SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
"ISBAHAYSIGA  - ARGAGGIXISADA"


ISBAHAYSIGA LA DAGAALANKA ISLAAMKU MUXUU KU QEEXAY ARGAGIXISADA UU LA DAGAALAMAYO 

Mohamed A. Ileeye
ileeyeadan@yahoo.com

Aden yemen.

Baryahan danbe waxaa luqada saxaafada iyo siyaasadda ku soo kordhayay ereyo badan oo saacaddii kastaba mid ama labo dhagahaagu maqlayaan, lana diiday in loo sameeyo  qeex laysla ogolyahay (si qofwaliba ugu fasirto waxa uu rabo). Ereyadaasi waxaa ka mid ah : Argagixiso, xuquuqal insaan, xuquuqda haweenka, diimoqraadiyada, xoriyada saxaafada, …………. Iwm.

 Haddaba haddaan ereyadaasi mid-mid u soo qaadano anan ku horayno maanta  kalmada  Argagixiso. 

MAXAY TAHAY ARGAGIXISO? 

Sidaan sheegnay kalmadda argagixiso waxay ka mid tahay ereyada aan loo samayn qeex laysku waafaqsan yahay, laakiin haddaan ka baadhno qaamuusyada jira hadda waxaan helaynaa sidatan: 

1-     Qaamuuska reer galbeedka 

Haddaan kalmada argagixiso ka baadhno qaamuuska reer galbeedka(gaalada guud ahaan) waxaan helaynaa in ereyga argagixiso macnihiisu yahay MUSLIMKA , qof kastoo muslim ahina agtooda waa ka argagixiso ay waajib tahay in lala dagaalamaa. Laakiin haddana argagixisadu(muslimiintu) waxay ugu jirtaa liis dheer oo kala horeeya.

Markaa haddii uu liiska ugu horeeyo hebel hebel oo mujaahid ah uuna ugu danbeeyo hebel hebel oo hogaamiye wadan ama kooxeed ah oo magac muslim leh dadka kale oo dhammi waxay u dhaxeeyaan labadaas, qofwalibana waxa uu ku leeyahay liiskaas nambar( roll number) . Markaas mar haddii aad muslim tahay waad ku jirtaa liiskaas laakiin waxaad is waydiisaa uun  roll numberkaagu waa imisa?  Ma xagga horaad kaga jirtaa liiska mise  xagga ugu danbaysa? Haddaad doonayso inaad ogaato lambarkaagana waxaad eegtaa uun sida uu yahay ku dahqankaaga diintu  mar kasta oo ay badato ku toosnaantaada diinta islaamku waxaad u durkaysaa liiskaa (irhaabka) xagiisa hore, markasta oo iltisaamkaagu daciifana waxaad ka galaysaa lamber hoose.

Kaasi waa qaamuuska reer galbeedka iyo ereyga argagixiso. 

2-     qaamuuska calmaaniyiinta. 

 Nimanka calmaaniyiinta ah ee u taliya inta badan caalamka carabta iyo islaamka ee manta jira  iyagu waxay u yaqaanaan Argagixisada cidii ka horjeeda maamulkooda qaloocan ayna ku arkaan inuu tukado ha lahaado fakir islaami ah ama qowmi ah ama waxii uu doonabee. 

3-     qaamuuska  isbahaysiga dayniile: 

Isbahaysiga dhawaan ku shiray dagaanka dayniile isagu waxa uu la yimid wax lama maqal ah, waxa uu sheegay in uu la dagaalamayo oo uu ku duulayo argagixisada, waxayna dhammaan dadka soomaaliyeed iswaydiinayeen xagay joogtaa argagixisadaasi, laakiin waxaa la yaab noqotay in ay dagaal ku qaadeen masaajidadii muqdisho iyo malcaamadihii(dugsiyadii quraanka)muqdisho iyo maxkamadihii muqdisho xamastii iyo ciyaalkii muqdisho.

Qaamuuskaasina waxa uu ku qeexay irhaabka inuu yahay dugsiyada quraanka ee xamar , masaajidada xamar, iyo maxaakimta xamar. Cidii ugu horaysay ee ku waafaqday qeexdaasina waxay noqotay dawlada Ethiopia oo la yaqaano waxa ay tahay.

Haddaba waxay iswaydiintu tahay shacabka reer muqdisho iyo shacabwaynaha soomaaliyeed oo lagu yaqaano inuu diintiisa aad ugu dhaggan yahay, boqol sano wax ku dhaw oo uu gumaysigu isku dayay inuu diintooda ka leexiyana uu kari waayay  ilaa uu ka quustay, hadda ma ka yeelayaan dagaal oogayaasha gaaladu ku soo siisay mashaariicda inay uga tanaasulaan diintooda, masaajiidooda, dugsiyadooda quraanka iyo maxaakimtooda??. Mase ka rumaysanayaan jaahiliintaas in ay xamar ka jiraan diimo samaawi ah oo kala duwan oo la kala yiraahdo: Shaaficiya, xambaliya,…iwm?.

Mise waxay marin doonaan halkii uu gumaysigii horaba maray, waxayana qaadsiin doonaan quustii uu qaaday macalinkoodii gumaysigu? Taasi waa tu looga fadhiyo shacabkeena muslimka ah. 

Mohamed A. Ileeye
ileeyeadan@yahoo.com
Aden yemen.

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2006


 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARARKA SAWIR GACMEEDYADA
:::MAGACA ARGAGGIXISADA:::

Qaybtii 2aad: Soomaaliya iyo Gabbaad Ka Dhigashada Magaca Argaggixisada!!
Qaybtan waxay ku saabsan tahay: Yaa gabbaad ka dhiganaya Magaca Argaggixisada? Guji..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD