Waxgarad ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee
Minnesota oo si wada jir ah u soo saaray Bayaan
[resolution]
Galabtii Axadda ee February 19, 2006
waxaa xarunta Brian Coyle ee
Minnesota isugu yimid xubno ka tirsan bulshada
Soomaaliyeed ee Miinesota kuwaas oo si wada jir ah baaq u soo wada saaray
Baaqa ama bayaanka ay soo saareen waakan:
1) Waxaan taageersanahay Heshiiskii Cadan
2) Waxaan taageersanahay heshiiskii Gaalkacyo
3) Inuu baalamaanka Soomaaliyeed ku shiro
dalka guduhiisa (Baydhabo)
4) In loo gurmado waxtarka dadka Soomaaliyeed
ee abaaraha ku tabaaloobay ee sida badan u dhimanaya.
5) In si dhaqso ah loo joojiyo colaadaha
sokeeye iyo dhiiga walaalaha daadintiisa
6) In la ixtiraamo diinta islaamka, dhaqanka
iyo afka soomaaliyeed iyo weliba culimada Soomaaliyeed
Waxaa kale oo aad looga hadlay shirka xaaladda
abaaraha ee dadkeenu ku habsatay iyo sida ay u liitaan.
Xogwaranka laga bixiyey goobta ayaa waxaa ka mid ahaa in dad badani oo
Soomaali ah ay kaadidooda cabaan.
Waxgaradka meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa
1) Mahdi Haile - Gudoomiyaha Somali Solution
Center
2) Abdirashid Haile – Gudoomiyaha Ardada
Soomaaliyeed ee Minnesota – MSSU
3) Maxamed Xaaji Xuseen – Gudoomiyaha Banadir
Community isla maraana ah madaxa Somali Unity Council of Minnesota
4) Amina Costelo oo ah Gudoomiyaha Somali
Civil War Survivals of Minnesota
5) Suldaan Ibrow Caliyow
Mudane Mahdi Haile waxaa uu ku tag taagsaday
sida loogu baahan yahay in Soomaalida Minnesota midowga iyo wada jirka ku
dadaasho iyo weliba sidii ay u taageeri lahaayeem dawladda Soomaaliyeed buu
yiri oo ayada khilaafkeedii soo afjartay. Waxgarakan dhamaantood waxay isku
raaceen in loo guntado wixii karaanka ah sida loo tari lahaa dadkaas
dhibaataysan.
Abdirashiid Haile ayaa yiri “ Horta annaga
Minnesota joognaa waa in aan heshiinaa oo wada shaqaynaa sidaas ayaan
dadkeena wax ku tari karnaa”.
Maxamed Xuseen ayaa ku adkaystay in adeega
guud aanan looga maarmin dawlad. Ilaa dawlad laga helo ammaanka iyo
gargaarka abaaraha iyo adeegga guud ayaan dawlad uga baahanahay.
Aamino ayaa ayada aad ugu dheeraatay calool
xumida aqbaarta dadkeenii laga soo sheegayo. Marka laga reebo dad iyo
duunyo inta le’atay iyo inta kaadidooda cabta ayaa marqaati ka ah dhibta
meesha ka jirtaa iyo weliba sida ay u xasuusato abaartii 1992 - Bay.
Suldaan Saalim Caliyow ayaa ayaa ka
sheekeeyey in abaartii dabo dheer uu madax ka ahaa Gaalkacyo halkaas oo uu
dadka iyo xoolahooda dayuurado soo saari jirey. Gurigayga ayaa lagu soo
dejin jirey ayuu yiri taasina waxaa noo suurto gelisay waxay ahayd waa
dawladdii jirtay maanta dadkaan ilaah ayaa u maqan ayuu ku soo koobay
hadalkiisii.
Waxaa iska goobta laga ururiyey lacag waxaana
loo balamay in aan lacag ururin masaajidada lagu koobin ee la qabto xafaldo
badan oo lacag lagu uruuriyo.
Maxamuud Nuur Wardheere
Minnesota, USA
WARARKA FEB
20, 2006
-
Wararkii
ugu dambeeyay dagaalkii ka socday deegaanka Kuliyada Jaalle Siyaad...
-
C/llaahi
Yuusuf iyo Geedi oo ku gacan sayrey codsi kaga Yimid Shariifka..
-
Golaha
midnimada iyo badbaada oo si kulul u cambaareeyey Isbahaysiga..
-
Dowladda
Itoobiya oo soo dhaweysey Isbahaysiga looga dhawaaqey
-
Maamulka
Gedo oo beeniyay in Hayadda Muslin Ifriiqiya aya Xarumo....
-
Maxkamadaha Islaamkiga ah oo iska fogeeyay Eedeyno ka yimid..
-
Masjidka
Shiikh Cali Suufi oo ay ka bilaabatayis qorista Dadka doonaya in ay Jihaadka
-
Garoonka Diyaaradaha ee
Deyniile oo aysan shaley ka soo deign wax Diyaarad ah
-
BAAQ NABADEED ka soo
baxay
Culimmadda ku dhaqan gobolada Puntland
-
Soomaalida magaalada
Stockholm oo Tacsi u diray Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac
-
Ciyaarihii Qaboobaha
Soomaalida oo Bari ka bilaabanaya Finland.
-
WARARKA OO DHAN AKHRI HALKAN... GUJI
Faafin: SomaliTalk.com Feb 20, 2006 |