-
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG
iyo Wasiirka Maalgalinta Dibada ee Libiya oo kala saxiixday Heshiis lagu maalgalinaayo Shirkad
Cusub
- Wafdi isugu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo
Maanta soo Gaaray magaalada Muqdisho
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG
iyo Wasiirka Maalgalinta Dibada ee Libiya oo kala saxiixday Heshiis lagu maalgalinaayo Shirkad
Cusub
War..1
Tripoli...April 10...Ra'iisul Wasaaraha Dowladda
Federaalka KMG ee Somaaliya Prof Cali Maxamed Geedi
iyo Wasiirka Maalgalinta Dibada ee Dalka
Jamaahiiriyadda Libiya Mahamed Al Zaruuq Rajab ayaa
maanta Heshiis lagu maalgalinaayo Shirkad loogu
magacdaray Geeska Afrika oo ka dhaxeyn doonta Labada
Dal ku kala saxiixday Magaaladda tripoli ee Dalka
Liibiya.
Saxiixaasi oo lagu qabtay xarunta Maalgalinta dibadda
ee dalkaasi Liibiya dhinaca Dowladda Soomaaliyeed
waxaa uga qeybgalay Ku-xigeenadda Ra'iisul Wasaaraha,
ahna Wasiirada arrimaha Gudaha iyo Maaliyada, Mudane
Xuseen Maxamed Faarax Ceydid ,iyo mudane Saalim
Caliyow Ibrow iyo Danjirayaasha labada Dal ee
Soomaaliya iyo Liibiya, waxay Ra'isul Wasaare Geedi
iyo Al Sayid Rajab, sheegeen in Shirkadasi ay tahay
mid wadaag ah oo boqolkiiba 50% ay bixiso dowlada halka
boqolkiiba 50% ay bixin doonta Soomaaliya.
Heshiiskasi maanta la kala saxiixday waxaa Shirkadda
Geeska Afrika maamulkeeda wada yeelan doono masuuliyin
ka kala socta labada Dal, iyadoo ka shaqeyn doonta
dhinacayada Wax soo sarka Beeraha sida Mooska,Qudaarta
IWM iyo Dhoofinta Xoolaha iyo Kaluunka.
Labada Masuul waxay Tilmaameen in labada Dal ee
Soomaaliya iyo Liibiya ka wadda faa'iideysan doonaan
iyadoo Wax soo sarka Shirkaasi Geeska Afrika loo soo
Iib-geyn doono Dalka Jamaahiiriyadda Liibiya.
Afhayeenka Dowladda
Cabdiraxmaan Diinaari
Wafdi isugu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo
Maanta soo Gaaray magaalada Muqdisho
Imaatinkooda ka hor ayaa waxaa saakay
xaflad soo dhoweyn ah logu qabtay wafdiga Xaruntii xisbiga ee magaalada
muqdisho oo xarun u ah golaha baarlamaanka ee dowladda FKMG ee soomaaliya.
Waxaana halkaasi diyaar ku ahaa dadweyne
ka kala yimid 16ka degmo ee G/Banaadir, dhamaantood waxaa wejiyadooda laga
dheehan karayay sida ay ugu faraxsan yihiin soo dhoweynta wafdiga, waxaan ka
marneyn ciidanka boliiska iyo kan asluubta qaarkood. waxaa intaa dheer waxaa
maanta halkaa diyaar ku ahaa qaar ka mida fanaaniinta qaranka oo halkaasi ku
soo bandhigay suugaan, sidoo kale waxaa indhahaaga markiiba soo jiidanayay
qaar ka mida dadweynaha oo xirnaa calanka soomaliya,sitana boorar waaweyn oo
muujinaya dareenkooda. Tirada dadweynahaasi ayaa lagu qiyaasi karayay ilaa
kumanaan qofood.
Intaa ka dib ayaa waxaa marqura la arkay oo
gaaray madashii Xarunta baarlamaanka ee EX xaruntii xisbiga wafdigii la
sugayay,waxaana wax yar kadib dadkii halkaasi ku sugnaa la hadlay wasiirka
Amniga Qaranka Maxamad Qanyare oo isagu sheegay mahadcelin dheer kadib in
shacabka ku nool magaalada muqdisho laga doonayo in ay sugaan amaanka
caasimada,si ay markaasi u noqoto caasimaddii dalka,si dowladda ku
meelgaarka ahi ay xarun uga dhigato.
Hadalka Qanyare ayaa u muuqday
guubaabo,waxaa uuna sheegay in shacabku ay yihiin kuwo wax dhisi kara
islamarkaasina wax duminkara.
Mar uu ka hadlayay ciidamada safka hore ee
bishii tagtay 17keedii ay baarlamanku ku codeeyeen inaan la keenin ayuu
sheegay in xitaa arintaa aanu caalamku raali ka ahey.
Waxaa uuna sheegay in shacabka soomaaliyeed
ay ka badbaadiyeen halis ku soo fool laheyd iyo shirqoolo loo maleegayay oo
uu ula jeeday ciidamada Safka hore.
Waxaa kale oo uu xusay Qanyare in laga
gudbay iminka xaaladihii hadalka lana gaaray kuwii ficilka,waxaa loo
baahanyahay buu yiri,in shacabka loo adeego islamarkaasina shacabku ay wax
qabsadaan si ay u badbaadiyaan jiritaankooda.
Dhinaca kale G/ku-xigeenka 2aad ee
Baarlamaanka oo ka mid ahaa mas`uuliyiintii maanta halkaasi ka hadashay
maalmahana ku sugnaa muqdisho Cusmaan Cilmi Boqore ayaa carabka ku dhiftay
in laga gudbay loona gudbay ficil,waxaa uuna sheegay in la fulin doono
dhamaan 29qodob ee lagu gaaray Kenya,ee ku aaddanaa maamul u sameynta G/Banaadir
iyo Suggidda amniga caasimadda.
G/ku-xigeenka ayaa sheegay in imaanshaha
wafdigani uu qeyb la taaban karo ka qaadanayo nabadgelyada magaalada
muqdisho isagoo tilmaamay in raggani ay yihiin kuwii hubka heystay waxaana u
intaasi ku daray inay sahlanaan doonto in hubkooda iyo ciidankooda ay kala
baxaan islamarkaasina ay xerooyin banaanka ah geynayaan.
Xubnihii maanta soo gaaray halkan ayaan
caddeyn inay ku nagaanayaan muqdisho iyo inay ku laabanayaan Kenya.
Si kastaba ha ahaatee wafdigaan oo ay ku
jiraan ragga ugu hubka badan caasimadda islamarkaasina xubno ka ah dowladda
FKG Soomaliya ayaa waxaa ay ku biirayaan xubnihii horay u joogay waxaana
looga fadhiyaa fulinta qodobadii 29ka ahaa ee dhowaan ay ku gaareen Nairobi
ee la xiriiray suggida amniga ee caasimadda muqdisho
Hassan Ali Dhaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu,Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2005
Waftigii Ra'iisul
Wasaare Geedi oo Tripoli Kula Kulamay Jaaliyadda Soomaaliyeed
»Ra'iisul
Wasaare Geedi oo Xamar u Magcaabay Guddoomiye
»Ciidamo
Ethiopian ah oo soo galay xudduuda soomaliya
»Baydhabo:
Wafdi xildhibaano ah oo lagu sameeyay jidgooyo
»Madaxweynaha
DFKMG oo ku soo Laabtay Nairobi...
»Ra'iisul wasaare Geedi oo aan la socon
Madaxweynaha
»Xildhibaano
ku sugnaa Muqdisho oo u safray G/Bay & Bakool
»Hogaamiyaha
UNAFRIK oo soo gaaray Nairobi
»Howl-wadeenada
SSUP oo soo gaaray magaalada Nairobi
»Xisbiga
SSUP oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho
Wararka oo dhan...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|