-
Warbxintii Mahad Turbashaash,
Gudoomiyaha Somali Sport Culture ee
dalka Norway
-
HA
MOOGAAN TARTANKA KUBADDA CAGTA
EUROSOM 2005 LONDON
Warbxintii
Mahad Turbashaash, Gudoomiyaha Somali
Sport Culture ee dalka Norway
Gudoomiyaha
Somali Sport Culture ee dalka Norway Mr
Mahad Turbashaash ayaa warbixin gaaban
ka bixiyay ka soo laabashadii uu ka soo
laabtay dalka Shiinaha halkaas oo ay ka
dhacayeen ciyaarihii World table tennis
championship.
Somalia
waxay xubin ka tahay ITTF , waxaana
muhiim ah in aan ka qayb galno ciyaaraha
iyo shirarka ka dhaca wadamada kala
duwan sanadwalba. Ayuu noo sheegay Mr
Mahad.
Ma aha
Mr Mahad markii ugu horaysay ee uu
Somalia u ga qayb galo shirar noocan oo
kale ah,.
Waxa uu
Mr Mahad ka qayb galay shirarkii ka kala
dhacay magaalooyinka Paris Farance, iyo
Wadanka Qadar Dooxa.
Markaad
eegto xiriirka kubada miiska waxa uu ka
mid yahay xiriirada ugu firfircoon ee ka
dhisan dalkeena, waxaana suurto galiyay
shirarka noocan oo kale in aan ka qayb
galo dhamaan masuuliyiinta xiriirka ee
noo jooga dalkii iyo masuuliyiinta
kunool dibadaba.
Waxaan
marnaba ilaawaynin soo dhawayntii aan ka
helnay dalka shiinaha , iyo sida ay
shacabweeynaha Shiinuhu u xiisaynayeen
ciyaarihii ka dhacayay halkaas.
Waxaa
ciyaarahaa ka soo qayb galay 191 wadan ,
3000 ciyaartooy iyo 250 mudane oo ka
kala socday 202 xiriir,.
CIYAARAHA.
Sidaad
ula socotaanba kubada miisku wxay ka mid
tahay diinaha laga caabudo dalka
Shiinaha ,. Waxay ciyaaruhu ka kala
dhacayeen 6 garoon oo garoonkiiba ay
fariisan karaan in ka badan 10-50:000 oo
qofood.
Waxaa
aad u adkaa in aad hesho tikid aad ku
daawato ciyaaraha table tenniska.
Waxaa
ciyaarahaa kuwada guulaysatay intii
badnayd ciyaartooydii ka socotay dalka
Shiinaha, kuwaas oo qayb walba ay Finle
ilaa semifinal ay isugu soo baxeen -ciyaartooydii
Shiinaha. Waxaan marnaba la ilaaweeyn
labada ciyaartooy ee Finle kii isugu soo
baxay waa Mr Wan Li iyo MaLin oo
labaduba ka socday dalka Shinaha.
Labadan
ciyaartooy ayaan ahayn markii isgu
horaysay ee ay Finle isugu yimaadaan
ASSOCITION.
Shirkii
World Chanbionship ee ka dhacay
magaalada Shanghai- Shinaha ayaa
Association walba waxaa loo ogolaaday in
uu ku soo bandhigo wax qabadka uu qabtay
sanadkii la soo dhaafay , waxaa kale oo
halkaa lagu soo bandhigay in hadii ay
suurto galtahay sharciyada wax laga
badalo , gaar ahaan sida loo tuuro
kubada-miiska, in aynan kubadu dhaafin
garabka , hase yeeshee sharciyadaa
dhamaan wa la diiday.
Sharciyadu dhamaantood waxay ahaan
doonaan sidii hore loo ciyaari jiray.
Intii
shirkaasi socday waxaa looga hadlay
tababarkii ka socday magaalada Mugdisho
oo uu bixinayay tababare ka socday
dalka masar Mr Ahmed Dawlatly oo runtii
imaatinka Mugadisho ay iska kaashadeen
dhamaan masuuliyiinta xriirka kubada
miiska ee joogta dalka iyo kuwa ku nool
dibadaba.
Waxaa
kaloo shirkaa lagu qaabilay ama lagu
ogolaaday Association cusb oo ka socday
dalka Afkhanistan iyo Association ka
socday Montnegro ooh al calan la
wadaaga Serbia.
Waxaa
kaloo shirkaa ka dhacay doorasho ay ku
kala tartamayeen labada xiriir ee dalka
Qadar Mr Khaliila iyo Dalka Nageeria oo
uu ka socday Mar Jorge Songo.
Waxaana
doorashadii ku guulaysay Mr Khaliila oo
ka socday xiriirka kubada miiska ee
dalka Qadar. Mr Khaliila waxaa uu hada
yahay xiriiriyaha guud ee ITTF.
Waxaa
jagadaa hore u haysan jiray Mr Jorge
Songe oo ka socday dalka Nageeria.
SHANGHAI
Magaalada
Shanghai runtii waxay ka mid tahay
magaalooyinka dunida ugu casrisan.
Shanghai waxaa hada ku yaal daarta ugu
dheer dunida , taawarka labaad ee ugu
dheer dunida, beerta ubaxa ee dunida
ugu quruxda badan, Musimamka ugu wayn
dunida halkaas ood ka heli karto
taariikhdii hore iyo taariikhda cusuba.
Shanghai waxaa ku nool 17milyan oo ay
dadku dhamaantood wada shaqeeyaan.
Waxayna dadwaynuhu ka shaqeeyaan
shaqooyin hoose iyo shaqooyin aad u
sareeyaba.
Waxaad
ka heli kartaa alaabta dunida ugu
qaalisan iyo alaabta dunida ugu
raqiisanba..
Ka
qaybgalka shirkan guud ahaan waxa uu
ahaa mid aan runtii ka faaiidaystay
waxyaalo fara badan, aan aaminsanahayna
in aan dadkayga uga faaiidayn karo.
Waxaanan marnaba ilaawayn markii magaca
Somalia meel walba laga sheegayay gaar
ahaan garoonka iyo shirka dhexdiisaba,
calankiina laga suray meel walba.
Sportigu malaha Siyaasad , qabiil iyo
kala jeclaysiba.
Waxaan halkan hanbalyo uga soo
jeedinayaa dhamaan masuuliyiinta
xiriirka table tenniska meelwalba oo ay
joogaan iyo hotel saxaafi-international
iyo waliba ganacsatada qaar suurto
galiyay in ay qabsoomo siminaarkii ka
dhacay Mugadisho bishii Mai horaanteedii.
Waxaan
kaloo iyagana hanbalyo u soo jeedinayaa
Mr Ali Maalin iyo Mr Hassan Muse oo
labaduba ka tirsan ururka Somali Sport
Culture Norway oo runtii taariikh cusub
u soo hooyay dhamaan bahweeynta
xiiseeya ciyaaraha gaar ahaan ciyaaraha
kubada cagta.
Mr Ali
M-Alin iyo Mr Hassan Muse waxay ka
sameeyeen Oslo Norway marnaamij ay u
bixiyeen ciyaaraha gobolada ,, mas
uuliyiintaas oo isku keenay 6 gobol oo
ka dhisan dalka Norway . Gobalkii
walbana waxaa ka socday ilaa 18
ciyaartooy kuwaas oo u diyaariyay
meelhii ay seexan lahaayeen iyo meelihii
ay wax ku cunilahaayeen , iyo waliba
garoomadii ay ku ciyaari lahaayeenba.
Ali
Malin oo hada loo bixiyay madaalaha iyo
isku dubaridaha ciyaaraha gobolada,
waana markii ugu horaysay ee nin masuul
ahi uu isu keeno dhalinyaro intaa le-eg.
Dhamaan
masuuliyiintii ka kala socday Europe oo
iyagu booqasho gaaban ku joogay dalka
Norway , waxay iyana balan qaadeen in ay
ku dayan doonaan, labadaas masuul.
Tababare Hassan Muse waa tababaraha
qaranka Somaliyeed ee ka dhisan dalka
Norway, waxaa uuna tababarnimadiisa ku
darsaday dulqaad iyo ixtiraam uu u hayo
dhamaan ciyaartooyda Somaliyeed ee
kunool Europe.
Ciyaaruhu ma aha mid aad ku raadiso
lacag ama ku dhibto umada , waynan
jiraan kuwo isticmaala qaybi oo xukun,
lakiin waxaa ka badan inta ciyaaraha
dacada u ah.
Waxaan
kaloo Mahad u soo jeedinayaa dhamaan
bahweeynta Somaliyeed ee xiisaysa
Sportiga la-aantoodna aynan suurtoowdeen
in uu qiimo yeesho maqaalkani.
Obs:
Hadii aad u baahan tahay in laguu soo
diro sawiradii ciyaarihii iyo shirkii ka
dhacayay dalka Shiinaha please soo
sheego , waana kuu bilaash.
By
Bahiir
By
Mahad Turbashaash
Mail
horumar5@hotmail.com
Turbashaash@hotmail.com
HA MOOGAAN
TARTANKA KUBADDA CAGTA EUROSOM 2005
LONDON
tartan sanadeedkan eurosom sport oo ah
tartan kulayle kastaa lagu qabto wadan
yurub ah ayaa sanadkaan waxaa uu ka
dhici doonaa dalka UK magaalada London
halkaasoo ay tartankaan iskugu soo bixi
doonaan kooxo ka kala yimid dalal kala
duwan oo Yurub ah sanadkii hore ayaa
waxaa uu tartan kaan ka dhacay dalka
Holland halka ay koobka 2004 la hoydeen
xulka Qaranka Holland sanadkii 2003 dana
ay la hoydeen koobka xulka Qaranka
Kanava Finland kulaylahaan ayaa kooxaha
ay u wada halagamaayaan sidii ay koox
walbaa u hanan lahayd koobka 2005 ta ee
Yurub, waxaana uu tartankaan kaga
duwanaan doonaa kuwii hore iyadoo ay
kooxuhu yihiin kuwo aad u diyaarsan una
bisil tartan sanadeedkaan laguna qaban
doono goob ay Soomaalidu ku badan tahay
waa Londonee,hadaba hadaad xiiseynayso
inaad kasooqayb gasho ciyaarahan ha
moogaan inaad timaado waqtiagna waa
15-27ka July 2005
ISKU-AADKA TARTANTA KUBADDA CAGTA
EUROSOM 2005 LONDON
GROUP A:
ALHIJRA, LEICESTER, KANAVA, GÖTHENBURG,
STOCKHOLM
GROUP B:
HOLLAND, OSLO NORWAY, WAABERI, HORSEED
USA, KIK DENMARK
MAALINTA |
KOOXAHA |
SAACADDA |
15.7 |
HOLLAND Vs HORSEED USA.
WAABARI ENG. OSLO NOR. |
2.00pm
4.00pm |
16.7 |
ALHIJRA ENG Vs LEICESTER ENG
KANAVA FIN. GÖTHENBURG SWE |
2.00pm
4.00pm |
17.7 |
HORSEED USA Vs WAABARI ENG.
KIK DEN. HOLLAND
|
2.00pm
4.00pm |
18.7 |
ALHIJRA ENG STOCKHOLM SWE
LEICESTER ENG. Vs KANAVA FIN
|
2.00pm
4.00pm |
19.7 |
OSLO NOR Vs KIK DEN
HOLLLAND WAABARI ENG. |
2.00pm
4.00pm |
20.7 |
LEICESTER ENG. STOCKHOLM
GÖTHENBURG SWE. Vs ALHIJRA ENG.
|
2.00pm
4.00pm |
21.7 |
WAABARI ENG Vs KIK DEN.
HORSEED USA Vs OSLO NOR |
2.00pm
4.00pm |
22.7 |
STOCKHOLM GÖTHENBURG SWE
KANAVA FIN ALHIJRA
OSLO NOR. Vs HOLLAND
KIK DEN Vs HORSEED USA. |
2.00pm
4.00pm
6.00pm
8.00pm |
23.7 |
LEICESTER ENG Vs GÖTHENBURG SWE.
STOCKHOLM SWE Vs KANAVA FIN. |
2.00pm
4.00pm |
24.7 |
nasasho
|
|
25.7 |
SEMIFINAL
A1
Vs B2
B1
Vs A2 |
|
26.7 |
Athletics |
|
27.7 |
3rd
FINAL |
|
Saida Sheikh Ahmed (VIP)
Xafiiska saxaafada EUROSOM
saidavip1@yahoo.com