SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muraayo Nuur Cali oo 10 sano jir ah waxay la xanuunsaneysaa dhaawac culus oo ka soo gaaray nin kufsaday iyadoo 6 sano jir ah... AKHRI

 
:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Hindiya Iyo Waxbarashada 

Cali Cabdalla Shukri
B C A (Bachelor of Computer Application)
Caliga1@hotmail.com
Hyderabad. India

Ka dib markii akhristeyaal badan oo ku kala nool dunida dacalladeeda ay akhristeen maqaaladaydii hore ee xiriirka ahaa (Somalida ka imanaysa dibadaha iyo guurka gabdhaha Hindida) ayaa xiriiro ila soo sameeyay iyagoo iga codsaday inaan uga soo warramo qaabka waxabarasho ee dalkan Hindiya kuwaas oo si gaar ah iyo si guudba u dalbaday, qaarka mid ah ayaa iga codsaday inaan ugu soo daaboco webisiteyada si ay ummada oo dhan uga faa’iidaysato. 

Ma ahan diyaarinta aan diyaariyay warbixintan inaan ahay ninka ugu mudan ee ku haboon inuu warbixin noocanoo kale ah diyaariyo laakiin waxaa jira dad badan oo igaga aqoon badan oo wadankanna mudo joogay iigana khibrad dheer waxbarashada iyo nolosha dalkan, anigoo raggaas iga aqoonta badan talooyinkooda iyo tusaalooyinkooda ka soo uruuriyay ayaan qaar ka mid ah rajaynayaa inaan talooyinkooda iyo magacyadooda soo bandhigo kuwaas oo ay ka mid yihiin aqoonyahannada kala ah  Maxamed Xaaji Cabaydh(B Com) iyo Mursal Maxamed (MBA IT) Agra, iyo qaar kale oo aanan halkan magacyadooda ku xusin laakiin aan beerka ka ogsoonahay. 

Maxamed Xaaji Cabaydh (B Com):

Marka hore waxaa haboon inaad ogaato dalka aad waxabarashada u soo doonanayso qaab dhaqankiisa iyo halka uu ku yaalo, anigoo taas doonaya inaan u iftiimiyo ardayga ama waalidka jecel inuu ardaygiisa u soo dira dalkan ayaan wax yar ka sheegayaa dalkan waxa uu yahay iyo halka uu dhoco. 

Hindiya waxay ku taalaa koonfur bari ee qaarada Aasiya, waxay xad la leedahay xaga galbeed dalka Pakistan, xaga bari wadamada Bangladesh iyo Burma, xaga waqooyi China, Nepal iyo Butan. Tirada dadka ku nool Hindiya waxa lagu qiyaasaa hal bilyan iyo boqol kun oo qof, dadkaas oo kala aaminsan diimo iyo dhaqano kala duwan sida Hindusm(82.41%), Islam(12%), Christanity(2.32%), Budhism(0.77%), Jainism(0.41%), Sikhism(1.99%), Dad dhaqanno aaminsan iyo weliba Atheists (Diinlaawayaal). Dalkan hindiya wax kasta waa lagu caabudaa laga bilaabo Jiirka(Dooliga), Daayeerka ilaa Maroodiga wax nool iyo waxaan noolaynba, isla mar ahaantaana waxaad la kulmaysaa meel laga cunayo waxyaalahaas ay dadka qaar caabudaan sida Jiirka(Dooliga), Daayeerka iwm.

Dalka hindiya waa dal aad u weyn wuxuu ka kooban yahay 28 State iyo Laba Territory(Gobol maamul gaar ah leh isla markaana aan State buuxa ahayn). Hindiya waxaa lagaga hadlaa in ka badan 1650 luuqadood, laakiin dastuurka dalku wuxuu si official ah u aqoonsan yahay 18 luuqadood, Luuqadaha ka dhexeeya dhamaan bulshoweynta hindiya gobolkay doonaan ha ku noolaadeene waa luuqadaha Hindiga iyo Ingiriisiga. Waxaa iyana jirta luuqad u gaar ah muslimiinta hindiya waa luuqada Urduuga oo looga hadlo wadanka Pakistan.   

Ardayda soomaaliyeed waxay bilawday inay hindiya u soo waxbarasho doonato horaantii sideetamaadkii, waxa iyana u soo qaxay qoysas badan oo soomaaliyeed markii ay burburtay dawladii soomaaliyeed. Waxay ardayda soomaaliyeed six ad dhaaf ah u yimaadeen dalkan hindiya intii ka dambaysay sannadkii 2000, Hada waxa lagu qiyaasaa ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta hindiya ilaa 1500 oo arday iyaga oo sanadba sanadka ka dambeeya soo badanaya. Maadooyinka ay bartaan ardayda soomaaliyeed ee ay u badan yihiin waxaa ka mid ah B-COM(Bachelor of Commerce), BBA(Bachelor of Business Administration), BBM(Bachelor of Business and Management), IT(Information Technology), Computer Science, Microbiology, BCA(Bachelor of Computer Application), Engineering, Kalkaaliyenimada,Lab-Technician iyo weliba Law. 

Waxaad moodaa ardayda soomaaliyeed oo markii hore hal maado wada baran jiray inay hada ku ilbaxeen dalka hindiya isla markaana ay bilaabeen maadooyin kala duduwan oo faa’iido u leh mustaqbalkoda iyo bulshadooda. Waxa iyana jira arday badan oo diploomooyin ku diyaariya laabtana u sii daayey qaybaha kala duwan ee cilmiga Computerka sida Hardware, Networking, Programming, Database Management Systems iwm. Waxa kale oo jira arday badan oo markay dhamaystaan shahaadada kowaad ee jaamacada sii korodhsada aqoontooda isla markaana diyaariya ilaa heer Master waxay badankoodu diyaariyaan maadada MBA.  

Dalka hinidiya waa dal ilaahay waxbarasho ku manaystay, waxbarashadu waxay taalaa gidaar walba, Wado walba waxa ka furan in ka badan toban Mac-had. Bulshada hindiduna waa dad aqoon leh, waa dad nabadeed oo si fiican loogu dhex noolaan karo, hadii aanad adigu wax daandaansan cidi ku daari mayso. Hindidu waa bulsho ilbaxnimo leh, kalama kulmaysid dalka hindiya wax cunsuriyad ah haba yaraatee. 

Magaalooyinka ay ardayday soomaaliyeed wax ka bartaan waxaa ka kow ah magaalada Hyderabad oo ah magaalada xarunta u ah ardayda soomaaliyeed, waana magaalada ay joogaan tirada ugu badan ee ardayda soomaaliyeed,  waa magaalo ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ah isla markaana ah magaalo cimilo wanaagsan, magaalooyinka kale ee ardaydu wax ka bartaan waxa ka mid ah Madras, Mysore,Agra, Aurangabad iyo Pune. 


Soomaalida ka Imanaysa Dibadaha iyo Guurka Gabdhaha Hindida.. AKHRI

Hadii ALAHA awooda lihi ogolaado waxaan jeclahay inay ka koobnaan doonto warbixinadan xiriirka ah qaybeheeda ugu waawayn kuwan soo socda.. 

  • Waxabarashada Dugsiyada Dhexe iyo Sare
  • Maamulka, Kombuyuutarrada, Sharciga, iwm.
  • Caafimaadka
  • Injineeriyada
  • Shahaadooyinka Sare(Masters Degree)
  • Nolosha India
  • Hindiya ma laga helaa waxbarasho dibadaha ah?
  • Qaabka Hindiya lagu iman karo
  • Talooyin

AKhri qaybta 2-aad...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saiixan

Faafin: SomaliTalk.com | AUg 14, 2006

Cali Cabdalla Shukri
B C A (Bachelor of Computer Application)
Caliga1@hotmail.com
Hyderabad. India

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD