
SIDEE
DOWLADA FADARAALKA KMG SOMALIYEED LOOGU SOO DHAWEEYEY
DEEGAALANADA AFGOOYE IYO MUQDISHO
Raiisalwasaaraha DFKMG prof. Cali
Maxamed Geedi , ku xigeenkiisa injiner xusen maxamed farax
caydiid , mowliid macaaane maxamuud , cisman cilmi boqore
iyo mas.uuliyiin kale ayaa laba diyaaradood helikopter ah
uga degay xerada tababarka ee carbiska degmada af-gooye oo
30 km u jirta magaalada muqdisho.
Dhinaca dhulka ayaa iyagana
waxaa soo maray wafdi uu hogaaminayo maxamed cumar xabeeb (maxamed
dheere) oo ka soo galay xalay dhanka jowhar isaga oo ay
wejigiisa farxadi ka muuqato wuxuuna la dhexmaray dadkii
halkaa isagu soo baxay marxabayn ,kaftan, iyo qoor isdhaafsi
isaga oo dadka qaarna dhabanada ka dhunkanayey.
Wasiirka Arrimaha Guddaha DFKS
Xuseen Maxamed Caydiid oo ka mid ahaa wafuuda uu
hogaaminayaan raiisalwasaare Dowlada fadaraalka KMG ah ayaa
waxaa uu la hadlay uguhoreyntii dadka deegaanka iyo marti
sharaftii ka soo qeyb gashay soo dhaweynta wafdiga dowlaha
wuxuuna u soo gudbiyey salaan uu ka siday madaxweynaha
jamhuuriyada fadaraalka KMG wuxuuna sheegay in maanata wixii
ka bilowda ay dowladu gfaaridoonto meel walbo oo dalka ka
mid ah
Oday-dhaqameedyo, aqoonyahano,
Ururada Bulshada Rayidka ah, iyo wax-garad Soomaaliyeed oo
kasoo jeeda magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii ku
sii qul-qulayay Beerta Sheekh Saaid binu suldaan ala nahyaan
, halkaas oo ay xalay lagu qabtey shir balaaran oo looga
arrinsanayo sida ugu haboon oo ay dowlada Federaalka
Soomaaliya ay uga howlgali lahayd magaalada Muqdisho.
Raiisal wasaaraha dowlada
fadaraalka KMG ag ee somaliya ayaa halkaa ka sheegay in ay
dowladii soo degtey muqdisho kana howgelidoonto meel walbo
wuxuuna sidoo kale shaaca ka qaaday gobo cayiman oo dowladu
dooneyso in hubka ku jira gacmaha dadweynaha la isuugu geeyo
,
Intii aan wadada ku sii jirnay
ayaan waxaan halkaa ku aragnay Ciidamo aad u tiro badan oo
katirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa
malateriga Ethiopia Dowlada Kaalmeynaya ayaa ahaa kuwo si
rahanrahan ah u tuban hareeraha wadada Carbiska , halkaas oo
ay fariisin ka dhiganayaan ilaa iyo inta amar ka helayaan
madaxda Sar-sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya si ay u
sugaan amaanka Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Cutubyo ka tirsan
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa soo gaaray bartamaha
magaalada Muqdisho waxeyna fadhiisimo ka samaysteen dekeda
caalamiga ah iyo irporka waxaana ciidamadan oo si isdaba
joog ah ugu soo qulqulaya magaalada Muqdisho la sheegay inay
tegi doonaan goobo baro kontroolo ah oo ay leedahay
Dowladdii hore ee Soomaaliya.

Dadweyne iskood isugu soo
baxay oo ku dhaqan hareeraha magaalada Muqdisho, kuwaasoo
xamaasadeysan isla markaana caleemo qoyan ku soo dhoweynaya
imaatinka ciidamadaasi ayaa ku teedsan hareeraha waddooyinka
u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdisho, dhinaca kalena safkii ugu
dheeraa ka galay hareeraha wadada u dhaxeysa Suuqa Dermoole
iyo magaalada Muqdisho oo xigta dhinaca Degmada Balcad.
Ciidamadan sida degdeg leh ugu
soo qulqulaya magaalada Muqdisho ayaa ka dambeysay kadib
markii Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu daqiiqado
kahor qalabka Warbaahinta ka sheegay inay si degdeg ah u
galaan ciidamada Dowladda gudaha magaalada Muqdisho si ay
uga hor tagaan inuu faraha ka baxo amnigii magaalada
Muqdisho.

Madaxda la socotey wafdiga
raiisalwasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa raiisal wasaare ku
xigeenka kowaad ahna wasiirka arimaha gudaha injineer xuseen
maxamed faarax ceydiid , Raiisalwasaare ku xigeenka labaad
cismaan cilmi boqore , wasiirka isportiga mudane mowliid
mcaane maxamud ,taliyaha ciidanka boliska somaliyeed
janaraal cali madoobe iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa
maxamed cumar xabeeb maxamed dheere oo isagu baabuur kaga
soo galay dhanka jowhar maqribnimadii.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 29, 2006


|