SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Godinyahay ima Gooyseyn Haddaan Gabalkey kugu daabneyn

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


25-ka bishan December waa maalin taariikhda gashay waayo waa markii ugu horeysay oo diyaarad ay leedahay Itoobiya ay weerarto Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonkeeda Diyaaradaha, iyadoo diyaaradihii xabashida ee Duqeynayey sideetameeyadii gobalo ka mid ah Soomaliya aysan marnaba soo haweysayn Garoomada Muqdisho iyo waliba Balidooge, haddaba su’aasha isweydinta mudani waxay tahay diyaaradahaasi ma yihiin kuwo ka soo duulay Itoobiya oo soo jaray masaafadaasi, taasna waa mid caqliga diidayo, waxayna dad khibrad u leh dhinaca diyaaradaha dagaalka ay sheegeen in diyaaradahaasi ay ka soo duuleen garoomo ka mid ah dalka Soomaaliya oo markii hore loo dhisay in laga difaaco dalka, haddaba cinwaankeena ah (Godinyahay ima gooseyn haddaan gabalkey kugu daabneyn) sow noqon maayo wax jira, walow ay Soomalidu horey u tiriba.

Ciidamada Itoobiya oo la dhihi karo waxaa looga adkaaday dhinaca dhulka ayaa haatan waxay ciirsi bideen dhinaca cirka, waxaana ayaandaro ah in diyaaro xabashi ay maanta ka soo duulaan garoomo xabashi oo lagu duqeeyo ama lagu burburiyo deegaano kale oo Soomaliyeed, waxaana la dhihi karaa waxaa arrintaani u fududeeyey dad soomaaliyeed, waxaase xaqiiqo ah in itoobiya aysan kala jeclayn ummadda Soomaaliyeed oo ay ka mideysan tahay burburka ummadda Soomaaliyeec.

Anigoo sideetameeyadii ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa diyaaradaha xabashidu waxay duqeeyeen afar jeer oo ay dhibaato ugu geysteen, maanta isma dhaheyn in 26-sano kaddib diyaaradaha xabashidu igu duqeeyaan Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Ummadda Soomaaliyeed oo si aad ah uga fog Garoomada Diyaaradaha ee Xabashida, waayo dal walba waxa uu caasimad ka dhigtaa xuduuda uu dal la leeyahay meel ka fog, waayo diyaaradaheena Soomaaliya ee xilgii Dowladda ma gaari jirin Magalada Adis-Ababa, hase yeeshe waxaa maanta arrintaani fududeeyey dad Soomaaliyeed, taariikhda ayaana qori doonta.

Hogaamiye kasta oo Soomaaliyeed marka Dowladda Itoobiya ay ku daneysato aaqiritaankii waxaa la ogsoon yahay in aysan guul u dambeyn.

1996-dii ayaa mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliyeed waxa uu gobalka Gedo soo geliyey ciidamo Itoobiyaan ah oo burburiyey dhamaan magaalooyinkii ku yiilay gobalkaasi, markii hogaamiyihaasi laga gaaray dantii laga lahaa, ayaa waxaa lagu wargeliyey in uu dalka isaga cararo, waxaa booskiisii la geliyey mid kale oo isna lagu daneystay markii dambe.

C/llaahi Yuusuf oo ah madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya wareysi uu horey u bixiyey ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko dowladda Itoobiya, maadaama ay si aad ah isugu dhawaayeen, waxa uuna yiri waxaad og tihiin in Ciidamada Itoobiya aan dharbaaxo ku dhifanay 1977-dii, kaddib markii C/llaahi waxa uu cararay dalka itoobiya markii uu ka fakaday inqilaab dhicisoobay, dowladda itoobiya waa ogeyd in uu ahaa saraakiishii ka qayb-qaadatay dagaalkii 77 xabsiga ayay dhigtay oo waxa uu soo liqay lix sano, waxa uuna kaga faa’iideystay isbedelkii ku yimid dowladda Itoobiya ee 1991-dii oo uu xukunka ku qabsaday Miles Zenawi, waagaas Miles Zinawi waxa uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu ka mucaaridi jiray dowladdi Mingiste, hase yeeshee Miles Zinawi abaalkaasi waa uu ilaabay, waana midda keentay in maanta uu u soo qalab qaato burburka ummadda Soomaaliyeed, waxayna Soomaalidu tiraahdaa xaq feerihuu ka dilaacaa, nabsiga Miles Zinawi waq uu ahaadaba waa uu ka soo bixi doonnaa.

Nin Mareykan ah oo khabiir ku ah arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu yiri Ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay Soomaaliya waa mid soo dedejin doonta burburka Dalka Itoobiya haddii aanu caqliga talin, waxaa kaloo sheegay in Soomaaliya ay burburtay 1991-dii, isagoo sheegay in dalka labaad ee ku xiga Soomaaliya uu noqon doono Dalka Itoobiya, waayo waxaa dalkaasi ku nool qowmiyado fara badan oo si weyn uga soo horjeed taliska Miles Zinawi kuwaas oo kala kulma dhibaatooyin fara badan, isku soo wada duuboo Godinyahay ima Gooyseyn haddaan gabalkey kugu daabney, Xalaal-Caleyk Soomaaliya maanta soo horkaceys Itoobiya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Tartanka Dhinaca Saxaafadda ee Xubnaha Maxkamadaha:

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2006


YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA

Akhri HALKAN....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD