SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Khariidadii "Xildhibanada" - BEEN AAN RUN U EKAYN

xariiri

Cabdiraxmaan Xariri –

Saudi Arabia

xariri@hotmail.com


"Sadex xildhibaan oo Muqdisho ku sugan ayaa soo bandhigay  khariidad cusub oo ay si qarsoodi ah uga heleen xafiiska raisal wasaaraha Soomaaliya Cali maxamed Geedi," sadexda nin idinkuma cusba waa nimankii qabqablyaasha durbaanka u sidi jirey ee is muujin jirey ee markasta jeclaa inay kasbadaan raali noqoshada dagaal ooga-yaasha….."Subxaanal muqayiral axwal" 

Xiligan hogaamiye-yaashoodi hore gabalkoodii baa dhacay, wadaado cimaamado sita ayaa circa ku dubtey, maantase xilka ay hayaan ee "xildhibaan nimadu" (haday sax tahay in loogu yeedhaa) suuq kale ayuu yeeshay, cid kaloo oo gadanysa ayaa soo baxday waa midowga maxkamadaha ….markaa walaalayaal hala yaabina haday alifaan xirfado cusub oo kalsooni kasbasho ah oo ay inakaga yaabiyaan goor kasta 

Markaan u soo noqdo tii ugu dambaysey ee uguna weyneyd ee ahayd Maab cusub oo Soomaaliya Itoobiya lagu daray oo ay saxaafada tuseen, waxaan aad uga murugoodey heerka aqooneed iyo farsamo ee nimanka xildhibaanada sheeganaya ay leeyihiin iyo sida ayan wax fikrad ah uga haysteen meesha Soomaalidu manta marayso iyo in wiil Soomaali ah oo 18 jir ka yiri oo gurigii aabihii joogaa uu samayn karo ka ay soo sameeyeen ee ay qaranka u soo bandhigeen mid ka quruxbadan kana macquulsan. (Ka ay sameeyeen marka la eego "fonts" iyo midabka magacuba waa ka duwan yahay ka runta ah, wayna iska muuqataa in uu yahay wax la dhoodhoobay…."Fake and fabricated"  

Hadaba anigoo in kooban ka aqaan kumbuyuutarka aan haysana barnaamij Photoshop ah ayaan anigoo isticmaalayaa "Normal Photo editor" sameeyey mid kooda u dhigma ama ka wanaagsanba bal ila eega……!!!

 

Anigoon hadaba u doodayn Itoobiya meeshan aan ka saarayn in dowlada waliba tay ka itaalka roon tahay dano ka yeelan karto hadana in Soomaaliya oo iska dhan Itoobiya lagu daraa waa cirkoo caad laga waayey, waa qoraxdoo soo bixi weydey, waa beledweyne baar kuma taal. 

Nimakan xildhibaanda sheeganayana waxaan leeyahay hadaad been sheegaysaan mid run u eg sheega, Ixtiraama caqliga bulsha weynta soomaaliyeed kana xaal mariya  inaad sida wax ma garatada wax ugu sheegteen….hadii kale…!!! 

Walaahu aclam 

Cabdirxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2006

dfkmgXildhibaannada Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad  Muujinaysa
in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay. Waxana ay xildhibaanadu cambaareeyeen Qaraarkii UN ee...
Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD