SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
March 15, 125
 
  • QAAR KAMIDA DHAAWACII DADKII KU DAGAALAMAY YAMAARUGLAY OO LA SOO GAARSIIYAY GALKACYO.
  • MADAXWAYNE KU XIGEENKA PL OO BOOQASHO KU YIMID GALKACYO.
  • MADAXWAYNAHA PL OO DIGREETO KA SOO SAARAY MADAXTOOYADA BOOSAASO.
  • BAAQ NABADEED BEELAHA KU DAGALAMAYA HOWD (AAGA YAMAARUGLAY) EE GOBOLKA WARDHEER

QAAR KAMIDA DHAAWACII DADKII KU DAGAALAMAY YAMAARUGLAY OO LA SOO GAARSIIYAY GALKACYO.

Sahro Siglan
Galkacyo: (Somalitalk)
sahrosiglan@hotmail.com

Waxaa saaka aroornimadii isbitalka wayn ee magaalada Galkacyo la keenay dhaawac tiradiisu gaarayso 10, ruux oo laga keenay deegaanka yamaarugle oo ka tirsan kililka 5,naad ee is-maamulka Soomalida ee dalka itoobiya.

dhaawacan ayaa ka mid ahaa dadkii shalay uu dagaalka ku dhexmaray Yamaarugle, dagaalakan oo bilowday 7, aroornimo istaagayna 11, aroornimo ayaa gaystay qasaare lixaadle oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

Dagaalkan ayaa la sheegay in si kafool kafool ah la iga horyimid laguna dagaalamayay gudaha Yamaarugley, ayadoo la sheegay in dhimashadu gaarayso illaa dhowr iyo toban qof halka dhaawacana lasheegay in uu gaarayo 22, qof.

Mar aan la xiriiray magaalada caabudwaaq ayay ii xaqiijiyeen in la keenay 12 qof oo dhaawac ah afar kamid ahna ay culus-yihiin ayadoo sidoo kalana mar aan soo indha indheyay dhaawaca isbitalka Galkacyana la ii xaqiijiyay in 3 kamid ah uu dhaawacoodu culusyahay balse shaqaalaha gacanta ku hayey Somalitalk u sheegeen in lagula tacaali karo dhaawacooda isbitalka haatanna loohayo adeegooda caafimaad.

Dagaalkan ayaa ka danbeeya kana soojeeda isku qabsi dhul waa hore laga qodayay barkad, waxaana in mudo ahaydba ay labada reer isku dilayeen si gaadmo ah balse aysan weerar kanoo kale ah iskaga hor-iman, ayadoo  dhow casho ka horna dhowr qof lagu dilay deegaanka bali-haraale taasna ay haatan dhalisay in si cad ay beeluhu isu arkaan.

Majiraan cid ilaa haatan kala dhex gashay waxaase jira warar sheegaya in ay jiraan abaabul lagu doonayo in lagu kal dhexgalo beelahan" Waxaana magaaladan Galkacyo ka socda qabanqaabooyin ay wadaan odayaasha gobolka Mudud oo ay ku doonayaan sidii ay u tagi lahayeen goobaha uu dagaalku ka jiro.

Isla dhanka kale ayaa isna sheegaya in ay socdaan kicin dagaal oo laga wado labada dhanba.

MADAXWAYNE KU XIGEENKA PL OO BOOQASHO KU YIMID GALKACYO

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Galkacyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka PL Xasan Dahir Afqurac

Madaxwayne ku xigeena ayaa isla saaka soo gaaray magaalada Galkacyo, waxa uuna shir gaaban la yeeshay qaar kamida masuliyiinta maamulka Gobolka, waxa uuna ka warbixiyay xaalada safarkiisa oo uu sheegay in ay tahay'

Sidii loo xoojin-lahaa Amaanka Goboka iyo in ay soo kormeeraan Airport-

ka magaalada oo maalmahanba uu dhisme dayactir ah ku socday.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa isla saaka waxa uu soo kormeeray garoonka waxaana ku wehliyay booqashadiisa wasiiro, agaasimayaal guud iyo ku xigeeno,  waxaana ka mid ahaa, kusimaha Taliyaha Ciidamada Daraawiishta PL C/samad Cali Shire, Taliayaha ilaalada ciidanka badda PL, Xiif Cali Taar.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa isla saaka sheegay in uu ubaxayo safar gaaban oo uu bariba ku soo laabanayo Galkacyo lana shiri doono maamulka iyo masuuliyiinta bari galinka hore.

MADAXWAYNAHA PL OO DIGREETO KA SOO SAARAY MADAXTOOYADA BOOSAASO.

Digreeto saaka ka soo baxday xafiiska Madaxwaynaha DGFSPL, ayuu ku shegay in la joojiyo maarta iyo biraha daxalaystay ee laga dhoofiyo Gobolada PL, madaxwaynaha ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in cidii lagu arko laga qaadayo talaabo sharci ah waxa uuna sidoo kale Madaxwaynuhu ku muujiyay digreetada maanta uu ka soo saaray xafiiskiissa boosaaso ay ku cadahay in gaarigii lagu qabto oo wada birahan isna uu lamid yahay kan beeca gaysanaya.

Isla saaka ayadoo ay soo baxday digreeto madaxwayne ayaa hadana waxaa saaka ka baxay Galkacyo gaari wayn oo noociisu yahay isjiid wadayna biraha daxalaystay.

Ma'ahan markii ugu horaysay ee birahani laga dhoofsho Gobolada PL, balse waa markii ugu horaysay ee uu ka hadlo madaxwayne. mana jirto cid kale oo si rasmi ah uga hadashay oo ka horaysay madaxwaynaha. 

Sahro Siglan
Galkacyo: (Somalitalk)
sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2005


BAAQ NABADEED BEELAHA KU DAGALAMAYA HOWD
(AAGA YAMAARUGLAY) EE GOBOLKA WARDHEER
 
 BAAQ

Anagoo ah odayaasha iyo dhalinyarada jaalida beesha Biciidyahan ee Scandinavia-ka iyo India. Waxaan ugu baaqaynaa odayaasha, aqoonyahanda, culumaa'udiinka iyo guud ahaan wax garadka labada beelood ee walaalaha ah ee dagaalka isaga hor imaanaya aaga HOWD, in la joojiyo dagaalka iyo dililka aan waxba soo kordhinayn qasaara mahane ee halkaas ka dhacaya, waxaan ugu baaqaynaa in xabad joojin dag dag ah lagu dhawaaqo si shuruud la'aan ah lana meel mariyo, in wadahadal iyo is afgarad wax walba lagu dhameeyo si sharuud la'aanana xabada loo joojiyo.

Waxaan ka xunahay kana tacsiyaynayaa dadkii halkaas ku dhintay labada dhinacba, waxan aad uga xunahay dhacdooyinkaas aan fiicnayn ee ka dhacaya deegaanka dadka walaalahaa wada dagaan!.

Waxaan uga digayaa dhamaan dadka walaalaha ah in ay ka haraan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan deegaankooda, isla markaana waxaan ka codsanayaa in lagu xalliyo wada hadal, waxaan TACSI u direynaa mar kale dhamaan qoysaskii, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii halkaasi ku dhintay, intii dhaawacantayna waxaan u rajaynayaa caafimaad, dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waxaan nahay dad islaam ah marka waa in la tixgaliyaa Diinta islaamka iyo wax ay ka qabto in dad muslim ahi ay is laayaan!.

DHALECAYN!

Waxaan la yaabanahay isla markaana canbaaraynaynaa hadalada ay qoraan website-yada qaarkood, hadaladaas oo aan rumaysanahay in ay yihiin kuwa dadka isku diraya, dhibaatana abuuraya, Somalidu waxay ku maahmaahdaa SI XUN WAX U SHEEG SIXIR KA DARAN!. waxaan beeninaynaa wararka aan sal iyo baarka toona lahayn ee ay bogogooda ku daabacaan ee ku saabsan bilowga dagaalkan. waxaan ognahay oo labada dhinacba la iska diidanayn in nimankii dhintay ee 6-da ahaa ay XABASHI gacantooda ku dhinteen, aanan ka xumahay falkaaas! ALLENA aan u baryayno in uu u naxariisto, waxaan ognahay in ugaas-ka beesha Cabudwaq uu la kulmay saraakiil ciidanka Ethiopia ah oo ay yiraahdeen magtii nimankaas waan bixinaynaa. mar labaad waxaan uga digaynaa dadka waxaas qorayaa in ay ka fiirsadan qoraalkooda inta aysan ku dirin Net-ka oo aduunka oo dhan laga akhrisan warar xaqaa'iqa ka fog, keenina kara dhib.

CODSI!

Ugu danbayntii waxan ka codsanaynaa dhamaan Waxgaradka iyo culuma'udiinka labada dhinacba in isku meel looga soo jeesto sidii xabada loo joojin lahaa oo GEED-ka  fadhi la iskugu imaan lahaa!

Waxan baaqan sixiixay isla markaana soo gubninaya!

1- Suldaan Abdiqani Suldaan Xasan Xaaji Cali Baale

2-Abdirizaq Ibrahim Cigaal

3-Max'ed Abdulqadir Xashi (Atika)

4-Mukhtar Shire Cali

5-Fadumo Jabuuti

6-Abdirashid Abdullaahi J Warfa (Jeeri)

7-Ilix Xasan N Galeyr

8-Salax Teetano

9-Max'ed dheere

10-Bile Xirs

11-Ifrax Max'ed Guure

12 IJaabo Max'ed Guure

13-Ahmedkhadar Loyaan

14-Fadumo Farax Looyaan

15-Deeq Qaali

16-Faisal Abdullahi (Faisal Ciribey)

17-Bashiir Ciise Bare

18-Dahir Maxamuud Yusuf
 

Mukhtar Shire
cuncunsd@hotmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida Somalitalk.com


Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji... May 20

HAFZA oo ku adkaysaneysa Heshiiskii Xaafuun iyo DGPL & DFKM oo aan war cad kasoo saarin
Ciise Maxamuud Dholowaa oo ay SomaliTalk waraysi la yeelatay ayaa waxa uu DGPL ugu baaqay in ay war cad ka soo saaraan arinta shirkada Xafza maadaama shirkadaasi ku adkaysaneyso heshiiskaas Guji.. May 20

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Markii 3aad Baaritaan Caafimaad lagu samaynayo
UK: Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala koonfur galbeed London ayaa baaritaankii 3aad waxaa ay Guji May 18

Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD