SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
May 9, 125

RAJADA REER MOGADISHO.

Muuse Suudi ‘s Power Vs Cadde Gaaboow Politics!

Hussein Abdi-karim Ahmed (Gendisch)

huss.gendisch@mci.com 

Raleigh, NC

CIID MUBAARAK NOV.2005 

Waxaan shaki ku jirin hadii aan indhaa la is tirayn in inaanay socon doonin dowlad lagu kala qaynsan yahay ha noqoto mid federaalka ah ama mida Goboleed oo la dhiso amd  laga dhiso doono hadii aan bulshadu degani  meel isugu iman oo aanay oran sideen wax u dhisanaa , federaalkana waxa uga banaan ay tahay inaay suurta geliso jawi wada hadal,  miyaanay haboonanayn in wada hadlo intii la qaadan lahaa qalin iyo warqad dad lagu magaacaabo  ?  miyaanaay ahayn in  meel isugu keenaa wixii naga kala daatay dhowr iyo 15 sano ka hor. Hadii aan soo qaadano xaalada maamulka muqdisho waxaa muuqata in laba arimoood oo siyaasadeed meesha ay ka socdaaan.

  1. In dowlad Dhexe ee fedreaalka ah aanay raali ka ahayn sidii Loo Qoray xeerkii qaranka iyo in ay iska indha tirayso axdiha qaranka oo ay doonayso in ay dowlada awoodeeda balaariso.
  2. In reer muqdisho u qaybsameen labo qaybood, qolo  rabta  in wax wada dhistaan oo aan dalkooda qudbo siro lagu maamulin  , iyo kuwo aan isku kalsoonayn in walaalahooda reer muqdisho wax la dhisi karaan oo doonaya  in federaalku wax u magacaabo inta ay  ka imanayso awood kale oo dibada laga soo abaabulay sida mid  ciidan dowlad kale ka danbeeyso ( Itoobiya).

Magaalada muqdisho waxaa isbarbar socda labo maamul oo xoog  leh mid kasta doonayo inuu gacanta ku dhigo maamulka magaalada kuwaas oo kale qaybsanaantoodu ay salka ku hayso tan dowlada dhexe u ku  tumashada axdiga qaranka soomaliyeed oo aan marna ogolyn in dowlada dhexe magacaawdo godoomiyeyaal gobolo, degmo, ama xitaa tuulo. Qofkii raba inuu aqriyana axdiga qaranka meel kasta ayuu ka heli karaa meel ay uga taalna ma jirto in dowlada dhexe magacaawdo. Hadii aan intaas uga baxo hordhaca maqaalkan waxaan aaminsanahay in Qaabka wax loo dhisayo ee dowlad fedrealka ee ( Bottom down )ay  tahay mid aan sharcigu ogolayn waayo sideedaba marka aad maqasho federal (Form of government in which power is divided between one central and several regional authorities ) waxaa weeye Hab ku dhaqan dowladeed taasoo awooda loo kale qaybiyey mid dhexe oo fedraalku leeyahay maamulana  iyo mid gobolo iyo degmooyin ( State ,Regional and districts) leeyahay oo gooni  ah isu maamulaan isku xadgudbin .

Hadii intaas la isla garto waxaan shaki ku jirin inaan qolana diidi Karin waxa ay wada dhisteen reer muqdisho marka ay ku heshiiyaan sida loo qaybsanyo golaha degaanka tasoo ku salaysan hab qabiil ee loo soo dhisay dowlada federaalka ah, beelaha reer muqdishana  ay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee iyagu wax qaybsada kuraastii golaha shacabka qaranka . Waxaa shaki ku jirin in  mudnaanta la siinayo dadkii meesha loogu yimid ee muqdisha bud-dhigeeda lahaa iyo kuw gadaal ka yimid oo aan maanta la xaqiri Karin sida ay doonaan ha u kale horeeyaane. Hadii la isu yimaado ee wax la wada dhisto, dibna loo raaco taarikhda muqdisho  waxaan soo baxaya in  aan la ilaawi Karin beesha banaadiriga oo bud dhigeeda leh muqdisho , sidoo kale waxaa cad in Cade Gaaboow iyo ibraahim shaaweey  ku soo bixi doonto caaradka maamul loo sameeyo muqdisho hadii wax la ku raaco . iyadoo aan marna la inkiri Karin in ay taariikh dheer oo degaan ku keeyihiin xamar iyo Xamar daye ,  Kawaas oo lagu qiyaaso inay xamar jimaadeen mudo haatan laga joogo 277 Sano. 

Maxaa Cadde Gaaboow loo diiday ? 

Waxaa dad badan is waydiinyaa sababta loo diidan yahay Cade gaaboow  oo ku riyooday inuu muuqdisho duq ka noqdo isaga oo jooga dalka ameerika magaalada miniyaapolis mudo haatan laga joogo hal sano , Cadde gaaboow  hadii aanay marin habaabin siyaasada Cali geedi oo ilaa hada wax wanaagsan oo soomali u riyaaqdo aan lagu arag isla markaana uu nabadgelyo ku soo rogo degmooyinka beeshiisu degan tahay waxaa ila tahay inuu kasban karo taageerada reerihiisa oo kaliya. Hadii aan tusaale i soo  qaato Sababta  loo diidan yahay cadde gaaboow ma ahan qof ahaan iyo cida uu ka dhashay midna  ee waxaa weeye arimo siyaasadeed oo is biirsaday  sida: 

1.In cadde gaaboow  aanu ka mid ahayn halgamyaashii ka qayb qaatay dhaqdhaqaaqii lagu riday dowladii hore.taasoo hadii aad taariikhda dib u fiiriso ku tusinaysa inuu dalka dibada uga maqnaa 14 sano in ka badan.

2.in Cadde gaaboow aanu u soo marin magacaabidiisa mid ku saleeysan xeerka qaranka degsaday ee lagu ansixiyey nayroobi keenya.laguna magacaaby iyada oo aan lagala tashan beelaha ay quseeyso.

3.inaanu heshiis la ahayn kana soo horjeedo Hogaamiye kooxeedka beeshiisa ee ugu xooga badan gobolka banaadir waa muuse yalaxoow e, kasoo ilaa uu kasbado kalsoonidiisa ay ku adkaan doonto inuu noqdo duqa magaalada muqdisho. 

 Tan ugu horeeysa waxaa ay Tibaaxeeysaa, inkasta oo khasaare xoog lihi ka soo gaaray ummada soomaliyeed , kacdoonkii siyaasadeed ee dowladii kacaankii octoober , waxaa soo baxday in guusheeda uu faraqa u ritay mid ka mid kuwii dagaalka looga raayey  kadib markii ay hanan waayeen beelihii kacdoonka dhaliyey. Markii halgamyaashii la dhinac marsiiyey madaxwaynihii ay ku haminayeen, waxaa uu isaguna dhinac mariyey , awoodii labaad ee qaranka PM taasoo isku darsaday Cabdilaahi yousef  kadib markii uu magacaabay PM Magac u yaal ah. Isna meel dheer kama doonin ee wuxuu racay jidkii  uu ku yimid  mid la mid ah oo aan sharci ahayn tasoo  uu ku magacaabay Cadde gaaboow  aan hubo in  hadii la ogolaado maanta ay barina cabdilaahi yousef ku bedeli karo mid kale oo aan la garanyn meesha uu ka yimid ama ku dhashay iyo cida uu metelo midna, Waxa uu damacsanaa Cabdilaahi yousef markii la magacaabayna waxaa ay ahayd in la dhex dhigo reer muqdisho jahawareer siyaasadeed iyo kala qaybin  hor leh. tasoo aan maanta aragto sida ay ugu meel martay.  Sida muuqata waxaa soo food saartay Cade gaaboow labo kale daran mid dooro, maadama uu yahay muwaadin wadanka wax badan ka maqnaa balse qaaday talaaboyin wax ku ool u ah sidii uu u meel marin lahaan dowlad uu isagu  hogaamiyo oo ka taaba gasha muqdisho tasoo uu soo uusan kala tashan hogaamiyeyaashii hogaaminayey reer muqdisho 14 sano ee u danbeeysay. Waxaa run ugu muuqatay inuu u inkiro hogaamiyeyaashaas sida cabdilaahiba u inkiray kadib markii la doortay si uu raali geliyo odayga iyo wiilkiisa Cali geedi ah .Waxaa ay ila tahay in reer muqdishi ay u baahan yihiin dowlad maamusha muqdisho ee aanay u baahnayn maamule Jowhar laga abaabulo aan lahayn system dowladeed oo la shaqeeya oo la isku raacsan yahay. Side sharcigii lagu maamulyey muqdisho muujinayo waxaa soo baxday in hogaamada labada gole ee muqdishi u duubteen sidii loo dhisi lahaa maamaul ka madax banaan deferaalka , waxaa wax lala yaabo ah in kuwii lagu tirinayeey in ay leeyhiin aqoon ku filan waa Cadde gaaboow iyo xuseen Caydiide, marka loo fiiriyo celceliska qofka soomaliga ah ee muqdisho jooga ay ku talinayaan in Cali geedi iyo Cabdilaahi yousef la hoos joogo oo muqdisho ay hoos tagto dowlada  federaalka  .waxaan shakii iiga jirin in midkoodna aanu aqrin axadiga ku meel gaarka ah ee dowlada federaalka isla markaana aanu ka fikirin danaha dadka degan muqdisho ee mustaqbalkooda danbe. Oo ay fiirsadeen dano shaqsi ah oo ku kooban waqtiga dhow oo kaliya. 

Muuse Suudi iyo Muqdisho. 

Markii hogaamada labada gole ee muqdisho ku sugan u  xilsaareen  Hon.Muuse suudi Yalahoow inuu horseedo dhismaha gobolka banaadir waxaa uu muujiyey daacadnimo dheeraad ah , adkaysi badan . wada tashi qabaailka muqdisho degan oo dhan isagoo aan cidna riiixayn, kana faaidaysanya in siyaasadu tahay wax ogoloow wax ha kuu socdeene hadii kale waligeed la is ag fadhinayo,  markii uu bilaabay dhismaha gudi ka shaqeeya sharciga lagu dhisayo  waxaa ay shaki badan ku Dhashay reer muqdisho guud ahaan gaar ahaan beelaha degan degaanka muqdisho intooda badan .kuwaas oo la ogaa inaanay waqti dheer ku heshiin waayeen in ay dhistaan wax raali la isaga yahay sharcina ku fadhiya. Hada oo ay dhamaatay far isku taagtii iyo anaa mudan, waxaa ay mudneed  in la tixgeliyo oo aad loogu Hambalyeeyo isbdelkaas maadaama waagii hore aad loogu wareeray siyaasadooda, waxaa soo baxday In  reer muqdisho diyaar u yihiin in ay wax la isku ogyahay oo sharciyayeysan dhistaan ,  Waxaa muuqata yididiilo cusub oo ah in hogaamiyeyaasha muqdisho aanay kuwo wax dumiya oo kaliya ahayn ee ay u dhaqaaqeen in ay gacmahooda wax ku qabsadaan markii garyaaqadana , xeeldheerayaal siyaasadeed to qubaro ku xeel dheer xeerarka gobolada iyo kuwa qaranka soo hor dhigaan hogaamada labada gole sharcigii lagu dhisi lahaa maamulka gobolka banaadir. Waxaa ay bandhigeen axdiga gobolka banaadir oo ka kooban  31 qodob  oo u kala qaybsan dhowr qaybood oo kale ah sharcigii lagu dhisi lahaa golaha degaanka ( Golaha Guurtida degaanka )  oo ah golaha sharci dejinta ee gobolka banaadir oo lagu soo xuli doono kadib marka loo qaybsado hab qabaailka degan gobolka banaadir.  

Waxaan  Hore loo ogaa in arintani ay gilgili doonto kuwa daba dhilifka u ah kaligii taliye cabdilaahi yousef ayna  iman doonta in la isku dayo in la kala  fur furo oo  tashwiish siyaasadeed oo kale la geliyo hogaamiyeyaasha si ay arintoodu u istaagto ama la isaga horkeeno Dadka walaalaha ah ee mudo dheer wada degaanaa gobolka banaadir. Waxaa dhacday in ku adkaatay in la iska horkeeno Hon. Musse yalahoow iyo Maxamed Qanyare kadib markii loo dhigay dabino siyaasadeed oo tiro badan , haba ugu badnaadeen kuwa looga adeegsanayo hogaamiyeyaasha dhaqanka , sida ugaasyada iyo imaamada iwm. Waxaa ay  ku guulaysan waayeen Cabdilaahi yousef iyo kuwa daba socdaa  hadafkoodii isu dir hawiye si xukunkaaga aan  loo hunguriyeeyn kuna fadhida  dano siyaasadeed sidii u dhacday 1962 iyo 1968/69 oo lasku dayey sidaan  oo kale beelaha muqdisho dagaal laga dhex abuuro si siyaasiyiin gobolo kale ka yimid uga faaidaystaan oo aanay suurta galin in golahaas guurtada qabaailku qaybsadaan waqti la isku ogyahayna lagu soo dhamaystiro soo magacaabidooda golaha guurtida gobolka banaadir, duqa muqdisho iyo ku xigeenadiisa etc .

Waxaa muuqata in ay bilaabatahay in tashwiishka lagu furayo Maxamed qanayre , Muuse suudi yalaxoow iyo qof kasta oo ay filayaan in ay xiriir wada shaqayn iyo mid siyaasadeed la leeyihiin , Waxaa ugu horeeyey Dilkii Cabdiqaadir Yaxye sh. Cali oo sida cad aay ka muuqato  qorshiihii lagu qaarijiyey faraha  Cabdilaahi yousef , Cali maxamed Geedi Iyo Cabdirizak juurile,  waxaa ku soo xigay isku daygii  dilkii lala damacsanaa Dr. kale oo caan ka ahaa soomaliya oo la doonayey in la qaarijiyo kadib markii looga shakiyey inuu mustaqbal iyo magaca  wanaagsan ku leeyahay rajada  danbe  hogaanke beelaha muqdisho degan . ,waxaa la isku raacay in qorshaas dhicisoobay  soo malegeen  Cadowga reer muqdisho oo ay ugu horeeyaan Cabdilaahi yousef iyo Cali Maxamed GEEDI iyo dhamaan inta samaha iyo wanaaga reer muqdisho neceb. Waxaa iyana taas   ku soo xigay xiritaanka lala damacsan yahay Aiport dayniile iyo qorshe dab lagu gubayo Bacadalaha oo ah saldhiga dhaqaalaha soomaliya , Dhibaatooyin loo gaysto ceelasha biyaha  xamar iyo wixii la mid ah , waxaan  shaki reer muqdisho uga jirin in hurinta dabkaas ay ku leg leeyihiin dad aad loo yaqaano oo cabdilaahi yousef dabadhilif u ah doonayana in  reer muqdisho is dilaan si dowlad ku sheega uu cabdilaahi hogaamiya u taabo gasho tan gobolka banaadirna u dhicisoowdo. Waxaan u soo jeedin lahaa walaalaha danta mooday in dagaal iyo cadaawad qabaiil  ummada lagu kala qaybiyo faaiido ka dhigtay  in ay ka waantoobaan oo si nadabadi ku jirto wax ula qaybsadaan ummada ay wada noolayeen boqolaalka sanadood .  maadaama ay cadahay in cidna aan xooog lagu muquunin Karin maanta isla markaaana aanay shaqaynanay fikirka ah aan kaligaay noolaado,waxaan aaminsanahay in Cadde Gaaboow hadii uu ka qaybgalo qaybsashada golaha guurtida ay hogaanada laba gole loo soo bandhigay aanay cidna ka xigin inuu u tartamo noqoshada Duqa magaalada muqdisho kaasoo cid diidi kartaana aanay jirin hadii uu ku guulaysto hadiise uu isku dayo inuu fakir siloon  isticmaalo in wax lagu fushado , waxaa uu taariikhda gali doono meel ka hoosaysa tan Raisal wasaare ku sheega Cali Maxamed Geedi, hadii aanu hada isdaba qaban waxaa ay ila tahay in  duq uu noqdo daaye uu dhiig badan daadan doono uu isguna masuul ugu wayn qaadi doono. Waxaan oran lahaa cabdilaahi yousef iyo cali geedi waa rag gacmaha dhiig kula jira ee waxaa laguu qaatay inaad noqoto hogaamiyihii ugu horeeyey wada tashi kadib wax la qaybsaday labada garab ee dowlada si uu arintiisa u meel marsado hadii aad ka qaybgasho  tartankaas loo galayo duqa magaalada kadib marka la qaybsado golaha degaanka gobolka banaadir. Taasi hadii ay suurto gasho waxaa iman doonta inaad duqa  muqdisho kadib uga guubto mid booskan ka sareeya oo cid kaa xigaa aanay jirin. Hogaamiyeyaasha labada gole waxaan oran lahaa kusoo dhaweeya Cadde Gaaboow inuu tartanka ka qaybgalo oo garab  ku siiya sidii uu u noqon lahaa duqa muqdisho hadii ay beeshiisu u soo magacaawdo golaha degaanka ee gobolka banaadir. Dhamaad  

Waxaa diyaariyey

Hussein Abdi-karim ahmed ( Gendisch)

Raleigh, NC, USA

Hoss_abdi@msn.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2005

»Geesinimadii Gabaygu Godbay Gashay | Bulxan
»Maxey ku doorteen Islaamka? | Ikraam
»Taariikhda wahaabiyada | Garweyne
»SUURADDA MAANTA:: Al-MAA'IDAH  
| Al-Sudeysi
»Yamyam: Gabyaa Laqmaday! | Idaajaa
» Marka, Magaalo aan La Yaabay... A.D. Elmi
»Soomaalida Britain iyo warbixin dhiilo xanbaarsan | C/raxiim
»
MAXAAKIIMTA Vs ANSHAX XUMADA!! | Garaad
»Sidee bay Somaliland aqoonsi caalamiya Ku heli kartaa? | Shuuriye
»CODSI INAAN LA AQOONSAN GOONI U GOOSATADA W/GALBEED
»Jawaab: Qoraalkii fahad ee Suufiyada iyo Bisha Soonka | Muuse
»Ninkii Jannada laga waayo ayaa midgaan ah | Zahra 
»Warqad Furan: oo uu qoray Dr. Cabdi Maxamed Culusow “Black”
»Marxuum Maxamed Xaaji Cigaal  halgama xornimadii Soomaali-Land.?

»ALLaa.Somaaliweeye. ee Sidee Yeelnaaa.? | Jaamac
»Somaaliland. dawlad.Qaran, Riyaale  Madaxweyne  Kudayasho Mudan?
»Barlamanka cusub iyo isbahaysiga Axsaabta mucaaridka Somaliland
»Xiridda Garoonka Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii Qeybdiid| C/waxid
»Ogaysiis muhiima  oo  kusocda  qof kastoo  soomaalinomo  kujirto
»
Jawaab Suufiyada iyo Bisha Soon | Garweyne
»Midabkee ayaad jeceshahay? | Zahra
»50 Qab bale Qaran Ma keeni karaan ?? | shuuriye
»JSL : Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !! | Ducaale
»Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»
KA HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? | Zahra
»Isbar bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC  | MM
»Waa Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA   
»Jawaab Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada | Bilal
»Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
»QIIMAYNTA MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»
Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada | Eelay
»Oktoobareey adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY: Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal 
»Dagaal ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD