Ururka
Beer-yaqaanada Soomaaliyeed (SAGRA) oo dhawr gobol gaarsiiyey abuurka Salbukada
Filsan
Ururka Beer-yaqaanada
Soomaaliyeed ee magaciisa loo soo gaabiyo SAGRA ayaa wuxuu ku guuleystay inuu
gaarsiiyo abuurka Salbukada Filsan magaalooyin badan oo ka tirsan dalkeena
Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid tahay magaalada Baydhabo oo haatan xarun KMG ah
u ah.
Aqoonyahanada ku jira ururka
SAGRA ayaa waxey abuurkaasi Salbukada Filsan gacantooda ku simeen aqoonyahanada
Beeraha ee gobolka Baay, oo ay kula kulmeen magaalada Baydhabo, iyadoo
halkaasina ay uga arrinsadeen qaabkii loo ilaalin la’aa inuu lumo abuurka iyo
sidii ay aqoonyahanadaasi gacan uga geysan lahaayeen badinta Salbukada Filsan.
Rugcaddaagii wasaaraddii
Beeraha ee ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ahaa, Xuseen Macallin Iimaan, Max’ud
Max’ed Max’ud, Caddow Aadan Magan iyo Cabdulbaari Cabdullaahi Sheekh oo ka mid
ah khubarada waaweyn ee beeraha gobolka Baay.
Xoghayaha_SAGRA_oo_guddoonsiinaya_Cabdibaari
Markii ay arkeen beeraleyda
qaar ee ku sugan gobolka Baay waxey la yaabeen, abuurkan Filsan iyagoo markiiba
su’aalo ku boobay xubnihii SAGRA ee abuurkaasi waday, iyagoo weydiiyey sida ay
ku heleen, Salbukada Filsan, oo ay sheegeen in gobolka Baay ay ugu dambeysay waa
sii horreysay, iyagoo caddeeyey in aad looga jeclaa gobolkaasi, isla mar
ahaantaana, dadku ay ku farxi doonaan in dib loo helo abuurkii Filsan, oo tayo
ahaan ka badan bey yiraahdeen noocyada Salbukada ee kale.
Qorshaha ururka Beer-yaqaanada
Soomaaliyeed ee SAGRA ayaa ahaa sida ay ii sheegeen iney abuurkan gaarsiiyaan,
wasaaradda Beeraha maadaama ay ku shaqo leedahay, balse fursadda dhankeeda ay u
saamixi weysay, taasoo khasabtay iney ku wareejiyaan dadka u ehelka ah oo ay ula
jeedeen beeraleyda.
Horey ayay aqoonyahanada
beeraha ee SAGRA u gaarsiiyeen abuurkani meelo badan sida, Hiiraan, Sh/hoose, Sh/dhexe
iyo meelo kale, si loogu guuleysto badinta salbukada Filsan.
Markii la abuuray filsan laga
soo bilaabo kormeero ayey sameynayeen, ururka Beer-yaqaanada, kaasoo ay kula
soconayeen hadba isbadalada min abuuris ilaa goosasho, sida uu ii sheegay
Xoghayaha Ururka Beer-yaqaanada Soomaaliyeed ee SAGRA, Mudane Max’ed Muxiyaddiin
Max’ud (Caan-Geel).
Xubno_guddoomaya_Salbukada_Filsan
“Abuurka Filsan sida digirta
kale wuxuu faa’iido u leeyahay dhulka lagu beero, iyadoo ku reebta nafaqada
Neytarojiin, oo ay ka faa’ideysan karaan, dalagyada iyada kaddib lagu beero
dhulka iyo kuwa lala beero, sida Firileyda (Galleyda, Masagada Iwm)” ayuu yiri
xoghayaha oo aan kula sheekeystay xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo uu ii xaqiijiyey in
abuurkii ugu horreeyey ee Salbukada Filsan inuu ahaa hal Kiintaal, taasoo lagu
guuleystay buu yiri iney beeraleyda waaweyn ee jiidda Afgooye iyo Balcad
gaarsiiyaan 1-Tan.
Mar aan wax ka weydiiyey meesha
asalkeeda laga keenay Salbukada Filsan wuxuu xoghaye Caana-Geel ii sheegay, in
habka xulashada ay ku soo saareen aqoonyahanadii beeraha ee xaruntii tijaabada
Boonkaay ee Baydhabo sannadkii 1987-kii, waxaana xiligaasi lagu
shaaciyey sida uu ii sheegay beeraleyda yar yar ee gobolka Baay, kaddib markii
la arkay, tayada wax soo saarkeeda oo ka sarreeya noocii horey loo beeri jiray,
kana deg degsiimo badan xagga bislaanshaha, dhinaca cunistana ay ka dhadhan
fiicneyd Salbukadii hore.
Abuukra Filsan xabbadkeeda waa
uu ka waaweyn yahay noocii hore, 37% ayeyna ka culus tahay, sida uu sheegay
Max’ed Cabdi Baafo, oo ah khabiir dhinaca beeraha ah oo cilmi baaris lagu
sameeyey ka qeyb qaatay.
SAGRA_iyo_aqoonayahanada_Beeraha_oo_ka_arrinsanaya_Salbukada_Filsan
Max’ed Muxuddiin Caana-Geel mar
aan weydiiyey maadaama ay 1987-kii, aqoonyahano soo saareen, waxa ay
iyagu xilligaan dib ugu soo cusbooneysiiyeen abuurka Filsan, wuxuuna yiri,
“Xilligii dowlad la’aanta abuurka Filsan, wuxuu ku milmay abuuradii hore, ee
gudaha, kaddib ayaa aqoonyahanadii horey uga shaqeyn jiray, mashruucii Boonkaay,
waxey ku dadaaleen sidii dib loogu heli lahaa abuurkaasi, oo ay u arkayeen mid
qiime badan , waxeyna ugu dambeyntii ka soo qaadeen 20-gram, Bangi ku yaalla
Taiwan oo lagu keydiyo abuurada, sannadkii 2002, waxaa kaddib lagu badiyey xarun
tijaabo oo ku taalla, Minnesota bishii March ee sannadkii 2004,iyadoo loo soo
raray ICRISAT, Machadka Caalamiga ah ee Cilmi Baarista Dalagleyda Dhulalka
Qalleyl-u-ekaha Kulaaleyda (International Crops Research Institute for the Sani-Arid),
halkaas oo lagu sii badiyey, sidaasina waxaa lagu soo gaarsiiyey dalka, iyadoo
cimilada laga taxadarayo, waxaana la soo gaarsiiyey SAGRA oo u sii qeybisey
gobollo ay ka mid yihiin Hiiraan, Baay, iyo labada Shabeelle, walina waa ay
waddaa qeybintii”.
Abuurka_Salbukada_Filsan
SAGRA, waxey badinta abuurkani
la kaashatay urur kale oo la yiraahdo SATG oo ay leeyihiin aqoonyahano
Soomaaliyeed oo beeraha ah kuna nool dalka dibaddiisa.
Waxyaabaha kale ee SAGRA uu
qabto waxaa ka mid ah inuu ka war haayo xaaladaha ay ku sugan yihiin beeraha iyo
beeraleyda Soomaaliyeed, La socodsiinta beeraleyda macluumaadka lagu hormarin
karo wax soo saarka beeraha, iyo ka digidda sidii looga hortagi lahaa
aafooyinka iyo dhibaatooyinka ay geystaan dulinada iyo cudurada.
C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}
E-mail:
taysiir55@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2006
|