Yaa mudan in Maxkamad uu soo Taago Maamulka
Puntland?Madaxweyne
haku fekerin inaad jeel ku rido dad aan waxba galabsan adiga oo ay
madaxtooyadaada qaxwaha kugula cabayaan madaxdii dalka iyo dadka
baabi'say...
Waxaa laga joogaa doorashooyinkii maamul
goboleedka puntland mudo afar bilood ku dhow waxaa la orankaraa wuu
dadaalay madaxweynuhu dhanka wax qabadka dalka wuxuu bilaabay airaborka bosaso,
wuxuu dardar geliyay hay'adaha dawlada qaybtood, wuxuu safara ku tegey
gobolada dalka qaybtood wuxuu ku dhawaaqay in baari taan lagu samayn
doono wasaaradaha dhamaantood iyo hayadaha madaxa banaan ee dawlada si
loo dhowro hantida umada, waxaana uu hawl geliyay hayadihii ku shaqada
lahaa ee ay ugu horeyso hanti dhowrka guud ee dawlada. Hadaba waa taas
meesha su,aashu ka taagan tahay? maxay ka qabteen hanti dhowrka guud
arimihii loo xil saaray? madaxweynuhuse mala xisaabtamay hanti dhowrka
guud?
Hantirdhorka guud ee
puntland wuxuu soo
jiray ilaa aasaaskii dawlad goboleedka Puntland waana hay,ad madaxbanaan
oo hoos tagta madaxweynaha waxaana lagu xasuustaa ilaa waqtigaas inay
ahayd maqaar saar aan umada waxba u qaban isla markaasna ku dhisnayd
qaab hoosaad ay isla og yihiin golaha xukuumadu isla markaasna ay
wasaarad walbi u qoondaysay dhaqaale iska caabin ah si aan hawleheeda
hoose loo fara gashan waxaana soo maray gudiyo kala duwan hadana waxa uu
madaxweynuhu u magacaabay gudoomiye in kastoo ragii hore ka dhex
muuqdaan.
Hanti dhowrka guud oo laga sugaayey is
bedel wuxuu la mid noqday kii hore wuxuu iska indha tiray wasaaradihii
ay ka jirtay lunsashad hantida umadu, wuxuu hoos ugu noqday shaqsiyaad
maqaar saar ahaan ah agaasime waxaadyo mareeyayaal. aaway wasiiradii ilaa
1998 laastay hantida umada guryaha ka jeexday oo weliba aan qarsanayn ee
banaanka la taagan.
Miyaan la oran karin wadaantii ayaa weli
laysu darayaa? madaxweyne cade weli ma baraarugin miyaa mise wixiisu waa
qawda maqashii waxna haw qaban.
yaa mudan in maxkamad lasoo taago?
" Waxaan ka bilaabayaa hanti dhorka guud
oo ah kuwo iyagu marwalba masuulka ka ah fashilka barnaamjyada dawladu
ku talaabsan lahayd.golaha xukuumada wasaaradaha.
"Wasaarada maaliyada oo ah wasaarada
marwalba ugu musuqmaasuqa badan wasiir daacad u ahna aan la keenin marna
ilaa xiligii puntland la asaasay agaasimayaal iyo maareeyaaal micida
soofaystayna ay madaxka yihiin ilaa 1998 aana la bedeli karin kana
samaystay guryo waaweyn iyo hanti xaaraan ah oo umadu leedahay.
"Wasaarada dekedaha oo iyaduna ah meelaha
uu ka lixaadsaday musuq maasuqu iyadoo ay wasaaradu ku guul daraysatay
wax ka qabashada maraakiibta ka kaluumayasta badeheena oo iyagu si
xaasidnima ah u baabiya khayraadka baddeena, balse madaxda wasaaradu ay og
yihiin meesha ay ka yimaadeen hay,ada ilaalinta badaha oo iyadu ah tan
ugu daran ee bada buntland baabi'isay ilaa 1998dii ilaa hada ay isu
bedelayeen rag la yaaqan oo aan dalka wax dan ah ka lahayn qaybtoodna
lagu sheegay inay suntii dalka lagu duugey qayb ka ahaayeen, wasaarada
badu kama hadlin arinta sunta lagu duugey dalka ee hada qayla dhaanteedu
yeerayso qorshana uguma jirto waxaana masuul ka ah wasiirka iyo ku
xigeenadiisa iyo agaasimayaasha guud.
'Wasaarada dawladaha hoose oo ah wasaarada
labaad ee ugu dakhliga badan dawlada iyadoo dhaqaaleheeda lawada ogsoon
yahay meesha uu maro iyo shirkadaha ka samaysmay waana wasarada ugu
dayaca badan dawlada puntlandna waxa ay ka dhimatay dawladaha hoose
markaan hoos u dego dawlada hoose ee bosaso waxaa maalintii kasoo
xerooda dakhli aan qiyaas lahayn khasnada dawladana kuma soo gaaro kowda
duhurnimo, magaalada bosaso oo ah magaalada ugu dakhliga badan cashuuraha
waxay la il daran tahay qashin buuxiyay dariiqyada iyo laamiyada oo ay
dul fadhiyaan biyo wasakhaysan iayadoo lagu tuhun san yahay madaxda
wasaarada inay lunsadeen deeqihii caalamku ugu deeqay masiibadii tasunemiga
waxaana masuul ka ah wasiirka wasiir ku xigeenka iyo agaasimayaasha iyo
waaxyaha hoose magaalooyinka kale puntlandina waa la mid .

Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan,
Booasaaso, Soomaaliya
"Wasaarada qorshaynta xiriirka caalamiga
waxay ka mid tahay wasaaradaha hal bowlaha u ah wasaaradaha dawlada
malahan barnaamij dawladeed qorshaha ay dejisona maaha mid la arko waa
mid khaas u ah wasiirka iyo inta ka ag dhow mashaariicda soo baxdana
waxaa la geeyaa goobo khaasa iyagoo aan la dhamaystirin ayaana la
qaybsadaa cid la xisaabtanta hayadaha caalamiga ah ma jirto waa
yimaadaan waa baxaan waxana masuulka ah wasiirka ku xigeenada iyo
aagasimayaasha guud.
"Wasaarada arimaha gudaha oo ah wasaarad
halbowlaha uh shacabka gaar ahaan dhinaca amniga malahan wasaaradu
maamul loo raaco ilaa 1998kiina ma qaban hawl la tilmaami karo malahan
qorshe wasaaradeed malahan kala damayn iyo maamul toosan shacabka waxaa
mararka qaybtood soo foodsaara amni daro dhac iyo dil waxaadna arkaysaa
iyadoo saldhigyada boliska lagu kala qaadanaayo laaluush waxaa madax ka
ah boliska rag aan aqoon durugsan u lahayn arimaha boliska
mucaawinooyinka hayada WFB ayaa ka mida meelaha ay ku koobantahay
wasaaradu inay maamusho, meelaha ay u isticmaalaan madaxda wasaarudan waa
mid lawada og yahay waxaa intaas ka daran wasaaradu waxay dhaqan dooris
ku samaysay dhalintii mustaqbalaka iyada oo aad arkayso 13-18 jir askari
laga dhigay oo suuqa dhexdiisa ku cabaya khamri, da'daas oo mamnuuc ka ah
sharciyada caalamiga ah in askar loo qaato, wadooyinka magaalada boosaso
malahan nadaam waxaadna arkaysaa wadooyinka magaalooyinka waaweyn oo
xiran mudo saacado badan ah ama laba baabuur oo isku gooyay wadada oo
aan lahayn wax kala kaxeeya, tarafic mushaharooyin ciidanka ma helin
dhowr bilood iyadoo madaxda sare ee wasaaradu ay yihiin kuwo kharash
gareeya maalaayiin shilin maalintiiba waxaasna waxaa masuulka ah
wasiirka iyo ku xigeenadiisa iyo agaasimayaasha guud.
"Wasaarada hawlaha guud oo ka mida
wasaaradaha dawlada ugu musuq maasuqa badan waxaan lahayn maalaayiin
doolar oo masuuliyiinta dawladu usoo qaadeen garoomada
diyaaradaha (aira borada) maamul
goboleedka puntland waxana laguma qaban marka laga reebo airaborka
gaalkacayo oo xoogaa laga taagay, waxaa xusid mudan in hay'ada maamusha dhaqaalaha
duulista hawada soomaaliya ee xarunteedu tahay nairobi ay ugu tala
gashay aira borka basaso in uu noqdo kan hargeysa oo kale balse
dhaqaalihii ay lunsadeen wasiirkii wasaarada iyo rag la mida waxa
wasaarada ugu soo xerooda gadiidka dhaqaale tiro badan ilaa iminkana lama
yaqaan meel uu maro, malahan nadaam wasaaradeed waxaana masuul ka ah
wasiirka iyo ku xigeenadiisa iyo agaasimayaasha guud ee wasaarada .
"Hayada jidadka ee nesha waa hay'ada la
asaasay bilowgii asaaskii puntland waxaana loo asaasay baahida jidadka
punntland waxaa hayadaas dakhligeedu ku dhisan yahay alaabooyinka kasoo
dega dekedaha puntland sida baabuurta, shidaalka iyo qalabka spare-artiga baabuurta iyadoo oo kuleh cashuur iyada u gaaro waxaana
maalintii usoo xerooda malaayiin shiln soomaali ah waxay leedahay
gudoomiye hoos taga madaxtooyada garowe, malahan waxqabad hayadaasi
marka laga reebo meelo ciid lagu buuxiyo laamiga masamayn hal jid oo
cusub ma qalabayn jidka dheer ee laamiga. hadaba miyaysan ahayn wax laga
argagoxo hayad dhan oo dhaqaale boqolaal bilayn ah cashuur u hesha
bishii inaysan samayn hal jid waxaana masuul ka ah gudoomiyaha hayadaas.
"Hayada tamarta iyo biyaha basaweyn waxaa isku
mar la asaasay hayadaas nesha waxaana loo asaasay baahi jirtay markaas
waxaaana dakhligeedu ka yimaadaa cashuuraha ay ka qaadato dekedaha
puntlanad waxaana bishii usoo xerooda balaayiin shilin soomaali ah waxaa
gudoomiye u ah ilaa xiligii la asaasay hal nin mana lahan wax qabad muuqda
marka laga reebo xafiis uu maamulo gudoomiyahaasi waxaa xusid mudan
inaan hal ceel dalka laga qodin dalkuna uu soo maray xaalad biyo
la,aaneed oo ba,an dhaqaalahaasina si muuqata ayuu loogu isticmaalaa
meelo khaasa oo la og yahay waxaana masuul ka ah gudoomiyaha hay adaas.
"Garsoorka puntland ayaa lagu tilmaamaa
mid madax banaan balse aan la oran karin waa madaxbanaan yahay maxaa
yeelay waxa uu ku tiirsan yahay hanti si khaasa loo siiyo isaga oo awood leh
inuu maxkamad soo taago cid ala iyo cidii ku xadgudubta hantida umada
iyo sharciga dalka u yaal waxaanan ku tilmaami karaa inuu garsoor u
yahay inta tabarta daran waana hayda keliya ee u baahan in loo dhiibo
dad xilkas ah aqoona u leh hawsha ay hayaan alena ka cabsanaya waxaad
arkaysaa iyadoo qaadiyaashii maxkamada gunooyin guryohooda loogu geynayo
si aan qarsoodi lahayn si ay dusha uga tuuraan qof aan denbi lahayn iyadoo
maxakamadaha puntlandna ay ka dhacaan xadgudubyo jaraaim ah denbiyada
ugu weyn ayaa waxaa dusha saarsada qaybta xeer ilaalinta dawlada oo
iyada gacanta loo geliyay dad aan istaahilin waxaana masuul ka ah
gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee puntland.
Intaas kuma koobna shaqsiyaadka u baahan
in maxkamad la taago ee wey farabadan yihiin balse intaani waa inta ugu
muhiimsan ee aan is leeyahay hadii intaas la toosiyo puntlandina wey
tooseysaa shacabkana waxbaa loo qaban karayaa waxaan jeclahay inaan
qoraal kale kaga hadlo qaybaha dhiman.
Waxaan madaxweyne cade usoo jeedinayaa
hadii ay kuusuuroobi weydo inaad intaas oo qaybood wax ka qabato inaad
iska casisho xilka aad umada u hayso balse marna niyadaada ha gelin
mudane madaxweyne inaad ku war wareegto adiga iyo hanti dhowrkuba afar
wiil oo aan umada denbi ka gelin inaad maxkamad geysaan ama jeel ku
ridaan iyadoo intaas oo wasaaradood iyo hay adood oo aan tilmaamay ay
kuraasta madaxtooyadaada garoowe qaxwaha kugula cabayaan.
waxaa qoray
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan