SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Buugga Cusub ee Jidka Nabadda

Sida dadka qaarkii ka warqabo waxaa dhawaan soo baxay buug cusub oo la yidhaa Jidka Nabadda. Waxaan ka mid ahay dadka nasiibka ku helay inay buuggaas akhristaan. Waxyaabaha buuggu ka hadlayo iyo meelaha uu taataabanayo markaad si wanaagsan uga fekerto waxa kuu muuqanaysa sida qoraaga buuggu Maxamed Yusuuf Xaaji Cabdi dareenkiisa ugu fogeeyey sidii khatarta looga soo dabbaalilahaa bulshada Soomaalida. Qoraagu wuxuu si kooban oo hufan oo weliba farshaxannimo ku dheehan tahay uga hadlay sidii soomaalidu waagii hore dhibaatooyinka colaadaha u damin jirtay iyo sidii ay aqoonta ugu lahayd arrintaas. Qoraagu wuxuu qeexista iyo muujinta sidii colaadda waqtigii hore loo damin jiray u adeegsaday murti nuxur badan oo si buuxda u iftiiminaysa arrinta qoraagu tilmaanta ka bixinayo. Waxa iyana xiiso gaar ah leh sida qoraagu uga faallooday soomaaligii hore siduu u ahaa qof asluub wanaag iyo garashaba ku sifoobay. 

Buugga Jidka Nabadda wuxuu qoraagu si qoto dheer oo cilmiyeysan ugaga faallooday farqiga u dhexeeya qabiilka iyo qabyaaladda, waxaan odhan karaa wuxuu qoraagu daaha ka qaaday xaqiiq dhab ah oo aan hore loo fahmin. Wuxuu si geesinnimo leh ugu badheedhay inuu ku dhiirado kala soocidda qabiilka iyo qabyaaladda oo dadka badankiisa iskaga murugsan. Wuxu ku dadaalay inuu soo bandhigo aragti cusub oo dadka ku hagaysa dariiqa dhabta ah. Waxa kale oo uu si garasho ku dheehantahay u sharxay qaybaha qabyaaladda iyo waxa qabyaaladi tahay, isagoo ku dadaalay inuu geed ku xidho isla markaana fanteeyo waxa qabyaaladda loo yaqaan. Wuxu qoraagu qabyaaladda ku tilmaamay cudur aanay keenin deris-ku-noolka bukaan-keentada ahi.  

Jidka Nabadda waxa ku jira maansooyin sida qoraagu sheegay uu ka soo guuriyey buug la yidhaa RUBUC QARNI oo ay ku dhigan tahay maansooyinka ama suugaanta qoraagu curiyey. Inkastoo qoraagu ku tilmaamay garoocasho inta uu maansada ka adeegsaday haddana arrintu sidaa maaha ee qaybta uu maansada ka soo qaatay waa mid la odhan karo waxa ku xardhan casharro ma guuraan ah iyo tusaalayn xeeldheer oo si ballaadhan oo qoto fog u iftiiminaysa xaqiiqada jirta, kuna hagaysa maanka qofka dhinaca wanaagsan. 

Hannaanka qoraalka ee buugga marka la fiiriyo waxaan odhan karaa wuxuu qoraagu adeegsaday hab cusub, kaas oo ah qoraal kooban oo tayo iyo xiiso leh. Wuxuu isku dayey inuu sadarro tiro yar ku soo gudbiyo war ama xog qaro weyn leh. Marka aad akhriyeyso buugga Jidka Nabadda ku daalimaysid kana xiiso jabimaysid, waqti dheerina kaaga lumimaayo. Suxufiyiin ruug caddaaya iyo shiqsiyaad aqoonyahanno ah oo buuggan akhriyey waxay saadaaliyeen in buuggani dhalin doono dareen baraarujin ah oo  bulshada soomaalida si weyn ugu baaha iyo inay dib isu baadi-goobaan dadka garashada leh ee soomaalida ahi. Waxa kale oo ay sheegeen inuu buuggani yahay dhigaal ma guuraan ah iyo dheehasho dhaxal-reeb ah. 

Sida buugga ku cad waxa qoraagu Jidka Nabadda ugu talagalay in dadka soomaalidu ku helaan lacag la’aan, waxaanu qoraagu si qeexan ugu fasaxay badinta iyo baahinta buugga cidkasta ( shaqsi iyo ururba) oo nabadda jecel kuna hawlan.  

Diyaariye: Cabdi C/laahi Cawad

Tel: 442088670656    London 

Wixii faahfaahin ah ee buugga ku saabsan kala xidhiidh: 

Axmed Warsame Cumar (Daad)

Tel: +32474372473  

Maxamed Yusuf Xaaji Cabdi (qoraaga buugga)

Tel: +31638262075 ama 31475690161

e-mail: maale22000@yahoo.com 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Tel: +31152572482

e-mail: Mohamed_ebar@hotmail.com  

Xasan Macallin

e-mail: hassanegeh@hotmail.com 

C/maalik C/qaadir Yusuuf(tifaftiraha Radio Dalmar)

Tel: +31703939719

e-mail: abdimalik@soneca.nl 

 


Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2006