SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Soomaali calooshood u shaqeystayaal oo shir qarsoodi la yeeshay hey'ad dooneysa dib u celinta Soomaalida Sweden oo fashilmay. "Sir fakatay"
Ma ahan wax hada ku cusub bulshada soomaalida ereyga "calooshii u shaqeyte-/yaal"  balse waxey tahay mid xambaarsan dareen aad liito in lahelayo dad Soomaali ah oo dhibaato dal shisheeye ku heysto  ku raaxeysanaya doonayana in dib loogu celiyo Soomaaliya oo xaalad amaan darri ka jirto.
 
Maalintii isniintii taariikhduna ku beegneyd 2-da bisha Maajo,ayaa haweeney Swedhish ah oo sahmin ku tagtay meelo kamid ah dalka Soomaaliya shir qarsoodi ah oo aan  loo sheegin saxaafadda  kula yeelatay calooshood u shaqeysteyaal iyo basaasiin soomaali ah. Shirkan oo lugu qabtay xaafada TENSTA oo ay sida aadka ah u degaan  Soomaalida ku nool magaalada caasimada ah ee Stockholm, ayaa waxaa goob joog ka ahaa dad soomaali ah oo calooshood u shaqeytayaal iyo tarjumaan ay wadatay haweeneyda dhawaan kasoo laabatay Soomaaliya ee halkaasi dooneysay iney kula shirto haweeeney kale oo iyadana la sheegay iney ka socotay wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden balse baaqatay sida wargalka warbixintan ii sheegay markii haweeneydani maqashay in madashii shirka ay hareysay buuq lugu lugu doonayey in shirka ujeeda la sheego waxa uu yahay.
 
Si kastaaba ahaatee shirkan la doonayey in looga hadlo wadada ugu sahlan ee Dowlada Sweden ku celin karto dadka qaxootiga ku ah dalkeeda ayaa fashilmay, kadib markii mid kamid ah gudiga ay u xilsaarteen soomaalida sharcilaawayaasha ah ee ku sugan xerro qaxooti oo ku taal magaalada Örebro oo dhowr kilo miter u jirta magaaalada Stockholm xarunta dalka Sweden uu ka qeyb galay.
 
Wargalka warbixinta oo aan qadka taleefanka kula xirriiray goor dhaweyto ayaa ii sheegay in haweeneydan oo magaceedaa layiraahdo Anika Söder, dhawaana ka timid magaalada Nairobi ay halkaasi ka jeedisay qudbado ay kaga hadleysay xaalada Soomaaliya.

Anika Söder waxey ka tirsan tahay wasaaradda Hormarinta Dibada ee dalkan dhawaan safarkii ay ku tagtay dalka Kenya ayey halkaasi kula kulantay qaar ka tirsan dagaal oogeyaalka wasiiradda noqday ee Dowlada dibad joogta ah. Haweeneydan ayey wargalku ku sheegen iney heshiishyo qarsoodi ah la soo gashay madaxda dowladaasi.

Sidoo kale waxey socdaal kaga soo laabatay dalka Soomaaliya oo ay soo indho indheeysay xaalada guud, waxaana ay dooneysay dadkii ay shirkaasi qarsoodiga ah u sheegto in meelihii ay tagtay xaaladda amaan aad u wanaagsaneyd.

 
Kulankii qarsoodiga ah ee isniintii dhacay ayaa goob joog waxaa ka ahaa danjiraha Kenya ee u fadhiya dalkan Sweden. Lagamana hayo tafaasiil badan oo arrintaasi ku saabsan sidey u dhacday, waxaase la sheegay inuu fashil ku dhamaaday ujeedaddii shirkaas loo qabtay ee lugu doonayey in la gudbiyo warbixin ku saabsan qaabka ugu haboon ee dalka dib loogu celin karro soomaalida qaxootiga ah.

Dhinaca kale wargal kale ayaa sheegay in dadka soomaalida ee ku nool xerada qaxootiga loola dhaqmo si ka baxsan bani'aadnimada, waxaanu uu yiri "Adigoo ka yimid Xamar baa lugu leeyahay waxaad ka timid Hargeysa, markaan lahjadaadi soo baarnay, sidoo kale adigoo Marka kayimid baa lugu oranayaa waxaad ka timid Hiiraan" Taasina waxa uu wargalkan ku tilmaamay halka ugu hooseysay ee ruux bani'aadam ah la qiimo tiri karro.

Arrinta xanuunka leh ee iga ilmeysiisay waxey aheyd markuu ii sheegay in gabar soomaali ah oo uur leh lugu yiri hadaadan keenin cadeyn buuxda oo muujineysa soomaalinimadaada waxaanu kaa goosaneynaa lacagti kaalmada aheyd ee aan ku siin jirnay. Aakhirkiina waxey keentay in gabadhaasi kaalmada dhaqaale ee xerada lugu siin jiray lugu soo reebo wax ka yar 3 dollar maalintii.

 
Wargalka oo aad uga xun sida Soomaalida luugu tuntay xaquuqdooda qaxootinimo ayaa eeda dusha ka saaray kuwa leh sharciyada dal ku jooga iyo dhalashada dalkan oo qaarkood hey'ada socdaalka u gudbiyey sawiro qaldan oo ay ku sheegeen in dalka Soomaaliya uu yahay dal nabadi ka jirto qabiilkana uu yahay kan difaaci karra dadka dib loo celiyo.

Ugu dambeyntii wargalkan waxa uu ii sheegay in dhawaan magaalada Stockholm ee dalkan Sweden uu ka dhaci doono dibad bax aad u weyn oo ay Soomaalida kaga cabanayaan sida dowlada ay u xaqirtay xaquuqdooda Soomaalinimo iyo bani'aadnimo intaba. Xaala ummaddana waxa uu ku sheegay iney tahay "Cidna uma maqna Ceelna uma qodna!"

 
Waxaa isku soo duwday;
Ikraam Cali-kaar
ikraam_k@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2005

Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD