SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...

Dawaare
Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara


Yurub: Buugga Barashada Waditaanka Baabuurta


Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006: Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
Degaanka Maxalliga iyo Wadaagga Batroolka:
Qaybtii 2aad: Halganka loogu jiro lahaanshada iyo xeer u samaynta batroolka adduunka.... Akhri...

»»»»Qaybta: 1aad | 2aad
cabdirisaqSweden: Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed: Waxaa diyaariyey  macallin Soomaaliyeed Akhri..
Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri
Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim









BBC-da Af-Soomaaliga oo Isticmaasha Weedhaha: Dagaalka u dhexeeya Maxaakiimta iyo DFKM; Halka Caalamku ka isticmaalo Dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Maxaakiimta Soomaaliyeed
Waxaa la yaab noqotay markii labadii maalmood ee dagaalka culusi u dhexeeyeen Maxaakiimta Somaaliyeed iyo ciidamada Itoobiya ee difaacaya dawladda taagta darran ee ku sugan magaalada Baydhabo ay Laanta afka Soomaaliga ee British Broadcasting Corporation ka leexisay jihadii dagaalka ayadoo u dhigtay mid u dhexeeya Maxaakiimta iyo Dawladda Baydhabo. Dad badan ayay kaga yaabisay halka ay sartu ka qudhuntay oo dadka yaqaanna luqadaha kale sida Ingiriiska iyo Carabiga laamaha kale ee British Broadcasting Corporation, waxay ogaadeen in qolyaha fadhiya Istuudiyaha Bush house laanta Soomaaliga ay ka leexiyeen sidii dhabta ahayd oo ay sameeyeen riwaayd odhanaysa waxaa dagaalamaya Dawladda iyo Maxaakiimta.
 
Beentii Qarnigii 20aad: Naago isku Guursadey Boosaaso

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso

2001: Beentii BBC-du ka sheegtay Gaagaab....
 

2002: BBC-da Afrikada Bari oo SomaliTalk Soo Gaarsiisey Qoraal | Catoosh 

2002: BBC-DA, SOMALITALK IYO WARAQADII CATOOSH

2002: Qoraalka uu Somalitalk u soo diray Cabdirizaq Atosh


 "
Ingiriisku waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga."
Yusuf Garaad
Haddaba si aad u ogaataan xaglinta ay British Broadcasting Corporation laanteeda Af Soomaaiga u Xaglinayso qolyaha Baydhabo maalmahan waxaan idiin soo min guurin labo qoraal oo isku mid ah oo markii hore ku soo baxay af-Ingiriisi qolyaha Istuudiyaha jooga ee ay ka mid yihiin Siciid Cali Muuse, Catoosh iyo waliba Yoonis Cali Nuur ay u bedeleen af soomali oo meeshii ahayd ciidamada Itoobiya oo la dagaalamaya Maxaakiimta Soomaaliya u bedelay una turjumay ciidamda dawladda oo la dagaalmaya kuwa Maxaakiimta Soomaaliyeed.
 
Waxaa dhammaan dadka afsoomaaliga ku hadla ka yaabisay sida raqiiska ah ee loo dhigay dagaalka adduunkoo dhan la leeyahay wuxuu u dhexeeyaa Soomaali iyo Itoobiyaan oo koox isbiirsatay oo joogta London sida Siciid Cali Muuse, Catoosh iyo Yoonis Cali Nuur u bedeleen kuna shaabadeeyeen dagaalka mid u dhexxeeya Maxaakiimta iyo TFGda Baydhabo.
 
Hadaba si aad u yaqiinsatid in la mara habaabiyay wajigii dagaalka eeg sida ninka aan soomaaliga ahayn ee caddaanka ah uu markii hore u dhigay dagalka dhabtiisa xaqiiqda ah iyo sida loo bedelay oo turjumaanimadii xitaa lagu qalday sadaro gooniya. Haddaba waxay noqon doonta Markhaati cad oo lagu dacwayn karo qolyaha kor ku xusan ee ka tirsan British Broadcasting Corporation laanteeda Soomaaliga oo maalmahan caddaysatid cadaawadda ay u qabto Soomaalida qaatay diinta Muqadiska ah iskan xoortay dhaqankii baadilka ee ku tiirsnaa eexda qabyaaladda iyo dulmiga. Cadaawadda ay kooxda Afsoomaaliga ee BBCdu u hayso ummadda soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay duliga uu geeska afrika ka wado kaliye taliya Meles Senawi marna uma jilcayso si kastoo looga hiiliyo
 
Waxaa yaab ahayd markii Siciid Cali Muuse uu waydiinaya xaggee joogaan Ciidamada Itoobiya ee aad sheegayso Sh. Yuusuf Indhacadaw? Agtiisa amase aan idhaahdee Compiyuutrkiisa  websitka British Broadcasting Corporation World Service waxaa ku sawiran mapka halka ay itoobiyaanku ku sigan yihiin carada Itoobiya.

Ummadda Soomaaliya nasiib darada haysta waxaa ka mida lama waayo kuwa danaystayaal ah oo ka raaca cadawoga Somaaliyeed una hiiliya kuwa soo gardaraystay.

Akhri labada qoraal oo midn aay qortay shabakada British Broadcasting Corporation World Service, iyo tarjumada ay samaysay laanta Af Soomaaliga.


Somalis 'at war' with Ethiopia

A Somali government soldier on patrol in Baidoa
The government is getting military help from Ethiopia
The leader of the Union of Islamic Courts, which controls the capital and much of southern Somalia, says they are in a state of war with Ethiopia.

"All Somalis should take part in this struggle against Ethiopia," Sheikh Hassan Dahir Aweys said from Mogadishu.

Fresh heavy fighting is reported near the weak Somali government's Baidoa base, amid fears conflict could plunge the entire Horn of Africa into crisis.

Local residents say Ethiopian troops are clashing with Islamist militias.(Hoos markaad eegtid waxaad ogaanaysaa in laga tagay oo loo bedelay dagaal u dhexeeya soomaali halka dadkii goob joogayaasha ah sidaas kor ku qoran sheegayaan------ wali maku haysaa wariyahooda jooga Baydhabo oo sheegay dhaawacyada iyo maydadka lagu daadguraynayo Helikobtarada) 

Ethiopia denies its forces are battling the advancing Islamist militias.

If you cannot fight you can contribute in other ways to the effort
 
Sheikh Hassan Dahir Aweys
UIC leader

The two countries have a long history of troubled relations, and Islamists have long called for a holy war against Ethiopian troops in Baidoa.

Both the Islamist and interim government agreed to a ceasefire and to unconditional talks on Wednesday after meetings with a visiting European Union envoy.

But there has been no let up on the ground, with heavy artillery and mortar fire heard in Daynunay, some 20 km (12 miles) from Baidoa where the government has a military base.

Local media report bodies strewn along streets. Both sides claim to have killed and wounded dozens of fighters.

Talks

Somalia's Deputy Defence Minister Salad Ali Jelle told reporters in Baidoa that 71 Islamic fighters had been killed and 221 injured so far during clashes in three locations.

Louis Michel meets Sheikh Hassan Dahir Aweys, a UIC leader
Louis Michel pressed both sides to resume negotiations

But in Mogadishu, UIC official Sheik Mohamud Ibrahim Suley claimed his fighters had killed 70 fighters, mainly Ethiopian troops.

Neither claim can be independently verified.

As the shelling continued close to Baidoa, Mr Aweys urged all Somalis to take up the struggle against Ethiopia.

"If you cannot fight you can contribute in other ways to the effort," he said.

After talks in Baidoa and Mogadishu on Wednesday, EU envoy Louis Michel announced both parties had agreed to resume efforts to find a negotiated settlement of their differences.

A nine-point memorandum of understanding included agreement to begin talks again without preconditions, he said.

The UIC set aside a demand that Ethiopian troops withdraw from Somalia as a precondition for talks, Mr Michel added, although it remained a major grievance.

Mr Michel has urged both sides to begin talks as soon as possible, at the latest early in January.

Both sides have blamed each other for the fighting.

The UIC has introduced law and order to the capital and much of southern Somalia for the first time in 15 years and denies links to al-Qaeda.

Ethiopia has admitted to having some military trainers in Somalia, but our correspondent says that as he drove to the airport in Baidoa on Wednesday, he was stopped by a huge convoy of Ethiopian military armour.

The United Nations estimates that at least 8,000 Ethiopian troops may be in the country backing the government while regional rival Eritrea has deployed some 2,000 troops in support of the Islamic group.

Source: British Broadcasting Corporation World Service...


Sidaan ayaay u Turjumeen ee ila arag

Aweys: "Ethiopia nala dagaalameysa"
 

Dabley dagaalameysa
Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa labada dhincba gaarey
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo madax u ah Golaha Shuurada ee Maxaakiinta Islaamka oo kooxdiisu ay ka taliso koonfurta Soomaaliya inteeda badana ayaa sheegey in iminka uu socdo dagaal u dhaxeeya Maxaakiinta Islaamka iyo dowladda Ethiopia.

Waxa Shiikh Aweys sheegey in ciidamada Ethiopia ay masuul ka yihiin dagaalada bilaabmey Arbacadii (20kii December 06), oon la ogeyn wakhtiga ay si rasmi ah u dhammaan doonaa.

Dagaalada oo ka socda goobo aad ugu dhow magaalada Baydhaba ee saldhigga u ah dowladdda tabarta daran ee KMG ah ee Soomaaliya, ayaa la sheegayaa iney dad badan ku dhinteen.

Dowladda Etiopia

Dowladda Ethiopia wey beeneysey iney ciidan dagaalama u dirtey Soomaaliya gudaheeda.

Dadka ku dhow dhulka dirirtu ka socoto; oo meelaha qaar Baydhaba u jira wax ka yar 20 KM oo kaliya ayaa sheegey in fiidnimadii Khamiistii uu jirey dagaal teel-teel ah. Madaafiicda dhawaaqoodana laga maqlayo dhmmaan deegaanka ku xeeran dhulkaas.

Hasa ahaatee, wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ayaa sheegaya in Khamiistii uusan halkaas ka dhici dagaal weyn.

Isha: British Broadcasting Corporation Laanta Afka Soomaaiga

###

Waxaa soo ururiyey:
Cabi Xasan | Email: abdi172@hotmail.com | Dec 22, 2006

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


LIFAAQ:

HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA

  • 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi. [1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
  • Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii Soomaaliya. [Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
  • 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho 30-daqiiqo. [1 July 1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur]
  • 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah. [August 26, 2000 waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
  • Sannadka 2002 waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado dheeraad ah eeg: BBC.11:00 | BBC.14:00 | BBC.16:00 | BBC.18:00.[Waxaa soo fool lehaa shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta Soomaalida]

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD