SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Maanta iyo wararka Caalamka

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow

March 21,2006

Bush oo diidan in Ciraaq ku socoto wadadii dagaalada sokeeye

 
Maanta sadex sano ayaa kasoo wareegtay dagaalkii lugu qaaday dalka Ciraaq ee lugu riday dowlad kamid ah dowladaha carbeed kuwooda ugu quwada weyn, saas oo ay tahayna dagaalkaasi iyadoo cid walibaa ka dharagsan tahay qasaaruhuu geystay ayaa hadana madaxweyne Bush reer Mareykan ee dagaalkan markiisi hore u birituntay sheegay in dagaalkaasi laga gaaray guulo istaraajiyadeed.
Shalay ayaa madaxweyne Bush waxa uu shegay inuu la hadlay danjiraha dowladiisa u jooga Ciraaq xaalada dalkaasina ay tahay mid sidii loogu talagaly ku socoto, wuxuu sidoo kale sheegay joogitaan ciidamadiisa ee Ciraaq iney jiika soo socda u keeneyso hogaan mideysan iyo nabad ay ku noolaadan, hadalkan ayuu sheegay maruu warfidiyeenada kula hadlayey aqalka cad ee dalkaasi looga arimiyo.
 
Madaxweyne Bush wuxuu gaashaanka u darruuray wararka sheegaya in dalkaasi haatan lugaha la galayo dagaalo sokeeye oo lugu hoobto.
"Jeneraalada jooga dalka Ciraaq ayaa si gaar ah iigu sheegay iney ka yaaban yihiin xaalada dalkaasi oo ay ku tilmaameen mid dagaal sokeeyo looga cabsi qabo" ayuu yiri senator ka tirsan kongeresska Mareykanka oo u waramayey telefeyshinka ABC,balse ra'iisalwasaariii hore ee dowlada Ciraaq Mareykanka u dhisay ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku tilmaamay xaalada dalkiisa mid laga naxo oo dagaal sokeeyo lugaha lagalayo maalin walbana ay dhintaan dad gaaraya 50 ilaa 60 qofood.
Hadalka kasoo yeeray Iyaad Calaawi ayaa dhabar jab ku ah maamulka madaxweyne Jalaal Talabaani oo isagu warkaasi beeniyey islamarkaasina si weyn u ayidsan joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalkaasi.
 
Imaamyada muslimiinta Denmark oo u socdaalaya Bariga dhexe
 
Imaamyada muslimiinta dalka Denmark ayaa haatan socdaalo ay ku kala bixinayaan bariga dhaxe u bilaabatay iyagoo xambaarsan dhambaalo iyo warbixino la xirriira isbadaladii ku dhacay dalkaasi tan iyo cuno qabanteyntii lugu soo rogay dabayaaqadii bishii janaayo ee sanadkan.
Maalinta arbacada ah ayaa lugu wadaa in magaalda Manaama ee boqortooyada Baxreyn ka furmo shirweyne caalami ah oo ay ku soo qeyb galayaa dhamaan culimada Islaamka looga dambeeyo kuwaasoo iyagana ka hadli doona arrimaha muslimiinta iyo isbadalada ku soo kordhay.
"Waxey ka hadli doonaan shirkooduna u badnaan doonaa iney cambaareeyaan falkii wargeyska Jyllands- Posten islamarkaasina aan eegin dhibaatada ay cuno qabateyntani geysatay.Maxaa yeelay sharuudoodii ay ku doonayeen raali gareyn habayaraatee lama soo gudbin" ayuu yiri nin lugu magacaabo Fahmi Almajid oo ah nin ka tirsan xafiiska is dhexgalka dalkaasi oo u waramayey wargeyska Kristelig Folkblad. Imaamyada muslimiinta Denmark oo kulankan ka qeybgalaya ayaa dad badani rajo ka qabaan iney booqashadooda iyo ka qeybgalka kulankaasi ay keento rajo wax ku ool ah oo dalkaasi looga qaadi karo cuno qabateynta saaran.
 
Neyjeeriya oo dad ugu dhinteen tiro koob la qaadayey
 
Wararka laga helayo dalkaasi Neyjeeriya ayaa sheegaya in rabsho la xirriira tiro koob guud oo dadka lugu sameynayey ay keentay in dad badani ay ku dhintaan.
Tiro koob la qaaday maalintii khamiistii hore ayaa warfidiyeenada halkaasi jooga sheegeen iney rabshadahan abuureen tiro koob sameynayey. Dalkaasi tiro koobka sanad laha ah ee la qaado ay dhaliyaan rabshado badan kuwaasoo la xirriira kala duwanaanta qowmiyadeed ee dalkaasi u dhaxeeya. Magaalada la yiraahdo Ondo oo ku taala koonfur bari ayaa lix qofood u dhinteen rabsho ka dhacay maalintii khamiisti kadib markii fooda ay is dareen qowmiyad kale oo halkaasi degta kuwaasoo dhaliilsan qaabka  tirakoobka loo wado. BBC-da oo dhac dhacdan ka hadashay ayaa sheegtay in magaalo ku taala waqooyiga dalkaasina ay sidoo kale ka dhaceen rabshado la xirriira qanacsananta aysan dadku ku qanacsaneyn tirakoobka la qaaday ee la xirrira musharada la siiyo dadka shqaalaha ah.
 
Waxaa diyaarisay, Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam@journalist.com

March 16, 2006

Dhalinyarro muslimiinta reer Sweden oo doonayo in xaliyaan murankii ka dhashay aflagadaadii Jyllands Posten

 
Beesha caalamka kuma guuleysan iney xaliso murankii ka dhashay sawiradii fool xumada badnaa ee wargeyska Jyllands Posten sameeyey kuwaasoo kartoono dhowr ah ku sheegay Subnaha sharafta badana ee Maxamed NNKH, balse tdowlada Sweden ayaa dooneysaa iney si mutadacnimo leh abuurto isu soo dhawaansho lugu xalinayo muranka u dhaxeeya Islaamka iyo galbeedka. Saddex dhalinyarro oo kamid ah muslimiinta wadankan si duruqsan u dhex galay qaarkoodna ay saxaafada ku jiraan ayaa loo diray dalka Masar si jawi wadahal hadal oo xagga dhalinyarada ah u furmo.Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey machadka Sweden ay ku leedahay magaalada Alexandria iyo wasaarada arrimaha dibada.

Saddexdan dhalinyarro oo magacyadooda lakala yiraahdo Hanin Shakrah, Othman Tawalbeh iyo Nadia Jebril oo iyadu ah suxufiyad madax banaan ayaa kulan la yeeshay ardeyda wax ku barta jaamacada Azhar ee dalkaasi waxaana uu ahaa kulan arrimo badan oo quseeya dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee wargeyska Jyllands Posten abuuray looga hadlayey.
"Waxaan qabaa in haddii aad tihiin galbeedka sawir yar oo Bin Laadin ah aad moodaan Islaamka, dhibkuna wuxuu yimid markii sawir kartoon ah oo madaxa bam kaga sawiran yahay lugu sheegay Nabi Muxamed NNKH, taasoo naga careysiisay waxaana adag sidaan lafteena islaamka sawir wanaagsan uga bixino waxaana idiinka codsaneynaa hadaad tihiin muslimiinta ku nool reer galbeedka inaad naga kaalmeysaan howshan sida wanaaga Islaamka u muujino" ayuu yiri Maxamed Maxamuud oo ah ardey kulankaas kala qeybgalayey saddexdii dhalinyarro ee asalkoodu yahay carab loogana dhigay wakiil iney matalaan dowlada Sweden.
 
"Maxamed oo kaliya kameysan careysiin sawiradaasi foosha xun ee waa mid wax u dhimay dhamaan dadka carabta iyo islaamka, misna markii wargeysba wargeys ay iskugu garbiyeen iney dhaawacaan astaanteenii Islaamka ayaan anaguna ka dhiidhinay" ayey tiri gabar kale oo iyadana la yiraahdo magaceeda Doha Maxamed oo shirkaasi ka qey qaadaneysay. Kooxdan dhalinyarada ah inkastoo howl diblomaasiyadeed oo xal looga gaaro muranka wargeyska Jyllands Posten hadana waxey bilow u yihiin sida ay sheegayaan mas'uuliyiinta wasaarada arrimaha dibada isku soo dhawaansho dhinaca dhalinta ah oo laftooda kacdoonadii loogaga soo horjeeday dalka Denmark qeyb ka ah. Waxaa lugu wadaa kooxdan iney u soo gudbaan dalka Jordan halkaasoo ay kulan kale kula yeelan doonaan dhalinyarada dalkaasi iyo wadaadada diinta marka ay maanta dhameystaan kulanka ay ku leeyihiin jaamacada Mareykanka ee magaalada Elexandria.
 
Saddaam Xuseen oo maxkamada ku tilmaamay Ruwaayad
 
Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen ayaa dacwada loo heysta isagoo iska difaacaya dhageysigii maxkamada ku sheegay iney tahay riwaayad.
Saddaam Xuseen oo loo heysto dembiyo ay kamid yihiin xasuuq loo geystay degmada Dijul ee shiicadu degto ayaa isagu wejiyo kala duwan lasoo shir taga maxkamada kuwaasoo inta badan ah kuwo lugu qoslo, sidoo kale nin ka tirsan sirdoonadii Saddaam Xuseen ayaa isagu beeniyey in xasuuqaasi ku lug lahaa. Xaakimkii dacwada ayaa dadweynaha ka xiray dhageysigii kadib markii uu Sadaam ku sheegay iney riwaayad waxa meesha lugu hayo.
Saddaam Xuseen oo hadaladiisa waaydan dambe noqday kuwo lugu qoslo ayaa weeraradii loo geystay goob si weyn u qiimeeyaan dadka Shiicadaha ah oo dhawaan weerar la beegsaday ayaa sheegay in garaadkiisu qabin weerarada noocasi ah ay gesyteen dad ciraaqiyiin ah.
 
Mareykanka oo ciidamo dheeri ah u diraya dalka Ciraaq
 
Xaalada amaan ee dalka Ciraaq ayaa haatan u muuqata iney gebi ahaanba fara ka baxday, dagaalka u dhaxeeya Kurdida, shiicada iyo suniyiinta dalkaas ayaa xaalada cirka ku shareertay. Maalin walbana dalkaas waxaa ka dhaca qaraxyo ay dadyowgaasi isla beegsanayaan oo dhiig badani ku daadanayo magaalooyinka waa weyn ee Ciraaq. Saas oo ay tahayna  Dowlada maqaar saarka ah ee halkaasi ka jirta maahan mid awood leh waa mid lafteediiba gabalkeeda sii dhiciyo  sababo la xirriira guul darro siyaasadeed oo wajahday.
Xoghayaha gaashaandhiga dalkaasi Mareykanka Donald Rumsfeld ayaa carabka ku dhiftay in dowladiisa ka fekeryso sidey u joojin laheyd in dalkaasi ka dhaco dagaal sokeeyo oo faraha loga gubto, wuxuu yiri " waa inaan raadina dariiqad kasta oo arintaasi looga hortagi karro" Toddobo boqol oo ciidamada ku sugan dalkaasi Kuweyd ayaa loo diray Ciraaq si ay u xoojiyaan ciidamada kale ee halkaasi ku sugan ee howlaha melateri kawada.
Dadka u kuuragala siyaasada dalkaasi ayaa runsan in Ciraaq ay ku socoto dagaal sokeeyo oo faraha looga gubdo haddii aan dowlad loo dhan yahay kooxaha siyaasada isku heysta soo dhisin.
 

March 13, 2006

Berlusconi oo ka carooday wareysi Tv oo lala yeeshay 

 
Ra'iisal wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa wareysi uu la yeeshay telefeyshinka Rai3 si weyn uga carooday  su'aalihii la weydiiyey dabadeedna ka baxay studio-yihii iyadoo wereysigii si toos ah uga socday telefeyshinka.
Gabadha sida weyn saxaafada wadankaasi loogu xushmooye Lucia Annunziata ayaa wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanayey habeenkii xalay ahaa la yeelatay hogaamiyahaasi taasoo aakhirkii kaliftay inuu xamili waayo su'aalihii tirada badnaa ee ay weydiisay.
 
Su'aalaha sida weyn uga carooday Berlusconi ayaa waxaa kamid ah dooroshooyinka dalkaas lugu wado iney ka dhacaan bisha soo socota dalkaasi,taageerada dagaal ee uu siiyey duulaankii lugu qaadaydalka Ciraaq iyo musuq maasuqnimo lugu eedeynayo inuu ku dhaqaaqay. Berlusconi oo si weyn u dhibsaday su'aalaha ayaa ka kacay fadhigii dabadeedna ku yiri gabdhihii weriyaha aheyd "Haddii aan la ii ogoleyn inaan ka hadlo qodobadan kana jawaabeyn su'aalaha albaabkan ka baxaya" Berlusconi oo careysan ayaa ka dhaqaajiyey goobtii, kadib si carro leh gabdhii weriyaha aheyd ula hadlay. "Waxaad sambaatiyo u diyaarisaa garabka bidix su'aalahaagi ayaa marqaati u ah waxaadna tahay qof xun" ayuu ku yiri gabadhii weriyaha aheyd Berlusconi oo ay ka muuqatay carro xoogan. Misna sii daba dhigay hadalkiisa in dadku sidan ugu eedeynayaan inuu isagoo maamulo telefeyshinka RIA ee dalkaasi.
 
Ra'iisal wasaaraha dalkaas ayaa mudooyinkan dambe lugu eedeynayaa musqumaasuqnimo iyo wax dabamreyn, waxaana soo baxeysa carro badan oo ay qabaan dadka dalkaasi marba hadduu ra'iisal wasaarahoodu yahay nin aan kalsooni weyn lugu qabin.
 
            Haweeney loo xiray dilkii Rafiiqal Xariiri
 
Booliska dalkaasi Barasil ayaa haweeney u xiray dilkii ra'iisal wasaarihii hore ee Lubnaan kadib markii looga shakiyey iney arrintaasi ku lug laheyd.
Haweeneydan oo la yiraahdo Rana Abdulrahim ayaa boolisku sheegen iney qabteen iyadoo ku sugan hoteel ay ku sugneyd mana jirin wax dhibaato ah oo halkaasi ka dhacday xilligii ay socotay qabashadeeda.
Rana Abdulrahim ayaa booliska adduunka ee interpoll u diiwaan gashay wax isdaba mareyn iyo lacago lalunsaday sanadkii 2003.da Banki la yiraahdo Al Madina Bank oo ay ka shaqeyneysay hareysay fadeexooyin wax is dabareyn ah. Sidoo kale haweeneydan ayaa luguu waramayaa iney heysatay waraaaqo been abur ah oo laga soo xafaday safaarada britain ku laheyd magaalada beyruut ee Lubnaan. Dilka ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaasi ayaa lugu eedeyey Suriya iney qeyb weyn ku laheyd, tuhunkanina wuxuu dhaliyey in labada dal xirriirkoodu xumaado beesha caalamkana oo cadaadis Suuriya saareysana waxey wareysiyo kala duwan la yeelatay shaqsiyaad lugu tuhmayo iney arrintan ku lug lahaayeen.
 
Haweeney cunug ay dhashay uga dhuumatay Masaajidka Stocholm ee Sweden
 
Waa shey iska caadi ah in dumarka sida xilkas darrada ah inta uur ku qaada dabeedna ilmaha ay dhalaan uga carara ama ku soo tuura meelaha kadibna la is weydiiyo hooyada ilmahaasi dhashay sababta kaliftey iney sidaasi sameyso. Dabcan darufaha qaar ee dumarka soo wajahda waa mid cid walibaa ka dharagsan tahay tan iyo bilowgii aadanaha soo jirtay..
Soomaaliduse waxey ku maah maahdaa "Ilmo ninkii korsan lahaa Illaahey ma siiyo". Maah maahdaasi waa mid cid walibaa fahmi karto dulucda ay xambaarsan tahay balse waa Alle iyo wuxu qore oo aan cidi seegeyn.


Masaajirka & Sawirka wiilka lasoo tuuray

 
Magaalada Stockholm ee xarunta wadanka Sweden waxaa baryahanba ka jirtay baadigoob ay booliska wadankan ugu jiraan haweeney la sheegay in sideedii bishan ilmo ay dhashay uga dhex dhuumatay masaajidka ee ay  muslimiintu leeyihiin. Ilmahan yar ee looga dhex tagay masaajidka guduhiisa ayaan la ogeyn sabab keliftay balse haweeneydii dhashay ilamahaas yar ayaa iyadu qortay warqad qoraal ah oo ay ku sheegeyso sababta ay sidaas  yeeshay mana jirto cid og halka ay jaan iyo cirrib dhigtay. Balse booliska oo arrintan xooga saaray ayaa ku rajo weyn iney helaan haweendii dhashay ilmahan oo kaamiradii ku rakibneyd masjidka dibadiisa la rajeynayo iney soo qabato arageeda.

Tommy Ekheden oo ka tirsan booliska xaafada Södermalm ee magaalada Stockholm oo ah halka masajidka ku yaalo ayaa isagu aaminsan in iyagoo kaashanaya saxaafada ay heli doonan ehelada gabadhan yar ee lugu soo tuuray masaajidka inkastoo buu yiri aaney jirin cid ka warqaba in markeedi hore hooyadaasi uur laheyd islamarkaasina aan ku dhalin goobo caafimaad sida isbitaalada dowlada oo haddii taasi dhici laheyd la heli lahaa cida ay tahay.

Ninka la yiraahdo Ali oo isagu ka shaqeeya masaajidka gudihiisa oo ka waramaya sida uu kulmaya ilmahasi yar hooyadii dhashay ayaa sheegay in xilligu ahaa kowdii iyo barkii duhurnimo xilliga Sweden. "Waxa ay i weydiisay in maanta tahay qudbadii jimcaha iyo inkale iney wax ka qaldanaayeen durba waan dareemay" ayuu yiri Ali oo u waramayey saxaafada gudaha gaar ahaan wargeyska Expressen. "Wey qurux badneyd hooyadii dhashay gabadhaasi yar balse daal ayaa ka muuqday waxaan weydiyey inaan caawin karro hadey dooneyso wax kaalmo ah, da' ahaana waxaan ku qiyaasaya 20 ilaa 25 jir inta u dhaxeysa" ayuu misna markale yiri Ali oo weli ka sheekeynaya muuqaalka gabadha ilmahaasi dhashay ee la baadi goobayo.
Dad badan oo aan ilmo dhalin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Sweden ayaa durba xirriiro la sameeyey booliska kuwaasoo ka codsaday iney iyagu korsadaan ilmahaasi yar, balse booliska ma jirto cid ay siiyeen taasina ay la dhowrayaan halka sheekadani u dhacdo.

 

WARARKII CAALAMKA EE MARCH 12, 2006

Milosevic oo la sheegay in wadnaha oo istaagay u geriyooday

 
Geeridii kediska aheyd ee shalay ku timid hogaamiyihi hore ee Yoguslaafiya ayaa ilo katirsan maxkamada dembiyada dagaalka ee Dan Haag sheegeen inuu u dhintay wadnaha oo is taagay. Talefeyshinka CNN-ta oo illahan xog ogaalka ihi soo xiganeysa ayaa sheegay in geeridiisa sabab u tahay wadnaha oo is taagay, balse mas'uuliyiinta maxkamada ayaan weli ka hadlin iyadoo lugu wado in habeenimadan caawa ah ay warmurtiyeed amuurtaas kasoo saaran.
 
Geerida hogaamiyihii hore ee Yugoslaafiya ayaa su'aalo badani dadka iska weydiinayaan, sida inuu isaga is dilay ama cidi sumeysay balse ma jirto warbixin rasmi ah oo la xirriirta sababta u geeriyooday. Afhayeenka xaga sharciga u qaabilsanaa Milosevic Zdenko Tomanovic ayaa warqad la sheegay inuu qoray Milosevic ka hor geeridiisi sheegay in lugu soo hagaajiyey wasaarada arrimaha dibada ruushanka taasoo uu sheegay iney dhici karto in la sumeeyey. Warar kale oo aa la xaqiijina ayaa sheegay in telefeyshin laga leeyahay dalkaasi Holland sheegay iney jiraan daawooyin laga helay dhiigiisa taasina lugu sheegay iney tahay kuwo uu u qaadanayey wadno xanuun uu qabay.
 
        Hargabka Shimbraha oo laga helay Kameruun
 
 
Cudurka dilaaga ah ee ku dhaca shimbiraha loona yaqaano hargabka shimbiraha ee bird flu ayaa markii ugu horeysay laga helay dalkaasi Kameruun, kadib markii shimbirta biyo joogto ah ee boolo boolada loo yaqaan laga helay waqooyiga dalkaasi oo ay dowladu xaqiijisay.
 
Warmurtiyeed ay soo saartay dowlada ayey ku sheegtay in shimbirkaasi geeriyooday baaritaan loogu qaaday dalka Faransiiska lugu ogaaday in cudurkaasi haleelay.Waxaana laga helay gobolka ku yaala waqooyiga dalkaasi ee la yiraahdo Maroua oo aan sidaasi ugu dheereyn xadka dalalka Neyjeeriya iyo Tchad.
Kameruun waxey noqoneysaa wadanka Afraad ee qaarada ah oo cudurkani ku dhaco dalalka ay kamid yihiin Neyjeeriya, Masar iyo Neyjar ayaa horey iyaga looga helay cudurkaasi dilaaga ah. Hey'ada caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa tan iyo bishii febraayo ee sanadkani wel wel ka muujisay cudurka laga helay qaarada oo aan dalalka ka tirsan iyagu awoodin iney helaan awood ay cudurkaasi uga hortagaan. Dowlada dalkaasi waxey durba bilowday iney cudurkaasi wajahado iyadoo dadka deeganada cudurkaasi laga soo sheegay u dirtay qubro u kuuragalka xaalada halkaasi ka jirta.
 
     Mareykanka oo laga helay cudurka lo'da waalan
 
Inkastoo cúdurkani uu waqti dhexe beesha caalamka ku hayey wel wel meelo ka tirsan qaaradan Yurubna uu faro hayey, hadana walaaca maanta dunida ka qabto cudurkan cagahiisa ka dheereyey ee ku dhaca shimbiraha loogama qabin midka lugu sheegayo inuu ku dhacdo lo'da ee loo yaqaan Mad Cows. Saas oo ay tahayna waa cudur laftiisa qatartiisa leh una baahan in talaabo laga qaado.
Dalka Mareykanka ayaa wasaarada beeraha shaacada ka qaaday iney jiraan cudurka waalida ah ee lo'da ku dhaca laga helay dalkaasi kadib baaritaan aan dhamaan oo la sameeyey lugu ogaaday.
 
Mas'ul ka tirsan wasaarada beeraha lana yiraahdo magaciisa John Clyfer ayaa xaqiijiyey in baritaanada la xiriira cudurkani ay cadeeyeen in qaar kamid ah lo'aha dalkaasi laga helay cudurka waalida ee Mad cows.
Waxa kale oo mas'ulkani sheegay in baaritaanada caafimaad ee ay wasaaradu qaadeyso yahay mid soconaya muddo toddobo cisho ah si loogu kuuragalo xaalada dhabta ah ee cudurkani la xirriira loogana hortago inuu dadka waxyeelo.
 
Cudurkan laga helay dalka Mareykanka ayaa ku soo aaday xilli dalka Japaan ay dib u bilowday iney iiibsato hilibka ameerikaanka oo bishii Janaayo ee sanadkan ka qaaday xayiraadii muddada labada sanno aheyd ee saarneyd.
 
Japaan waa dalka ugu badan dunida ee iibsada hilibka laga keeno dalka Mareykanka amuurtanina waxey ku noqoneysa dhaawac kale oo kasoo goora dalkaasi oo cudurkani markii ugu horeysay laga halay sanadkii 2003-dii.

WARARKII MARCH 11, 2006

Hogaamiyihii Serbiya oo ku geeriyooday Xabsiga...

 
Hogaamiyiihi hore ee Serbiyiinta Slobodan Milosevic oo da'diisu tahay 64 ayaa maanta ku geeriyooday xabsigii ugu xirnaa maxkamada dembiyada dagaalka Qaramada Midoobey ee Den Haag,Warsaxaafadeed ay soo saartay maxkamadu ayey xaqiijiysay geerida Milosevic. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in geerida ninkaasi ay tahay mid dabiica ah balse baaritaan lugu sameynayo haddey jiri karaan in cunta sun loog daray iyo inkale la sameymaynayo.
Inkastoo ilaa haatan aaney jirin sababta keentay geerida Milosevic hadana waxaa horey u jiray wadno xanuun la sheegay inuu qabay taasoo waqtiyadii ugu dambeysay intey socdeen dhageysiga dacwadiisa la joojiyey sababo la xiriira xaaladiisa caafimaad oo liidata hadana maalmaha kolka uu dhamaado baaritaanka lugu hayo sababaha geeridiisa ayaa lugu ogaan doonaa.
 
Maahan markii ugu horeysay ee xabsiga Qaramada Midoobey ee dembiyada dagaalka dad ku dhintaan waxaa dhowr maalmood kahor isna sidoo kale laga helay meydkiisa xabiga u ku jiray mid kamid ah kuwa lugu eedeynayo iney dembiyo dagaal ka geystay dhulka Baltikanka, lana yiraahdo Milan Babic oo ku marqaati furay Milosevic inuu ku lug lahaay xasuqi ka dhacay Bosniya sanadihii sagaashameyadii.
 
 
Holland oo xukuntay kooxo argagaxiso lugu sheegay
 
 
Maxkamad ku taal magaalada Amsterdam ee xarunta wadanka Holland ayaa xukun kala duwan ku fulisay ragg islaamiyiin ah oo lugu sheegay iney yihiin argagaxiso. Raggan oo sagaal ah ayaa mid kamid ah yahay ninkii ka dilay Theo van Gogh oo ah ninkii wax ka sameeyey filin ay sameysay haweeneydii ridowday ee Ayaan Xirsi lugu magacaabay. Dhalinyaro kale oo iyagana da'doodu dhaxeyso 19 ilaa 23 jir ayaa maxkamadu ku xúntay xabsiyo dhan 15 sanno ilaa 5 sanno, kuwaasoo qaarkood lugu soo eedeynayo dambiyo iskugu jira hub sharci darro ah oo ay hesteen iyo iney waxyaabaha qarxa ku tureen booliska wadankaas xilli ay fulinayeen howlo ka hortag argagaxisó. Mid kamid ah raggaasi ayaa lasii daayey halka mid kalena lugu xukumay 2 sano oo xariga ah sababo la xirriira inuu kamid yahay urrur ay sameysteen kooxdan la xukumay.
 
 
     Ciraaq oo lugu dilay nin afduub ahaan loo heystay
 
Nin la sheegay inuu nabada u oleleyn jiray lana yiraahdo Tom Fox ayaa maanta warbaahinta caalamka xaqiijiyeen in la helay meydkiisa dalka Ciraaq.
Ninkan oo ay booliska dalkaasi u sheegeen wakaalada wararka Ruters in madaxa xabadi kaga tiilay garba duubna u xirnaa ayaa meydkiisa laga helay goob dareenada maraan oo qashinka ka buuxay taasoo muujineysa in ninkaasi loo geystay jir dil ka hor intii aanu geeriyoon. Ninkan lugu magacaabo Tom Fox iyo sadex kamid ah saaxaabadiisa ayaa dalka Ciraaq waxey u tageen sanadkii horey iney mujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qabsashada Mareykanka ee dalkaasi balse kooxda afduubtay ninkaasi iyo saaxaabadiisa ayaa isku magacaabay Seeftii Xaqiiqdii ayaa iyagu sheegtay iney ka dambeeyeen dilka ninkaasi. Lama oga in labada kale ee lala afduubtay Fox iyagana la dilay iyo inkale mana jirto warar sheegaya halka ay ku dambeeyaan.
 

WARARKII MARCH 10

Masaarida oo dad lugu soo eedeyey argagaxisanimo maxkamad lasoo taagay

 
Wararka ka imanayo magaalada Khaahira ee xarunta wadanka Masar ayaa afar iyo toban qof oo labo haween tahay maxkamad melateri oo ay dowlada leedahay la soo taagay, kadib markii lugu eedeyey iney ku lug lahaayeen qarax ka dhacay goob madxaf aheyd bishii april ee sanadkii hore.
 
Kooxdan eedeysanayaasha ah ayaa la rusan yahay in madxaf weyn oo dalxiisayaashu tegi jireen ay la beegsadeen weerar bambaano oo dad badani ku dhinteen, sidoo kale waxey qarxiyeen bas isna la sheegay iney saarnaayeen dalxiisayaal reer galbeed ah oo marayey wado caam ah.
Kasokow weeraradaasi lugu eedeynayo kooxdani waxaa hadana jirta iney ka tirsan yihiin kooxo aan la aqoon oo lugu sheegay "kuwo aan heysan kalsoonida shacabka", islamarkaasina dowladu dooneyso iney gacan adag ku qabato. Dembiyada lugu eedeynayo eedeysanayaashaan ayaa hadey ku cadaato laga yaaba in lugu fuliyo xukun dil ah sida uu dhigayo sharciga shan iyo labaatan jirsaday ee dalkaasi u yaala racfaana aan laga qaadan karrin.
 
Dagaal xagga afka ah oo dhaxmaray Mareykanka iyo Iiraan
 
Iyadoo awalba Mareykan iyo Iiraan aanu weji wanaagsan oo diblomaasiyadeed ka dhaxeyn ayaa hadana dagaalka xagga afka iyo barabagaandada ee u dhaxeeya noqday mid isa soo tarayo, taasina ay ugu wacan tahay tuhunka Iiraan laga qabo iney ku howlan tahay sameynta hubka Nukliyeerka ee sida weyn muranka u dhaliyey.
 
Hogaamiyaha ugu sareeya dalkaasi ayaa u sheegay BBC-da in dalkiisa uu xaq u leeyahay lahaanshaha Hubka wax gumaada, halka haweeneyda xoghayaha arrimaha dibada uga Mareykanka Rice sheegay iney jeclaan laheyd in Kongress-ka dalkaasi soo gudbiyaan fikir xagga dimoqraadiyada ah oo dalkaasi laga abuuro.
"Ma wajaheyno awood keli ah oo Iiraan aheyn, ha ahaato mid siyaasadeed oo hormar isku badashay taasoo ah mid 180 jeer kasoo horjeeda hormarka aan u dooneyno barriga dhaxe gidaarka ku ah" ayey tiri Rice oo ku tilmaantay Iiraan iney tahay wadan iska indho tiraya baaqyada loo tirayo islamarkaasina taageero siiya waxa ay ugu yeertay argagaxisada sidoo kalana faraha la gashay arrimaha Ciraaq iyo Lubnaan.
Qaramada Midoobey ayaa lugu wadaa in dhawaan baaq kasoo saarto arinta nukliyeerka Iiraan ee ay ugu soo gudbiyeen hey'ada quwada atoomitakada  caalamiga ah maalintii arbacada ee ina dhaaftay.
 
 Zimbabwe oo xir xirtay hogaamiyeyaal mucaarid ah
 
Wararka ka imanaya magaalo madaxda dalkaasi Zimbabwe ee Harere ayaa sheegaya in booliska dalkaasi uu maanta shaaca ka qaaday iney xirxireen labo kamid ah hogaamiyaasha ugu sareeya ee xisbiga mucaaridka ah ku jirta. Kabadan hogaamiye oo ka tirsanaa xisbiga la yiraahdo  MDC ( Movement for Democratic Change) Raggan la xiray ayaa boolisku ku eedeynayaan iney heysteen hub qarsoodi oo ay ka warheleen iney qarinayeen, halka labadaasi nin ku andacoodeen iyagana iney doonayeen tageero ay ka abuuraan gobolka Mutare oo ah gobol xisbigu ku badan yahay islamarkaasina lugu wado inuu ka dhaco shir ay yeeshaan xubnaha xisbigaasi.
Xisbiga MDC ayaa ah mid u muuqday in cabsi weyni ka qabay madaxweyne Mugabe, balse haatan xisbigu noqday mid dabardareeyey oo aanan heysan kalsooni badan si qarsoodi ahna ku shaqeeya.
 
 
Wararkii Shalay:
 
 
Shiinaha iyo Mareykanka oo is cambaareeyey
 
Dowlada Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeysaneysa iney Iiraan dabacsanaan la xiriirta muranka Nukliyeerka iyo waxa lugu tilmaamay ku tumashada xuquuqda aadanaha.Warbixin maanta arbaca ah la soo saaray ayaa sidaasi lugu sheegay,sidoo kale 22 wadan ayaa iyagana in warbixintaas ku jiray.
Warbixinta sanadle ah ee loo gudbiyo kongeress-ka dalkaasi ayaa lugu sheegay in Iiraan iyo Shiinuhu yihiin wadamada lugu yaq yaqsoodo marka laga hadlayo xaquuqda aadanaha. Wadamada ay kamid yihiin waqooyiga Kuuriya, Zimbabwe iyo Beela ruus ayaa iyagana lugu sheegay warbixinta iney si weyn ugu tunteen xaquuqda aadanah. Warbixinta sida weyn loogu cambareynayo Shiinaha ayaa timid xilli lugu wado in bisha fooda inugu soo heysa booqasho ku yimaado madaxwenaha Shiinaha Hun Jintaos dalkaasi Mareykanka.
Sarkaal u hadlayey wasaarada arrimaha dibada magaciisana la yiraahdo
Chirsopher Hill ayaa sheegay in kolka madaxweyne Hun Jintaos yimaado Mareykanka ay dowladiisa wax ka weydiin doonto arrimaha bani'aadnimada iyo xorriyada diimaha oo cabashooyin badan kasoo yeereen. Warbixinta eedeymaha badan ee loo gudbiyey Kongoress-ka dalkaasi ayaa sidoo kale lugu sheegay in Suuriya ay lamid tahay Iiraan, labaduba yihiin kuwo cabsi ku haya jaarkooda. Sanadkii horena xiriirkii Iiran iyo reer galbeedka ayaa gaaray meel xun kadib markii Axmedinejad uu Israa'iil laga tir tiro qariidada caalamka, taasina ay dhalisay carro xoogan oo jaha wareer dhaliyey.
Warbinta sanadlaha ah ayaan isagu xadgudbiyada ku kacayaan ciidamada ameerikaanka aan si weyn looga hadlin halka Amnisty ay si weyn u dhaleeceysay dowlada Mareykanka.
 
Dhinaca kale maamulka Bikin ayaa jawaab  lawada sugayey ka bixiyey warbinta Mareykanka soo saaray ee la xirriira xuquuqda aadanaha, waxaana
ay ku tilmaameen kuwo si weyn laftooda ugu tuntay waxa ay dowladaha ku eedeynayaan. Fiiro gaar ah oo warbixinta Mareykanka laga yeeshay ayaa shiinuhu ku tilmaameen "ciyaar lala ciyaarayo kuwa ladan"
Isku soo wada duuboo Shiinaha iyo Mareykanku qoloba qolada kale ayey eedeyneysa, taasina marka dhinaca Mareykanka la eego waxaa ugu wacan carada ay ka qabaan dabacsanaanta Shiinahu siiyey Iiraan.
 
Sweden oo meelo kale laga helay cudurka Shimbaraha ku dhaca
 
Tan iyo intii Qaaradan Yurub wadamo dhowr ah laga helay cudurka dilaaga ah ee baryahan caalamku la walaacsan yahay ee Dureyga Shimbiraha, ayaa dalka Sweden oo ah dalkii ugu dambeeyey ee Yurub ah oo laga helo cudurkaasi la sheegay inuu haatan u talowsanayo gobolo hor leh, dadkuna ay si weyn u hadal hayaan.
Magaalada Karlskrona oo ah magaalada labaad ee uu soo gaaro cudurkan ayaa kasoo yeertay qeylo dhaan, maamulka gobolkuna wuxuu dadka uga digaya ineysan amuurtan sahashan ee ay wadajir uga hortagaan.Proff Olsen oo ka tirsan hey'ada ka hortaga cudurdarada faaha islamarkaasina ah macalin ka dhiga Jaamacada Kalmar ee dalkan ayaa sheegay in cudurku uu yahay mid ku soo kedinaya had iyo joor wararkiisa, islamarkaasina aan la ogeyn goobtii la sheego raadka uu ku yeesho. Hadalka Proff-ka ayaa timid markii kadib markii la sheegay in mid kamid ah xayawaanada naasleyda ah ee Dalkaasi Taylaan laga helay cudurkaasi una dhintay.
 
Dhinaca kalena Dalka Norway oo deris la ah Sweden ayaa isagana laga yaaba in cudurkaasi astaamihiisa laga sheegay magaalada Stavangar oo ah magaalo xeebeed oo leh Batrool.
In cudurkani si rasmi ah u soo gaaray dalkaasi Norway oo wargeys kasoo baxay qoray ayaa lugu wadaa in maalmaha soo socda dowladu ka bixiso jawaab, hadey taasina noqoto mid run ah Norway waxey noqoneysaa dowladii labaad ee ku taal ku taal waqooyiga Yurub ee Iskaandaneefiyanka loo yaqaan ee laga helo cudurkaasi iyadoo ay awal jireen warar aan xaqiiqsaneyn oo la xirriira in Filand oo xagga bada Sweden deris ka yihiin cudurkaasi ka jiro. 
 

WARARKII MARCH 8

Israa'iil:" laga yaabe in hadafkeenu yahay Isma'il Haniyeh"

 
Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil Shouwl Mufaz ayaa maanta oo talaado ah shaaca ka qaaday in dowladiisu ay u gaarsaneyso xubnaha urrurka dhaq dhaqaaqa Xamas ee ay dagaalka kula oo kamid yahay ninka dhawaantan la doortay ee Isma'il Haniyeh haddii Xamaas weeraradeeda ay ku soo jiheyso Israa'iiliyiinta. Xamaas waxey sanadkii hore fulisay codsigii madaxweynihii geeriyooday ee Yaasir Caraaf taasoo ah iney dejisho weerarada ka dhanka ah Israa'iil saas oo ay tahayna mararka qaar gantaalo la soo ganay ayey ku tuurtaa Isra'iil lafteeda diyaaradaha qumaatiga u kaco ayey u adeegsataa.
"Ciddi seegi meyso xitaa Isma'i Haniyeh" ayuu yiri Mufaz oo ka jawaabayey su'aal aheyd "Malaga yaabee in hadafka aad ku ugaarsaneysaan Xamaas u ku jirto Haniyeh.
Weli isagoo hadlaya ayuu yiri wasiirku "Xamaas wadada ay doortay waa mid argagaxisonimo mana ii muuqato mid hogaamiyadeed ama mid siyaasadeed iyo kuwo aan siyaasiin aheyn.Waxeyna yihiin hogaamiyeyaal argaxiso oo mid kastaa iyaga kamid ah aanu laheyn wanaag". Hadalka wasiirkan ayaa noqonaya mid kasoo horjeeda hadal ay horey u yiraahdeen
Lataliyeyaaasha siyaasada ee ra'iisal wasaaraha ku meelgaarka ah..
 
Afhayeenka urrurka Xamaas ee Qaza Saami abuu zahr ayaa sheegay ineysan cabsi iyo wel wel ka qabin hadalada hanjabaada ah ee Wasiirka, mowqifkooduna uu yahay kan hogaamiyaashu gaaraan. In ka badan 60 weerar oo kala gedisan ayey Xamaas ka fulisay gudaha dhulka yahuudu degto tan iyo intuu bilowday kacdoonkii ka dhanka Sharon sanadkii 2000, Israa'iil qudheeda jawaabaha ay weeraradaasi ka bixineysay ayaa ah kuwo aad u culus, weeraradeeduna kuma koobneyn oo keliya dhaq dhaqaaqa Xamaas balse waxey diiradu saarneyd cid kasta oo hogaamisa, aasaasihii urrurkaas Sheekh Axmed Yaasin ayuu ahaa ninkii ugu dambeeyey ee Israa'iil disho. Sanadkii horena waxey hakad gelisay howlgalkaas ay ku dileysay madaxda Xamaas.
 
 
Ardayda Suudaan oo ka banaanbaxday ciidadamada Q Midoobey
 
Arday tiradooda lugu qiyaasay 200 oo arday ayaa maanta ku banaanbaxay magaalada Khartoum ee wadanka Suudaan kuwaasoo codsanayey in ciidamada Qaramada Midoobey halkaasi jooga ka baxaan kadib markey ku sheegeen ciidamo gumeysi. Kooxdan ardeyda ah ayaa ku banaan baxayey safaarada Mareykanka ee ay ku leedahay magaalada Khartoum. Dhinaca kale warar aan la xaqiijin oo ay qortay jariidada ku hadasha afka dowlada
ayaa sheegtay in kooxo islaamiyiin ah ay ku hanjabeen iney weeraro u geysan doonaan ciidamada Qaramada Midoobey iyo danaha Mareykanka haddii gobolka Daarfuur yimaadaan.
Gudoomiyaha ardeyda Maxamed C/lah Sheekh oo halkaasi qudbad ka jiiyey ayaa ka codsaday ereyga Q Midoobay iney Suudaan ka baxaan" tani waa dhambaalka aan kuu soo direyno Bronke ee dalkeena nooga baxa sida uga dhaqsaha badan" ayuu yiri Maxamed Sheekh oo gudoomiyaha urrurka ardeyda oo halkaasi qudbad ka jeedinayey. Weriyaha wakaalada wararka Reuters oo goobtaasi ku sugnaa ayaa soo sheegay inuu arkay sawir uu waday wiil yar oo ku sawiran yahay ereyga Q M, sawirkaasoo ay ku taagneyd midi, taasina ay ka dhigan tahay in ninkaasi diyaar u noqdo weerar kasta oo kaga filan karro dadka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Qaramada Midoobey. Hadalkan iyo banaanbaxa ka dhanka ah ciidamada Q Midoobey ayaa yimid maalin kadib markii urrurka midnimada Afrikaanka go'aan ku gaareen in gobolka Daarfur loo diro ciidamo kasocda Qaramada Midoobey.
 
Eryga Qaramada Midoobey ee arrimaha Darfur oo ka hadlayey hadalka jariidada qortay ayaa sheegay inaan la isku qaldin dowrka Mareykanka iyo Q Midoobey waxaana u sheegay dadka kasoo horjeeda joogitaan ciidamada nabad ilaalinta in aaney halkaasi u joogin wax lugu sheegayo gumeysiga.
Mr Bronke oo maanta soo gaaray magaalada Khaahira ayaa carabka ku dhiftay iney weli jiraan Suudaaniyiin badan oo isku qaldaya Mareykanka iyo Q Midoobey tusaale wuxuu u soo qaatay Afgaanistaan iyo Ciraaq.
Gobolka Darfur ayaa waxaa jooga ciidamo nabad ilaalin ah, in ka badan hal malyan oo qaxooti ah ayaa ku jira xaalad barakac iyo qaxootinimo dagaalo halkaasi lugu laayey rayid badan ayaa dusha loo saaray dowlada dalkaasi iney gacan ku leedahay walow ay dowladu gaashaanka u daruurtay. Nin ka tirsan ururka iqwaanul muslimiinka suudan ayaa isagana sheegay in safaarada ameerikaanka ee ay ku leedahay Khartoum ay daliil u tahay waxa uu ku sheegayo isticmaar, qaramada midoobeyna ay cadeysatay dagaal ka dhan ah Islaamka waa sida uu ninkani aaminsan yahaye.
 
   Kow iyo labaatan qof oo Hindiya qarax ugu dhimatay
 
dad tiradooda lugu qiyaasay labaatan iyo kow ayaa maanta saddex qarax oo dalkaasi meelo kala duwan ka dhacay ugu dhintay. Qaraxii koowaad ayaa la runsan yahay inuu ka dhacay goob ay kucibaadeysanayeen oo xus diimeed ku qabeen goobtaasoo la yiraahdoVaranasi .Qaraxa  labaad ayaa  isagana lala beegsaday goob sidoo kale lugu cibaadeysanayey oo dad ka buxeen, waxaana uu dhacay 45 daqiiqo kadib markii uu kii hore qarxay.
 
Qarax kalena waxaa lugu rakibay wadada tareenka maro halkaasoo taraankii maryey ay dad badani saarnaayeen. Webiga lugu magacabo ganges ayaa isagana laga helay agtiisa bam aan qarxin, mana jirto ilaa iyo hada cid sheegatay iney qaraxyadi isdaba jooga ahaa ee maanta dalkaasi ka dhacay sheegata balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la ogaan doono. Reuters oo dhacdadaan soo weriyeneysaa ayaa soo sheegtay in kooxo islaamiyiin ah farta lugu fiiqayo.
 
Wararkii March 6, 2006:
 
Masar: dalabka reer galbeedka ee Xamaas maahan mid caadil ah
 
Lataliyaha Madaxweynaha Masar ayaa shaaca ka qaaday in dhaq dhaqaaqa Xamaas haddii uu fuliyo dalabka reer galbeedka ay markaasi arrintu noqoneyso mid hal dhinac u janjeerto, iyadoon dhinaca kale lafteeda lugu cadaadin wax tanasul ah.
Lataliyahan oo magaciisa la yiraahdo Usaamah Baaz oo bishii ina dhaaftay kulan uu la yeeshay madaxda Xamaas ka dhaa dhacsiiyey inaaney fikirka ay aaminsan yihiin burburinta dowlada Yahuuda aysan aheyn mid keeneysa xalka lugu doonayo in bariga dhaxe laga dhaliyo.
Ayaa wareysi ay la yeelatay wakaalada wararka Reuters sheegay in aysan jirin wax fikir ah oo la soo gudbiyey ama la dhaafsaday labada dhinac halka arrintoodu ku danbeyn doonto. Midowga Yurub iyo Mareykanka ayuu ku sheegay ineysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha bariga dhaxe kadib markii ay shuruud ku xireen taageerada siyaasadeed iyo mida dhaqaaleed ee ay Xamaas ka dooneyso aqoonsiga Israa'il iyo hubka aay dhigto, halka Israa'iil lafteeda ee ku dhagan tahay ineysan wadahadal nooca u yahay la yeelaneyn Xamaas.
Madaxda Xamaas ayaa laftooda waxey ku adkeysanayaan ineysan miiska wadahadalada la fariisaneyn Israa'iil tan iyo inta ay ka baxeyso dhulalkii ay ka qabsatay. Xamaas haatan waxaa heysta labo darran mid dooro oo ah in hadey aqoonsi iyo taageero dhaqaale ka dooneyso beesha caalamka ay fuliso sharuuda lugu xiray ee ah aqoonsiga dowlad yahuudu leedahay haddii kalena ay go'doon caalami ah ku jireyso.
 
Pakistaan oo weli ka socdaan banaanbaxyadii ka dhanka ahaa sawiradii lugu aflagaadeyey Nabi Muxamed NNKH
 
In ka badan 5000 oo banaan baxayaal ah ayaa maanta iskugu soo baxay magaalo ku taal koonfur galbeed ee dalkaasi waxaana ay halkaasi ku gubeen calanka dalalka Denmark iyo Mareykanka. Hogaamiyaha mucaaridka ee la yiraahdo Fadla C/raxmaan oo halkaasi ka hadlayey ayaa sheegtay iney wadayaan banaanbaxooda inta dowlada dalkaasi Denmark ay raali gareyn buuxda oo rasmi ah ka bixineyso falkii lugu aflagaadeyey Nabigeena sharafta badan ee Muxamed NNNKH.
Bishii hore waxaa dalkaasi ku dhintay shan qof oo rabasho halkaasi ka dhacay loogana soo horjeeda Denmark ay keentay isku dhaca booliska iyo dad banaanbaxayey.
 

Wararkii: March 5, 2006

Madaxweynaha Faransiiska oo booqanaya Sacuudi Careebiya

 
Madaxweynaha dalka Faransiiska Jack Chirack ayaa booqasho qaadaneysa sadex cisho uga bilaabatay dalka Sacuudi Careebiya, halkaasoo mas'uuliyiinta dalkaasi ay kawada hadli doonaan xirriirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya iyo arrimaha ay kamid yihiin dhaqaalaha iyo waxa loogu yeero la dagaalanka argagaxisada, isagoo sidoo kale noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyey ee aan carab aheyn oo ka hadli doona gollaha Shuurada dalkaasi. Chirack oo booqashada haatan dalkaasi ku tagay ahmiyad weyn u ah xaga iskaashiga dhaqaale ee la leedahay Sacuudiga oo ah dal qani ku ah saliida.

Wareysi uu siiyey wargeyska Al Hayaat ee ku hadla afka dowlada Sacuudiga ayuu u sheegay inuu aad uga xun yahay sawiradii Kartoonada ahaa ee lugu sheegay Nabi Muxamed NNKH kuwo meel ka dhac ah, wuxuuse sidoo kale cambaareeyey falalka wax loogu geysanayo diblomaasiyiinta reer Galbeedka ee howlaha diblomaasi u jooga dalalka carabta, wuxuuna codsaday in wadahal toos ah arrinta xadaaraha iyo dhaqanka Islaamka iyo reer galbeedka laga yeesho.
 
Dhinaca kale isagoo ka hadlaya Iiraan iyo barnaamijkeeda Nukliyeerka ayuu sheegay inuu ka xun yahay sida arrintaasi ay reer galbeedka iyo Iiraan lafteeda ugu guul darreysteen xal u helida mushkiladaasi. Wuxuuna tibaaxay in albaabka wadahalka u furan yahay Iiraan ka hor inteysan hey'ada quwada atoomikada caalamiga ah hordhigin arrimaheeda gollaha loo dhan yahay.
 
Ayman Zawahiri oo ka codsaday Xamaas iney wado halgankeeda
 
Ninka labaad ee ugu sareeya urrurka Al-Qaacida AymanZawahiri ayaa ka codsaday urrurka dhaq dhaqaaqa Xamaas ee falastiiniyiinta iney sii wadaan halganka iyo dagaalka ay kula jiraan dowlada Israa'iil islamarkaasina aysan siin aqoonsi dowlad yahuudu leedahay. Wuxuu ugu baaqay ineysan la shaqeeyaan Mareykanka iyo Israa'iil,, kuwa doonayana uu ku tilmaamay kuwo iibsanaya dhulka Falastiiniyiinta. Ayman Zawahiri ayaa sidaasi ku sheegay cajal muuqaal ah oo habeenimadan caawa laga sii daayey telefeyshinka Al- Jaziirah oo ah meesha keliya ee had iyo goor farriimaha  loo dirayo Mareykanka iyo xulafiisa laga siidaayo.
 
Dhinaca kale isagoo ka hadlaya ihaanadii dhawaan loo geystay Rasuulkeena Muxamed NNKH ayuu sheegay iney tahay ihaano toos ah oo Islaamka lugu hayo wuxuuna ugu baaqay dhamaan dunida Islaamka iney xirriirrka u jiraan reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Denmark iyo Faransiiska.
 
Cajaladan muuqaalka ah ee Zawihiri soo diray kama aanu hadlin qul qulootooyinka ugu dambeeyey ee gil gilay dalkaasi Ciraaq, marka laga reebo in fariintuiisu ku jeeday urrurka dhaq dhaqaaqa Xamaas ee dhawaan ku guuleystay dooroshooyinka baarlamaaniga ah ee Falastiin.
 
Hogaamiyaha urrurka Al- qaacida Usaama Bin laadin iyo saaxiibkiisa Ayman Azawahiri ayaan la ogeyn halka ay dunida ka joogaan tan iyo intey noqdeen tuko cambaar leh balse loo maleynayo iney ku dhuumaaleysanayan dhulka
buuraleyda ah ee u dhaxeeysa Afgaanistaan iyo Pakistaan. Mareykanka iyo xulufadiisa waxey dul dhigeen malaayin doollar ah ciddii soo sheegta halka uu joogo Bin Laadin ama disha.
 
                 Bush oo soo afjaray booqashadiisi Aasiya
 
Madaxweyne Bush-ka dalka Mareykanka ayaa booqashadiisi uu ku marayey dalalka Pakistaan, Hindiya iyo Afgaanistaan soo gabogabeeyey, wuxuuna aamaan badan dusha u soo jeediyey Pakistaan oo uu sheegay iney dowr muuqata ku yeelatay dagaalkii lugula jiray waxa loogu yeero argagaxisada.
 
Bush oo intuu hadlayey iska fogeeyey iney jiri karaan heshiis xagga iskaashiga Nukliyeerka ah oo la galay Pakistaan si aysan ugu ekaan midka xagga tamarka ee la galay Hindiya ayuu madaxweyne Musharaf-ka dalkaasi u sheegay in hadafkii hore ee Istiraajiyada dowladiisa ay aheyd siddii loo abuuri lahaa xulufo ay iska kaashadaan dagaalka  lugula jiro argagaxisada.
 
Booqashada Bush ayaa ku soo aaday xilli ay dalkaasi ka  hareeyeen mudaharaadyo ka dhan ah oo keenay in meelo badani ay ka dhaceen rabshado. Arrinta muranka weyni ka taagan yahay ee dhulka Kashmir waxa u sheegay iney haboon tahay in labada dowladood waa Hindiya iyo Pakistaan e ay amuurtan jiitameysay tan iyo sanadihii afartaneeyadii ka gaaran xal waara.
 
Bush oo shirkaasi jaraa'id intuu hadlayey ay ugu badnaayeen arrimaha argagaxisada ayaa tilmaamay in sida kaliya lugu jebin karro xubnaha Al-qaacida ee jooga xuduuda Pakistaan ay tahay in labada dowladood ay had iyo goor isdhaafsadaan macluumaadka sirta ah ee la xiriira halka ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Al-qaacida. Musharaf oo isna dhiniciisa ka hadlayey ayaa sheegay in dalkiisa ku soo dhacay barta istraajiyadeed ee argagaxisada iyo kuwo kale ee mintidka ah wuxuuna dhigiisa Bush u sheegay in qaraxii lala beegsaday qunsuliyadii ameerikaanka ee Krachi ineysan waxna u dhibeyn xirriirka ka dhaxeeya labada dal. Isku soo wada duubo socdaalkii Bush ee ku tagay saddexdaasi dal waxaa la oran karaa waxa uu ciyaarta 2-0 ku diray dalka Pakistaan oo ku beerlaxowsaday iney had iyo goor tahay saaxiibka koowaad ee dagaalka ka dhanka ah argagaxisada halka Hindiya heshiish lugu sheegay tamarta teknolojiyada ee Nukliyeerka loo saxiixay.
 

Wararkii: March 4, 2006

Ruushka oo Xamaas ka codsaday iney aqoonsato Israa'iil 

 
Ruushka ayaa ka codsaday urrurka dhaq dhaqaaqa Xamaas iney Israa'iil u aqoonsado dowlad jirta taasoo qeyb ka ah da daalada lugu doonayo iney labada dhinac miiska wadahalka fariistaan.
 
Ruushka waxey sheegeen in Xamaas ogolaatay iney xabada joojiso haddii aan Israa'iil adeegsan awood meletari ee ay ku maquunineyso dhaq dhaqaaq Xamaas. Israa'iil lafteeda ayaa ku doodeysa weerarada ay la beegsaneyso kooxaha falastiiniyiinta kuwo ay ku difaaceyso nafteeda.
Urrurka Xamaas ayaa rajo ka qabaa iney hesho taageero beesha caalamka halka Israa'ii iyo Mareykanku iska taageen mowqif mideysan oo la xirriira wadashaqeyn ay la yeeshaan dowlada Xamaas garwadeenka ka tahay.
Wasiirka arrimaha Rushka Sarje Ivarnov ayaa sheegay sida lama huraan u tahay in labada dhinac ay ixtiraam u muujiyaan da daalka ay doonayaan dowladaha dhex dhexaadka ka ah bariga dhaxe sida Mareykanka Midowga Yurub iyo Mareykanka.
Wakaalada wararka Interfax ayaa soo werisay in cabaqadaha ku horgo'n shirkii Mosko ay yihiin Xamas oo ku dhagan mowqofkeedii ay ku diidaneyd Israa'iil. Moskow waxey rajo beel ka hor wadahadalani ka muujisay mowqifka adag ee Xamaas ee keeni kara iney fashil yimaado.
 
Israa'iil waxey horey u sheegtay ineysan wadahadal iyo wada xaajood midna la galeyn Xamaas oo ay aragto iney ka dambeeyeen ugu badnaan lixdan qarax oo deegaanadeeda ka dhacay kuna dhinteen israa'iiliyiin badan tan iyo intuu uu dhashay kacdoonkii falastiininyiinta sanadkii 2000.
 
Sweden oo laga helay lo'da waalan iyo hargabka shimbiraha
 
Sweden haatan waxey noqotay wadankii ugu dambeeyey ee Yurub ah oo laga helo harabka sida darran u gumaada Shimbiraha ee loo yaqaano Avian influenza (“bird flu”) kadib markii toddobadkan horaantiisi la xaqiijiyey in laga helay dekada lugu magacaabo Oskarhamn oo xigta dhanka bari ee wadankan.
Mid kamid ah shimbirahaas ayaa la xaqiijiyey in cudurkaas ku dhacay, maalmo kadibna waxaa isla goobahas laga helay sideed kamid ah shimbirahaas baaritaan lugu sameeyey ayaa lugu ogaaday iney laftoodu cdurku ku dhacay.
Ka hor intii aan si rasmi ah loo xaqiijin helista cudurkan ee gudaha Sweden waxey dowlada iyo hey'adeeda ka hortaga cudurdada faahfaba diyaar u ahaayeen arrintan sidey ula tacaali lahaayeen kadib markii bishan horaanteeda xaduuda ay xagga koonfurta kala wadaan Jarmalka meel 5 mayl u jirta laga helay hargabkaasi shimbiraha. Guud ahaan dadka Iswidhishka ah iyo dadyowga kale ee ku nool ayaa walaac ka muujiyey amuurtaasi waxaana haatan socda warbixino dadka looga digayo ineysan faraha la gashan hadey arkaan shimbiro meyd ah oo dhulka yaala.
Taasi waxaa kasii darran markii la sheegay in Jarmalka bisad kamid ah bisdadaha jooga goobtii laga helay hargabkaasi shimbiraha laga helay iney haleeshay hargabkaasi, tanina waxey wal wal badan ku keentay dadka guryaha ku heysta xayawaanada rabaayada ah oo bisadu ugu horeyso.
 
Dhinaca kale magaalada la yiraahod Västerås ee dalkan ayaa iyadana laga helay cudurka ku dhacda lo'da ee loo yaqaano Mad cow (lo'da waalan).
Tani waa markii ugu horeysay ee cudurkani laga helo dalkan. Nin beero leey ah ayaa xeradiisi u ku hayey lo'ada dareemay in mid kamid ah weylaha ay iska daba dhacday dhowr jeer markii dambana ay iskeed u kacday balse baaritaan lafteeda lugu sameeyey ayaa la sheegay iney qabto cudurkasi BBS la yiraahdo. 
Inkastoo aan ilaa iyo hada jirin cabsi xoog badan oo la xirriirta saameynta ay xaga dhaqaalaha labadaasi cudur ku yeelan karaan hadana dowladu waxey sheegtay iney malaayiin badan ku waayeyso.
 
  Mareykanka oo libaax badeedka basaasnimo u howlgelinaya
 
Libaax badeedku wuxuu kamid yahay xayaawaanka badda hoosteeda ku jira ee aadanaha waxyeeleeya hilibkiisana la cuno, saas oo ay tahayna waxaa jirta xeeldheerayaasha xagga sayniska ay haatan ku fekerayaan in xayawaankaas loo adeegsado aalad basaasnimo. Koox iskugu jirta qubaro iyo xeeldheereyaashaal ka tirsan jaamacada Boston ee dalka Mareykanka ayaa ku howlan mashruuc lugu howlgelinayo basaasnimada libaxaa badeedkaasi.
Dhaqaalaha ku baxaya howlgalkan laga doonayo qubaradan xagga seyniska ayaa waxaa bixinaya wasaarada Gaashaandhiga dalkaasi ee Pentagon-ka.
Mashruucani wuxuu daba taagan yahay tijaabo tan lamid ah oo horey loogu guuleystay taasoo lugu ogaaneyey dhaq-dhaqaaqa xayawaanada qaar sida jiirka, kalluunka yar ee bada ku jira iyo daanyeerada.
Tijaabadan oo aan la ogeyn in lugu guuleysan doono iyo in kale ayaa waxey kooxdani sheegeysa ineysan aheyn mid hada wax walba lugu ogaan karro islamarkaasina ay tahay waqti dhumis haddii bahalkan lugu xirro aalada dhaq dhaqaaqeysa markuu 300 mitir uu biyaha hoos u gallo. Sidoo kale waxaa jira tijaabooyin kale oo ay ku sameeyeen xayawaanada jooga beriga kuwaasoo aan laftooda la ogeyn natiijadii kasoo baxday.Balse
Wasaarada Gaashaandhiga ayaa howshan hadey fusho u dooneysa iney la socoto dhaq dhaqaaqa kooxaha ay ku sheegaan argagaxisada iyo basaasiinta wata Marakiibta badda dusheeda marta. Isku soo wada duubo Mareykanka wuxuu isku dayey talaabo kasto oo u arko inuu meel uga soo hari karro argagaxisada hadana waxaan la ogeyn in talaabadani soconeyso.

Wararkii: March 3, 2006

Mareykanka iyo Hindiya oo dhinaca Nukliyeerka iska kaashanaya

 
Hindiya iyo Mareykanka ayaa maanta oo khamiis ah gaaray heshiis lugu sheegay taariikhi oo la xirriira iskaashiga dhinaca Nukliyeerka oo dhexmara labadaasi dal. Balse Bush wuxuu rajo ka qabaa inuu ogolaansho ka helo gollaha Kongeress-ka dalkiisa marka uu dhameysto booqashada uu haatan ku joogo dalkaasi taasoo aan lafteeda sahleyn in la helo.
 
Madaxweynaha dalka Mareykanka George W Bush ayaa maanta heshiiiska ay dowladiisa la gashay Hindiya ku tilmaamay mid taariikhi ah waxaana u sheegay iney muhiim u leedahay in Hindiya ay adeegsato tamarta nukliyeerka. Heshiiskani maanta lugu gaaray magaalada New Delhi ee dalkaasi Hindiya waa mid ka dhigaya iney hesho marin ay u soo marto adeegsiga teknoloojiyada Mareykanka ee aaney xagga hubka. Hindiya ma aaney saxiixin heshiishka dhimista Hubka Nukliyeerka.
Dadka iyagu kasoo horjeeda heshiiskan ayaa aaminsan in fariin qaldan ay amuurtani u direyso dalka Iiraan oo Mareykanku si weyn u diidan yihiin lahaansha hubka wax gumaada.
Booqashada madaxweyne Bush waa tii ugu horeysay ee uu dalkaasi ku tago tan iyo intii uu noqday madaxweynaha dalkaasi. Dhinaca kale banaabaxyo wada rabsho ayaa dalkaasi meelo badan ka dhaceen kuwaasoo looga soo horjeedo booqashada Bush ku tagay dalka Hindiya.
 
Ma dhabaa in M Soofiyeeti isku dayey dilkii Johannes Paulus?
 
Weerarkii isku dayga ahaa ee lugu doonayey in lugu qaarajiyo baaderigii ugu weynahaa diinta masiixiyiinta Johannes Paulus sanadki markuu ahaa 1981-dii ayaa warbixin ay soo saareen gudi talyaani ah oo baaritaan ku sameeyey cidii ku lug laheyd dilkaasi ku sheegeen isku daygaasi raadkiisa lugaha la gashay dalweynihii la oran jiray Midowga Sofiyeeti.
Gudiga waxey qoreen in ninkii weerarkan fuliyey oo la yiraahdo Mehmed Ali Agca inuu gaashaanka u daruuray wadashaqeyn uu la yeesho saraakiil Bulgaariyaan ah iyo Jarmalkii bari.
Arrinkani wuxuu farta ku fiiqay sida Midowgii Soofiyeeti uga qeybqaatay howshan, sidoo kale madaxweyne Leonid Bresjnev ayaa laftiisa wuxuu u arkayey Johannes Paulus mid halis ku ah komunism-ka oo markaasi loo arkayey cabsi caalami ah. Warbixinta gudigan xaqiiqo raadiska ah ayaan la ogeyn iney gacanta ku dhigeen warbixin la xirriirta cida loo maleynayo iney ka dambeysay dilkaasi lugu doonayey in lugu qaarajiyo baaderigii Johannes Paulus sanadii 1981-dii.

Wararkii: March 2, 2006
 

Salaam Rushdi oo codsaday in laga hortago awooda Islaamka
 
 
Salaam Rushdi oo ah qoraa asal ahaan kaso jeeda dalka Hindiya heystana dhalasho ingiriis ah ayaa codsaday in laga hortago waxuu ugu yeeray awooda Islaamka.Wargeyska dhawaan ku fogaaday naceybka Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH ee Jyllands Posten ayaa warbixin ka qoray arrintaas.
 
Kartoonaddii lugu sheegay iney yihiin Nabi Muxamed ayuu Salaam Rushdi ku sheegay kacdoonadii ka dhashay inay ahaayeen kuwo cabsi ku haya caalamka.
Labo iyo toban kamid ah kooxaha xag jirka ah ee Islaamka naceybka u haya ayaa qoraal ay uga soo  direen wargeyskaasi ku magacaabeen "banaanbax" ay ugu soo horjeedaan Islaamka.
Shaqsiyaadka ay kamid yihiin, Tasliim Naseer oo ah qoraa kasoo jeeda Bangaladesh,Ayaan Xirsi iyo nin lugu sheegay inuu yahay filosoof lugu magacaabo Bernard-Henrik Levy ayaa qoraalkaasi banaanbaxa ay ku mgacaabeen u soo gudbiyey wargeyska xag jirtka ah ee Jyllands Posten.
"Kadib markii laga guuleystay fashiistihii iyo naasiyiintii Jarmalka, wuxuu haatan galay caalamka awood cabsiyadeed oo Islaamka xagiisa ah, hadaanu nahay aqoonayaho saxafiyiin iyo dhaqtaro waxaan kasoo horjeedeena awooda kooxaha diinta ee halista ku ah xorriyada. Islaamkuna waa mid dilaya xorriyada iyo sinaanta. Halgankana maahan mid hubeysan ee waa mid aydolojiyadeed. Mana ahan arrintu mid taagan bariga iyo galbeedka ee waa mid kasoo horjeeda cabsida caalamiga ah ee demoqraadiyada lidka ku ah"ayey ku yiraahdeen dhamaan xagjiradan Islaamka kasoo horjeeda qoraalkooda ay ku sheegeen banaanbax ka dhan ah Islaamka.
Kooxahan ayaa sidoo kale sheegtay iney kasoo horjeedaan cabsida keentay in halis gasho noloshooda taasoo ay sabab u tahay sida ay islaamka uga soo horjeedaan.
 
Danjirayaasha Mareykanka iyo Ingiriiska oo isku qilaafsan dowrka Qaramada Midoobey ee Hubka Nukliyeerka Iiraan
 
Danjiraha Mareykanka u jooga Qaramada Midoobey John Boltan ayaa sheegay iney laga maarmaan tahay in Qaramada Midoobey damaanad qaado barnaamijka Iiraan marka ay hey'ada quwada atoomikada ay mas'alada la xirriirta amuurtan u soo gudbiso gollaha si looga munaaqishoodo. Balse dhigiisa kale ee Britan u fadhiya gollaha loo dhan yahay ayaa isaga aaminsan in dowrka Q M ee amuurtani tahay mid ka timid codsi hey'ada quwada atoomikada.
Labadan danjire ayaa lugu wadaa iney sii wadaan wadatashiga la xirriirta hubka Nuliyeerka ah ee Iiraan dooneyso ka hor intaaney shirka amuurtan looga hadlayo aysan tegin qilaafkooduna wuxuu ku saabsan yahay siddii cuno qabateyn caalami ah loo saari lahaa.
Dhinaca kale Maxamed Albadraci ayaa ku nuux nuuxsaday in hey'adiisu ay weli leedahay awood ay ku kala ogaan karto in Iiraan ay si rasmi ah ula shaqeyneyso iyo iney weli ku howlan tahay sameynta qarsoodiga ah ee ay ku dooneyso sameysashada hubka wax gumaada. Iiraan waxey dhinaceeda sheegtay iney gebi ahaanba ka baxeyso wadashaqeyntii u dhaxeysay labada dhinac haddii golluhu isku dayo inuu ku soo rogo cuno qabateyn ka dhan ah.
 
Sarkaal Mareykan ah oo lugu afduubay degmada Afmadow
 
Sarkaal ka tirsan hey'ada carruurta u qaabilsan qaramada midoobey ee Unicef luguna macaabo Ropert Markati ayaa kooxo dabley ah waxey ku afduubteen degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Mas'uulkan u shaqeynayey Qaramada Midoobey ayaa kooxaha afduubtay la ogeyn sababta kaliftay mana jirto madaxfurasho oo ay ilaa haatan doonayaan. Afduubka loo geysanayo shaqaalaha gargaarka ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe noqotay mid ay ganacsi ka dhigteen kooxahaasi wax afduuba. Qaramada Midoobey waxey walaac ka muujisay burcada iyo bada beriga joogta ee is hortaageysa gargaarka la gaarsiinayo dadka abuuruhu ku waxyeeleeyeen koonfurta Soomaaliya.
Soomaaliya waxey kamid tahay dalalka ugu fowdada badan ee ka jirta qaarada Afrika lix iyo toban sano oo dagaal sokeeye ah ayaa gebi ahaanba la degay mana jirto xukuumad awood leh oo 16-kaas sanno meesha ka muuqatay marka laga reebo maamul goboloyeed iyo kooxo siyaasadoodu marin habowsan tahay oo isku heysta masiirka ummadda

Wararkii: March 1, 2006

Cabsi weli oo laga qabo in dagaal sokeeyo Ciraaq ka dhaca

 
 
Inkastoo magaalada Bakhdaad iyo nawaaxigeeda laga qaaday bandowgii lugu soo rogay magaaladuna ku so laabatay degenaantii iyo isku socodkii gadiidka ayaa hadana waxaa jirta cabsi laga qabo in markale rabshadihii halkaasi horey uga dhacay dib u soo laabataan.
Qarax lala beegsaday masjid sunyiintu leeyihin oo ku taal magaalada Bakhdaad ayaa ku dhintay 2 qof halka 15 kalena la runsan yahay iney ku dhaawacmeen.Ciidamada kumaandooska ayaa sheegay tacshiirado ay is weydaarsadeen niman dabley ah ku dilay dhinaca koonfur ee magaalada.
Rabshadahani hada tartiib tariib ah uga soo baxaya ayaa waxey u muuqata iney qeyb ka yihiin cabsidii rayidka ka qabeen in dagaal u dhaxeeya shiicada iyo sunidi dalkaasi ay markale fooda is darraan.
Wasaarada Gaashaandhiga Mareykankana waxey shaaca ka qaaday iney dishay 35 nin oo ay ku sheegtay aragagaxiso 487 kalena ay xabsiga u taxaabtay tan iyo intii ay burburisay goob qarsoodi ah oo ay ku dhuumaaleysanayey kooxahaasi ee magaalada Samaarada ee dalkaasi Ciraaq.
 
            Maxbuus Alqaacida oo fakaday
 
Barta Intert-ka ah oo badi meesha ugu badan ee ay adeegsadaan kooxaha lugu sheego argagaxisada ayaa shalay soo bandhigay filim muuqaal oo ay ku sheegeen in maxbuus ka tirasanaa kooxahaasi uu kasoo fakaday xabsiga.
Nin ka tirsan Alqaacida oo cajal fiidiyow ah lasoo bandhigay ka dhex muuqday ayaa sheegay inuu kamid yahay afar nin oo Alqaacida kamid ah kuwaasoo kasoo baxsaday xabsiga Bagram ee dalkaasi Afgaanistaan.
Sarkaal ka tirsan wasaarada gaashaandhiga Mareykanka ayaa xaqiijiyey baxsashada raggaas oo bishii julaay kasoo baxsaday xabsiyada Mareykanku ku leeyihiin Afgaanistaan.
Ninkan ka dhex muuqday cajalada ayaa balan ku qaday inuu dagaal qaraar la geli doono Mareykanka ciidamadiisa meelkasta oo ay joogaan. Ninkani oo lugu magcacaabo Faruq Al Iraqi ayaa sanadkii 2002-da lugu soo qabtay dalka Indoonisiya dhalashadiisana waa Kuweyt, saddex kale oo asxaabtiisa ah ayaa sii kalena lugu soo waramaya iney iygana baxsadeen.
 
Digaaga ka yimaada Faransiiska oo la mamnuucay dhoofintiisa
 
Labaatan dal oo caalamka ka tirsan ayaa gebi ahaanba mamnuucay iibsashada hilibka digaaga ka yimaada dalkaasi Faransiiska oo la dhawaan laga helay cudurka dilaaga ah ee Hargabka Shimbiraha H5N1. Wasiirka ganacsiga dalkaasi Christine Lagarde oo warkan oo u saxaafada u xaqiijiyey ayaa sheegay in dalalka ay kamid yihin Japan, Hongkong, Maroco, Egypt, Thailand och South Kouria ay gebi ahaanba joojiyeen dhoofinta  hilibka digaaga dalkiisa yimaada.
Amuurtani waxey dalka Faransiiska ku keeneysa hoos u dhac dhaqaale oo 5% ku tiirsanaa dhoofinta digaaga.Sidoo kale dalka Faransiiska waa dalka afaraad ee dunida ugu badan ee dhoofiya digaaga. Waxaa horey u dhoofin jiray hilibka digaaga wadamada Mareykanka, Shiinaha iyo Baraasiil.

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2006