SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DIGNIIN KU WAJAHAN DADKA DEGA HAREERAHA WEBIGA SHABEELE.

Qaylodhaan ka soo yeertay Hay’adda wadaniga  ah ee CCS 

Hay'adda Wadaniga ah  ee Community Concern Somalia (CCS) xafiiskeeda Soomaaliya ayaa qoraal uu ugu talo galay saxaafadda ku muujiyay welwel ballaaran oo ay hay’addasi ka qabto fatahaad laga yaabo in uu keeno Webiga Shabeelle,  Hay’adan ayaa qoraalkeeda ku soo bandhigaysa qodobo dhowr ah oo ay u soo jeedinayso dadka Soomaaliyeed ee degan hareeraha Webiga Shabeelle si ay uga gaashaantaan ALLE naguma keenee khatarta ka imaan karta haddii uu soo fataho Webiga.

Hay’addan ayaa iyadu  waayo aragnimo dheeraad ah ka haysata fatahaadaha Webiyada, gaar ahaan webiga shabeelle, waayo waxay horey uga howlgashay magaalooyin iyo tuulooyin qaarkood ku teedsan hareeraha Webiga, waxayna goob jog u soo ahayd fatahaado badan oo dad iyo duunyaba waxyeeleeyay, waxayna soo saartay diginiin hour dhac ah oo ku aadan fatahaada Webiga Shabeelle (Early warning for river shabelle flooding).

Qoraalka ay soo saartay Hay’adda oo aad u dheeraa wuxuu u bilaabanay sidatan:-

Waxaa jira in ay bilaawdeen roobabkii gu’ga ee sannadka, ayna ka bilaawdeen guud ahaan dalka Soomaaliya iyo  dalalka nala deriska ah. Haddaba waxaan og nahay in Webiga Shabeele uu ka yimaado Buuraha dhaadheer ee ku yaala dalka Itoobiya oo ay ka  da’een roobab badan oo fatahaado ka sababay meelo ka mid ah Soonka 5aad ee Soomlidu degto, meelahaas oo ah meelaha uu Webigu ka soo bilaado. Taasina waxay noo muujinaysaa oo na dareensiinaysaa in Webigu uu wado biyo aad iyo aad u faro badan, welina aanay ku soo darmin roobabkii ka da’ayay gobolladda uu Webigu maro. Sidaas darted waxaay Hay’adda Community Concern Somalia (CCS) waxay ka welwel ka muujisay haddii biyaha faraha badan ee uu webigu xambaarsan yahay ay ku darsamaan darsamaan kuwa  roobabka ka da’aya gobolladda Webiga uu maro in taasi ay keento fataah ku timaada dadka Webiga ag dega  ama beerahaba ku leh, taasina ay sabab u noqoto khasaare naf iyo maallba leh iyo weliba barakac ku yimaada  dadka ku nool Webiga  hareerihiisa iyo isla markaana ay baab’aan dalagyadii ku beernaa goobahaas.

Haddaba Hay’adda CCS waxay soo jeedinaysaa Qodobadda soo socda si looga gaashaanto fatahaada Webiga shabeele 

1- Waxaan u soo jeedinaynaa dadka ag dega Webiga magaaloyin ha ahaadeen ama tuulooyin ha ahaadeen ama beero ha ku lahaadeene in ay isku tashadaan oo ay iskaashadaan si degdeg ahna ay u sameystaan gabaad meelaha ay is leeyihiin Webigu waa ka soo fatihi karaa, iyagoon  aan sugin inta Webigu ku soo fatahayo iyo mucaawinooyinka Ha’yadaha.

2-  Waxaan kaloo ku wacyigelinayanaa in Maamulada ka jira meelaha Webigu maro Sida Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Shabeelada Hoose in ay u istaagaan waxqabadka ummadooda iyo wacyigelinta dadka Webiga ag dega maadaama ay yihiin madaxdii goobahaas.

3-  Waxaan og soonahay in aan waxba laga qaban qodidda Webiga muddadii 14ka Sano ahayd, iyo dhammaan Biyo xireennadii ku yiilay Webiga, iyadoo labadan arrimood ay yihiin  kuwa badanaa fatahaada  keena, sidoo kale waxaa qayb ka ah caro tuurkii Webiga oo aan isagana  waxba laga qaban oo aad u baaba’ay.


Sawirkan wuxuu muujinayaa qof dumar ah oo hor fadhida aqalada loo yaqaan 'Tukul' oo daad buuxiyey, goobtuna waa xerada qaxootiga ee Hartasheikh oo ay ku jiraan dadka ka barakacay gobolka soomaalida ee xiga bariga itoobiya | Sawirka Reuters, April 29, 2005

Haddaba waxaan la socdsiinaynaa dadka ku hawsha leh meelaha biyo xiraanaddu ku yaaliin in ay hadda wada furaan biyo xireenadda si biyuhu ay u gudbaan (waa kuwa hadda uu wabigu wado) iyadoo arrintan aan ku adkeynayno maamuladda ka jira meelaha biya xireenaddu ay ka jiraan in ay u sheegaan dadka  in si dhaqsiyo loo sii daayo biyaha Webiga lana furo dhammaan irdaha Baratooyinka ama biyo xireenadda.

4- Waxaan kaloo ku wacyigelinaynaa nimanka xukuma meelaha ay ka soo baxayaan kanaaladda waaweyn oo dadka qaar ay u yaqaaniin (Yirsin iyo Sagaale) in ay muujiyaan taxadar badan oo ah meelaga rubadda ah ee kanaalka si aanay biyuhu ugu fatin.

5- Waxaan ka codsanaynaa hayadaha samafalka ee dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya goobaha uu Webigu maro in ay wax ka qabtaan meelaha uu Webigu ka soo fatahayo si ay u badbaadiyaan dadka ay wax u qabanayaan iyo mashaariicda ay ka wadaan goobahaas inta aanu Webigu soo fatihin ama masiibadaasi dhicin. Ka hortagu waa ka wanaagsan yahay waxqabadka dambe.

Dadaal wacan dadkeygiyow.

Cabdikarim Xaashi Kadiye
Madaxa isku xirka hawlaha hay’adda samafalka wadanigga ee (CCS)
Address: e-mail: ccshashi@hotmail.com
Tel; 252-1- 250177 office,Mobile: 252-1-275801

W/D AMiin Yuusuf:  E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005

Madaxweynaha Soomaaliya oo Toddobaadka Tegi Doona Muqdisho


WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 | JANAAYO 2005 [.pdf]


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD