SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Diridhaba oo ku tabarrucay sir Culus !! 

Hadallada ay daku qoraan ama dhahaan waxaa lugu  qiimeeyaa, marka laga reebeo af-tahannimada qofka wax qora ama hadla, ujeddada ama dhambaalka uu qoraagu  ama hadluhu doonayo inuu gaarsiiyo dadka akhrista ama dhegeysta  fikraddiisa. 

Haddaba maqaal aan ka akhriyay Internetka 07/12/2006 (oo aad hoos ku arki doontid), oo uu qoray Maxamed Cabdi Xasan “diridhaba”, qofkii aan dib u raacin qoraalladiisii hore, waxaa ku adkaanaysa inuu fahmo ujeeddada laga lahaa qoraalkaasi. Diridhaba waa nin ay dhab ka tahay inuu Somaliland ku difaaco “wax kasta” isagoo aan u aabayeelin saxnaanta jidka uu u marayo arrintaas. Tusaale waxaa ku filan waxyaabihii ay soo bandhigeen shabakadda Somaliland.org oo u shaqeyn jirey iyo sababihii ay sheegeen inay shaqada uga eryeen halkaan akhriso: www.somalitalk.com/2006/hargeysa/jeel50.html 

Waa la garan karaa waxa waqtigan ku soo beegay qoraalkaas, maadaamma dowladdii uu taageeraha u ahaa ay la tacaalayso codad aan la dhayeelsan karin oo kasoo yeeraya Somaliland dhexdeeda oo dalbanaya in waddanka lugu dhaqo shareecada Islaamka, taasoo had iyo jeer loo sawiro inay tahay taageero loo hayo maxakamadaha Islaamiga ah.  

Waxaa muuqata in saaxiibkeen uu wel-welka ay ka qabaan Maxaakimta la wadaago waddamada deriska qaarkood isagoo u haysta mixnad mar uun dhamaan doonta, sida aan annaguna ugu haysanno kuwa reer galbeedka iyo xabashida  iska gada inay yihiin kabo duug ah oo waqtigii la tuuri lahaa la gaaray! 

Marka dhinac laga fiiriyo  waxaa loo fahmi karaa inuu qoraalkiisu yahay cadaawad shakhsi ah oo kala dhaxaysa Xasan Daahir  isagoo ku marqaati furaya kuna caddaynaya eedaymo uu wax badan iska fogeeyey. Hase yeeshee haddii lugu dabaqo xeerka xisaabeed ee xiriirka dahsoon(Tarnsitivity implication),qoraalku wuxuu si dadban u  caddaynayaa in uu Diridhabe xiriir la lahaa dadka uu Aweys gurigooda ku dhuumanayay. Waxaa hubaal ah in haddii la go’aansado in qoraalkaas lagu ciqaabo Xasan Daahir,  in Diridhabe laftiisa uu raad soo gelayo! 

Dhinaca kale waxaa ka muuqanaysa inuu maqaalku  yahay kicin la mid yahay lafihii faraha badanaa ee lasoo faagay xabaalaha Hargeysa si shacabka Somaliland loo nacsiiyo dowladdii carte! Isagoo Xasan daahir u sameynaya taariikh cusub oo aan horey loo maqal, wuxuuse iska lumiyey fursad qaali ah, markii uu sheegay inuu ciidamada ka tegay dagaalladii gobollada waqooyi ka hor! 

Diridhabe oo lugu yaqiinnay inuu beentiisa aad u qurxiyo waxaa muuqata inuu markaan beentan dambe ka illaaway qurxintii ama “decoration-kii” iyo dharkiiba  oo uu soo daayay iyadoo qaawan oo aan la dayi Karin : “Xasan Daahir Aways Hadalkiisa ku bilaabay "Nimanka reer Waqooyi waxay soomaali ku yahiin sida dirxiga qudhunka gallay haddii inta madaxda u ah aan kurka laga jarin waxaan qabaa inay Soomaaliya ka fogtahay nabad iyo xasilooni""... 

Waxaad mooddaa inay isu dardaarmeen kuwa reer galbeedka iska gada, waxay ku soo celiyaan wixii ay yiraahdaan, tusaale ahaan qofkii ay yiraahdaan waa argagixiso, ayay iyaguna ku sheegaan argagixiso. Qofna kuma daraan qofna kama dhimaan! 

Laakiin Mareykanku Xasan Daahir toos uguma  eedayn inuu ka mid yahay Al-qaadica ee waxay yiraahdaan wuxuu madax u ahaan jirey ururka Al-itixaad oo la aaminsanyahay inuu xiriir la leeyaahy Al-qaadidda. Laakiin Diridhabe wuxuu bixiyey tafaasiil yaab leh taasoo caddaynaysa inuu yahay Alqaacida iyo qeybta uu ka sii yahay Al-qaaciida oo ah inuu ka tirsanyahay “guddiga fulinta”. 

Haddaba taasi waa sir culus!! Oo aysan weli ogaan CIA-da iyo FBI-da mareykanku, oo uu ku tabarrucay Diridhabe. Waxaa isweydiin leh warbixintaas tolow ma u diray Mareynkana? Maadaama uu mudanyahay in loo “loogo” oo uu kashifay sir weyn oo muhiim ah?  

Waxaase laga yaabaa markii uu waayay cid ka hoos qaadda inuu  arki waayay qashin-qub ka habboon web-site yada soomaalida si qoraalka iyo qorihiisu ay ugu sii dhacaan qashin qubka taariikhada!. 

Waxaa iyana xiisa leh inuu qoraalkiisa ku ballan qaaday inuu soo bandhigo dukumiintiyo iyo caddaymo. Tolow maxay noqon doonaan? Ma laga yaabaa inuu soo bandhigo caddaymo muujinaya Sh. Shariif oo uu Siyaad Barre u direy koonfur Afrika si uu usoo kireeyo calooshood u shaqeystayaashii diyaaradaha ku duqooyay Waqooyiga Soomaaliya??!! Maadaama aan saaxiibkeen waxba ka reebbanayn waa suurta gal, laakiin yaynaan deg-degin ee aan sugno qeybta dambe ee qoraalkiisa! 

Waa caado ay leedahay war baahinta musallaftay ee Soomaalida, inay markii ay badeecadoodu baarto ay la soo boodaan wax la yiraahdo “Sir-culus!!” waraaqo ay isu direen hebel-iyo hebel!! Ilaa ay qaarkood soo bandhigeen cadaymo muujinaya in C/lahi Yusuf gabar uu dhalay loo guuriyey wiil u adeer u yahay Musaveni!!”. 

Waxaa dhici karta in dadka qaarkood ku doodaan in maqaalka Diridhabe uu xiriir la leeyahay joojinta ay maxaakintu qaadka ka joojiyeen meelaha ay ka taliyaan, maadaama uu qaadku yahay wax aysan ka maarmin dadka beenta qur-qurxiya, anse Allahay waa Alle oo taas kuma dambaabi karo!!!!! 

Mohamed Ahmed Wallays
Yaqshiid-Muqdisho
inawallays@yahoo.com

Qoraalkii Diridhaba hoos ka akhri.....


 
Taliska Maxkamadaha Muqdisho Mixnad Maalin Dhamaan Doonta: Maxaad Ka Taqaana Hogaanka Sare Iyo Siduu U Dhisanyahay

Waxaa Hadda laga jooga wax sannad uun ka yar markii Taliska Maxkamadaha Muqdisho iyagoo ka faa'iidaysanaya kacdoono shacabka magaalada Muqdisho sameeyeen ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan Magaalada Muqdisho oo 15-kii  sannadood ee ugu danbeeyey u kala qoqobnayd hogaamiye kooxeedyo kala gedisan.

 
Akhristayaal qoraal kama samayn xaaladda guud ee Soomaaliya tan iyo wakhtigii ay Maxkamadaha saldhigoodu yahay Muqdisho ay xoogga bislaaday ku qabsadeen dhul balaadhan oo ku yaalla gobolada Soomaaliya, balse maanta waxaa igu kelifay inaan gorfeeyo xaaladda waxyaabo badan oo aan ka fursan waayey.
 
Maxay yahiin Maxkamadaha Muqdisho
 
Taliska ka unkamay Magaalada Muqdisho waa koox isku bahaysatay milgo diimeed iyagoo kaashanaya kalgacaltoyo shacab iyo tiif inbadan ku taagnayd dadweynaha ku dhaqan dalka soomaaliya ayaa waxaa muddo yar oo kooban ugu suurtagashay inay jabiyaan dayr weyn oo ku geedaana bulshada ku dhaqan dalka Soomaaliya, Kooxaha Taliska Maxkamadaha Muqdisho  saldhigoodu yahay, waxay iskugu jiraan iskuguna milanyahiin kooxo kala afkaar iyo hadaf ah balse waxaa mideeya yahay necaybka ay u qabaan Xukuumadda Addis Ababa.
 
Siduu u dhisanyahay Hogaanka Sare ee Taliska Maxkamadaha Muqdisho
 
Taliska guud ama maamulka Sare ee saldhigyada Maxkamadaha Muqdisho wuxuu ku dhisanyahay hanaan beelaysan oo salka ku haya reerka Hawiye haba u badnaadeen jilibka  habargadirtuye, Maskaxda ka danbaysa Maxkamadaha Muqdisho waxaa lagu tiriya inuu gadh-hayeen u yahay Xasan Daahir Aways oo muddo dheer raadinaayey waddo uu awood siyaasadeed ugu dhex yeesho gobolada Dalka Soomaaliya
 
Waa Kuma Xasan Daahir Aways
 
Xasan Daahir Aways
Maskaxda ka danbaysa
Taliska Maxkamadaha Muqdisho
Isla Markaana ah Xubin ka tirsan
Guddida Fullinta Ee Alqaacida
 
Xasan Daahir Aways wuxuu ka tirsanaa Taliskii Kacaanka ee Afweyne Barre balse dabayaqadii 70-naadkii ayuu Xasan Daahir Aways ka falagoobay Taliskaasi isagoo banaanka uga baxay waxaana lagu tiriya sababta keliftay inuu ka baxo maamulkii Kacaanka ahaa xidhiidh u la yeeshay ururkii Akhwaanul Muslimiin ee ka jiray dalka Masar oo wakhtigaasi dagaal badan ay kula jirtay Xukuumadda Dalka Masar
 
Xasan Daahir Aways wuxuu booqasho ku yimid dalka Pakistan sannadkii 2001-dii bishii August badhtamaheedii maalmo yar uun ka dib qaraxyadii 11 September, wuxuu ku soo horeeyey Xarunta waddanka Pakistan ee Islamabad halkaasi oo uu si weyn sooryo uga hellay Maamulka Safaaraddii hore ee Soomaalidu ku leedahay Xarunta Islamabad, waxaa lagu casuumay inuu khudbad u jeediyo wakhtigaasi soomaalidii ku dhaqnayd magaalada Islamabad wuxuuna Xasan Daahir Aways Hadalkiisa ku bilaabay "Nimanka reer Waqooyi waxay soomaali ku yahiin sida dirxiga qudhunka gallay haddii inta madaxda u ah aan kurka laga jarin waxaan qabaa inay Soomaaliya ka fogtahay nabad iyo xasilooni""... "Ilaahay haddii uu gacanta u geliyo maamulka islaamka Soomaaliya waxaan u ballan qaadaya inaan lagu arki doonin Soomaaliya iyo Waqooyi Calmaani xukun aan diinta alla wadanin..... "Hargeysa waxay is tustay waxaan ilaahay raali ka ahayn oo ay caabudaan waana wax la yidhaahdo Nabad...".
 
Xaqiiqdii wakhtigaasi waxaan ku sugna gudaha hotelka Days Inn ee magaalada Islamabad oo Xasan Daahir Aways kelmadahaasi dadkii meesha joogay ee soomaalida ahaa ugu khudbadaynaayey Xasan Daahir Aways wuxuu usoo gudbay Magaalada Karachi ee dalka Pakistan isla dabayaqadii bishii August ee sannadkii 2001-dii wakhtigaasi oo uu masaajido badan kala hadlay dadka Soomaalida ah khaas ahaan beeshiisa Hawiye jaaliyadaha ka joogay dalka Pakistan, balse maalmo yar uun ka dib horaantii bishii September ayaa la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay Xasan Daahir Aways, wakhtigaasi ayaan telefoon kula soo xidhiidhay mid ka mid ahaa guddiyadii u qaban qaabinaayey hadalada uu fagarayaasha ka jeedinaayey wuxuuna ii sheegay inaanu war ka haynin halka uu Xasan Daahir Aways ku suganyahay.
 
Soomaalidii joogtay Dalka Pakistan khaas ahaan magaalada Karachi oo ay aadba ugu yaraayeen ayaa isweydiisay goorta uu safray Xasan Daahir Aways, halka uu u safray, cidda safarkiisa ogayd, taasi runtii waxay noqotay layaab, balse 14 September seddex maalmood ka dib qaraxyadii 11 September ee sannadkii 2001-dii, ayaa waxaan booqday Wadaad ka mid ahaa wadaada Reer ahaan ay isku raaska ahaayeen Xasan Daahir Aways gurigiisa waxaana aanu gurigaasi si kedis ah ugu kulanay Xasan Daahir Aways oo wakhtigaasi ku sugan.
 
Maalmo ka dib ayaa waxaan u duur gallay safarkii Xasan Daahir Aways ee aan muuqa lahayn iyo goobtii uu ku tagay, waxaan ogaaday inuu gaadhi kaga tallaabay Xuduudka u dhexeeya dalalka Pakistan iyo Afghanistan wakhtigaasi oo la ii sheegay inuu tallo ama waxaa afka carabiga loogu yeedho "shuuro" ugu tagay Hogaanka Sare ee ururka Alqaacida oo wakhtigaasi isku wergelinaysay hannaankii u dhacaayey Qaraxyadii 11 September waxaan markiiba xaqiiqsaday inuu Xasan Daahir Aways xidhiidh sokeeye oo weliba aragtiyi ka dhexayso la leeyahay Osama Binladen oo ah Hogaamiyaha Ururka Alqaacida.
 
Akhristayaal qaybta Xigta qormadani waxaan ku soo qaadanaya Xogo badan oo aan ka uruuriyey Taliska sare ee Maxkamadadha Muqdisho iyo weliba afkaarta ay kala xanbaarsanyahiin waxaa qormooyinkani la socda Siro badan oo daaha laga rogi doono ha moogaan lana soco.
 
 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Hargeisa, Somaliland
Mobile: 00-252-2-4406745

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD