SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waqooyiga Ameerika iyo Wadida Baabuurta Waaweyn (Qaybtii 1aad)

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com


Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha gaar ahaan Waqooyiga Ameerika waxa ay maal mahan dambe u yaaceen xaggaa iyo ka shaqaysiga baabuurta waaweyn. Waxa ay yimaadaan goobaha lagu cabo qaxwaha ka dibna waxa ay baadigoobaan qof wax ka yaqaana baabuurta waaweyn, ama ka shaqeeya, haddii ay waayaan qof wixii wax ka yaqaaney waxa ay ku dadaalaan in ay helaan qof yaqaana qof wada baabuurta waaweyn. Kuwa la baray aqoonta maadiga waxa ay markiiba iska raariciyaan Kombuyuutarka kadibna waxa ay si xasiloon u baaraan baabuurta waaweyn. Inkasta oo aan ahay qoraaga wargeyska Warsan – Times, waxa aan sida oo kale ahay ama ka mid ka mid ahay kuwa sharciga loo siiyey in ay wadaan baabuurta Waaweyn ee aadda dhamaan gobolada Maraykanka, seddex iyo tobanka deegaan goboleedka Kanada iyo Lixda gobol ee Meksiko, oo weliba xudduuda la leh Maraykanka.

Baabuurta waaweyn dhalinta wadda qaarna waxa ay ka dhistaan guryo waaweyn, waxa ay ka gataan baabuuro qurux badan, qaarkoodna waxa ay ka sii furtaan ganacsiyo caalami ah. Kuwo dhalintaas ka mid ah waxa ay iska dhaafaan ka shaqaynta baabuurtaa iyaga oo aan dhamaysan seddexda bilood ee ugu horeysa. Qaar dhalintaan ka mid ah waxa ay gataan baabuurta waaweyn iyaga oo aan weli baran sidii ay u kaxaysan lahaayeen. Talow maxaa ugu wacan? Maqaalkaan waxa aan ugu talo galay in aan kaga jawaabo su’aalo khaas ah oo la xiriira ka shaqaysiga kaxaynta baabuurta waaweyn. Waxa aan maqaalkaan aan ku soo koobi doonaa dhowr qodob, oo ay ka mid yihiin; sidee loo helaa shatiga wadida Taraagyada waaweyn (Obtaining Commercial Driver’s License) Noocyada Baabuurta waaweyn, faa’iidooyinka iyo khasaaraha lagala kulmo, iyo weliba lahaanshihiisa.

Inta aadan galin ka shaqaysiga Baabuurta waaweyn waxa haboon in aad wax badan xansatid, maxaa yeelay qofna waa uu kuu amaanayaa qofna waa uu ka dayriyaa, qof walbana waxa uu ku sheegaya waxa uu rabo in aad maqashid. Maadaama aan seddex sano aan ka soo shaqaynayey, waxa aan jeclahay in aan akhristeyaasha qaaliga ah aan la wadaago khibradeyda la xiriirta baabuurta weyn. Faa’iidooyinka uu leeyahay waxaa ka mid ah: (a) Lacago badan oo kusoo gala, (b) adiga oo aan ka welwalayn ilaaliye shaqo, "Supervisor" (c) Adiga oo daawan kara dacalada Waqooyiga Ameerika ee quruxda badan. (d) Shaqadiisa oo inta badan iska ah, bali-bali, joogto.

(a) Ugu horeyna marka aad bilowdo in aan ka shaqayso lacagaha kusoo galaya ma badna, oo waxa aad ku bilaabeysa $560-670 isbuucii, lix illaa iyo laba iyo tobanka bilood ee ugu horeeya, inta aan cashuurta lagaa goyn ka hor. Kaarka caafimaad iyo faa’iidooyinka la siiyo shaqaalaha waxa aad xaq u yeelaneysaa sagaashan cisho ka dib. (b) Qof ku ilaalinaya ma jiro, hase yeeshee, waxaa aad leedahay "Fleet Manager" oo ku soo wacaya haddii aad wax yar u muuqato in aad ka habsaamayso meeshii aad alaabta geyn lahayd. Marna laguuma ogola in aad waddo baabuurkaas in ka badan toban saac oo xiriir ah. (c) Waxa aad nasiib u yeelanaysaa in aad daawato magaalooyinka xeebaha ku yaala ee bilicda san. Deegaanada cimilooyinka quruxsan leh, qorax dhac iyo qorax soo bax. Xayawaano kala duwan oo usoo daawasho taga dhinacyada waddooyinka.  (d) Marwalba shaqadiisu waa bali-bali oo waxa bari iyo koonfur looga baahan yahay dadka yaqaana wadida baabuurta waaweyn.

Dhanka kale waxa ka mid ah khasaarihiisa, (b) Adiga oo ka maqnaanaya xaaskaagii iyo ciyaalkaagii aad jecleyd in ka badan labo illaa seddex isbuuc. (t) Iyada oo aad la kulmeyso daal iyo nafaqadaro joogta ah, (j) Wel wel joogta ah oo la xiriira, talow ma dhumi doonaa, ma buundo gaaban maa tolow horteyda ku qarsoon, ma buuro dhaadheer baa iga horeeya. IWM. (x) Jirooyin aadan weli horey isugu arag, "Travel sickness" (kh) Cimilooyin iyo roobab xoog badan oo aadan marna ka dhuuman karin ama aadan ka digtoonaan karin, oo laga yaabo in ay kaa tuuraan buuro shishe. (d) Adiga oo marwalba iska dhowraya in aad gasho shil, ama aad dhibaato u geyso gaarigaan laguugu soo aaminay. (e) Adiga oo aan marna saadaalin karin goorta lagu rari doono, iyo meesha lagu oran doono alaabta geey. (f) Diiwaan gelinta saacadihii aad shaqayneysay maalin walba, oo haddii ay wax is daba maraan laga yaabo in laguugu ganaaxo in ka badan $1500 dollar. (g) Baabuurka oo laga yaabo in uu kaaga jabo geeri go’an, tusaale kooban, gobolka Moontaana ee xaga galbeed ka xiga North Dakota waxa loo kala socdaa dhexdiisa 1000 mile, marmarka qaar labadii magaalo waxa ay isu jiraan inka badan 200 oo mile, iyo kuwo kale oo badan.

Baabuurta Waaweyn: waxa ay u kala baxaan shan nooc, waxaana sameeya illaa iyo labo iyo toban shirkadood, shanta nooc ee ugu caansan waxa ka mid ah; International, Freightliner, Ken-worth, Peterbuilt iyo Volvo. Volvo qaark ka mid ah waa Automatic, laakin intooda badan waa Manual ama waxa ay Soomaalida u taqaano Isteekshift. Waxa caan ah in ay ka koobnaadaan siddeed marsho "Super 8" ama toban Maarsho "Super 10" wixii ka dambeeyey 2001gii waxa soo caan baxay noocyada wata "13 Speed" ama seddex iyo Maarsho. Baabuurta waa weyn waxa ay leeyihiin wax loo yaqaano, "5th Wheel" taas oo u saamaxda in lagu xiri karo tareelooyinka lagu rido alaabaha. Aad bey u fududahay in lagu xiro ama laga furo. Tareelooyinka waxa ay u kala baxaan afar nooc; Flat bed, Box, Reefer, iyo Is geddis. Flat bed waa mid maran oo alaabaha culus la saaro oo aad arki karto waxa saaran, Box waa tareelaha caanka ah oo uu qof walba yaqaano, midna waa uu furmaa, kuwo kalena waa joogto oo ma furmo. Reefer, waa kan leh fintijeerka oo qaada qudaarta iyo cabitaanada kala duwan. Dhererka tareelada waxa ay kala yihiin 53 iyo 42 feet. Marka tareelaha iyo taraaga laysku xiro waa 72 feet long.

Nooca ugu horeeya ee lasiiyo marka uu qofku barto sida loo wado baabuurta waxaa la yiraahda, "D" laakin marka uu qofka rabo in uu ku shaqaysto laysinkiisa darawal ahaan, waxaa laga rabaa in uu qaato, B iyo A. Waxaa dhamaan laga rabaa qofkasta in uu ku barmooso imtixaanka baabuurta waaweyn oo qoraal ah, ka dib imtixaanka wadida baabuurta. Dadka caqliga badan qaarkood waxa ay qaataan "Permit" ka dib marka ay ku barmoosaan imtixaanka qoraalka ah ee wadida baabuurta waaweyn, waxa ay isla markaasba la xiriiraan shirkado dadka tababarta oo ka dibna shaqaaleysta. Dadka qaar waxa ay aadaan iskuul ka mid ah iskuulada lagu barto sida loo wado baabuurta waaweyn. Dadka iskuulada aada waxa ka baxa qarash badan oo gaaraya illaa iyo lix kun oo doolar, hase yeeshee, waxa lacagtaas inteeda badan bixiya shirkada ugu horeysa ee aad u shaqo doonato. Waxaa imtixaankaas loogalaa afar imitixaan oo midba midka kale ka daran waxaana la kala dhahaa, "Pretrip. General Knowledge, Airbrakes, Combination."

Lahaanshaha: Qofna kulama taliyeen in ay baabuur iibsadaan, maxaa yeelay, shirkadaha waaweyn waxa ay habeen maalin xuglin kula jiraan dadka tirada yar ee ayagu iibsaday baabuurtooda. Magacaaga oo Muslim ah, iyo midabkaada oo madaw awgiis waxa laga yaabaa in aad sitimaanaad fadhido meel oo aad weyso cid alaab kugu rarata. Haddii uu jabo baabuurkiisa ma awoodi doontid in aad si sahal ku samayso, halkii shaag, ama taayar waxa lagu beddelaa $500.00 oo doolar, marka uu gaariga jaro 700 oo mile waa in aad ku shubtaa gaas ama naafto gaaraysa $350.00 doolar Caymiskiisa ma ahan wax la goyn karo bilkasta oo waxa kaaga baxaya, inka badan $560 bil kasta. Gobolkasta waxa uu leeyahay waraaqo ogolaansho ah, oo midkiiba laga bixiyo inka badan $108.00 sanadkiis, marka aad ogolaansho ka qaadato 50 gobol oo kaliya oo aysan ku jirin gobolada Kanada iyo Mexico waxa kaaga baxaysa $1290.00. Laakin marka aad shirkad u shaqayso haddii uu kaa halaawo shirkaddaas waxa ay ku siixanayaan hoteel, waxana kuu soconaya lacago inta aad fadhidid.

Qaybtii labaad  ka akhri halkan... GUJI..

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2005

MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED.  


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD