Wallee
la Gadood oo la Gilgilay ama la Gumow!
W.D: Inj. Maxamed Cali Cibaar
mohamed_ebar@hotmail.com
Tifaftirka Samaddoon.com
Aadanuhu
wuxuu xayawaannada intooda kale kaga duwanyahay caqli uu
Rabbi (SWT) ku mannaysatay, wuxuuna Ilaah noo sheegay inuu
bani'aadmiga karaamad yeelay. Waxa kale oo uu Rabbi bani'
aadamka iyo Jinniga ku kallifay in ay la yimaadaan cibaado,
taasoo laga abaal marinayo maalinta qiyaamaha khayr iyo shar
wixii ay soo faleen intii ay ifka ku noolaayeen. Taasi waa
naxariis Eebbe iyo wanaag uu Rabbi addoommadiisa la doonay,
waxayna mudan tahay in wax badan looga mahadnaqo, laga faa'
idaysto nimcada uu Rabbi bani'aadmiga ku gaaryeelay, laguna
dadaalo in lala yimaado wixii nala faray lagana fogaado
wixii la inaka reebay.
Nasiibdarro deeqdaas Eebbe dadku kama wada faa' idaysan
waxayna in badani u dhaqmeen sida dameer uu malab ku
raranyahay oo aan war u haynin waxa duudka ka cusleeyay waxa
ay yihiin. Sida uu Rabbi (SWT) Qur'aankiisa ku xusay dadka
qaarkii way ka liitaan xayawaanka aan caqliga lahayn.
Kuwaasi waa kuwa aan garan ujeeddada uu Rabbigii khalqay u
abuuray. Waa kuwa ka habaabay waddadii ay ku gaari lahaayeen
liibaanta aakhiro iyo tan adduunka, kuna abaaday waddadii u
horseedaysay halaagga. Waa kuwa ka indha la' kana dhaga la'
xaqa oo aan kala garanaynin wax san iyo wax xun. Waliba wax
walba oo sami ay u yihiin xumaan, wixii xumina ay la
qummanyihiin.
Soomaalida maanta joogta waa dad 100% muslim ah waana Alle
mahaddii, walow ay muddooyinkan dambe socdaan ololeyaal aad
u ballaaran oo la isku dayayo in lagu gaaleeyo dad
Soomaaliyeed. Islaamnimada waxaa dheer in ay Soomaalidu
yihiin dad isku asal ah oo isku af iyo dhaqanba ah. Hubaal
nimcadani waa mid ay yartahay ummad uu Ilaah ku mannaystay
waana sharaf iyo awood aan qiimahooda la qiyaasi Karin.
Aayaandarraduse waxay tahay in ay nimcadaasi agteenna ku
noqotay hal bacaad lagu lisay oo aan wax badan laga
macaashin. Galladii uu Eebbe nagu mannaystay oo ay ahayd mid
wanaaggeenna adduunyo iyo keenna aakhiraba liibaan noo
horseedi karta waxaan ka doorbidnay in aan qiimayno oo aan
qaddarinno khuraafaad iyo qorshe shaydaan nagu qatalayo
naguna kharribayo.
Waxaan
wax badan taariikhda ku maqalnay ummado Alle caasiyay oo
siyaabo kala duwan loo ciqaabay. Kuwo daadad iyo duufaanno
lagu rogay, kuwo dabaylo laga adeejiyay, kuwo dhulka lala
gooyay, kuwo….. kowo… iyo kuwo.
Maanta
cidna shaki ugama jiro in ay ummaddii Soomaaliyeed musiibo
ku habsatay. Haddii ay beri ahaan jirtay ummad gob ah in ay
maanta ku sii socoto godkii gunnimada! Haddii aad tahay
dadka ku fikira in ay jiraan dad u dhashay gobonnimo oo
xilli kasta gob ah iyo dad u dhashay gunnimo oo waligood gun
ah iska illow, ogowna cilladdu waa garashadaada gaaban ee
arrinku sidaas waa mid wax badan ka geddisan. Haddii aad u
taqaanno qof caalim ah oo caqli u dheeryahay, qani ah oo
hayntiisa quura, geesi ah oo xaqa garab istaaga, garyaqaan
ah oo gartuu gooyo la isku gacanqaado inuu yahay gun, isla
markaasna aad u taqaanno jaahilka jihawareersan, tuugga
toddoba jir iyo toddobaatan jirba baaranaya, iyo fulayga ma
naxaha ah ee maxasta laaya, khaa'inka ummaddiisa khiyaama ee
cadowga u khidmeeya uu yahay gob ay gobi dhashay,
garaadkaaga ayaa sabool ah.
Gobannimo iyo gunnimo waa laba erey oo isku liddi ah oo leh
macne qeexan oo ay ummadaha miyirka qaba ee dunidu u
yaqaannaan. Ummadda gobta ahi waa tan gobonnimada haysata oo
aan la gumeysan – si toos ah iyo si dadbanba – Waa ummad aan
la liidin oo aan la yasin, ummadaha kale ee duniduna ay
qaddarin heersare ah u hayaan. Waa ummad leh saansaan
wanaagsan oo bulshannimo iyo dhaqan suubban oo lagu
tixgeliyo. Ummadda gunta ahi waa tan ka liidata ummadaha
kale ee dhiggeeda ah isla markaana la yaso oo hoos loo
fiiriyo. Waa ummad aan lahayn dhaqan gobonnimo oo inta badan
ay ka dhacaan dhaqamo silloon – kufsiga, dilka micnodarrada
ah iyo maati dooxa , dhaca iyo tuugada, damiir la' aanta
iwm. Waa ummad ay aqoonta iyo waxqabadku ka liitaan oo baryo
ku nool ah. Waa ummad uu qayrkeed gumeysto oo an lahayn talo
iyo tabar ay aayahooda kaga tashadaan.
Umadda Soomaaliyeed gun iyo gob midka ay manta tahay
jawaabteeda kama dambaysta ah waxaan u dhaafaynaa
aqristeyaasha sharafta leh. Waxaase muuqata in maanta
xaalkeennu uu meel haadaan ah ka sii haadaayo haddii uusan
Rabbi na soo hadayn. Meesha uu maanta xaalkeennu marayo isu
sheegi mayno. Dhankaad eegtaba – dibadda iyo gudaha- waa
dhiillo iyo dhawaaq laga argagaxo. Meel walba waxaa
horboodaya maangaabyo iyo mujrimiin mas' uuliyiin sheeganaya
oo wax xun mooyee aan marna wanaag ka talinaynin. Waxaa taas
ka sii daran in xaalku u muuqdo “cidna uma maqna ceelna uma
qodna ” . Waa yaabe miyaan waxgaradba maanta jirin, mise
wahsi aan wax u daawo ah la garanaynin ayaa meesha yaalla?
Waxaa muuqata in ay arrini ku dhantahay beydad ka mid ah
gabaygii Wegerweere ee uu tiriyay suugaanyahanka.
J. H. Suleymaan.
-
Meeshiyo ka gees iyo ka
gees gebiga soomaali
-
Girligaanka sidii loo la
dhacay gobolba meel aadye
-
Raggii talada loo geyn
lahaa aakhiro u guurye
-
Guurtiyo haddaad beri
ogayd geesi iyo caadil
-
Garaad iyo Suldaan iyo
Islaan gebi ahaantoodba
-
Gadhcastiyo wadaaddadi
xaskay dabada geliyeene
-
Gambaa madaxa loo saarayoo
gabe halkoodiiye
-
Dhallintii geddoon baa ku
dhacay aan la garanayne
-
Gabaahiir ayey kuududaan
garasho waa yaabe
-
Gashi bay ku noolyiin
dhamaan waanu gudhayaaye
-
Gacan hoorsigay qaayibeen
waa gunnimo weyne
-
Qof xawaalad garab
taaganoo giniyo eegaaya
-
Oon guunyo deeqdiyo lahayn
guri wax hoos yaalla
-
Gunno raadi mooyee dad aan
ceeb ka gubanaynin
-
Oo gargaar shisheeyiyo ku
nool faraha guudkooda
-
Oo gadaan wax loo saarayoo
lagu gumaynaayo
-
Gasariirka ina haysta baan
gocanayaa mooyi
Ugu
dambayntii waa mid u taalla ummadda Soomaaliyeed in ay si
ficil ku jiro u kala doorato inay ku dadaasho sidii ay u
noqon lahayd ummad ku sifowda gobannimo oo si degdeg ah wax
uga qabata heerka liita ee uu xaalku maanta taaganyahay ama
ay ku huleesho godka gunnimada oo ay adduunyada silic ku
mudato xisaab aakhiro Allaa oge. Waxaa habboon in Umadda
Soomaaliyeed xusuustaan hadalkii dadkii wanaagsanaa ee ahaa
“Is xisaabi intaan lagu xisaabin” kaasoo ku wajahan adduun
iyo aakhiroba. Ka dhabaynta hadalkaasi wuxuu keenayaa inay
dadku ka waantoobaan dhaqammo badan oo haraadi ah sida
qabiilaysiga, eexda, qab-qable-dagaal raaca,
cadow-u-kalkaalka i.w.m. Tani waxay muqstaqbal baraare leh u
horseedaysaa jiilalka soo kacaya, haddii Alle idmo.
Waxaan
leenahay Soomaaliyey : Wallee la gadood oo la gilgilay,
xaaladaha jirana wax laga qabay, ama la gumow oo godkeennii
biyo noogu soo gale.
Rabbiyow na gargaraar
Inj. Maxamed C. Cibaar
Tifaftirka Samaddoon.com
Mohamed_ebar@hotmail.com
Samaddoon@samaddoon.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 6, 2005
|