SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO
Daabaco Boggan | Print
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


 

ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...


markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...
Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Dowladda (FKMG) iyo ka Cabashadeeda Qaadka la joojiyey
Qore: Wali Farah | wfarah@rogers.com | Nov 19, 2006

  • RE: Somali government critizise Khat ban by Islamic Courts of Somalia

Waxaa la yaab ah hadalka aan loo meel dayin ee ka soo yeerey dowladda Embagaati ee taageerada ka haysato Taliska Itoobiya. Soomaaliyey waxaa inala gudboon in aynu ku baraarugno nimanka Baydhaba u fadhiya baabi’inteenna. Bal waxaad u fiirsataan hadalkan uu ku hadaaqay Wasiirka Warfaafinta Cali Axmed Jaamac (jaangeli) ee Dowladda Embagaati. Wuxuu yiri: “Dadka reer Muqdisho waxay door muhiim ah ka ciyaareen sidii la isaga kicin lahaa dagaal oogayaashii argagaxa ku hayey umadda muddada dhan 15-ka sano, sidaa darteed shacabka Muqdisho waxay mudan yihiin in loola dhaqmo si ka wacan sida ay Maxkamaduhu ula dhaqmayaan. The people of Mogadishu played a crucial role in removing warlords who led a reign of terror for the last 15 years, so they deserve better treatment from the Islamic courts ”


Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya 

Haddaba dagaal oogayaashii laga eryey Muqdisho ee uu Jangeli ka Hadley aawey? Jawaabta su’aashaas waa mid cad. Dhammaan nimankii argagaxa ku hayey Muqdisho waxay la joogaan Jangali iyo dowladdiisa. Halka uu hadalka ka jeediyey waxaa xaqiiqa ah oo la joogo, Maxamed Qanyare, Barre Hiiraale, Cabdi Qaybdiid oo haatan u ku sugan Gaal ka’ayo. Waxaa kale Jaangali iyo dowladdiisu ku haystaan Baydhabo ciidamada xabashida iyo kuwa Yugaandha ka yimid oo dhammaantood u joogo sidii loo ilaalin lahaa nimankaas argagixisada ah ee Muqdisho lag eryey. Dowladda xabashiduna waxay dalkeeda ku ilaalisaa Maxamed Dheere, Dabageed iyo Cabdiwaal oo dhammaantood la wada garanayo dhibkii iyo tacaddigii ay dadka Soomaaliyeed u geysteen.

Marka mid annaga Soomaali ah ayey inala gudboontahay, midna Jangeli iyo inta la hal maasha ayey la gudboontahay. Midda innaga Soomaali ahaan inala gudboon waa in aynu aragno oo si wacan indhaheenna ugu furno dibandaabyada cadowgeennu ku maleegayo Magaalada Baydhabo. Waan in aynu ka tashannaa nimankaas argagixisada ah, sida Jangaliba sheegey ee ku dhuumaaleysanaya dhabarka danbe ee ciidamada xabashida ee joogo Baydhabo ilaa Doolow. Waa in aynu ku niraa Jangaliyoow iyo xabashooy YUR.


Midda Jaangali la gudboon waxaa weeye in uu ilaahey u toobad keeno oo uu danbi dhaaf weydiisto. Dabadeedna Kanada isaga soo noqdo, kuna cibaadeysto masjidda Ottawa sidaasna uu ku raalli noqdo. Haddii uusan sidaas yeeleyn, yuusan isku ceebeyn saxaafadda caalamkee, ha iska aamuso. Waayo wuxuu difaacaya khayaali aan jirin, in Khiyaali la difaacana dooradana ha ahaatee ka ma suurta gasho.

Soomaaliyey isku tasho oo ka tasho aayahaada. Mahadsanidiin.

Wali Farah
wfarah@rogers.com

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

UQDISHO IYO KUTUMASHADA XUQUUQDA MARQAANKA
Muqdisho oo "dubaabku" ku heesay!! - Ku tumasho Xuquuqda Marqaanka!!
Qore: Mohamed Ahmed Wallays | Yaaqshiid - Muqdisho | inawallays@yahoo.com

Jooojintii qaadaka, dadka muqdisho siyaabo kala duwan ayay u arkaan, qaar waxay u arkaan fursad ay naftooda ku xakameeyaan, qaar waxay u arkaan dhib soo gaaray dhaqaalohooda, qaar waxay u arkaan faaido dhaqaale oo u soo hoyatay, qaar waxay u arkaan mid lugu deg-degay, qaar waxay u arkaan ku tumasho xuquuda marqaanka ee uu waadinku leeyahay!!

Si kastaba ha ahaatee dadkii qaadka laba canley jirey maanta kama muuqadaan kabarradii, waabihii iyo jikooyinkii ay ku fadhi-xumayn jireen, waxay u kala baxeen kuwo fursad ka dhigtay oo u dhaqaaay inay dantooda raacdaan, kuwo uu dubaabku fara ba'an ku hayo oo is duuduubay iyo kuwo weli raadiyeyaasha dhegta ku haya oo ka dhursugaya hay'daha xuquuqul insaanka!

Waxaase hubaal ah haddii uu qaadku ahaan jirey meesha ay quudkooda ka helaan qoysas badan, inuu sidoo kale ahaa musiibo ku habsatay bulsha weynta soomaaliyeed, oo dhaadhaan ka dhigtay maskaxdii iyo muruqii ay umaddu ku tashanaysay.

Waxaan Allaah ka baryaa inuu meel ka fiican ka risaq siiyo dadkii noloshaooda ka raadsan jirey qaadka , umadda soomaaliyeed ee weli qaadka ku harsannna uu u soo diro cid meesha ay joogaan ka mamnuucda!!

= Shirib Abwaan Bacadle =

Qare iya moos-ba qaad ka roon
Ka qarash yar kana quud macaan
Qiyaamana laysu qabsa maa!!

Waxaa xusid mudan in ra'yi bixin ay sameeyaan idaacadaha Muqdisho in dadka ugu badan ee sida diirran usoo dhaweeyey joojinta qaadka ay ahaayeen haween. kuwaasoo isugu jiey hooyooyin wiilashooda qaadku dooriyey, walaalo ka naxsanaa il-xumada walaalohood iyo xaasas ku dhibtooday raggoodii uu qaadku xiska ka kabaabyeeyey oo uu ka suuliyey xanuunkii masuuliyadda!

Nabee mahdiyaa u dhashay!!
Nabee dhuroobaa u dhashy!
Nabee dhur iyo dhaqan beelaa ka dhintay!!

-Shirib-
Allow ku raaji ra'ligaan rafaadkii waa ka raysannee!

Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid - Muqdisho
inawallays@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2006


Madaxwaynaha DGPL oo soo saaray wareegto
Wareegto lagu siinayo xaq askarigii ku geeriyooda hawlgal ama ku dhaawacma difaaca Puntland, warkaas iyo Khilaaf soo kala Dhexgalay DGPL iyo DFKMG::: Ka akhri halkan.....


»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Magaalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika:::
Ganacsadaha oo loogu soo galay dukaankiisa ayaa... Guji...

Muqdisho: Saameyn intee la'eg ayuu ku yeeshay Bandowgii
»Qaad fara badan oo markii saddexaad lagu gubey Muqdisho
»
Sheikh Shariif: go’aano gebi ahaan lagu mamnuucay Qaadka
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 18

Culimada Puntland oo  shir la Qaadanaya Maamulka Gen: Cadde Muuse
Culimadan oo maalmahanba uu shir uga socday Boosaaso ayaa ka soo kicitimay Galkacyo si ay.. Guji Nov 18

Sweden: Dumar Soomaali ah oo qaad dacwad loogu soo oogay

Cisbitaalka Carafaat oo lagu soo gabagabeeyey hawl indho fiiq ah
Liibiya oo beenisey in ay maxkamadaha siiday Taageero iyo warar kale oo googoos ah...  ka akhri halkan... Nov 18

Afhayeenka maxakmada al-cadaala ayaa soo dhoweeyey baaqa kasoo yeedhay isimada iyo waxgaradka gobolada Sool/Sanaag/Cayn


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD