SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
"ISBAHAYSIGA  - ARGAGGIXISADA"


Caaqilada Dagaalka( War Lords) iyo Maxaakinta Islaamka Keebaa ii Roon?

Tan iyo maalintii la riday xukunkii Siyaad Barre oo laga joogo in ka badan 15 sano, waxaan dhexqotomay oo waayo aragnimo igu filan ka hayaa xaaladda magaalada Muqdisho oo ay yarayd muddadaas inaan arko 6 bilood oo isku xigta oo nabada. Waxaan ku dhex jirnay 15kaas sano dagaal aan dhammaad lahayn oo ku sallaysan damac siyaasadeed oo gaara laguna dhexwado guubaabo qabiil. Sanadba sanadka ka dambeeya waxaa soo baxayay horseede dagaal cusub oo ku soo caan baxa dhiigga ummadda soomaaliyeed, kasoo bilow Cali Mahdi Iyo Gen. Caydiid ku keen Dagaal oogayaasha sanadkan soo caan baxay ee uu ugu dambeeyay cabdiwaal.

 
Sidaasoo tahay haddana waxaa dhanka kale barbar socday, dad aad u fiican oo usoo jeestay inay wanaagga iyo horumarinta dadkaas dagaalka lagu harqiyay wax u qabtaan, waxay sameeyeen meel walba waxbarasho haqab la'aanna, waxay hirgaliyeen in dhalinta ay ku wacyi geliyaan inay ka waantoobaan dagaaalka qabaliga ku dhisan ee ay Caaqilada dagaaladu hagayaan, waxay kasoo horjeesteen Daroogada iyo mukhaadaraadka dalka fasahaadinaya ee uu ugu horeeyo Qaadka oo dagaal oogayaasha halboowle u ah jiritaankooda xag dhaqaale iyo mid dullayn mooryaanta u dagaalanta. Dadkaas wanaagga u soo jeestay waxay ummaddaas kala danbayn la'aantu dilootay intii karaankooda ah u sameeyeen caddaalad kala hagta oo ka caagan eex iyo laaluush, waxay sameeyeen gargaar aan lasoo koobi karin oo ay intii wax haysata ku boorinayeen inay u gargaaraan kuwa dan yarta ah ee dabku ka bakhtiisan yahay.
Haddaba Caaqilada dagaalka oo ku caana maala xabaalo badiska ummadda, waxaa cadowgooda kowaad noqday dadka wanaagsan ee xarigga illaahay qabsaday. Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo yaraanayay wiilashii ay qaldayeen ee ay daroogada quudka uga dhigeen, waxaa sii liicaysay magacii qabiileed ay dadka ku beerlaxawsanyeen, waxaa soo kobcay oo meel walba harqiyay waxbarasho nuuraysa oo mugdigii Caaqiladii dagaalka looga raystay; waxaa meel walba halqabsigeedii noqday "Qoriga keen Qalinka qaado" oo ah sunta disha Caaqilada dagaalka.
 
Wixii xun Xumaan baa u sugnaatay; Wixii wanaagsanna wanaag baa u sugnaatay, meel ma wada galaan labadaas, sidaas awgeed Caaqilada dagaalku wanaag aragiis waxuu u yahay doorshaan cadar lagu daadshay iyaga iyo culimada maxaakiintuna isma arki karaan. Caaqilada Dagaalka muddooyinkaan waxaa sahankoodu u ahaa habkii ay ummadda u jeesatay wanaagga ugu soo celin lahaayeen xayndaabkoodii dulliga iyo dagaalka joogtada ah, waxaana shiishku u qabtay tikidka cusub ee la magac baxay 'Argagixiso'. Waa tikidka ay u arkeen kii u bedeli lahaa beerlaxawsigii qabiiliga oo hadda waqtigiiisii dhacay.
 
WaaTikidka isku keenay oo walaalo ka dhigay Qanyare, Bashiir Raage, Muuse Suudi, Ilqayte, Finish,Cabdiwaal iyo Maxamed Dheere oo hore dab iyo dhagax u ahaa. Waa tigidhka jiheeyay in maanta Melez Zenewi Cadale uu qaato dekadna ka samaysto, kuna darsado kuwii hore ee Berbera iyo Boosaaso. Waa tigidhka maanta xiray in ka badan 15 iskuul oo ku teedsan nawaaxiga dagaalku ka socdo. Waa Tigidhka baro kiciyay dad ka badan 3000 qoys oo maato u badan kuna tabaalaysan darbiyada xaafadaha ka fog dagaalka. Ma argagixiso aan dagaal ooge ahayn baa jira. Goormaa macalimiintii ubadka wax baraysay, culimadii xaqa iyo baadilka kala sheegaysay noqdeen dillaa iyo argagixiye. Goormaa Muuse iyo Qanyare noqdeen u hiisha maatada Muqdisho oo ay ka badbaadinayaan Argagixiso aan mooryaantooda ahayn. Goormay Maxaakiintu wax ii dhimmeem sow ma aha goortaan dacwo qabo meeshaan u ciirsi tagi jiray. Maxaakiintu sow kuwa fusuqa iyo xaaraanta la dagaala ma ahan halka dagaal oogayaasha lagu kobciyo intii illaah xaaraameeyay.
 
Argagixiso aan ahayn Caaqilada dagaalka Soomaaliya ma joogto. Argagixiso waxaa ah mooryaanta dagaal oogayaasha caruurta dugsiyada noo aada ku harqinay hoobiyaasha, ee Scape goatka uu soo dhiibay Meles Senaawi ayaan umadda lagu ciribtirin.
 
 
Cabdi Xasan / Muqdisho
abdi172@hotmail.com

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2006


 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARARKA SAWIR GACMEEDYADA
:::MAGACA ARGAGGIXISADA:::

Qaybtii 2aad: Soomaaliya iyo Gabbaad Ka Dhigashada Magaca Argaggixisada!!
Qaybtan waxay ku saabsan tahay: Yaa gabbaad ka dhiganaya Magaca Argaggixisada? Guji..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD