonka dhex taagan oo ay ka baxeyso Neeftuur (Aah…Aaah..Aaah)
waxa uuna yiri “War nimankaan kuwo lala cayaari karo ma ahan waa wada
dheereeye”. Majixinjixe orodkiisii waxa uu ku keenay goolkii Labaad oo
loogu magacdaray goolkii Xalane, cayaartuna waxay noqotay 2-0.
Dhanka Taageerayaasha waxaa muran xoogan tarabuunka ku dhex marayey labo
taageera oo labada dhan kala taageera, mid taageere u ahaa Kooxda
Marqaandiid ayaa yiri “War maad is dhiibtaan, waa u jeedaan halka ay
idinka mareysee” Kii kalaase yiri “labo gool iyo wax u dhow nagama
dhalaseen, laakiin taageeradaa nagu disheen, ee haddaad gurigeena
Baydhabo noogu timaadaan dharbaaxadda idinku dhacda weligiin waad ka
sheekeen doontaan.
Marqaan ayaa goolkii labaad ee laga dhiliyey, kubbaddii dhexda la timid
oo baasatay, waxa ay cayaartu socotana waxaa…….
Waa socotaa….
AKhri qaybta 2aad
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com