05.January.2006 somalitalk. Bosaso.somalia
Magaalada Boosaaso waxaa ku geeriyoodey
marxuum Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur), waxaana marxuumka lagu
aasay magaalada Boosaaso. Warbixin ku saabsan tariikh nololeedkii marxuumka
hoos ka akhri...
Taariikh Nololeedkii Marxuum Siciid Caduur::
Allaha u naxariistee marxuum Siciid Maxamed
Maxamuud oo lagu naanaysi jiray (Siciid Caduur) oo saaka aroortii ku
geeriyooday
Isbitaallka Puntland ee magaalada Boosaaso horayna xilal uga soo qabtay
dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa isla maanta lagu aasay qabuuraha Biyo
Kulule ee dhinaca Bari ee magaalada Boosaaso.
Aaska marxuumka waxa ka qayb galay sii hayaha xilka madaxweynaha ahna
wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta ee maamul goboleedka Puntland Barkhad
Cali Saalax, wasiirka Dowlahadaha Hoose iyo horumarinta reer Miyiga Cali
Cabdi Awaare, wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Maxamuud Bile Dubbe iyo madax
kale oo aad u farabadan.
Sidoo kale aaska marxuum Siciid Caduur waxaa ka soo qayb galay issimo,
dadweyne aad u farabada oo isugu jiray ehelladiisa iyo dad kale oo marxuumka
si wayn aqoon ugu leh.
Marxuub Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur) wuxuu ku dhashay magaalada
tan Boosaaso sanadkii 1937-kii, hooyadii waxaa la oran jiray Saynab Maxamed.
1953-dii waxaa loo qaatay ciidamadii daraawiishta ee la oran jiray Wiilwaa
oo saldhiggoodu ku yaallay magaalada Beledweyne
1960kii wuxuu noqday hogaanka maamulka lacagta ee ciidamada Booliska.
1968-dii wuxuu ka ruqsaystay ciidamadii booliska isagoo isku sharaxay inuu
noqdo mudane baarlamaan isagoo iska sharraxay xisbigii la oran jiray Xisbiga
Hawliga iyo Hantiwadaagga ee magaalada Boosaaso.
March 1969kii ayuu si rasmi ah uga mid noqday xildhibaannada baarlamaanka
Biishii may isla sanadkaasi waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka
wasaaradda waxbarashada.
Isla sanadkaasi markii uu inqilaabku dhacay kama uusan mid noqon wasiirradii
la xiray.
Sanad ka dib 1970-kii waxaa loo magacaabay agaasimaha madbacadda gobollada
waqooyi galbeed.
1975-tii waxaa loo magacaabay agaasimaha waaxda ganacsiga ee madbacadda
qaranka ee xamar.
1978-dii waxaa loo magacaabay ku xigeenka maareeyaha madbacadda qaranka ilaa
iyo burburkii dhacay ayuu xilkaasi hayay isagoo welibana ahaa agaasimihii
waaxda ganacsiga.
1991-dii -1992-dii markii ay burburtay dowladdii dhexe wuxuuka mid noqday
guddiyadii ururka SSDF-ta ee gobolka Mudug.
Wuxuu ka mid ahaa dadkii markii C/laahi Yuusuf raacsanaa xiligii uu
gudoomiyaha SSDF ahaa ayna isu raaceen magaalada Muqdisho iyo weliba dalka
Itoobiya.
1993-dii wuxuu kamid noqday ergadii ka qayb qaadatay shirkii dib u
heshiisiinta Mudug ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.
1996-dii golihii dhexe ee SSDF isagoo gudoomiye ka ahaa golihii hanti
dhowrka ee SSDF.
1998-dii wuxuu ka mid noqday aas aasayaashii dhismaha dowlad goboleedka
Puntland, xilkii ugu horreeyay ee loo magacaabay wuxuu ahaa wasiirka
maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland wuxuuna xilkaasi hayay ilaa bishii
June 2003-dii.
Isla sanadkaasi 2003-da waxaa loo dhiibay xilka wasaaradda caafimaadka.
Wax xil ah ma uusan qaban marxuumka ka dib markii madaxweynaha Puntland loo
doortay Jeneraal Maxamuud Muuse Xirsi.
Mudooyinkii ugu dambeeyay marxuum Siciid Maxamed Maxamuud Siciid Caduur
xaaladiisii caafimaad waxay ahayd mid aad u liidatay. Wuxuuna dhowr jeer uu
safar caafimaad u tegay magaalada Nairobi.
Marxuumka wuxuu lahaa hal xaas oo lagu magacaabo Cibaado Dhaadey Magan, wax
caruur ahna ifka uguma tegin.