SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Qoraaga Suldaan Nayruus Xaaji Aadan oo Sheegay in lagu been abuurtay.

Suldaan Nayruus | suldan25@hotmail.com  | Apr 24, 2005

Aniga oo ah Suldaan Nayruus xaaji Aadan kuna nool magaalda Karachi ee waddanka Pakistan waxaan halkaan ka naqdinayaa been abuurkii waynaa ee la iga sheegay ee mareegaha internet-ka Somalida qaarkood lagu soo daabacay; kaas oo ay ku sheegeen in aan soo qoray warkii ku saabsanaa “Jidh dil iyo kufsi loo gaystay gabadh somaliyeed oo ku nagi Karachi ee gayiga Pakistan“

Waxaan halkaan ka caddaynayaa in uusan warkaas xaafiiskayga uusan ka soo bixin, khabar-daarna aan ka ahay, ciddii igu nabtayna uu Alle ka abaal- marin doono, waxaan leeyahay warkaas waa kuti-kuteen, cidda faafisayna waa dad fowdo ku kor ah oo aqoontoodu yadh tahay, waxaana jidha kooxo Soomaali ah oo waxma garataa oo inta Aqal isugu taga kafakara sidii ay u carqaladayn lahaayeen website-yada saxaafadda xortaa soo bandhiga iyo shaqsiyaadka ay u arkaan in ay sumcad weyn ku leeyihiin bulsho-weynta Soomaali-yeed dhexdeeda sidii ay been uga faafin lahaayeen, waxaana kula talinyaa dadkaas in ay ilaaliyaan bulshadooda dadnimadoodana wax u dhimin, been abuur-kana haka daayeen Qoraayaasha u adeega danaha ummadda Soomaali-yeed, been abuurka  intaas le’egna uma habboona dadka kasmada dheer leh in lugu kaco.

Waxaan u sheegayaa dadka Soomaali-da meel kastooy ku nool-yihiinba in aysan qaadan kutiri-kuteenta raqiiska ah ee fulayadu soo galiyeen shabakadda Intarnet-ka, waxaana u sheegayaa aqristayaa-shayda ku taxan Faalooyin-kayga wax ku-ool-kaa, maqaala-dayda wax tarka leh iyo qormooyin-kayga xiisaha leh in aysan qaadan warkaas balo-sheegga ah, waxaana u sheegayaa akhristayaashayda sharafta leh in aan dadkii soo qoray warkaas oo ku soo daabacay magacayga aan ku dabo-joogo soona joojin doono sharciga Waddanka Pakistana.

FG: waxaan uga digayaa dhammaan mareegaha Soomaalida in aysan daabicin waxa anshaxa Saaxafadda wax u dhimaya. Sidaad ogtihiin qoraal-kaas la iiga been abuurtay, waxaa ku cad gabadh lafaraxumeeyey iyo waliba magaceeda oo saddexan, taasina waa wax ka mamnuuc ah saxaafadda calamka in dad sharaftooda la dhaawaco.

Suldaan Nayruus | suldan25@hotmail.com  | Apr 24, 2005

Pakistan: Jir dil iyo Kufsi Loo Gaystay Gabadh Somaliyeed

Karachi April 23: Malinimadii jimcadi ayaa waxa jidhdil iyo kufsi loo gaystay gabadh ardayad ah oo wax ka barata wadanka pakistan.

Arinkan ayaa ah mid gabi ahanba ugub ku ah magalada karachi iyo dhamaan wadanka pakistan, iyada oo arin kani wal wal ku abuuray dad badan oo somaliyeed oo ku nool magalada karachi iyo guud ahaanba pakistan.

Dhacdadan ayaa ilaa iyo iminka loo xidh xidhay 4 nin oo mid ka mid ah Somali yahay halka sadexda kalena yihiin Pakistaan, Police ka Pakistan ayaa sheegay in ay ku jiraan baritaan balaaran oo ay ku samay nayaan cida ku lug leh dhacdaan foosha xun.

Dhinaca kale Qunsuliyada somalida ee magalada karachi ayaa iyadu waxay muu jisay dadaal dherada iyada oo la xiriir tay dhamaan xarumaha Police ka magalada karachi iyo wiliba laanta sirdoonka ee wadanka Pakistan.

Gabadhaan ayaa lagu magacaba Mayran Cusmaan, ahna arday 25 jira soona gashay wadankaan sanadii 2001.

Xaalada cafimaad ee Maryan Cusmaan ayaa iminka kasoo raynaysa sida uu noo xaqiijiyey Dr. M.Majid, iyada oo wili dawooyin iyo xanayn ugu socoto Hospitalka wayn ee Jinnah Hopital.

Sida maryan u sheegtay sarkaal ka tirsan ciidan Police ee pakistan ayaa waxay ku tilmaan tay in falkaan u gaysteen 5 nin oo mid ka mida ah Somali yahay.

Somaalida ku dhaqan magalada karachi ayaa iyagu gacan ka geystay caawimaada maryan iyo soo kaabida xaladeeda cafimaad, kana muu jiyey walaac arintaan maryan loo geystan. 

W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji Aadan.
        Karachi-Pakistan.
       suldan25@hotmail.com 

     
suldan_25@yahoo.com


Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2005

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD