SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Tacsi: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
  • Marxuumad Xaajiyo Faadumo Yuusuf Cusmaan oo bishan maarso sagaalkeedii ku geeriyootay degmada Shibis ee Magaallada Muqdisho, Soomaaliya.

Tacsi: Dr. Saalim Caliyoow Ibroow, Dr. Khaalid Cumar Cali, Dr. Maxammed Cusmaan Xasan (Saarto), Dr. Maxammuud Sh. Xuseen, Awees Axmed Iikoow, Saciid Xuseen Saalim, Jeylaani Maxammed Yeslam, Cusmaan Yuusuf Cali, Abuukar Yuusuf Cali, Abdullaahi Abow Xuseen, Ciise Maxammed Xuseen (Maleele), Axmed Maxammed Gacal, Cabdicasiis Muumin Mayoow, Ismaaciil Ali Abuukar (Doonaati), Maxammed Muumin Mayoow, Cabdi Sulub Xuseen, Awees Xasan iyo xaaskiisa Naciimo Cubeyd Khamiis. 

Waxay dhammaan dadkaasi oo kala jooga Yurub, Aasiya iyo Afrika ay Tacsi u dirayaan Qoyskii iyo Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka geeriyootay Illahay ha u naxariistee Marxuumad Xaajiyo Faadumo Yuusuf Cusmaan oo bishan maarso sagaalkeedii ku geeriyootay degmada Shibis ee Magaallada Muqdisho, Soomaaliya, Marxuumadda oo 87 jir ahayd markay geeriyootay waxaa Allaah (sw) looga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowsa, ehelladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootana ka siiyo samir iyo iimaan AAMIIN AAMIIN.

Waxaa si gaar ah tacsida loogu dirayaa caruurta Marxuumadda oo kala ah: Maxammadyerow Abuukar iyo Sahra Cubeyd Khamiis, Naciimo Cubeyd Khamiis iyo Khadiijo Cubeyd Khamiis, waxay marxamuumadda oo ahayd qof ku dadaasha midnimada iyo taakuleynta dadka tabaalaysan ay dunida kaga tagtay 47 qof oo isugu jira waxay dhashay iyo waxay sii dhaleen.

waxaa soo tebiyey Ibrahim Salax
ibra88@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD